Dr Mohamed Burtugal

Dr Mohamed Burtugal It is a place where you can find medical related services. general Physician

11/05/2023

[ ๐‚๐€๐€๐‹๐€๐Œ๐ˆ ๐’๐„๐‘๐•๐ˆ๐‚๐„ -๐ƒ๐ˆ๐†๐ˆ๐“๐€๐‹ ๐๐‹๐”๐’ ]

Macmiil waxaan kuu diyaarinay adeegyo casri ah oo aad ku Horumarin karto Dhammaan goobahahaaga Shaqo amma Ganacsi .

๐—–๐—”๐—”๐—Ÿ๐—”๐— ๐—œ ๐——๐—œ๐—š๐—œ๐—ง๐—”๐—Ÿ ๐—ฃ๐—Ÿ๐—จ๐—ฆ

โ˜‘๏ธ ๐’๐”๐”๐ ๐†๐€๐˜๐ ๐‚๐€๐’๐‘๐ˆ ๐€๐‡ ( ๐ƒ๐ˆ๐†๐ˆ๐“๐€๐‹ ๐Œ๐€๐‘๐Š๐„๐‘๐ˆ๐๐† )
โ˜‘๏ธ ๐๐€๐๐’๐‡๐€๐ƒ๐€๐˜๐ ๐‚๐€๐’๐‘๐ˆ ๐€๐‡ ( ๐†๐‘๐€๐๐‡๐ˆ๐‚ ๐ƒ๐„๐’๐ˆ๐๐† & ๐๐‘๐€๐๐ƒ )
โ˜‘๏ธ ๐Œ๐€๐€๐Œ๐”๐‹๐ˆ๐ƒ๐€ ๐…๐ ๐๐€๐†๐„ & ๐‡๐Ž๐‘๐”๐Œ๐€๐‘๐ˆ๐ ( ๐…๐€๐‚๐„๐๐Ž๐Ž๐Š ๐๐€๐†๐„ ๐‚๐„๐Ž )

แดแดส€แด‡ แด„แดแดแดษชษดษข sแดแดษด

Hadda Dalbo ---- โœฆ Hadda Hel
( CAALAMI CUSTOMER SUPPORT - DARYEELKA MACAAMIISHA )

๐—ช๐—›๐—”๐—ง๐—ฆ๐—”๐—ฃ๐—ฃ > +252 67 2016959

๐–ซ๐–จ๐–ญ๐–ช > https://wa.me/message/XJT3VVQUR3TAA1

๐—˜๐—บ๐—ฎ๐—ถ๐—น > info.caalamiservice@gmail.com

า“แดสŸสŸแดแดก แดœs แดษด sแดแด„ษชแด€สŸ แดแด‡แด…ษชแด€

26/01/2023
04/11/2022

Allow noo barakee

Khataraha ku gadaaman fadhiga mudo badan. -baadhisXilliga aad fadhido waxad isticmaalysa energy ama tamar kayar marka aa...
19/10/2022

Khataraha ku gadaaman fadhiga mudo badan.

-baadhis

Xilliga aad fadhido waxad isticmaalysa energy ama tamar kayar marka aad taagantahay, socoto ama aad shaqo hayso.

Celmi baadhisyo lasameeyay ayaa xaqiijiyay in fadhiga mudo badan ay xidhiidh laleeyhiin xanuuno badan sida;
Dhiikar xanuunada wadnaha, Macaan, Buurnida iyo Cholesterol ka oo jirka ku bata.

Cilmi-baarayaashu wax ay falanqeeyeen 13 daraasadood oo ku saabsan wakhtiga fadhiga iyo heerarka dhaqdhaqaaqa qofka .

Wax ay ogaadeen in dadka fadhiya in ka badan siddeed saacadood maalintii oo aan lahayn dhaqdhaqaaq jireed ay halis ugu jiraan inay u dhintaan si la mid ah dadka udhimanaya buurnaanta iyo sigaarka.

Si kastaba ha ahaatee celmi- baadhis lagu sameeyay inka badan 1 milyan oo qof ayaa lagu ogaaday in 60 ilaa 75 daqiiqo oo dhaqdhaqaaq jireed ama shaqo dhexdhexaad ahe maalintii ay ka hortagi karto saameynta fadhiga badan iyo xanuunada ka dhalan kara.

Celmi-baadhisydu waxa ay xaqiijinayaa fadhiga yar iyo socodka ama activity ga badane ay muhiim utahy caafimadka qofka, sidaa owged marksta aad fadhido 30 Daqiiqo ama kabdan isku day in aad break qaadto oo ad socoto oo jirka aad kalabixiso ama aad shaqo qabato.

clinic

Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa soo saartay digniin ka dhan afar sharoobo oo ah sharoobuuyinka qufaca ee loo i...
06/10/2022

Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa soo saartay digniin ka dhan afar sharoobo oo ah sharoobuuyinka qufaca ee loo isticmaalo caruurta kuwaas oo lagu sameeyay dalka Hindiya, iyada oo lala xiriirinaayo 66 carruur ah oo ku dhintay dalka Gambia.

Arrintaan ayaa lagu ogaaday kadib baaritaan lagu sameeyay caruur ku dhimatay dalka gambia kadib markii ay kilyuhu fadhiisten.

Sharooboyinkan afarta ah ee digniinta lagabixiyay ayaa kala ah:

1-Promethazine Oral Solution
2-Kofexmalin Baby Cough Syrup
3-Makoff Baby Cough Syrup
4- Magrip N Cold Syrup

Dawooyinkan ayaa lagusheegy in ay ku jiraan xadi aan cayinayn oo ah maadoyinka diethylene glycol iyo ethylene glycol, kuwaas oo sun ku ah jirka bini aadanka dhimashana keeni kara.

N.B: Kafeejignow dawooyinkas inad isticmaasho ama aad kaganacsto waqti xaadirkan ilaa inta dib laga soo xaqiijin doono.

turned

Caafimadku waa waxa ugu wanaagsan ee ilaahay nogu deeqay, waxa aad dareemi kartaa nimacada caafimadka marka aad xanuusat...
22/09/2022

Caafimadku waa waxa ugu wanaagsan ee ilaahay nogu deeqay, waxa aad dareemi kartaa nimacada caafimadka marka aad xanuusato ama aad booqoto goobaha dadka lagu daweeyo iyo xalkoodo sida u yahy,
sida daraded ahow markasta mid ku mahadnaqa ilaahey caafimadka u ku siiiyay hadii aad xanuun dareentidna h**ey u gaadh goobaha caafimadka.

04/02/2022
Qormo ku saabsan ka jawaabida suaalo la xiriira Tallaalka caabuqa Covid-19.1. Tallaalka korona inaan qaato qasab miyaa?Q...
09/06/2021

Qormo ku saabsan ka jawaabida suaalo la xiriira Tallaalka caabuqa Covid-19.

1. Tallaalka korona inaan qaato qasab miyaa?

Qasab ma ahan in aad qaadatid tallaalka cudurka Korona, laakiin waxaa muhiim ah inaad aqoon u yeelatid waxa uu yahay, dhibkiisa, faa'idadiisa, waxtarkiisa iyo talada dhakhaatiirta oo aan halkaan ku soo koobi doono insha'llah.

2- Haddii aan is tallaalo, cudurka ma igu dhici karaa?

Haa wuu kugu dhici karaa Korona adigoo tallaalka qaatay, weliba si dhameestiran u qaatay.

3- Haddii aan is tallaalo, cudurkane igu dhaco ma qaadsiin karaa qof kale?
Haa waad qaadsiin kartaa qof kale hadduu cudurka kugu dhaco tallaalka ka hor ama ka dib.

4- Haddii ay sidaasi tahay maxaa la isku tallaalayaa?

Waxaa la isku tallaalayaa kaliya in cudurka halis uusan galin naftaada, taasoo isbitaala laguu dhigi karo ama aad u dhiman kartid, tallaalka wuxuu kobcinayaa difaaca jirkaaga, wuxuuna ka hortagayaa waxa loo yaqaano "severe covid infection" oo ah in cudurka si xun kuu saameeyo, sambabadane kaa weeraro.

5- Haddii cudurka igu dhacay, tallaal inaan qaato maa loo baahan yahay?
Waxay ku xiran tahay in cudurkii ku soo maray uu difaac siiyay jirkaaga, difaacaasina aad weli haysatid, waxay kaloo ku xiran tahay in koroonahii ku soo maray fayraska keenay uusan isbadalin.

6- Tallaalkaan haddii aan qaato, ma laga yaabaa mustaqbalka in tallaal kale u baahdo?

Haa, waa suurtagal, sababtoo ah fayraska keenay cudurka korona waxaa la arkay inuu isbadal badalayo, taasoo keeni karto in tallaalkii h**e wax ka tari waayo oo tallaal cusub u baahatid, waana sida loo badinayo.

7- Horta, hadduu igu dhaco korona, mar labaad ma igu dhici karaa?

Haa, awal waxaa la aaminsanaa inuusan kugu soo laabanayn hadduu mar ku soo maro, laakiin markii la arkay inuu isbadalayo oo nuucyo cusub soo baxeen sida kan Tanzania, kan South Africa, Kan Ingiriiska iyo Kan Baraziilka oo hadda cusub, inuu mar labaad ama sadaxaad ku soo mari doono waa suuragal. Sanadkii h**e, dad uu ku dhacay oo aan ka baarnay ayaa isla sanadkaan haddane ku dhacay inkastoo sidii horay u qabtay ay ka astaamo duwanayd sanadkaan.

8- Tallaalka hadduusan ka hortagayn in cudurka mar kale kugu dhaco, tallaalkane waxyeello keeni karo, haddaan iska dhaafo ka waran?

Horta, tallaal aan waxyeello lahayn ma jiro, waxaa muhiim ah mar walba in faa'idadiisa iyo khasaaradiisa la is barar dhigo, waana sababta loo leeyahay dadka halista ugu jira cudurka in la tallaalo waa muhiim kuwaasoo ah dadka da'doodu 55 illaa 60 sano ka wayn tahay lana nool cudurrada halista ah sida macaanka / sonkorowga. laakiin haddii da'daadu intaasi ka yar tahay, aadne qabin cudurradaasi halista ah khaasatan macaanka, waxay khubarada iyo dhakhaatiirta ku talinayaan in aadan qaadan tallaalka corona waqtigaan la joogo khaasatan tallaalka Astrezenecca oo ah midka dalka la keenay.

9- Maxay idin kula tallinyaan dhakhaatiirto?
Waxaan ku talinaynaa haddii da'daadu 55 sano ka wayn tahay, lana nooshahay cudurrada halista ah sida macaanka, wadne xanuunka, kilyo ama beer xanuunka, qabtid cudurka neefta in tallaalka qaadatid sida ugu dhakhsiyaha badan, weliba dhameestiratid tallaalka si difaacaaga u kobco. sababtoo ah halista cudurka ayaa 100% ka badan waxyeellada kooban ee tallaalka yeelan karo. sidoo kale haddii aad is tallaashid weli waxaad u baahan tahay inaad afka iyo sanka daboolatid, dadka xanuunsanne aad ka fogaatid, nadaafadda guudne ku dadaashid.

10- Laba tallaal oo kala duwan looguna tala galay cudurka corona, ma qaadan karaa?

Maya, is lama qaadan kartid laba tallaal oo kala duwan, waa inaad mid uun qaadatid.

Xilli roobadku waa xilliyada ugu wanaagsan ugu cimilo fiican sanadka oo dhan, Hadana waa xilliyada ay ugu faafitan badan...
04/05/2021

Xilli roobadku waa xilliyada ugu wanaagsan ugu cimilo fiican sanadka oo dhan, Hadana waa xilliyada ay ugu faafitan badan yihiin xanuunada faafa kuwaas oo kadhasha isbadalka jawiga iyo biyaha wasakhaysan.

Sidoo kale waa xilliga ay caruuto ugu xanuun badan yihiin ayna u baahanyihiin daryeel gaar ah.

Xanuunada xilliyada roobabka ka dhasha wxaa kamid ah:

*Hargab(flu)
*Malariya(Malaria)
*Oof(pneumonia)
*Cagaarshow( hepatatis)
*Tiifow(Typhoid)
*Calool xanuun(Gastritis)
*Cholera( shuban biyood)

Sidee uga hortagi kartaa??

aad ku dadaasho nadaaafada jirkaga, gaarahan nadaafada gacmaha xilliyada aad wax cunaysid.
ama isticmaal afsaar marka aad hindhisto ama aad qufacdo.
aad si fiicn wax u cunto si uusan difaaca jirkagu u liicin.
aad badsato cabitaanka biyaha.
aad kahortagto kaneecda oo aad iska difaacdo.
aad iska ilaaliso cunnooyinka aan nadiifka aheyn ama wakhti badan yaalay ama aan sifiican loo karin.
aad cabto biyo nadiif ah.
Vitamin C.

 # SOO LAABASHADA CAABUQA COVID-19Waxaa soo ifbaxaya dib usoo laabashada caabuqa covid-19 kadib markii ay saameyntiisu y...
18/02/2021

# SOO LAABASHADA CAABUQA COVID-19

Waxaa soo ifbaxaya dib usoo laabashada caabuqa covid-19 kadib markii ay saameyntiisu yaraatay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Sida ay khubarada caafimadku ay saadaliyen in caabuqa covid-19 uu nooqon karo mid soo noqnoqda, Hadana waxaa lasaadalinayaa in uu noqonkaro mid ka saameyn badan kii h**e, khaasatan wadamada soo koroya.

Mxaa lagudboon hay'adaha caafimadka iyo bulshada??

Waxaa lagudboon hay'adaha caafimadka in ay kor u qaadan ka hortaga xanuunka, ayna ku dhiiri galiyaan bulshada in ay qaatan astaamaha lagaga hortgaayo xanuunka, ayna u diyaariyaan goobo caafimad oo khaas u ah latcaalida dadka xanuunku uu soo rito.

Waxaa shacabka lagudboon in ay xoojiyaan kabad qabka xanuunka, ayna dhowraan siyaabaha looga hortagaayo xanuunka sida: kalafogaanshah, af xirka, gacmo xirka, nadaafada guud iyo kabaaqashada kulamada aan muhiimka aheyn si loo yareyo faaftitaanka xanuunka .

Hal litir oo biyo ah, lix qaado oo sonkor ah, qaado badhkeed oo cusbo ah; isku darkan fudud ayaa badbaadiyay malaayiin n...
27/09/2020

Hal litir oo biyo ah, lix qaado oo sonkor ah, qaado badhkeed oo cusbo ah; isku darkan fudud ayaa badbaadiyay malaayiin naf ah oo laildran xanuunada kadhasha shubanka iyo mataga.
kharash badan kuma baxayso, sifudud ayaa loogudiyaarin karaa guriga.
ORS waxy awoodsiinaysaa waalidiinta in ay kula tacaalan caruurta laidran fuuqbaxa kadhasha shuban ama matag, ayna iskudarkan fudud u isticamaalan kahortaga koowaad inta aan waxqabad kale loobahan.

 # TILMAAMO AAD KAGA ADKAANKARTO DAALKAmarar badan nolosheena mashquulka badan waxaan ilaawnaa inaan daryeelno jirkeena ...
09/09/2020

# TILMAAMO AAD KAGA ADKAANKARTO DAALKA

marar badan nolosheena mashquulka badan waxaan ilaawnaa inaan daryeelno jirkeena oo aakhirka waxaan dareenaa daal aad u daran jir ahaan iyo maskax ahaanba taasoo saameyn ku yeelata awooda aan u leenahay inaan si fiican u shaqeyno oo aan ka dhax muuqano bulshada.

Qodobadan soo socda waxa aan kusoo koobi doona sida aad uga adkaan karto daalka si aad awooda jirkaga u kordhiso.

1-Waxa aad tahy waxad cuntid
Sida aad dareemi doontid markad aad shaqada ku jirtid ama aad waxbranysid waxa ay si weyn ugu xidhantahy cunnada aad cuntid iyo nooce ay tahy'
Sidaa daraaded isku day inad hishid cunno dhammaystiran koobsanysana dhamman waxyaalaha nafaqada leh oo ay muhiim tahy in cunnada laga helo si aad awooda jirkaga kor ugu qaadid.
2- Hurdo kugu filan seexo
In aad hurdo fiican hesho habeenkii iyo maalintiiba waxay kaacwinaysaa inad firfircoonato xilliyada shaqada ama waxbarashada aad ku jirto, isku day inad hurdo fiicn hesho ugu yaraan 9-8h/24.
N.B: Hurdada habenkii waxa ay ka caafimad badantahy huradad maalintii.
3- Muuji xasilloni iyo daganaashiiyo
in aaad muujiso firfircooni, daganaanshiyo, xasaloonin si kasta ay maalintadu u xuntahay iyo xaalad kasta aad ku jirto waxy kaacawinysaa in jirkaga awooda ku jirto si fiican u isticmaalo oo aad nooqtid qof dhiiran oo soo jeeda xillikasta,
4- Same jimicsi iyo soocd joogto ah
in aad samyso jimicsi joogto ah ama aad socoto muddo dhan 30minit maalinkasta waxa ay faaido caafimad u leedahy jirka, sidoo kale waxay kaacawinysaa in aad awooda jirkaga sida ugu wanaagsan aad u isticmaasho oo aad noqonto qof firfircoon shaqo kastana qaban kara.
5- Isku day in aad yareyso miisankaga hadii uu miisankagu badanyahy.
6-Iska yareey fikirka, buuqa, walwelka badan iyo hadalaka ama doodaha aan wax micno ah ku leheyn.
7-Markasta biyo cabbida badso.
8- Is ka yaree cabbida coffee-ga ama shaaha coffee gu ku jiro .

Adresse

Munich

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Dr Mohamed Burtugal erfรคhrt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht fรผr andere Zwecke verwendet und Sie kรถnnen sich jederzeit abmelden.

Die Praxis Kontaktieren

Nachricht an Dr Mohamed Burtugal senden:

Teilen

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Kategorie

Our Story

text me if you have a medical issue