Daryeelka Caafimaadka

Daryeelka Caafimaadka MEDICAL KNOWLEDGE & HEALTH TIPS;
Health care, Motivational, Anatomy & physiology human, Viral reels, reels video, and short health videos.

You will get from this page a comprehensive medical knowledge of human health that will enable you to have a thorough understanding of the various systems of human health and medical conditions.

Dunida sayniska caafimaadka waxaa gilgilay aragti sheegaysa in daawada kansarka la helay.Horumar cusub ayaa laga soo she...
16/11/2025

Dunida sayniska caafimaadka waxaa gilgilay aragti sheegaysa in daawada kansarka la helay.
Horumar cusub ayaa laga soo sheegayaa kaas dib u qaabayn kara daawaynta kansarka, saynisyahannadu waxay ogaadeen in sunta shinbiraha ay burburin karto 100% unugyada kansarka naasaha ee xoogga leh in ka yar 60 daqiiqo, Furaha waxa uu ku jiraa iskudhis awood leh oo loo yaqaan melittin oo laga helo sunta shinnida.

Cilmi baadhayaashu waxay suntan ku tijaabiyeen noocyada kala duwan ee unugyada kansarka naasaha ee ku sugan suxuunta shaybaadhka waxayna ogaadeen in melittin u dhaqmo sida hub wax lagu dilo. Waxaa la arkay suntan daleelisa xuubabka unugyada kansarka, taasoo keenta in unugyadu ay dhaqso u dhintaan, taas xitaa rajo ka badan leh abuurtay, iyada oo la soo jeedinayey in loo isticmaali karo daawaynta waxyeellooyin ka yar kiimoterabiga ama shucaaca kaladuwan.

Melittin ayaa si gaar ah waxtar ugu yeeshay kansarka naasaha ee HER2, oo ah kamid ah labada nooc ee ugu adag in la daweeyo. Daah-furkaani wuxuu furayaa albaabo cusub si loo horumariyo daawaynta kansarka ee si badbaado leh iyaga oo bartilmaameedsanaya iyadoo la isticmaalayo isku-dhisyada dabiiciga ah.

W/Q: ✍️ Eng-Abdihalim Hillaac

Dumar Badan Ayaa Joojiya Naas-nuujinta Ilmahooda Iyagoo Doorbidaya Caanaha La Qaso (formula milk), Si Ilmahoodu U Cayilo...
15/11/2025

Dumar Badan Ayaa Joojiya Naas-nuujinta Ilmahooda Iyagoo Doorbidaya Caanaha La Qaso (formula milk), Si Ilmahoodu U Cayilo.

Naasnuujinta iyo Formula — Dooro waxa dabiiciga ah, waana kan ugu fiican!

Sawirkan kuu muuqda wuu ku marin habaabin karaa — waayo waxaad dooran kartaa ilmaha buuran, balse fariintu waa mid muhiim ah: Caanaha naaska waa cuntooyinka ugu fiican uguna dhammaystiran ee ilmahaaga — gaar ahaan lixda bilood ee ugu horreeya noloshiisa.

✅ Caanaha naaska waxay leeyihiin unugyo difaac ah oo ka ilaaliya ilmaha cudurrada.
✅ Way fududahay in la dheefshiido, waxayna yareeyaan calool-fadhiga iyo calool-xanuunka.
✅ Waxay xoojiyaan xiriirka iyo jacaylka hooyada iyo ilmaha.
✅ Had iyo jeer waa nadiif, ammaan ah, heerkul sax ahna leh — looma baahna in la qaso ama la kululeeyo.
✅ Naasnuujintu waxay hooyada ka caawisaa in ay iska ilaaliso qaar ka mid ah kansarrada, waxayna ka caawisaa in ilmo-galeenka si dhaqso ah ugu soo laabto cabbirkiisii caadiga ahaa.

Lactation amenorrhea: Marka haweeneydu si joogto ah u naasnuujiso ilmaheeda, waxay si dabiici ah uga hortagtaa uur qaadista muddadaas.

Caanaha formula-da waa beddel marka loo baahdo, laakiin haddii aad heli karto caanaha naaska, si gaar ah u sii ilmahaaga lixda bilood ee ugu horreeya, kadibna sii wad naasnuujinta iyadoo la siinayo cuntooyin kale ilaa 2 sano ama ka badan.

Aan siino ilmo kasta bilow caafimaad qaba oo u wanaagsan noloshiisa.

®️ Ahmed MediCo 🖍️


WAR DEG-DEG AH: KU SAABSAN SHIMBIRTA IYO CUDURKA CUSUB EE DALKA ITOOBIYA KA DILLAACAY! 🔥📢✒️Wasaaradda caafimaadka waxay ...
15/11/2025

WAR DEG-DEG AH: KU SAABSAN SHIMBIRTA IYO CUDURKA CUSUB EE DALKA ITOOBIYA KA DILLAACAY! 🔥📢

✒️Wasaaradda caafimaadka waxay xaqiijisay in cudurka halista ah ee nafta halis gelinaya uu yahay fayras la yiraahdo Marbarg (Marburg Virus)!🦠

Waa in aad ogaataa xaqiiqooyinka ku saabsan Fayraska MARBURG!
Fadlan akhri oo la wadaag bulshadeena. 👇

XOG MUHIIM AH:

WAA MAXAY CUDURKA FAYRASKA MARBURG (Marburg Virus Disease)?

Waa cudur ka tirsan noocyada xumada dhiig-baxa ee fayraska, wuxuuna sababi karaa dhimasho daran.
Wuxuu la mid yahay cudurka Ebola, waana mid si deg-deg ah u faafa, aad u daran, una keeni kara dhimasho badan.

Fayraskan Marburg wuxuu ka yimaadaa nooca ka mid ah xayawaanka shimbirta gaar ahaan Fiidmeerta 🦇

🍭 Heerka dhimashada cudurkan: Wuxuu gaarayaa 24% ilaa 88%
🍭 Ma jiro tallaal ama daawo u gaar ah. Kaliya daryeelka taageerada ah ayaa badbaadin kara nolosha qofka.

SIDEE KU FAAFAA CUDURKAN?

🦇 Laga bilaabo Fiidmeerta habeenkii ilaa bini’aadamka:

• Taabashada xayawaanka cudurka qaba
• Galitaanka godadka ay ku noolyihiin ama cunista midhaha ay cuneen

Qof ilaa qof 🧑‍🤝‍🧑:

◉ Taabashada dhiigga, matagga, kaadida, saxarada, caanaha naaska ama shahwada qof cudurka qaba
◉ Isticmaalka alaabaha uu qofkaasi isticmaalay sida sariirta, dharka, iyo qalabka caafimaadka
◉ Ka qaybgalka aaska haddii si toos ah loola xiriiro maydka.

Kuma faafo hawada sida hargabka ama COVID-19.❌

CALAAMADAHA – KUWA UGU MUHIIMSAN: 😷

Cudurka wuxuu si lama filaan ah ugu bilaabmaa, calaamado ay ka mid yihiin:
─► Qandho daran
─► Madax xanuun xooggan
─► Daal badan

Markaas kadibna wuu sii xumaadaa:
»☞ Shuban daran 💦
»☞ Matag iyo lalabbo
»☞ Xanuun caloosha ah
🩸 »☞ Dhiig ka yimaada afka iyo sanka, cirridka ilkaha ama meelo kale oo badan (gaar ahaan 5 ilaa 7 maalmood kadib)

MAXAA LAGU DAAWEYN KARAA?

Tallaal ama daawo gaar ah oo la xaqiijiyay ma jirto, balse:
► In si deg-deg ah loo aqoonsado (ama la karantiilo)
► In la siiyo biyo iyo dheecaan ku filan
► In la siiyo oksijiin (haddii loo baahdo)
► In la daaweeyo dhibaatooyinka kale ee la socda cudurka
… waxay si weyn u kordhiyaan fursadda badbaadinta qofka.

SIDEED NAFTAADA IYO BULSHADA UGA ILAALIN KARTAA CUDURKAN?

✔ Ka fogow godadka ama meelaha ay ku nool yihiin shimbirta habeenkii
✔ Ka fogaanshaha taabashada dheecaannada jidhka ee dadka cudurka qaba
✔ Gacmaha si joogto ah u dhaqo ama u isticmaal saabuun/jeermis-dile
✔ Raac hab-raaca saxda ah wakhtiga aaska si ammaan ah oo sharaf leh

Nabad iyo Caafimaad Wanaagsan!

15/11/2025

📢 Waxaan idin la wadaagi doonaa xog buuxda oo ku saabsan cudurka khaterta ah ee ka dillaacay dalka Itoobiya!

Waa Afarta Nooc ee Maskaxda Bini’aadamka ay u qeexeen khubarada cilmi-nafsigu:🧠Khubarada cilmi-nafsigu waxay maskaxda bi...
15/11/2025

Waa Afarta Nooc ee Maskaxda Bini’aadamka ay u qeexeen khubarada cilmi-nafsigu:🧠

Khubarada cilmi-nafsigu waxay maskaxda bini’aadamka u kala saareen afar nooc.🧠
⤵️
1. Qaybta Garaadka /Intelligence Quotient (IQ):
Waxay cabbirtaa heerka garaadka qofka, sida xallinta dhibaatooyinka, xasuusta, iyo fahamka fikradaha.

2. Qaybta Dareenka /Emotional Quotient (EQ):
Waxay la xidhiidhaa awoodda qofka u leeyahay inuu fahmo, xakameeyo, iyo la tacaalo dareenkiisa iyo kan dadka kale.

3. Qaybta Bulshada /Social Quotient (SQ):
Waxay muujisaa sida qofku ula falgalo dadka kale, u dhiso xidhiidh bulsho oo wanaagsan, ugana shaqeeyo wadajir ahaan.

4. Qaybta Adkeysiga /Adversity Quotient (AQ):
Waxay cabbirtaa awoodda qofka u leeyahay inuu ka gudbo caqabadaha nolosha, u dulqaato dhibaatooyinka, oo uusan niyad jabin.

Xadhkaha Wadnaha 🫀Gudaha wadnahaaga waxaa ku jira xadhko iyo muruqyo yaryar kuwaas oo hubiya in dhiiggu u socdo jihada s...
14/11/2025

Xadhkaha Wadnaha 🫀

Gudaha wadnahaaga waxaa ku jira xadhko iyo muruqyo yaryar kuwaas oo hubiya in dhiiggu u socdo jihada saxda ah.
Muruqyadan yaryar ee wadnaha waxaa la yiraahdaa papillary muscles. Waxay ku yaallaan gudaha labada qol ee wadnaha (ventricles) — midig iyo bidix labadaba, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaara ilaalinta jihada saxda ah ee dhiigga, iyagoo ka hortagaya in valves-ka wadnuhu dib u furmaan oo dhiiggu dib ugu soo laabto qolalka sare ee wadnaha (atria).

• Muruqyadan waxay ku xidhan yihiin valves-ka mitral iyo tricuspid iyagoo adeegsanaya xadhko la yiraahdo "chordae tendineae".

•Xadhkahan ayaa jiida tuubooyinka wadnaha si ay uga ilaaliyaan inay si khaldan u furmaan— waxayna u dhaqmaan sidii fiilooyin badbaado, kuwaas oo ka hortaga in valves-ka wadnaha ay dumaan.

• Sidoo kale muruqyadan waxay kaa caawinayaan in wadnahaagu mar kasta uu garaacmo.

Nidaamkani waa tusaale cajiib ah oo muujinaya sida qaybaha yaryar ee jidhkeenna ay u leeyihiin shaqooyin aad u muhiim ah oo nidaamsan. Waxay ka mid yihiin muruqyada ugu muhiimsan ee ka shaqeeya ilaalinta socodka dhiigga ee hal-jihada ah ee wadnaha.

Subhanallah فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Muhiimadda caafimaad: Haddii muruqyada papillary ay dhaawacmaan ama dillaacaan, waxay keeni karaan dhibaatooyin halis ah sida xaalad loo yaqaan valve prolapse ama daadin dhiig ah oo aan caadi ahayn.

©️ Ahmed MediCo 🖍️
Daryeelka Caafimaadka

14/11/2025

Normal delivery process

 !! Magaalada Jinka oo ku taallaa Koofurta Itoobiya (Deegaanka Debubka– SNNPR), waxaa ka dillaacay cudur cusub kaasoo sa...
12/11/2025

!!

Magaalada Jinka oo ku taallaa Koofurta Itoobiya (Deegaanka Debubka– SNNPR), waxaa ka dillaacay cudur cusub kaasoo sababa in heerkulka jidhku si xad‑dhaaf ah u kaco, isla markaana keena dhibaatooyin kala duwan sida (sida dhiig ka furma sanka,
cirridka, shuban dhiig wata, matag dhiig leh, dhiig maskaxda ka furma, iyo guud ahaan indhaha iyo maqaarka oo casaada). Ilaa hadda, cudurkan wuxuu sababay dhimasho gaadhaysa 5 qof, oo ay ku jiraan dhakhtar iyo kalkaaliye caafimaad.

Cudurkan waxaa la rumeysan yahay inuu yahay fayras ka dhasha noocyo kala duwan, waxaana uu si sahlan uga gudbi karaa qof ilaa qof. Wuxuuna ku faafi karaa marka la taabto dheecaanada kala duwan ee qofka cudurka qaba sida dhiigga iyo candhuufta. Intaa waxaa dheer, fayraskani wuxuu ku faafi karaa cayayaanka sida kaneecada iyo tafkida, kuwaas oo cudurka gudbin kara.

Ilaa iyo hadda, si rasmi ah looma aqoonsan nooca fayraska keena cudurkan magaaladaas ka dillaacay.
Sidaas darteed, waxaa lagaaga digayaa inaad ka taxaddarto oo aad iska ilaaliso dhammaan hababka uu cudurku ku faafi karo.

Fadlan feejignaada!

Waa maxay sababta loogu magac daray in muruqyada lugaha hoose loogu yeero 𝘄𝗮𝗱𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗹𝗮𝗯𝗮𝗮𝗱 ee aadanaha...?═══════════🖍️Wax...
12/11/2025

Waa maxay sababta loogu magac daray in muruqyada lugaha hoose loogu yeero 𝘄𝗮𝗱𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗹𝗮𝗯𝗮𝗮𝗱 ee aadanaha...?
═══════════🖍️
Waxay kaalin muhiim ah ka qaataan in dhiigga laga soo celiyo lugaha hoose una gudbiyaan wadnaha. Marka la socdo ama la dhaqaaqo, muruqyadaas waxay cadaadis saaraan xididdada dhiigga, taasoo ka caawisa wareegga dhiigga inuu si fiican u shaqeeyo—sida wadnaha oo kale.

Muruqa kubka (calf muscles) waxay kuyaalan lugaha inta u dhaxaysa cagta iyo lowga waxa lagu naanaysa inay yihiin 𝘄𝗮𝗱𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗹𝗮𝗯𝗮𝗮𝗱 ee aadanaha (second heart), sababtuna waa inay door wayn oo muhiim ah ku leeyihiin habsami u socodka wareega dhiiga.

Sida caadiga ah wadnahu waxa uu dhiiga gaadhsiiyaa dhamaan jidhka oo idil, isla dhiigaas wuxuu dib ugu so noqdaa 𝐰𝐚𝐝𝐧𝐚𝐡𝐚. Haddaba markuu dhiiggu hoos ugu soo d**o lugaha wuxuu u baahan yahay inuu mar kale kor ugu laabto wadnaha laakiin dhiiggu ma awoodo inuu si iskii ah dib ugu noqdo wadnaha sababtuna waa cufis-jiidadka (gravity) lugaha ayaa ka hor istaaga. Halkaas ayay muruqyada kubka ee loo yaqaano 'Calf muscles' ay door muhiim ah ka ciyaaraan.

Tani waxay ka dhigaysaa in uu wadnuhu u baahan yahay xoog dheeraad ah si uu dhiigga ugu soo celiyo qaybaha sare ee jidhka. Haddaba dhiiga lugaha soogaadhay waxaa ka caawiya in jidhka dib ugu soo noqdaan murqahaas aan so sheegnay iyagoo si xoog ah u cadaadinaya xididdada dhiiga si ay kor ugu tuuraan dhiiga.

Tusaale aan ku siiyo: Haddi aad degantahay guri fooq ah ama dabaq si aad u hesho biyo waxaad u baahan tahay Diinimo/bam awood kusoo gaarsiiya biyaha hoose dabaqa sare waayo biyaha kaligood ma awoodaan inay soo gaadhaan fooqa sare haddii aan loo isticmaalin diinimo. Isla sidaas oo kale murqahan waa sida diinamadaas oo kale, awood ayay dhiiga ugu celiyaan wadnaha.

Haddaba xaalad kasta oo saameeysa murqahaas waa kuwo halis galin kara noloshaada. Waxyaabaha saameynta kuyeesha waxaa kamid ah dhaqdhaqaaq la’aanta jidhka, fadhiga badan ama istaaga badan kuwaas oo hawlgab ka dhigi kara murqahan, dhiiguna wuxuu kusoo ururayaa lugaha hoose taasoo sababi karta barar lugaha ah iyo xaalado kale oo halis ku noqon kara naftaada.

Caafimaadku waa dahab ha dayicin!
Mahadsanidiin!

Beerkeena–Xubin Aad U Muhiim Ah     ▼Beerka qofka bini’aadamka ah ma joojin karo shaqadiisa xitaa hal maalin. Wuxuu qabt...
11/11/2025

Beerkeena–Xubin Aad U Muhiim Ah

Beerka qofka bini’aadamka ah ma joojin karo shaqadiisa xitaa hal maalin. Wuxuu qabtaa hawlo aad u badan oo muhiim ah.

Astaamaha Gaarka Ka Dhigaya Beerka

1. Koritaanka Beerka
Beerku wuxuu leeyahay awood kobac oo cajiib ah. Wuxuu gaari karaa cabbirka kubbadda cagta. Waa qanjidhka ugu weyn, iyo xubinta labaad ee ugu weyn xubnaha jidhka bini’aadamka.

2. Wuxuu qabtaa in ka badan 200 shaqo
Beerku wuxuu qabtaa hawlo badan sida:
► Isku-dubaridka sonkorta (glucose) ee maskaxda iyo jidhka
► Ka hortagga cudurrada
► Kaydinta macdanta iyo nafaqooyinka
…Shaqooyinka beerku aad bay u adag yihiin, ilaa hadda ma jiro mashiin kaliya oo si buuxda u qaban kara shaqooyinka uu beerku qabto.

3. Dhiig-samaynta
Beerku wuxuu soo saaraa dhiigga gaar ahaan xilliga uurka, ka hor inta ilmuhu dhalan. Haddii beerku jirin, dhiiggu ma samaysmi karo.

4. Dib isu-cusboonaysiin
Haddii beerka saddex-meelood meel ama laba-meelood saddex (⅔) laga jaro oo qof kale loo beddelo, wuxuu dib u kori karaa muddo 6–8 toddobaad gudahood oo shaqadiisa sidii h**e u sii wadan karaa ✅.

5. Sun-Nadiifinta
Beerku wuxuu burburiyaa sunta jidhkeenna soo gasha, wuxuuna nadiifiyaa dhiigga. Wuxuu u shaqeeyaa sidii maskax ilaalinaysa jidhka oo dhan.

©️ Ahmed MediCo 🖍️
Daryeelka Caafimaadka

Hadalka telefoonka muddo dheer (in ka badan 30 daqiiqo) wuxuu keeni karaa dhibaatooyin caafimaad oo kala duwan sida: hil...
11/11/2025

Hadalka telefoonka muddo dheer (in ka badan 30 daqiiqo) wuxuu keeni karaa dhibaatooyin caafimaad oo kala duwan sida: hilmaamid, feejignaan la’aan, daal ama murqo gariir, xanuunka dhabarka, xanuunka qoorta, xanuunka kalyaha, dhibaatooyinka maskaxda, dhaawaca dhegaha, hurdo la’aan iyo khataro kansarro kala duwan. Sidaas darteed, marka aad telefoonka ku hadlaysaan, waxaa fiican inaad ka hadashaan arrimaha muhiimka ah oo keliya. Dadka shaqada ama xidhiidhka muhiimka ah la leh, haddii ay khasab ku tahay, marka ay ku hadalka taleefanka 30 daqiiqo gaadho, waa in ay qaataan ugu yaraan 5 daqiiqo nasasho ah.

Nabad gelyo! Caafimaad wanaagsan!

CPR Compression-Ventilation Ratio 🩺🚑In adult CPR, the compression–to–ventilation ratio is 30:2 🫀🫁💨. This means:✔️30 ches...
10/11/2025

CPR Compression-Ventilation Ratio 🩺🚑

In adult CPR, the compression–to–ventilation ratio is 30:2 🫀🫁💨. This means:

✔️30 chest compressions (100–120 per minute) 💪
✔️2 rescue breaths 😮💨
✔️If untrained, do hands-only CPR (continuous compressions) 🙌

Quick action saves lives! 🫀⏳❤️

❇️Discover more amazing insights and Learn with 💡xigasho Ahmed MediCo✅

Address

Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Daryeelka Caafimaadka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Daryeelka Caafimaadka:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram