Dr Husni jarato

Dr Husni jarato health service

12/09/2025

Cagaarshowga (Hepatitis)

Waa maxay Cagaarshow?

Cagaarshowgu waa cudur ku dhaca beerka, waxaana keena caabuq (infection) uu sababo fayras. Waxaa sidoo kale keeni kara waxyaabo kale sida daroogooyinka, sunta, ama hab-dhaqan caafimaad darro.

Noocyada Cagaarshowga

Cagaarshowgu wuxuu leeyahay dhowr nooc, kuwa ugu badan waa:

1. Cagaarshowga A (Hepatitis A)

Waxaa keena fayraska Hepatitis A (HAV).

Inta badan wuxuu ku faafo cunnada ama biyaha wasaqaysan.

Waa cudur la iska qaado laakiin badanaa wuu ka bogsadaa qofka.

2. Cagaarshowga B (Hepatitis B)

Waxaa keena fayraska Hepatitis B (HBV).

Wuxuu ku faafaa dhiigga, galmada, iyo hooyada oo u gudbisa ilmaheeda.

Wuxuu keeni karaa cagaarshow joogto ah (chronic hepatitis).

3. Cagaarshowga C (Hepatitis C)

Waxaa keena fayraska Hepatitis C (HCV).

Badanaa wuxuu ku faafo dhiigga.

Wuxuu sababi karaa dhaawac joogto ah oo beerka ah, xitaa kansar.

4. Cagaarshowga D iyo E (Hepatitis D & E)

D wuxuu kaliya ku dhici karaa dadka qaba Hepatitis B.

E wuxuu u egyahay Hepatitis A, wuxuuna ku faafo biyaha wasaqaysan.

---

Calaamadaha Cagaarshowga

Maqaarka oo huruud noqda (jaalle)

Indhaha oo huruud yeesha

Daal badan

Lalabbo iyo matag

Calool xanuun, gaar ahaan agagaarka beerka

Saxarada oo midabkeedu cawl noqdo

Kaadida oo madow noqota

---

Sida loo Difaaco Nafteena

Nadaafad ku filan oo laga taxadaro biyaha iyo cuntada (A & E)

Tallaalka Hepatitis A & B

Ka fogaanshaha isticmaalka cirbado la wadaago (B & C)

Iska ilaalinta galmada aan la is hubin

Hubinta dhiigga la is siiyo in uu nadiif yahay

---

Daaweyn

Cagaarshow A iyo E: badanaa daaweyn rasmi ah looma baahna, waxayna ka bogsadaan kaligood.

Cagaarshow B iyo C: waxaa jira daawooyin horumarsan oo yareeya halista dhaawaca beerka. Tallaal ayaa ka hortagi kara Hepatitis B.

Address

Jijiga

Telephone

+251915103717

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Husni jarato posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category