Dawo Podcast

Dawo Podcast Waxaannu nahay, warbaahin soo gudbisa, Barnaamijyada Arrimaha Caafimaadka. Waxa aannu idinka codsanaynaa in aad nagu xidhnaataan. Mahadsanidiin. SOO DHAWAADA!

Wixii talo iyo tusaale ahna waxa aad noogu soo diri kartaa taleefan numberkayga iyo emailkayga.

10/12/2025

Fadhiga 8-aad.

Fadhigan oo aanu la yeelanay Dr. Sacad Ahmed Abdiwali, kalana sheekaysanay: caafimaadka bulshada, cilmibaadhista, fursadaha shaqada iyo guud ahaaan doorka caafimaadka ee aasaasig. Isaga oo dhammaystiran ka soo dawo Youtube https://youtu.be/g_FZy6-J9s4

Fadhiga 8-aad.Fadhigan oo aanu  la yeelanay Dr. Sacad Ahmed Abdiwali, kalana sheekaysanay: caafimaadka bulshada, cilmiba...
09/12/2025

Fadhiga 8-aad.

Fadhigan oo aanu la yeelanay Dr. Sacad Ahmed Abdiwali, kalana sheekaysanay: caafimaadka bulshada, cilmibaadhista, fursadaha shaqada iyo guud ahaaan doorka caafimaadka ee aasaasiga. Fadlan bari (Arbaca) ka dhagayso: Dawo Podcast, Hir Media
YouTube
https://youtube.com/?si=Z1agzL_1EJKvn8Rc

05/12/2025
Muxuu yahay Xanuunka Marburg Virus ee ka dillaacay Dalka Itoobiya?Cudurka Marburg waa cudur faafa oo aad u halis ah, wax...
16/11/2025

Muxuu yahay Xanuunka Marburg Virus ee ka dillaacay Dalka Itoobiya?

Cudurka Marburg waa cudur faafa oo aad u halis ah, waxaana sababa fayraska Marburg. Cudurka waxaa lagu qaadi karaa xidhiidh toos ah oo lala yeesho dhiigga ama dheecaannada jidhka ee qof qaba cudurka, ama sidoo kale taabashada agabka cudurku ku faafay. Xayawaanka Fiidmaarta (fruit bats) ayaa ah sidaha dabiiciga ah ee cudurka.

Calaamadaha Cudurka Marburg:

•⁠ ⁠Xumad
•⁠ ⁠Madax xanuun
•⁠ ⁠Muruqyo xanuun
•⁠ ⁠Yalaalugo/lalabo iyo matag
•⁠ ⁠Shuban dhiig leh
•⁠ ⁠Xanuun caloosha ah
•⁠ ⁠Dhiig-bax
•⁠ ⁠Xubnaha jighka oo shaqo gaba

Qaabka uu Cudurka u Faafayo:

•⁠ ⁠Xidhiidh toos ah oo lala sameeyo xayawaanka fiidmeerta ama dadka cudurka qaba.
•⁠ ⁠Qofka oo taabta dhiigga ama dheecaannada jidhka qofka qaba cudurka.
•⁠ ⁠Qofka oo taabta agabka wasakhaysan (qalabka caafimaadka, dharka iwm) ee qofka cudurka qaba taabtay.
•⁠ ⁠Faafintaan gudaha cusbitaalada haddii aan la raacin tallaabooyinka nadaafadda.

Ka Hortagga Cudurka:

•⁠ ⁠In laga fogaado xidhiidhka tooska ah ee xayawaanka iyo dadka cudurka qaba.
•⁠ ⁠Nadaafadda wanaagsan iyo adeegsiga qalabka ilaalinta caafimaadka (galoofisyada, afxidh (facemask).
•⁠ ⁠In dadka cudurka qaba meel gaar ah lagu karantiilo si looga hortago faafitaanka.
•⁠ ⁠Kordhinta wacyigelinta bulshada iyo taageerada caafimaadka.

Daaweynta:

Ma jiraan daawooyin gaar ah oo xanuunka lagula tacaalaa, laakiin daryeel taageero ah ayaa loo fidin karaa bukaanka sida in

•⁠ ⁠Fuuq celin: Si loo ilaaliyo dheelitirka biyaha.
•⁠ ⁠Oksijiin (Oxygen): Si loo caawiyo neefsashada.
•⁠ ⁠Daawayn tijaabo ah sida Daawoyinka feyraska ladagaalama (antivirals).

Maareynta Faafitaanka:

•⁠ ⁠Kormeer caafimaad iyo in h**e loo ogaado cudurka.
•⁠ ⁠Kooxaha ka jawaaba xaaladaha degdega ah in laga sameeyo goobaha cudurka ka dillaacay.
•⁠ ⁠In bulshada laga wacyigeliyo sida looga hortagi karo cudurka.

Xusuusin:

Haddii aad isku aragto calaamadaha cudurka, isla markiiba la xidhiidh xarunta caafimaad ee kuugu dhaw. Cudurka Marburg waa mid halis ah, waxaana muhiim ah in bulshada laga wacyigeliyo

Waxaa diyaariyay
Dr. Mustafe M. Aw Ali
MD, MPH, Internal Medicine Specialist

Confirms Virus Outbreak — Here’s What We Know So Far

As of 14 November 2025, Marburg virus disease (MVD) has been confirmed by the National Reference Laboratory.

Africa CDC is working closely with the Ministry of Health,Ethiopia and the Ethiopian Public Health Institute to support rapid containment through enhanced surveillance, genomic sequencing, and coordinated outbreak response.

🧬 Find out more: https://ow.ly/F4HX50Xs3ty

24/10/2025

Xanuunada Kansarka ku dhaca dhiiga Caruurta

21/10/2025

Kansarka Dhiiga Caruurta

Caruurtu Kansarka (Cancer) miyay ka bogsan karaan. Halkan ka daawo, wax aan wada sheekaysi ku saabsan Kansarka Caruurta ...
22/09/2025

Caruurtu Kansarka (Cancer) miyay ka bogsan karaan. Halkan ka daawo, wax aan wada sheekaysi ku saabsan Kansarka Caruurta ku dhaca la yeelanay Dr. Cumar Biixi.
https://youtu.be/9tMts9i1Ag4?si=cItY8Xvsb7-PlZyI

Dawo Podcast

Fadhiga 7-aad.Salaam asxaabta qiimaha badan ee nagu xidhan. Waxa aanu wada. Fadhigan waxa aanu la sheekaysanay Dr. Cumar Biixi oo ah khabiir ku takhasuusay x...

Fadhiga 7-aad.Salaam asxaabta qiimaha badan ee nagu xidhan. Waxa aanu wada sheekaysigan sii dayn doonaa bari duhurka IA....
21/09/2025

Fadhiga 7-aad.
Salaam asxaabta qiimaha badan ee nagu xidhan. Waxa aanu wada sheekaysigan sii dayn doonaa bari duhurka IA. Fadhigan waxa aanu la sheekaysanay Dr. Cumar Biixi oo ah khabiir ku takhasuusay xanuunka Cancers-ka. Fadhigan waxa aanu kala sheekaysanay Cancer ku dhaca caruurta. Waxa aad kaga’ga bogan doontaan xogo aad u muhiim ah.

Dawo Podcast



QORAAL KU SAABSAN ISQUDHGOYNTA/ IS DILIDAW.Q- Cabdicasiis Guudcade👇🏻KHALADFAHANKA ISQUDHGOYNAWaxaan idin la wadaagay qor...
09/09/2025

QORAAL KU SAABSAN ISQUDHGOYNTA/ IS DILIDA

W.Q- Cabdicasiis Guudcade

👇🏻
KHALADFAHANKA ISQUDHGOYNA

Waxaan idin la wadaagay qoraal kooban oo su’aal ahaa oo ku saabsanaa warbixintii Bilayska SL uu ka soo saaray geeridii ka dhacday qolka 204 ee huteelka Xaaji Ibraahin ee Hargeysa. Sida madaxda bilayska u hadashay iyo erayada ay u xulatay baa dhaliyay su’aashayda.

Qodob kale oo aanan u socon baan se kaga sii baraarugay faallooyinkii la ii soo qoray. Dad badan ayaa igu diiday halka aan hadalka u wadey (waan rejaynayaa in aan khaldanahay). Laakiin waxa xiise iyo xanuun wada socda igu afrogay sababaha ugu badan ee dadkaasi ay u cuskanayeen in ay igu khilaafaan abbaarta. Waxa iiga soo baxay khaladfahan baahsan oo ku saabsan isqudhgoynta. Saddex ra’yi ayay u badnaayeen:
1) Qof iimaankiisu xooggan yahay is maba dilo
2) Qof ladani is ma dilo
3) Qofka is dilaya waa laga gartaa

Ka ma hadlayno kiiska marxuunkan. Waxa se aan is dultaagayaa jawaabahaas ku saabsan isqudhgoynta lafteeda.

Waxa xusid mudan in berri (Sibteembar 10) ay tahay Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta Kahortagga Isqudhgoynta (World Su***de Prevention Day).
Kolkaa qoraalkani waa WACYIGELIN.

1) Iimaanku tallaal u ma aha xaaladaha nafsadeed iyo dhimir ee keeni kara dhacdooyin ay isqudhgoyntu ka mid tahay. Cilmibaadhis cusub (Maarso 2025) ayaa soo isku soo xoorisay deraasadp muddo dheer socday oo lagu eegayay in ehlu-diinnimadu ay ka dhigan tahay bedqabka maanka oo sarreeya. Waxa cilmibaadhayaasha u soo baxday in aanay taasi jirin ee dadka ehlu-diinka ahi ay umaddooda ula mid yihiin xaaladaha dhimirka wiiqa (halkan ka sii raac: https://journals.sagepub.com/doi/10.1177/09567976251325449).

Waana sidii ay ahayd, oo qofku waa bashar mana aha in dadnimada laga saaro; waxyaabaha dad lagu yahay ayay ka mid tahay in aynu nolosha iyo kacaakufkeeda u nugul nahay, midkeenna aanu dammaanad u haysan in aanay ku dhici doonin waxa asaaggii haleelay.

Kolkaa in la yidhaahdo dadka iimaankoodu “xooggan” yahay uun baa caafimaadqaba, waxay shayddaamaynaysaa oo daabaqaad iyo shaanbad xun ku dhejinaysaa xaalado cid kasta soo ridan kara.

2) Si la mid ah qodobka sare, dadka ladani ka ma baxsana dadnimada. In kasta oo ay run tahay in saboolnimada iyo culaysyada dhaqaale ay wataan xaalado nafsadda gilgili kara oo dhimirka dhantaali kara, haddana cilmibaadhisuhu waxay sugayaan in xaaladda dhaqandhaqaale ee insaanku aanay dammaanad u ahayn in jirrooyinka iyo qalalaasaha nafsadeed iyo kuwa dhimirba laga tallaalmo. Tusaale ahaan, deraasad lagu sameeyay Jaamacadda Birinston (Princeton University) ayaa xaqiijisay wax aynu awelba naqaannay: haddii jeebkaagu roonaado, sida aad nolosha u qiimaysaa wuu roonaan karaa, balse taasi dammaanad u ma aha in xaaladda shucuurtaada iyo nafsaddaadu ay wanaagsananayso (ka sii tixraac: https://www.princeton.edu/~deaton/downloads/deaton_kahneman_high_income_improves_evaluation_August2010.pdf).

3) Qofka is dili doona MAR KASTA laga ma garto. Ma aha hargab, aad odhanaysid “hebel ama heblaayo way qufacayeen oo waxaan filayaa duray baa soo hayay.”

Dabcan, way dhici kartaa in si fudud loo garan karo dadka qaar ku sugan xaalado gaar ah oo aad u muuqda (sida qulub daran, ama iskubuuqsanaan iyo calwasaad maskaxeed oo markiiba laga dareemi karo. Sida in uu is qariyo ama in uu dad-la-jooggiisa aad u yareeyo. Iyo calaamado la mid ah). Laakiin HA KU DAGMIN!

Kolal badan qofku, sida aynu dhahno, waayihiisa laabta ayuu ku haystaa. Deraasad lagu sameeyay askarta is qudhgoysa ee Maraykanka waxa lagu ogaaday in dadkaa is dilay 63.5% ka mid ahi aanay isqudhgoyntooda ka hor lahayn wax astaamo cillad nafsadeed ah, oo aan laga garanayn. (Ka raac: https://pmc.ncbi.nlm.nih.gov/articles/PMC11720966/ #:~:text=While%20over%20half%20(63.6%25),with%20any%20mental%20disorder%20diagnosis)%2C).
Dhanka kale, cilmibaadhis lagu sameeyay da’yar iyo ciyaal is dilay, waxa lagu ogaaday in wax iska caadi ah ay tahay “isqudhgoynta aan digniinta wadanini ee da’yartu.” (Ka sii tixraac: https://www.sciencedirect.com/science/article/abs/pii/S0165032720324666). U fiirso: Cirroole iyo carruurba waa laga soo helayaa dad is qudhgooyay iyaga oo aan loo filayn ama laga eegayn ama laga malaynayn ama la moodayn ama “aanay ka muuqanin.”

Qofku si dadban ayuu inoogu qayladhaandirsadaa oo inoogu habarwacdaa. Waxa laga yaabaa in uu inagula kaftamo dil. Waxa dhici karta in uu horteenna ku cabbeeyo baaskoolad uu la geli doono aqal uu keligii deggan yahay. Waxa laga yaabaa in uu mararka qaar ina yidhaahdo hadal u eg dardaaran. Intaas uun ku ma eka, ee waa tusaalayaal.
Dadkani badanka waxay salsallaawaan heestii “Afgarad”—waxa laga yaabaa in ay sidii Saado Cali jilaysay ay iyagu dhab ahaan inoo leeyihiin:
“Aqalkaan ku ooyaa
Adiguna xafiiskaad
Urugada la jiiftaa;
Bal haddaba ibtilo
waa tane innaga
Afgarad yay inoo sameeya!”

Waa muhiim in aynu “afgarad” u yeelanno xaaladaha nafsadeed ee qudheeda iyo qayrkeenba.

***

Mar kale aan ku celiyo: Qoraalkani u ma uu qiildayayo si gaar ah oo cid gaar ahi ay u geeriyootay. Waa se WACYIGELIN. Waxa aan rabey uun in aynu wadaagno qodob iyo labo ku saabsan isqudhgoynta guud ahaan iyo sida ay tahay in aynaan u dhayalsan una qarsanin. Khaladfahannada iiga soo baxay faallooyinka qaarkood ayaanan doonayaa in aynu isla jeexjeexno.

Fadlan haddii dadka aad taqaanno ka warhay, hana isku ledin oo ha moodin in kollayba hebel ama heblaayo aanay waxba is yeeli doonin. Saaxiibbadaada ama xubnaha qoyskiinna ee goonidaaqa ah muddadiiba mar xidhiidhi, una muuji in aad jeceshahay oo aad danaynaysid. Ha sugin in qofku ku dhaho wax baan is yeelayaa, ee kor iyo hoosba uga warqab.

Haddii aad tahay qof ku fekeraya in uu is qudhjaro, fadlan inta aanad go’aankaaga fulin, ugu yaraan xasuusnow in ay jiraan saaxiibbo iyo ehel ku jecel oo haddii aad siin lahayd fursad ay kugula sheekaystaan ama duruuftaada u ogaadaan laga yaabo in aad wax weyn isla gaadhi lahayd. Haddii aanad xataa cidna ku kalsoonayn, ogsoonow in dadkaa faraha badan malaayiinta ah aan laga waayi karayn cid kaa gurta oo kula taabata halka ay u dhimatay.

Address

Hargeysa Somaliland
Hargeysa
HARGEYSA

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dawo Podcast posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram