11/03/2026
Shirka Toddobaadlaha SBFR oo Ka Qabsoomay Cusbitaalka Suldaan Sheekh Xasan Yabarre
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen maamulka sare, dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha, iyo masuuliyiinta waaxyaha kala duwan ee cusbitaalka, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta adeegyada caafimaadka, dardargelinta wada shaqaynta shaqaalaha, iyo kor u qaadidda tayada daryeelka bukaanka.
Intii uu socday kulanka, shaqaalaha iyo maamulka cusbitaalka ayaa si gaar ah uga wada hadlay guushii uu cusbitaalku ka gaaray qiimayntii dhawaan ay samaysay Wasaaradda Caafimaadka ee JDFI, taas oo uu cusbitaalku kaga galay kaalinta 1aad. Masuuliyiintu waxay adkeeyeen in guushan ay tahay mid dhiirrigelin u noqota dhammaan shaqaalaha, isla markaana loo baahan yahay in la sii laba jibaaro dadaalka si loo ilaaliyo loona horumariyo heerka adeegyada caafimaad ee la gaarsiiyo bulshada.
Ugu dambayn, maamulka cusbitaalku waxay u mahadceliyeen dhammaan shaqaalaha sida ay uga go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka, iyaga oo ku boorriyay in la sii xoojiyo wada shaqaynta, hufnaanta shaqo, iyo u adeegidda bulshada si daacadnimo iyo xirfad ku dheehan tahay.