SITTI Hospital Rasmi Page.

SITTI Hospital Rasmi Page. About Us
Sitti General Hospital is a modern healthcare institution dedicated to delivering high-quality, patient-centered medical services to the community.

Iyada oo laga duulaayo qurshayaasha Xukuumada iyo Xisbiga Barwaaqo gaarahaana dadaallada Xafiiska caafimaaka DDS ee ku a...
11/04/2026

Iyada oo laga duulaayo qurshayaasha Xukuumada iyo Xisbiga Barwaaqo gaarahaana dadaallada Xafiiska caafimaaka DDS ee ku aadan yareynta dhimashada hooyada iyo dhallaanka, Cusbitaalka Guud ee Sitti oo gaashanaaya Xafiiska Caafimaadka waaxda hooyada iyo dhallaanka(MCH case team).
Ayaa wuxuu hirgaliyeye qurshe latalin iyo tababar(mentorship) lagusiinaayo xirafadalayaasha Caafimaadka ee xarumaha Caafimaadka Afdem iyo Mulli (Afdem and Mulli Health Centers) si korloogu qaado xirfadooda adeeg bixinta.
Xilli lagu gudojiray latalin iyo tababarkaasi kuna sugnaayeen xarunta Caafimaadka ee Mulli ayaa waxaa kamid noqotay hooyooyinkii adeega lasiinaayey hooyo saddex(3) carruur ah (Triple Pregnancy) uurleh, taariikhduna ahayd 23/04/2018 T.I ama 01/01/02026.
Xirfadalayaasha Caafimaadka ayaa xaqiijiyey inay hooyadu uurleedahay 3 carruura ah iyaga oo isticmaalay computerka lagula socdo hooyooyinka uurkale (Obstetrics Ultrasound) oo xafiiska Caafimaadka ee deegaanku ku qalabeeyey xarunta, kooxda isku dhafka ah ee cusbitaalka Guud ee sitti iyo xarunta ccafimaadka Mulli ayaa hooyada siiyey dhammaan wixiii ay u baahnayd ee daryeel caafimaad ah iyo wacyigalin sidii ay ugu xidhnaan lahayd xarunta Caafimaadka marka uu dhawaado xiliga dhalmaduna u iman lahayd Cusbitaalka Sitti.
Kooxda ka socotay cusbitaalka ayaa xirfadlayaasha xarunta kula dardaarmay in hooyadu markay dhawaato loosoo qaado cusbitaalka si halkaasi ay ugu dhasho.
Waxaa cusbitaalka lakeenay taariikhdu markay ahayd 26/07/2018 T.I ama 04/04/2026 waxaana lakulmay dhakhtarka takhasuska dhalmada iyo cudurada dumarka(Obstetrician and Gynecologist) kadib markii uu qiimeeyay oo uu xaqiijiyey marlabaad in uur saddex(3) mataano ah ay leedahay labo kamid ahna ay gudbanyihiin wuxuu dhakhtarku lawadaagay hooyada in ay foolasho ku dhali Karin balse ay uu baahan tahay qaliin in lagu sameeyo, hooyadan oo horay u dhashay 4 carruur ah 2 kamid ahna ay ahaayeen mataano halka ay 2 kalena ay kala dhashay labo jeer.
Hooyadan ayaa qaliin loogu sameeyay Cusbitaalka Guud ee Sitti taarikhdu markay ahayd 30/07/2018 T.I natiijaduna waxay noqotay guul saddexdii carruurta ahayd iyo hooyadood oo caafimaad qaba saddexduna ay yihiin wiilal.

26/01/2026
09/12/2025

Ogasiis Ogaysiis Ogaysiis
Xafiiska Caafimaadka DDS

Cusbitaalka Guud ee Sitti/Bike  wuxuu dadaal ugu jiraa ka jawaabida baahiyaha bulshada ee adeeg bixinta.Cusbitaalka oo a...
05/12/2025

Cusbitaalka Guud ee Sitti/Bike wuxuu dadaal ugu jiraa ka jawaabida baahiyaha bulshada ee adeeg bixinta.
Cusbitaalka oo adeega ilkaha(dental clinic) bixinaayey muddo sannad ka badan, wuxuu dhawaan soo kordhiyey qaybaha qurxinta ilkaha oo dhamaystiran. waxaana ka mid ah
1. xidhida ilkaha oo laguugu xidhaayo midabka(colorka) aad rabto
2. buuxinta ilkaha
3. galinta ilkaha
iyo dhammaan adeegyada ilkaha

waxaa maanta oo arbaca ah taariikhduna tahay 24/03/2018 TI ama 03/12/2025 noo qabsoomay shirkii Guddiga Boordhiga Cusbit...
03/12/2025

waxaa maanta oo arbaca ah taariikhduna tahay 24/03/2018 TI ama 03/12/2025 noo qabsoomay shirkii Guddiga Boordhiga Cusbitaalka, uuna gudoomiyey gudoomiyaha guddiga ahna gudoomiyaha gobolka mudan IbrahimKhayre. waxaana si wanaagsan looga dooday ajandayaashii maanta ayna ka mid ahaayeen.
1. dhagaysiga iyo qiimanta warbixinta rubuca 1aad ee adeeg bixinta Cusbitaalka
2. ansixinta miisaaniyada dhismaha iyo dhagax dhiga adeega farmasiiga bulshada( model community pharmacy).

FURSAD SHAQO
26/11/2025

FURSAD SHAQO

Digniin!!!Dhamaan shacabwaynaha DDS waa inay ka taxadaraan halista xanuunka hemorrhgic fever ( qando-goror) ee lagu arka...
12/11/2025

Digniin!!!

Dhamaan shacabwaynaha DDS waa inay ka taxadaraan halista xanuunka hemorrhgic fever ( qando-goror) ee lagu arkay ilaa 8 bukaan oo deegaanka kongur Ethiopia ah oo lawado baadhitaano lagu xaqiijinayo.

Caalamada lagu garan karo xanuunka waxaa kamid ah xumad, goror, dhiiga afka laga keeno, shuban iyo matag.

Hadaba qofka isku arka calaamadahaas ama xiriir lahala qof lagu arkay xaaladaas waa inuu tagaa xarunta caafimaad ee ugu dhaw.

Sidee looga hortagi karaa?

- Waxaa looga hortagi karaa in nadaafada gacmaha la ilaaliyo, gacanqaadka la yareeyo ama la isticmaalo nadiifiye ( sanitizer).

- iska ilaali taabasha xoolaha looga shikiyay xanuunkan iyo dhareerkooda.

- in la isticmaalo marakaniico looga hortago qaniinyada kaniicda iyo xidhashada dharka daboolaya jidhka intiisa badan.

07/11/2025

Wacyi Galinta Cudurka Cagaarshowga ama Jooniska
Xafiiska Caafimaadka DDS SRSHB

03/11/2025

Fariin wacyigalin ah oo kusaabsan ahmiyada talaalka joogtada ah oo uu soo diyaariyay Xafiiska Caafimaadka DDS.

Xafiiska Caafimaadka DDS
November 2, 2025

Fursad Shaqo Oo Ka Banaan Cusbitaalka Guud Ee SittiJob Vacancy at Sitti General Hospital
02/11/2025

Fursad Shaqo Oo Ka Banaan Cusbitaalka Guud Ee Sitti
Job Vacancy at Sitti General Hospital

16/07/2025
16/07/2025

Address

Bike

Telephone

+25125 457 0001

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SITTI Hospital Rasmi Page. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to SITTI Hospital Rasmi Page.:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category