National Nursing and Midwifery Training Institute - FMOH

  • Home
  • National Nursing and Midwifery Training Institute - FMOH

National Nursing and Midwifery Training Institute - FMOH Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from National Nursing and Midwifery Training Institute - FMOH, Health & Wellness Website, Via Londra Rd.Hamar JaJab, .

Bogga rasmiga ah ee Machadka Qaranka ee Kalkaaliyeyaasha iyo Umulisooyinka – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, oo u heellan horumarinta iyo tayaynta shaqaalaha caafimaadka ee dalka

Machadka Tababarka Kalkaaliyayaasha iyo Umulisooyinka Qarankawaxay dhammaan Muslimiinta u rajeynayaan Jumca Mubaarak, Al...
23/01/2026

Machadka Tababarka Kalkaaliyayaasha iyo Umulisooyinka Qaranka
waxay dhammaan Muslimiinta u rajeynayaan Jumca Mubaarak, Allaha naga aqbalo cibaadadeenna

Machadka Tababarka Kalkaaliyasha iyo Umulisooyinka Qaranka ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada wuxuu hambal...
21/01/2026

Machadka Tababarka Kalkaaliyasha iyo Umulisooyinka Qaranka ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan gabdhihii ku guuleystay imtixaanka qaran ee lagu xulanayay ardayda loo tababarayo xirfadda umulisanimo.

Xulashadan ayaa si daah-furan looga sameeyay dhammaan gobollada dalka, iyadoo mudnaan gaar ah la siiyay deegaannada ay ku yar yihiin xirfadlayaasha caafimaadka iyo adeegyada bulshada, si loo xoojiyo helitaanka adeegyo hooyada iyo dhallaanka ah ee tayadoodu sarreyso.

Guud ahaan, 165 gabdhood ayaa ku guuleystay imtixaanka, kuwaas oo lagu tababari doono xarumaha Machadka Tababarka Kalkaaliyasha iyo Umulisooyinka Qaranka, ee ku kala yaalla Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo iyo Dhusamareb.

Machadku wuxuu ku wargelinayaa dhammaan gabdhaha la soo xushay in ay si degdeg ah u tagaan xarumaha tababarka ee loogu talagalay, si loo dhammaystiro diiwaangelinta iyo bilaabista tababarka rasmiga ah, iyagoo wata dukumentiyada looga baahan yahay.

Xaflad sagootin ah oo ay soo agaasimeen Xafiiska Arrimaha Ardayda ayaa lagu qabtay Xarunta Machadka Tababarka Kalkaaliya...
14/01/2026

Xaflad sagootin ah oo ay soo agaasimeen Xafiiska Arrimaha Ardayda ayaa lagu qabtay Xarunta Machadka Tababarka Kalkaaliyasha iyo Umulisooyinka Qaranka, taas oo lagu sagootinayey Dufcaddii 7aad ee gabdhaha ka qalin-jabinaya machadka kadib muddo saddex sano oo waxbarasho, juhdi iyo dadaal joogto ah.

Xafladda ayaa si rasmi ah u furtay Agaasimaha Machadka, iyadoo jeedisay hadal dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jira, kuna amaantay gabdhaha adkaysiga, samirka iyo dadaalka ay muujiyeen muddadii waxbarashada, isla markaana ku boorrisay in ay si masuuliyad iyo anshax leh ugu adeegaan bulshada. Sidoo kale, macallimiinta iyo maamulka kale ee machadka ayaa iyaguna jeediyey hadallo dardaaran iyo talooyin wax ku ool ah, iyagoo ardayda kula dardaarmay in ay ku dhaqmaan aqoontii iyo tababarkii ay ka heleen machadka, kana shaqeeyaan ilaalinta sharafta xirfadda umulisada.

Ardayda iyagoo muujinaya mahadcelin iyo qadarin ay u hayaan maamulka iyo macallimiintooda, ayaa guddoonsiiyey shahaadooyin sharaf oo ay si gaar ah ugu talagaleen macallimiintooda, taas oo astaan u ahayd mahadnaqa doorka ay ka qaateen waxbaristooda iyo hagitaankooda muddadii saddexda sano ahayd.

Gabdhahan oo laga soo xulay gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Banaadir, ayaa lagu boorriyey in ay ka soo baxaan waajibaadkooda shaqo, una adeegaan bulshada meel kasta oo loo diro, iyagoo door muuqda ka qaadanaya horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Dayeelka Bulshada ee DFS, Dr. Marian Mohamed Hussein ayaa si rasmi ah u daahf...
01/01/2026

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Dayeelka Bulshada ee DFS, Dr. Marian Mohamed Hussein ayaa si rasmi ah u daahfurtay Imtixaanka Qaran ee Tababarka Xirfada Umulisanimada.

Wasiiru dowlaha ayaa xustay in imtixaankani yahay tallaabo muhiim ah oo lagu tayeynayo, laguna hubinayo tayada xirfadda umulisanimada, isla markaana qeyb ka ah dadaallada Wasaarada Caafimaadka ee lagu dhisayo nidaam caafimaad oo tayo iyo adkaysi leh.

Agaasimaha Machadka Qaranka ee Tababarka Kalkaaliyeyaasha iyo Umulisooyinka, Ms. Sulekha Rashid, oo wasiirada ku wehlisay daahfurka imtixaankan ayaa sheegtay in ku dhowaad 400 oo gabdhood ay u fariisteen imtixaanka, kaas oo si hufan loogu qabtay magaalooyin ay ka mid yihiin *Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Luuq, Dhuusamareeb, Galkacyo iyo Beledweyne* .

Ujeeddada imtixaankan qaran ayaa ah in dhammaan gobollada dalka laga helo umulisooyin xirfad iyo aqoon leh si loo xaqiijiyo in hooyo kasta oo Soomaaliyeed ay hesho daryeel caafimaad oo tayo leh, kana dhow deegaanka ay ku nooshahay. Tani waxay door weyn ka qaadaneysaa yaraynta dhimashada hooyada iyo dhallaanka, isla markaana xoojinaysa adeegyada caafimaadka ee guud ahaan dalka.

Ugu dambeyn, Wasiiru-dowlaha ayaa kula dardaarantay ardayda u fariisatay imtixaanka in ay muujiyaan dadaal, kalsooni iyo masuuliyad, ayna xasuustaan in ay yihiin tiirka daryeelka hooyada iyo dhallaanka ee mustaqbalka, iyagoo ku shaqeynaya aqoon, anshax iyo naxariis si ay ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa si habsami leh usoo gabagaboobay tababar socday 5 maalmood oo ku saabsan Daryeelka Degdegga ah ee Aasaasiga ah ee ...
27/12/2025

Waxaa si habsami leh usoo gabagaboobay tababar socday 5 maalmood oo ku saabsan Daryeelka Degdegga ah ee Aasaasiga ah ee Hooyada iyo Dhallaanka (BEmONC), kaas oo si wada jir ah u soo agaasimeen Machadka Tababarka Kalkaaliyasha iyo Umulisooyinka Qaranka, Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir iyo Midowga Umulisooyinka Soomaaliyeed.

Tababarkan oo lagu qabtay hoolka tababarka ee Machadka Tababarka Kalkaaliyasha iyo Umulisooyinka Qaranka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta aqoonta iyo xirfadaha umulisooyinka ee la xiriira daryeelka degdegga ah ee hooyada iyo dhallaanka, gaar ahaan aqoonsiga iyo maaraynta xaaladaha degdegga ah inta lagu jiro uurka, dhalmada iyo umusha ka dib.

Waxaa tababarkan ka faa’iidaystay ardayda dhawaan qalin-jabinaysa iyo umulisooyin ka socday xarumaha caafimaadka Gobolka Banaadir, si ay u horumariyaan tayada adeegyada caafimaad, una xaqiijiyaan daryeel badbaado leh oo waafaqsan baahiyaha bulshada.

Machadka wuxuu ku dadaalayaa in tababaradan ay noqdaan kuwa joogto ah, si joogto ahna looga faa’iideeyo shaqaalaha caafimaadka cusub iyo kuwa shaqada ku jira, loona xoojiyo adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

OGEYSIIS:Waxaan si xushmad iyo sharaf leh ugu wargelinaynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha danaynay...
22/12/2025

OGEYSIIS:
Waxaan si xushmad iyo sharaf leh ugu wargelinaynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha danaynaya barashada cilmiga umulisada, in is-qorista Machadka Kalkaaliyayaasha iyo Umulisoyinka Qaranka ay haatan marayso marxaladdii ugu dambeysay.
Waxaa ka harsan waqti aad u kooban, waxaana is-diiwaangelintu si rasmi ah u xirmaysaa dhammaadka toddobaadkan•

Fadlan ka faa’iidaysta fursaddan qiimaha leh, kuna dadaala inaad is-diiwaangelisaan inta waqtigu haray.

Mahadsanidiin

enrollment

14/12/2025
📢 𝙊𝙂𝙀𝙔𝙎𝙄𝙄𝙎 𝙈𝙐𝙃𝙄𝙄𝙈 𝘼𝙃 – 𝙄𝙨-𝙌𝙤𝙧𝙞𝙨𝙩𝙖 𝘽𝙖𝙧𝙣𝙖𝙖𝙢𝙞𝙟𝙠𝙖 𝙏𝙖𝙗𝙖𝙗𝙖𝙧𝙠𝙖 𝙐𝙢𝙪𝙡𝙞𝙨𝙤 𝙎𝙖𝙧𝙚 (𝙌𝙪𝙖𝙡𝙞𝙛𝙞𝙚𝙙 𝙈𝙞𝙙𝙬𝙞𝙛𝙚𝙧𝙮 𝙋𝙧𝙤𝙜𝙧𝙖𝙢)𝙄𝙨-𝙦𝙤𝙧𝙞𝙨𝙩𝙖 𝘽𝙖𝙧𝙣𝙖𝙖𝙢𝙞𝙟𝙠𝙖...
12/12/2025

📢 𝙊𝙂𝙀𝙔𝙎𝙄𝙄𝙎 𝙈𝙐𝙃𝙄𝙄𝙈 𝘼𝙃 – 𝙄𝙨-𝙌𝙤𝙧𝙞𝙨𝙩𝙖 𝘽𝙖𝙧𝙣𝙖𝙖𝙢𝙞𝙟𝙠𝙖 𝙏𝙖𝙗𝙖𝙗𝙖𝙧𝙠𝙖 𝙐𝙢𝙪𝙡𝙞𝙨𝙤 𝙎𝙖𝙧𝙚 (𝙌𝙪𝙖𝙡𝙞𝙛𝙞𝙚𝙙 𝙈𝙞𝙙𝙬𝙞𝙛𝙚𝙧𝙮 𝙋𝙧𝙤𝙜𝙧𝙖𝙢)
𝙄𝙨-𝙦𝙤𝙧𝙞𝙨𝙩𝙖 𝘽𝙖𝙧𝙣𝙖𝙖𝙢𝙞𝙟𝙠𝙖 𝙏𝙖𝙗𝙖𝙗𝙖𝙧𝙠𝙖 𝙐𝙢𝙪𝙡𝙞𝙨𝙤 𝙎𝙖𝙧𝙚 (𝙌𝙪𝙖𝙡𝙞𝙛𝙞𝙚𝙙 𝙈𝙞𝙙𝙬𝙞𝙛𝙚𝙧𝙮 𝙋𝙧𝙤𝙜𝙧𝙖𝙢) 𝙚𝙚 𝙈𝙖𝙘𝙝𝙖𝙙𝙠𝙖 𝙏𝙖𝙗𝙖𝙗𝙖𝙧𝙠𝙖 𝙐𝙢𝙪𝙡𝙞𝙨𝙤𝙤𝙮𝙞𝙣𝙠𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙆𝙖𝙡𝙠𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖𝙨𝙝𝙖 𝙌𝙖𝙧𝙖𝙣𝙠𝙖, 𝙒𝙖𝙨𝙖𝙖𝙧𝙖𝙙𝙙𝙖 𝘾𝙖𝙖𝙛𝙞𝙢𝙖𝙖𝙙𝙠𝙖 & 𝘿𝙖𝙧𝙮𝙚𝙚𝙡𝙠𝙖 𝘽𝙪𝙡𝙨𝙝𝙖𝙙𝙖 𝙬𝙖𝙡𝙞 𝙬𝙖𝙖 𝙨𝙤𝙘𝙤𝙩𝙖𝙖. 𝘼𝙧𝙙𝙖𝙮𝙙𝙖 𝙙𝙖𝙣𝙖𝙮𝙣𝙖𝙮𝙨𝙖 𝙬𝙖𝙭𝙖𝙮 𝙖𝙧𝙖𝙖𝙟𝙞𝙙𝙤𝙤𝙙𝙖 𝙠𝙪𝙨𝙤𝙤 𝙜𝙪𝙙𝙗𝙞𝙣 𝙠𝙖𝙧𝙖𝙖𝙣 𝙭𝙖𝙧𝙪𝙢𝙖𝙝𝙖 𝙈𝙖𝙘𝙝𝙖𝙙𝙠𝙖 𝙚𝙚 𝙝𝙤𝙤𝙨 𝙠𝙪 𝙭𝙪𝙨𝙖𝙣:

📍 Ardayda ku dhaqan Gobolka Banaadir
📌 Xamar Jajab – u dhaxaysa Isbitaalka Martini & Xabsiga Dhexe
📞 0619335276 | 0619335279

📍 Ardayda ku dhaqan Jubaland
📌 Kismaayo – Xaafadda Faanoole, agagaarka Hotel Madina (ex Cascasey) & Hormuud
📞 | 0615808078 | 0615835742 | 0619811113

📍 Ardayda ku dhaqan Koonfur Galbeed
📌 Baydhabo – Xaafadda Cunaaye, agagaarka Wasaaradda Caafimaadka KG
📞 0615578369 | 0615521684

📍 Ardayda ku dhaqan Galmudug
📌 Dhuusamareeb – Xaafadda Hodan, u dhow Wasaaradda Waxbarashada GM
📞 0615609900 | 0615881310

📍 Ardayda ku dhaqan Hirshabeelle
📌 Waxay la xiriiri doonaan Numberadan Hoos ku xusan
📞 0615502668 | 0615947952

⏰ 𝐈𝐬-𝐪𝐨𝐫𝐢𝐬𝐭𝐮 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐞𝐠𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲: 𝟐𝟓 𝐃𝐞𝐜𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟓
📄 𝐅𝐚𝐝𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐞𝐞𝐧 𝐝𝐮𝐤𝐮𝐦𝐞𝐧𝐭𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚𝐚𝐝 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐦𝐚𝐚𝐧𝐚𝐲𝐬𝐨.

𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝𝐬𝐚𝐧𝐢𝐝𝐢𝐢𝐧.

𝐌𝐚𝐜𝐡𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐔𝐦𝐮𝐥𝐢𝐬𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 & 𝐊𝐚𝐥𝐤𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚
𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 & 𝐃𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚, 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚
of Health- Somalia

UJEEDO: OGEYSIIS QAADASHO ARDAY CUSUB - UMULISO SARE - WASAARADDA CAAFIMAADKA IYO DARYEELKA BULSHADA DOWLADA SOOMAALIYA....
03/12/2025

UJEEDO: OGEYSIIS QAADASHO ARDAY CUSUB - UMULISO SARE - WASAARADDA CAAFIMAADKA IYO DARYEELKA BULSHADA DOWLADA SOOMAALIYA.


Machadka Qaran ee Tababarka Kalkaaliyaasha &Umulisooyinka ee Wasaaradda caafimaadka iyo Daryeelka bulshada, wuxuu qaadanayaa arday cusub oo loo tababarayo umuliso xirfad sare leh, (Qualified Midwife). Taas oo socon doonta mudo 36 bilood ama 3 sano.


Hadaba waxaa la ogaysiinayaa dhamaan ardayda ku dhaqan gobolada Banadir, Shabelada Hoose, Shabelleda Dhexe, Hiiraan, Galgaduud, Mudug, Bay, Bakool, Gedo, Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose ee haysta shahaado dugsi sare gaar ahaan gabdhaha danaynaya inay Bartaan Xirfada Umulisanimada, inay soo codsan karaan tababarka kor kuxusan.
Waana in ay soo buuxiyaan shuruudaha hoos kuxusan /qoran;

1. Codsadaha waa inuu heysto shahaado dugsi sare kuna baasay imtixaanka qaranka ee wasaaradda Waxbarashada
2. Waa inay tahay dumar.
3. Waa in ay diyaar u tahay una hogaansanto heshiiska qaadashadda imtixaanka kaas oo ay qadeeyso Machadka Tababarka Kalkaaliyaasha iyo Umulisoyinka Qaranka, oo hoos yimid Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowlada Soomaaliya.

Waxaa laga doonayaa qofka daneynayo tababarkan inuu soo gudbiyo waxyaabahan hoos kuqoran:

1. Warqad Codsi ah
2. Shahaadada dugsi sare oo copy ah
3. Labo sawir oo nooca teesaraha ah
4. Shahaado cadayn caafimad ( Medical Certificate)
5. Gal bir leh (oo lagu xafido dokumentiga)

Qabashadda araajidda waxay soconeysaa mudo kooban, Tiradda la qaadanayo oo aad u kooban darteed dagdag u gudbiso dukumintiyadda sare kuxusan.

Araajida waxaa lagu qabanayaa Machadka Qaranka ee Kalkaaliyaasha iyo umulisooyinka oo kuyaala Muqdishu, Baydhabo, Kismayo iyo Dhusamareeb, waxana kala xiriiri kartaan Numberada hoos ku xusan,

❖ Mogadishu National Midwifery Institute
TEL : 0619335276
0619335279

❖ Baidoa National Midwifery Institute
TEL : 0615578369
0615521684

❖ Kismayo National Midwifery Institute
TEL : 0615808078
0615835742
0619811113

❖ Galgadud National Midwifery Institute
TEL : 0615609900
0615881310
0615502668

𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐡𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐤𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐔𝐦𝐮𝐥𝐢𝐬𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚  𝐦𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐣𝐢𝐫𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐠𝐢𝐢 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐚𝐦𝐛𝐞𝐞𝐲𝐞...
02/11/2025

𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐡𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐤𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐔𝐦𝐮𝐥𝐢𝐬𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐦𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐣𝐢𝐫𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐠𝐢𝐢 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐚𝐦𝐛𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐞𝐞 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐨𝐨𝐝𝐚.

Kadib muddo saddex sano ah oo waxbarasho iyo tababar adag, ardayda Machadka Tababarka kalkaaliyaasha iyo Umulisooyinka Qaranka ayaa hadda ku guda jira wareeggii ugu dambeeyay ee tababarka isbitaalka (Clinical practice) ee ku qaateen isbitaalada dalka.

Ardaydan waxaa laga soo xulay gobollada Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe, iyo Banaadir, iyadoo ujeeddadu tahay in gobollada ama meelaha ay ku yaryihiin shaqaalaha caafimaad loo tababaro umulisooyin xirfad sare leh, si ay door muuqda uga qaataan bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh iyo daryeelka hooyada iyo ilmaha.

Tallaabadani waa qayb ka mid ah dadaallada Wasaaradda Caafimaadka ee lagu doonayo in la helo caafimaad loo siman yahay iyo in la xoojiyo shaqaalaha caafimaadka ee heer gobol iyo heer degmo.

Ardaydan waxaa loo tababaray xirfado casri ah oo la jaan qaadaya heerarka caalamiga ah, si ay markay deegaannadooda ku laabtaan kaalin muuqata uga qaataan yareynta dhimashada hooyada iyo dhallaanka iyo horumarinta caafimaadka bulshada.

Machadka Tababarka kalkaaliyaasha iyo Umulisooyinka Qaranka wuxuu ku faanayaa inuu yahay xarun soo saaraysa umulisooyin iyo kaadiriin xirfad, aqoon iyo anshax leh, kuwaas oo u heellan inay bulshada u adeegaan si xirfad leh.

----------------
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

-Nursing-and-Midwifery-Training-Institute-FMOH
Nursing and Midwifery v • Training Institute - FMOH

04/06/2023

gelinta waxey ku egtahay maalinta berito ah
#5/june/2023
Fadlan horay ugaar yesan ka xirmin

UJEEDO: OGEYSIIS OAADASHO ARDAY UMULISO SARE (Nursing Midwives)Machadka tababarka umulisooyinka ee Wasaaradda caafimaadk...
16/05/2023

UJEEDO: OGEYSIIS OAADASHO ARDAY UMULISO SARE (Nursing Midwives)

Machadka tababarka umulisooyinka ee Wasaaradda caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ee loo yaqaano (Muqdishu Midwifery Training Institute), wuxuu qaadanayaa arday cusub oo loo tababarayo umuliso heer sare ah( Post Basic).

Hadaba waxaa la ogaysiinayaa dhamaan ardayda ku dhaqan gobolka Banaadir ee haysta shahaado kalkaalisonimo ( Nursing) gaar ahaan gabdhaha danaynaya inay Bartaan Umulisooyin qibrad sare leh, inay soo codsan karaan tababarka kor kuxusan.
Waana in ay soo buuxiyaan shuruudaha hoos kuxusan /qoran;
1. Codsadaha waa inuu heysto shahaado kalkaalisonimo
2. Waa inay tahay dumar.
3. Waa in ay diyaar u tahay una hogaansanto heshiiska qaadashadda oo ay la galayso Wasaarada Caafımaadka & Daryeelka Bulshada.

Waxaa laga doonayaa qofka daneynayo tababarkan inuu soo gudbiyo waxyaabahan hoos kuqoran:
1. Warqad Codsi ah
2. Shahaadada (Nursing) kalkaalisonimo oo copy ah
3. Labo sawir oo nooca teesaraha ah
4. Gal bir leh (oo lagu xafido dokumentiga)
Qabashadda araajidda waxay soconeysaa mudo isbuuc ah , Tiradda la qaadanayo oo aad u kooban darteed dagdag u gudbiso dukumintiyadda sare kuxusan.

Araajida waxaa lagu qabanayaa iskuulka umulisoyinka oo kuyaalo degmada Xamar-Jajab gaar ahaan inta u dhaxeyso isbitaalka martini iyo xabsiga dhexe.

Waxii faahfaahin ah kala xiriir 0613822416
Mahadsanidiin

Address

Via Londra Rd.Hamar JaJab

252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when National Nursing and Midwifery Training Institute - FMOH posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to National Nursing and Midwifery Training Institute - FMOH:

  • Want your practice to be the top-listed Clinic?

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram