Dr ABAS SALAD ABDI

Dr ABAS SALAD ABDI I am Doctor Abas Salad
Resident andrologist
Male infertility
Men’s health

Waa maxay Pe******ia ? Rabitaan galmo oo loo qaado carruur aan qaangaarinWaxa kale oo lagu tilmaamaa: • Xanuun nafsaani ...
02/12/2025

Waa maxay Pe******ia ?

Rabitaan galmo oo loo qaado carruur aan qaangaarin

Waxa kale oo lagu tilmaamaa:
• Xanuun nafsaani ah oo qof weyn uu ku yeesho rabitaan galmo oo ku wajahan caruur ka yar 13 sano

Calaamadaha ugu waaweyn

1. SOO JIIDASHO GALMO OO JOOGTO AH OO KU WAJAHAN CARRUURTA
• Qofku wuxuu dareemaa rabitaan galmo oo soo noqnoqda.
• Wuxuu aad u xiiseynayaa carruurta marka loo eego dadka qaangaar ah.

2. Inuu ku FIKIRO AMA HAMMIYO GALMO KU SAABSAN CARRUUR
• Waxa uu maskaxdiisa ku soo laab–laabta fikrado galmo oo carruur la xiriira.
• Badanaa waxay socon karaan ugu yaraan 6 bilood.

3. DABEECAD U JAAHEYSAN CARRUURTA
• Ku dhowaansho aan caadi ahayn carruurta.
• la ciyaarid joogto ah carruurta, ama isku day xiriir gaar ah inuu la sameeyo.
• inuu Raadsado fursado uu carruurta ugu kalsonaan karaan.

MARKUU FURSAD KU HELO MUXUU KU SAMEYN DOONAA CARUURTA:

1. Inuu salsalaaxo
2. Inuu dhunkado
3. Inuu korkiisa saaro
4. Inuu dharka ka siibo
5. Markasta wuu u naxariisan doonaa caruurta
6. Iyo wax yaabo kale oo badan

Qofkaan Pedophilist-ka ah iyo caruurta halkee iska heli doonaan?

Qof caruurta ka fog ma’ahan badanaa waa qaraabada caruurta AMA dad u dhaw caruurta si maalinle ah.

DAAWEYNTA:
Siyaabo badan ayaa loo daaweeyaa waxan Kamid ah:

Aversion Imaginary Technique?
Waa farsamo maskaxeed (psychological technique) oo qofka lagu baro in uu dareemo fadeexad ama ceeb marka uu fikrado galmo carruurta ku wajahan damco inu sameyo oo ah :
1. In la xero
2. Magaciisa iyo sawirkiisa lagu daabaco news papers ka ama social mediaha.

Dr ABAS SALAD ABDI

18/06/2025

🚨🚨🚨WAA QATAR GACSI KA BADAN 4 SAACADOOD🚨🚨🚨.

WAXAD KU WEYN KARTAA XUBINTAADA TARANKA INEY DIB U SHAQEYN WEYSO‼️





11/06/2025

Ma isku aragtaa TABAR_DARI, HAMI_YARI ama Ma Dareentaa NIYAD_JAB ama WALWAL la xariira dhanka GOGOSHA.



Dr ABAS SALAD ABDI

08/06/2025

Ma dareentaa Shahwa yari ama shahwada aan xoog laheyn xiliga jimaaca?



Dr ABAS SALAD ABDI

Sheekada Geesinimada Leh ee Francesco AcerbiFrancesco Acerbi, oo ah ciyaaryahan u ciyaara Inter Milan iyo xulka qaranka ...
10/05/2025

Sheekada Geesinimada Leh ee Francesco Acerbi

Francesco Acerbi, oo ah ciyaaryahan u ciyaara Inter Milan iyo xulka qaranka Talyaaniga, wuxuu la kulmay imtixaan adag oo noloshiisa beddelay oo ah—kansarka xiniinyaha.

Sanadkii 2013, isagoo caafimaadkiisu mid fiicnaa u muuqday, ayaa baaritaan lagu ogaaday in uu qabo kansarka xiniinyaha ( ). Waxaa si degdeg ah loogu sameeyay qalliin, wuxuuna dib ugu laabtay tababarka isagoo rajaynaya inuu ka bogsaday.

Laakiin dhowr bilood kadib, cudurkii wuu kusoo laabtay. Markii labaad, waxaa lagu bilaabay (chemotherapy), daaweyn adag oo jidhka iyo maskaxdaba saameyn ku leh. Intii uu daawada qaadanaayey, Acerbi wuu sii ciyaarayay, wuxuuna muujiyay geesinimo layaab leh.

Acerbi Wuxuu dadka xusuusinayaa muhiimadda ay leedahay baaritaanka caafimaad ee joogtada ah iyo in looga hadlo arrimaha caafimaadka ragga si furan.



Fariinta bulshada:
“Kansarka xiniinyaha waa la daweyn karaa haddii la ogaado goor h**e. Ha ka labalabeyn inaad is baarto ama la hadasho dhakhtar. Caafimaadkaaga waa muhiim.”

Dr ABAS SALAD

waxa aan fursad u helay in aan ka qeyb galo shir muhiim ah oo lagu qabtay magaalada Ismailia Ee dalka masar kaas oo diir...
11/04/2025

waxa aan fursad u helay in aan ka qeyb galo shir muhiim ah oo lagu qabtay magaalada Ismailia Ee dalka masar kaas oo diiradda saarayay cilmiga ku saabsan caafimaadka ragga.

Shirku wuxuu ahaa mid aad u qiimo badan, oo aan ka faa’iiday Cilmi cusub, iyo is-dhaafsi waayo-aragnimo. Aad ayaan ugu mahadcelinayaa qabanqaabiyeyaasha iyo dhammaan khubarada ka soo qeyb gashay.

waxaana ku faraxsanahay in aan qeyb ka noqdo dadaallada lagu horumarinayo fahamka iyo daaweynta dhinacyadan.




15/03/2025

YAA IS KA LEH SAWABTA DHALMA LA’AANTA ?

MA RAGGA🧔‍♂️ MISE DUMARKA 👩‍🦳?

Dr ABAS SALAD

Waxaan ku sheegayaa hadda: Maalmo ka hor ayay kooxdan ku guuleysteen in ay dib ugu tallaalaan gacan bukaan la kulmay shi...
15/12/2024

Waxaan ku sheegayaa hadda: Maalmo ka hor ayay kooxdan ku guuleysteen in ay dib ugu tallaalaan gacan bukaan la kulmay shil gaari oo sababay in gacantiisu gebi ahaanba go’do. Nasiib darro, bukaanku wuxuu isbitaalka yimid hal saac iyo bar kaddib shilka.

Markii uu soo gaaray, nus saac gudahood ayay kooxaha caafimaadka oo dhan diyaarsanaayeen, bukaan waxaa loo diyaariyay qalliinka. Qaliinkan waxaa ka qeyb qaatay koox dhakhaatiir Kala takhasusaad ah.

Kadib qaliin socday ku dhawaad 11 saacadood
Ilaahay mahaddiis, qalliinku wuu guuleystay gacantuna hadda waxay ku taallaa meesheedii dabiiciga ahayd.

Mucjisadan caafimaadka waxey ka dhacday hospital ka weyn Ee Kasr al-ainy Ee hoos yimaada jaamacada Qahira.

02/10/2024
10/09/2024
Isku Soo naqod wanaagsan asxaabta ♥️
25/05/2024

Isku Soo naqod wanaagsan asxaabta ♥️

Address

Cairo

Telephone

+201210467995

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr ABAS SALAD ABDI posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr ABAS SALAD ABDI:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category