Cusbitaalka Gashamo

Cusbitaalka Gashamo gaashaamo hospital where you can get your health services

Wasiirka xafiiska Caafimaadka DDS Dr muse ahmed ibrahim ayaa ka gudoomay garyaqaan maxamed jaamac weyne qalab kala duwan...
08/08/2025

Wasiirka xafiiska Caafimaadka DDS Dr muse ahmed ibrahim ayaa ka gudoomay garyaqaan maxamed jaamac weyne qalab kala duwan oo muhiim ah oo uu soo gaadhsiiyay Cusbitaalka, qalabkaas oo ay usoo wakiisheen qurbajoogta dalka ingiriiska iyo ururka oo gadhwadeen ka yihiin xusen wadaad yare , cabdilahi saleebaan bide iyo cismaan xaashi.
Qalabka oo iskugu jira qalabka lafaha,dopler ultrasound, OR tables(4 table), qalabka qaliinada guud( major and minor sets) ,qalabka MCH ka, qalabka lagula socdo xaalada deg dega ee bukaan (patient monitors), CPAP( mashiinada neefta), mashiinada wadnaha ( Electrocardiography), mashiinka suuxdinta ( anesthesia machine ) iyo qalab kale oo muhiim ah.

Maxamed jaamac weyne ayaa ah xubin firfircoon oo isku xidhay qurbajoogta iyo cusbitaalka taas oo wax badan suurta galisay, isaga oo h**ena uga qayb qaatay keenis qalab cafimaad.

Ugu dambayna maamulka Cusbitaalka ayaa shahaado sharaf ku maamuusay garyaqaan maxamed jaamac weyne taas oo uu ku mutaystay garab istagaa iyo ka shaqaynta danta guud.

Waftii Sare oo uu hogaminayo Wasiirka xafiiska caafiimaadka Dr.Musse Axmed Ibraahim ayna waheliyaan Wasiir Kuxigeenka xa...
06/08/2025

Waftii Sare oo uu hogaminayo Wasiirka xafiiska caafiimaadka Dr.Musse Axmed Ibraahim ayna waheliyaan Wasiir Kuxigeenka xafiiska caafiimaadka Mudane Maxamed Ayaanle Xassan Wasiir kuxigeenka maaliyaada Mudane Muxiyadin Abdi Farax xildhibaano Masuliyin kasocotay gobolka jarar , masuliyiinta cusbitaalka gaashaamo , Garyaqaan maxamed jamaac weyne, odoyaasha dhaqanka ee degmada gaashaamo , ganacsato iyo xildhibaanada heer deegaan ayaa xadhiga kajaray warshada oxygenta cusbitaalka gaashaamo iyo farmasigan casriga ee bulshada ( model community pharmacy).
Wasiirka oo kormeer ku sameeyay waaxaha kala duwan ee Cusbitaalka, kaydka dhiiga iyo dhismaha balaadinta Cusbitaalka ayaa madasha ka sheegay inuu Cusbitaalku buuxiyay darajada Cusbitaal guud (General Hospital), yahayna cusbitaaada ugu adeega wanaagsan deegaanka.
Wasiirka ayaa uga mahad celiyay ganacsatada iyo qurbajoogta doorka ay ku lahaayeen Warshada oxygenta iyo keydka dhiiga ( blood bank ), kuna dhiirigaliyay inay sii wadaan taagerada ay siiyaan cusbitaalka iyo xarumaha kale ee Caafimaadkaba.

Wasiirka iyo maamulka Cusbitaalka ayaa si wadajir u gudoonsisiiyay shahaado sharaf gamacsatada iyo xildhibaanada qaybta weyn ka qaatay warshada oxygenta.

Ugu dambayna wasiirka ayaa ka gudoomay garyaqaan maxamed jaamac weyne qalab ay cusbitaalka ugu deeqeen qurbajoogta dalka ingiriiska , qalabkaas oo isna wax weyn u tari doona adeeg bixinta cusbitaalka.

03/08/2025
Qiimaynta cusbitaalada deegaanka oo jigjiga ka socotay sedexdii cisho ee u dambaysay ayaa Cusbitaalka gaashaamo  lagu ab...
18/07/2025

Qiimaynta cusbitaalada deegaanka oo jigjiga ka socotay sedexdii cisho ee u dambaysay ayaa Cusbitaalka gaashaamo lagu abaalmariyay ka dhabaynta xoojinta adeegyada Caafimaadka, ku xidhida bulshada Cusbitaalka, ka qabygalka bulsho ee horumarinta Cusbitaalka iyo inuu tusaale u yahay Cusbitaalada kale ee deegaanka.

Xafiiska Caafimaadka DDS: SRHB- Somali Regional Health Bureau.
15/07/2025

Xafiiska Caafimaadka DDS: SRHB- Somali Regional Health Bureau.

Mashiinka loo yaqaan doppler ultrasound ayaa lagu soo kordhiyay Cusbitaalka gaashaamo, kaaso oo ka kooban sadex qaybood ...
13/07/2025

Mashiinka loo yaqaan doppler ultrasound ayaa lagu soo kordhiyay Cusbitaalka gaashaamo, kaaso oo ka kooban sadex qaybood oo kala ah
1. Wadnaha ( ( echo probe)
2. Xididada dhiiga ee xidhma iyo uur ku jirta.
3. Thyroid.

Cusbitaalka ayaa h**e u lahaa 2 ultrasound lkn aan ahayn noocan.

Waxaa maanta soo gaadhay magaalada jigjiga engineer-ka xidh xidhi doona warshada oxygenta ee Cusbitaalka gaashaamo, wars...
10/07/2025

Waxaa maanta soo gaadhay magaalada jigjiga engineer-ka xidh xidhi doona warshada oxygenta ee Cusbitaalka gaashaamo, warshada oo dhawaan soo gaadhay Cusbitaalka ayaa shaqada bilaabi doonta todobaadkan.

Waxaa sidoo kale ka qabsoomay cusbitaalka gaashmo kulanka gudiga board ka Cusbitaalka oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha degmada Dr. Abdihakim iman, kulanka ayaa lagu dhagaystay warbixintii sanadkii h**e iyo qorshaha sanadkan 2018 E.C.

Waxaa sidoo kale maamulka Cusbitaalku kulan la qaatay ganacsade ABDIFTAH MURAASE, oo ah ganacsade dhawaan gaashamo keeni doona scan gaar loo leeyahay kaas oo wax badan u tari doona adeegyada u baahan CT scan.

Xafiiska Caafimaadka DDS: SRHB- Somali Regional Health Bureau.

Odayaasha degmada oo uu hogaaminayo caaqil mahad beergeel ayaa ku wareejiyay Cusbitaalka gaashaamo gaadhi BAS ah kaas oo...
05/07/2025

Odayaasha degmada oo uu hogaaminayo caaqil mahad beergeel ayaa ku wareejiyay Cusbitaalka gaashaamo gaadhi BAS ah kaas oo mudooyinkii u dambeeyay ku hawlaanayeen sidii uu Cusbitaalku u heli lahaa gaadhigan.
Gaadhiga ayaa qaban doona adeegyada Cusbitaalku magaalada uga baahan yahay iyo shaqaalaha xiliyada habeenkii soo gala shaqada.

Xafiiska Caafimaadka DDS: SRHB- Somali Regional Health Bureau.

Warshada oxygen ta soo saarta ayaa soo gaadhay Cusbitaalka gaashaamo maanta.Warshada ayaa quudin doonta dhamaan cusbitaa...
22/05/2025

Warshada oxygen ta soo saarta ayaa soo gaadhay Cusbitaalka gaashaamo maanta.

Warshada ayaa quudin doonta dhamaan cusbitaalada dariska ah iyo xarumaha cafimaadka ee OR block leh ee gobolada jarar , qoraxay iyo doolo.
Warshada oxygenta ayaa ahayd fikrado iyo curin ka yimid hoogaaminta Cusbitaalka oo isku dhan lana kaashaday bulshada, qurbajoogta, xafiiska Caafimaadka DDS , xildhibaanada degmada iyo masuuliyiinta heer deegaan ee kasoo jeeda degmada.
Waxaanu aad ugu mahad celinaynaa dhamaan ganacsatadii ka qayb qaadatay warshadaas.

Warshada ayaa la rakibi doonaa todobaadka dambe.

Shirka waaxaha kala duwan ee SBFR( system bottleneck focused reform) ayaa ka  qabsoomay madasha shirarka ee Cusbitaalka ...
20/05/2025

Shirka waaxaha kala duwan ee SBFR( system bottleneck focused reform) ayaa ka qabsoomay madasha shirarka ee Cusbitaalka gaashaamo.
shirkan oo ah mid todobaadle ah ayaa dib u eegis loogu sameeyaa adeegbixinta waaxaha kala duwan ee todobaadkii h**e,
Madaxa SBFR, md.abditafataax ayaa soo jeediyay warbixinta todobaadka.
Ugu dambayn waxaa waaxaha kala duwan laga dhagaystay halka uu marayo barnaamujka ETHIOCODER oo ah nidaam aqoonta xirfadaha digital ka ee shaqaalaha kor u qaadaya, kaas oo dhawaan laga bilaabay Cusbitaalka ayna qaadan doonaan shaqaalaha kala duwan ee Cusbitaalku.

Gashamo blood bank. Kaydka dhiiga ee gaashaamo ayaa maalintii labaad degmada DAROOR ka wada olalaha  dhiig ururinta ee k...
18/05/2025

Gashamo blood bank.

Kaydka dhiiga ee gaashaamo ayaa maalintii labaad degmada DAROOR ka wada olalaha dhiig ururinta ee kaydka.
Maamulka iyo shacabka degmada daroor ayaa si hagar la'aan ah dhiigooda ugu deeqay bangiga dhiiga ee gaashaamo.
Xafiiska Caafimaadka DDS: SRHB- Somali Regional Health Bureau.

Afur wadareed ay kasoo qayb galeen in ka badan 150 shaqaalaha waaxaha kala duwan ee Cusbitaalka iyo kaydka dhiiga Gaasha...
14/03/2025

Afur wadareed ay kasoo qayb galeen in ka badan 150 shaqaalaha waaxaha kala duwan ee Cusbitaalka iyo kaydka dhiiga Gaashaamo ( GASHAMO BLOOD BANK) ayaa lagu qabtay gudaha Cusbitaalka gaashaamo.
Afurkan oo soo diyaariyeen maamulka iyo gabdhaha Cusbitaalka gaashamo ayaa ahaa mid ay kasoo qayb galeen inta badan shaqaalaha iyo madax waaxeedyada Cusbitaalka iyo xarunta kaydka dhiigu.
Xafiiska Caafimaadka DDS: SRHB- Somali Regional Health Bureau.

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cusbitaalka Gashamo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Cusbitaalka Gashamo:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category