Dawo Podcast

Dawo Podcast Waxaannu nahay, warbaahin soo gudbisa, Barnaamijyada Arrimaha Caafimaadka. Waxa aannu idinka codsanaynaa in aad nagu xidhnaataan. Mahadsanidiin. SOO DHAWAADA!

Wixii talo iyo tusaale ahna waxa aad noogu soo diri kartaa taleefan numberkayga iyo emailkayga.

Ninkan waxa la dhahaa Dr. Maryaano Barbasiid (Barbacid). Wuxuu ka tirsan yahay Xarunta Qaranka Isbayn ee Cilmibaadhista ...
30/01/2026

Ninkan waxa la dhahaa Dr. Maryaano Barbasiid (Barbacid). Wuxuu ka tirsan yahay Xarunta Qaranka Isbayn ee Cilmibaadhista Kansarka. Waa saynisyahan reer Isbayn ah oo koox cilmibaadhayaal ah oo uu hoggaaminayaa ay soo bandhigtay wax noqon kara dawada nooc daran oo ka mid ah kansarka ganaca (pancreatic cancer).

Kooxdani waxay baadhitaankeeda u adeegsatay jiir qaba kansarka. Dabadeed waxay isticmaashay jid dawayneed oo cusub oo saddexjibbaaran (triple-drug therapy): Unuggii kansarka qabey ayaa saddex aag lagaga imanayaa, halkii awel jaho keli ah lagala dagaallami jiray, waxana la isugu darayaa saddex nooc oo bakhtiin ah si loo dhimo burada kansaraysan. Jiirkii lagu tijaabiyay ee kansarka ganaca oo weliba ku xumaaday qabey waxa lagu arkay in buradii ay aad u wiiqantay oo ay gaadhay heer aan khatar muuqata ku hayn. Intaas uun ma aha ee kolkii muddo ka dib la baadhay, laba-kaclayn lagu ma arag.

Kansarka ganacu, gaar ahaan noocan ku dhaca dhuun-ganaceedku (ductal adenocarcinoma), wuxuu ka mid yahay kansarrada ugu daran, maxaa yeelay hababka lagula tacaalo oo dhan ayuu u adkaystaa oo waa ka ugu dhego adag. Qaabkan ay kooxdu soo bandhigtayna wuxuu weerarayaa gaadhaandhigga kansarka, si uu isku mar u dhimo halistiisa iyo rogaalceliskiisaba.

Haddii la sii wado baadhitaankan, wuxuu jidka u bannaynayaa rejo weyn, wuxuuna mar kale ina xasuusinayaa muhiimadda ay leedahay in waqti, maalgelin iyo kalsooniba loo huro cilmibaadhisaha sayniska.

Tixraac:
A targeted combination therapy achieves effective pancreatic cancer regression and prevents tumor resistance. URL: https://doi.org/10.1073/pnas.2523039122 (2025).

X. Cabdicasiis Guudcadde

Dawo  Our goal is to reach a place that is very, very close. Our goal is to achieve a very, very high standard. Working ...
16/01/2026

Dawo
Our goal is to reach a place that is very, very close. Our goal is to achieve a very, very high standard. Working together, we will achieve it in the near and distant future.

16/01/2026

Caafimaadka Afka iyo Ilkaha

10/01/2026

CAAFIMAADKA IYO CILMIBAADHISTA

Dr.Sacad Ahmed Cabdiwali
Q-2aad

Fadhiga 11-aadFadhigan waxa aanu la sheekaysnay Dr. Farax Siciid Cismaan (Farax Cadaani) oo ah (Dentist ) Caafimaadka Il...
08/01/2026

Fadhiga 11-aad

Fadhigan waxa aanu la sheekaysnay Dr. Farax Siciid Cismaan (Farax Cadaani) oo ah (Dentist ) Caafimaadka Ilkaha iyo Afka.

Waxa aanu isla lafa’ gurnay: Caafimaadka Afka, ilakaha, suuska, af-urka iyo cadayga.

Waxa aanu sii dayn doonaa todabaadka soo socda. IA

Waxa aad ka daawan kartaa Dawo Podcast iyo Hir Media.

https://youtube.com/?si=kgEjKWyT6GI7XAXf

07/01/2026

Caruurtu Kansarka (Cancer) miyay ka bogsan karaan. Halkan ka daawo, wax aan wada sheekaysi ku saabsan Kansarka Caruurta ...
22/09/2025

Caruurtu Kansarka (Cancer) miyay ka bogsan karaan. Halkan ka daawo, wax aan wada sheekaysi ku saabsan Kansarka Caruurta ku dhaca la yeelanay Dr. Cumar Biixi.
https://youtu.be/9tMts9i1Ag4?si=cItY8Xvsb7-PlZyI

Dawo Podcast

Fadhiga 7-aad.Salaam asxaabta qiimaha badan ee nagu xidhan. Waxa aanu wada. Fadhigan waxa aanu la sheekaysanay Dr. Cumar Biixi oo ah khabiir ku takhasuusay x...

Address

Hargeysa Somaliland
Hargeysa
HARGEYSA

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dawo Podcast posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram