Karamara General Hospital

Karamara General Hospital karamara General hospital Since 1948

Tababar kooban oo la xiriira isticmaalka iyo maareynta  Oxygenta iyo warshada soo saarta  oxygenta(Oxygen Plant)ayaa loo...
18/04/2026

Tababar kooban oo la xiriira isticmaalka iyo maareynta Oxygenta iyo warshada soo saarta oxygenta(Oxygen Plant)
ayaa loo qabtay qaar kamid ah shaqaalaha Cusbitaal ka Karamardha.

ujeedada tababarkan ayaa ah in shaqaalaha la baro Qaab ka ay ushaqaynayso warshada soo saarta oxygenta iyo habkii looga faa iidaysan lahaa iyada oo la marayo heerar ka caalamiga ah ee loogu talagalay.

Warshadan oxygenta oo ah Mashruuc aad u wayn ah oo dhawaan lagu soo kordhiyay deegaanka gaar ahaan cusbitaalka karamardha ayaa waxa la filayaa in dhawaan xadhiga laga jaro .
Warshadan Ayaa Lafilayaa in ay ha qab tirto dhamaan baahiyii oxygen ta ee Cusbitaalada ku yaala caasimada DDD iyo dhamaan gobolada u dhow caasimad insha Allah

Karamardha Hospital has become one of the leading healthcare Facilty  in the Somali regional state  attracting increased...
11/04/2026

Karamardha Hospital has become one of the leading healthcare Facilty in the Somali regional state attracting increased community trust following the recent transformations—particularly the establishment of the new Mother and Child Health (New MNCH) facility.

The New MNCH is fully equipped with modern medical technologies and comprehensive services, ensuring that all essential care is readily available.

This progress was made possible through the strong commitment of the Regional Government, which prioritized service delivery sectors—especially healthcare—by expanding hospitals, supplying advanced medical equipment, and deploying qualified health professionals, including specialized doctors. Today, these improvements enable communities to access quality healthcare services locally, reducing the need for long-distance travel and associated costs.

Karamardha Hospital, one of the oldest hospitals in the region, has undergone significant transformation with the addition of modern infrastructure and advanced equipment. It now stands among the top-performing healthcare facilities at both regional and national levels, operating with advanced systems such as a Digital Health System.

The community has clearly expressed its satisfaction by actively utilizing the improved services and acknowledging the efforts behind this remarkable progress, particularly those of the Somali Regional Government.

This achievement represents a major milestone for the community. It is now a shared responsibility to utilize, protect, and sustain these advancements for the benefit of all.

Cusbitaalka Karamardha ayaa waxa uu noqday  mid kamid ah  xarumaha caafimaadka  Kaas  oo aad usoo  jiitay bulshada kabac...
11/04/2026

Cusbitaalka Karamardha ayaa waxa uu noqday mid kamid ah xarumaha caafimaadka Kaas oo aad usoo jiitay bulshada kabacdi isbadlkii ka dhacay deegaanka, gaar ahaan cusbitaalka loo dhisay Hooyada iyo Dhallaanka (New MCH),
Cusbitaalkan ayaa si casri ah loo qalabeeyay iyadoo loo dhamays tiray dhamaan adeeg yadii loo baahnaa.

Horumarkan, ayaa hirgalay kabacdi markii mudnaan gaar ah ay siisay Xukuumadda Deegaanku sectarada adeeg bixinta oo ay uugu horeeyo sectarka caafimaadka kaas lagu soo kordhiyay cusbitaalo tiro badan iyo qalab caafimaad oo farabadan kuwaas oo loo shaqaalaysiiyay shaqalihii ku haboonaa oo ay kamid ka yihii dhakhaatiir takhasus kala duwan leh
oo maanta laga helayo dhamaan cusbitaalada deegaanka iyagoo fulinaya adeegyo kala duwan oo tayo leh bulshaduna kaga raysatay safarkii ay u gali jireen in ay helaan adeega ay rabaan kuwaas oo lootagi jiray meelo fog kagana bixi jiray kharash badan,maanta ay ka helayaan xarunta uugu dhow.

cusbitaalka karamardha oo kamid ah kuwa uugu faca wayn deegaanka ayaa mid ahaa kuwa is badal ka wayn lagu sameeyay isaga oo lagu soo kordhiyay dhismayaal casri ah iyo qalab casri ah ku waas oo sare u qaaday adeegii uu bulshada u hayay.
waxa uu maanta ka mid yahay xarumaha caafimaad ee ugu adeegga fiican heer dal iyo deegaanba, isaga oo ku shaqeeya nidaamyo casri ah sida Digital Health System.

Bulshada deegaanka ayaa si cad u muujisay dareenkooda iyagoo ku ka faa iidaysanaya adeegyada loo soo kordhiyay una mahadcelinaya dhamaan ciidii ka shaqaysay hirgalinta hormarkaas muuqada oo uugu horayso xukumad DDS.
Guushan waa mid wayn oo usoo hoyatay bulshada Deegaanka , waxaana looga baahan yahay bulshadadeegaanka in ay ka faa’iidaystaan oo ay na wada ilaashadaan hormarka loo soo kordhiyay.

Hogaminta Sare ee Caafimaadka Deegaanka Soomaalida ayaa Tababar Kor Logu Qaadayo Garaadkooda Aqooneed Lagu Qabtay Xarunt...
03/04/2026

Hogaminta Sare ee Caafimaadka Deegaanka Soomaalida ayaa Tababar Kor Logu Qaadayo Garaadkooda Aqooneed Lagu Qabtay Xarunta Dalxiiska ee Magalada Shabellay ee Gobolka Faafan.

Si kor loogu qaado adeega caafimaad ee bulshada deegaanka iyada oo la adeegsanayo farimaha ka hortaga xakamaynta cudurada daryeelka baxnaanaynta iyo daweyanta si tayo leh oo leh sinaan iyo cadaalad ku salaysan ayay ujeedada tababarkani ku qotonta taasi oo sare uu qaadi doonta garaadka aqooneed ee hogaminta caafimaadka ee deegaanka.

Waxaana kasoo qaybgalay madaxa Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida Eng Moxamed Shalle Wasiirka Xafiiska Caafimaadka Dr.Musse Axmed Ibraahim agaasinada waxaaha kala duwan ee xafiiska caafimaadka maamulka Wakalada dabagalka dawooyinka iyo cuntada ee deegaanka mareeyayaasha cusbitaalada iyo hawl wadeeno kale.

Eng Maxamed Shalle ayaa sheegay in mudooyinkii lasoo dhafay saktarka caafimaadku sameyay horumarin xoogan oo dhan walba taabanysa isaga oo hogaminta sare kuwa dhexe iyo xirfadlayaasha caafimaadka deegaankaba ku booriyay inay muhiim tahay in lasi xoojiyo si loo gaadho heer dabool caafimaad oo dhamaystiran.

In la arko bulshada Deegaanka Soomaalida oo caafimaad qabta islamarkana wax soo saar leh.

Dr Musse Axmed Ibraahim Wasiirka xafiiska caafimaadka ayaa cadayay inuu tababarkani muhiimad wayn uu leyahay hogaminta sare ee caafimaadka isaga oo xusay in la joogtayn doono tababarakan Hogamintana loga bahan yahay inay goobaha shaqada wax kagaga badalan si bulshada deegaanku uu hesho adeegyo caafimaad oo isku dhafan oo cadcadaan leh.

Xafiiska Caafiimaadka DDS.
April.3.2026.

Waxaan xoojinaynaa adeeg bixinta cusbitaalka si aan kor ugu qaadno tayada adeega hufananta ah ee la siinyo bulshada maar...
02/04/2026

Waxaan xoojinaynaa adeeg bixinta cusbitaalka si aan kor ugu qaadno tayada adeega hufananta ah ee la siinyo bulshada maareeyaha cusbitalka kaarmaradha Dr cumar jaamac cumar

Masuuliyiinta Cusbitaalka Guud ee Karamardha oo ayaa Kulan Laqatay Dhakhatiirta Takhasuuska Sareleh Ee ka hawl gala cusbitaalka kaarmardha

Kulankan oo ay ujeedadisu ahayd xoojinta iyo dardargalinta hawlaha shaqo ee cusbitaalka iyo ilaalinta sacadaha shaqo ee Dhakhatiirta si adeeg wanagsan loo siiyo bulshada adeega uu soo doonata cusbitaalka taasi oo sare uu qaadaysa qanciinta bukaanada.

Dr cumar jaamac cumar Mareeyaha cusbitaalka guud ee karamardha ayaa xusay inay dhakhtiirtani markasta uu tagan yihin guudashada wajiibaadkooda shaqo balse looga bahan yahay in lasii xoojiyo shaqooyinka bulshada loo hayo isaga oo xusay inay lagama marmaan tahay Ilaalinta sacadaha shaqada iyo ka warqaabka bukaanada madama uu wajiibaad kasaran yahay mamulka cusbitaalka iyo dhakhatiirta.

Ugu danabayn dhakhatiirta ayaa dhankooda sheegay inay si xoojin doonan hawlaha shaqo ee ay bulshada uu hayaan si loo xaqiijiyo dadalada xukumada deeganka ee ah inay bulshada deeganku hesho heer dabool caafimaad oo dhamaystiran.

19/03/2026
Ciid MubaarakWaxaan halkan dhambaal hambalyo farxadda Ciidul Fidrida awgeed u marinayaa ummadda Islaamka, gaar ahaan sha...
19/03/2026

Ciid Mubaarak

Waxaan halkan dhambaal hambalyo farxadda Ciidul Fidrida awgeed u marinayaa ummadda Islaamka, gaar ahaan shaqaalaha cusbitaalka kaarmardha,Waxaan idin leeyahay farxad iyo raynrayn ku ciida.

Waxaan Alle ka baryayaa in uu inaga aqbalo soonkii, salaaddii iyo acmaashii suubanayd, hana inaga dhigo kuwii dembiyadooda la dhaafay. Ilaahay raxmadiisa ha inagu gallado, abaarahana ha inaga soo jabiyo.

Dr cumar jaamac cumar ,maareeyahaa cusbitaallka Guud Ee kaarmardha

26/02/2026

waxaa Cusbitaalka Guud ee Karamardha ka qabsoomay shir kii todobaad la ha ahaa kaas oo lagu soo bandhigay waxqabadka cusbitaalka, gaar ahaan fulinta barnaamijka SBFR.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray:

✅ Heerka waxqabadka iyo tayada adeegyada cusbitaal ku bixiyo
✅ Guulaha la gaaray muddadii u dambeysay iyo Meelaha u baahan xoojin iyo hagaajinta joogtada ah
✅ Qorshayaasha xiga todobaadan

Shirkan wuxuu muujinayaa dadaalka joogtada ah ee maamulka iyo shaqaalaha cusbitaalku ay ugu jiraan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada adeegyada caafimaad iyo isla xisaabtanka cusbitaal ka.

Gabagabadii waxaa hoosta laga wada xariiqay in lagawada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa adeega bulshada lasiinayo oo ah mid tayo sare leh.w

waxaa Cusbitaalka Guud ee Karamardha ka qabsoomay shir kii todobaad la ha ahaa  kaas  oo lagu soo bandhigay waxqabadka c...
26/02/2026

waxaa Cusbitaalka Guud ee Karamardha ka qabsoomay shir kii todobaad la ha ahaa kaas oo lagu soo bandhigay waxqabadka cusbitaalka, gaar ahaan fulinta barnaamijka SBFR.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray:

✅ Heerka waxqabadka iyo tayada adeegyada cusbitaal ku bixiyo
✅ Guulaha la gaaray muddadii u dambeysay iyo Meelaha u baahan xoojin iyo hagaajinta joogtada ah
✅ Qorshayaasha xiga todobaadan

Shirkan wuxuu muujinayaa dadaalka joogtada ah ee maamulka iyo shaqaalaha cusbitaalku ay ugu jiraan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada adeegyada caafimaad iyo isla xisaabtanka cusbitaal ka.

Gabagabadii waxaa hoosta laga wada xariiqay in lagawada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa adeega bulshada lasiinayo oo ah mid tayo sare leh.

Kulan Lagu Daahfurayo Hirgalinta Nidaamka Lacag Bixinta Adeeg Bixinta Caafimaadka ee Digital ah Kaasi oo Fududayn Doona ...
19/02/2026

Kulan Lagu Daahfurayo Hirgalinta Nidaamka Lacag Bixinta Adeeg Bixinta Caafimaadka ee Digital ah Kaasi oo Fududayn Doona Nidaamka Casriyaynta Adeega Bixinta Caafimaadka ayaa ka qabsoomay magaalada Jigjiga.

Kulanka oo ay ujeedadisu tahay hab ama qaab adeega caafimaadka loogu badali karo mid digitala ah kaasi oo ka qayb qadan doona casriyaynta nidaam digitala ah kaasi oo la jaan qaadayaa tegnolajiyada wakhtigan aduunka hagaysa taasi oo haddii adeegyada caafimaadka loga faaiidaysto horeedii kara horumarin caafimaad oo la jaan qaada wakhtiga casriga ah madama oo ay tegnolajiyadu hadda tahay waxaa ugu muhimsan ee la isticmaalo.

Waxaana kulanka kasoo qaybagalay masuliyin sare oo kamidaha golaha Fulinta xukumada deegaanka oo ay kamid ahayeen Wasiirka xafiiska caafimaadka Dr Musse Axmed Ibraahim Wasiirka xafiiska Arimaha bulshada Qabdiid Abdi Xaaji Wasiir kuxigeenka xafiiska caafiimaadka-Wasiir kuxigeenka xafiiska Maliyadda iyo Wasiir kuxigeenka xafiiska curinta iyo tegnolajiyada xubno kasocday wasaradda caafiimaadka dalka xafiisyada bahwadgata ah mareyayaasha cusbitaalada deegaanka Shabeele Bank iyo marti sharaf kale

Wasiirka xafiiska caafimaadka Dr.Musse Axmed Ibraahim ayaa sheegay nidaamka dib uu casriyaynta nidaam digitala ah si loola jaan Qaado tegnolajiyada casriga ah ee nidaamka adeeg bixinta caafimaadka uu yahay mid uu bahan in si dhaba loga wada shaqeeyo isaga oo Wasiirku sheegay in cusbitaalada kuyalla caasimadu ay horay uu hirgaliyeen nidaamka Adeega caafimaadka loogu badalayo mid casriya lagana guuray isticaamlka waraqaha ayna hirgaliyeen cusbitaalka guud ee Sheekh Xassan Yabare iyo cusbitaalka guud ee Karamardha.

Dhankiisa Madaxwayne kuxigeenka Shabelle Bank Mudane Maxamed ismaciil ayaa xusay inuu nidaamkani fududayn doono habka casriyaynta adeeg bixinta Caafimaadka ee nidaamka digitalka ah.

Ugu dabayn nidaamka casriyaynta adeeg bixinta ee la jaan qadayaa tegnolajiyada casriga ayay bilaabi doonan cusbitaalo kale iyo qaarkood xarumaha caafimaadka taasi oo sahali doonta casriyaynta Adeega Caafimaadka iyada oo la isla meel dhigay inay muhiim tahay in ciid kasta doorkeeda qadato si loo xaqiijiyo hawlaha shaqo ee nidaamka casriyaynta adeeg bixinta caafimaadka waxaana halkaasi lagu kala saxeexday heshis ku sahabsan sidii loo hirgalin la ah nidaamka digitala ah oo lagu casriyayn doono adeeg bixinta caafimaadka oo ay wada gallen xafiiska caafimaadka cusbitaalada iyo shaabelle bank.

03/02/2026

Horumar La Taaban Karo oo laga sameeyay Caafimaadka Hooyada Ee heer dal.
Sida ku cad sahanno tirakoob iyo caafimaad oo ay sameysay Wasaaradda Caafimaadka ee dalka, toban sano ka hor in ka badan 400 hooyo ayaa udhiman jirtay Umul raac 100,000 ee kasta ee hooyo.
Maanta, tiradaasi waxay hoos ugu dhacday 141 hooyo waxaa la dareemi karaa in dadaal wanaagsan laga sameeyay walina la sii wado ilaa heerka uugu hooseeya lagaadhayo.
Sidoo kale, hooyooyinka ku umula xarumaha caafimaadka ayaa si weyn kor looogu qaaday 37% ilaa 61% la soo gaadhsiiyay mudadaas kooban.

Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaalka joogtada ah ee Wasaaradda Caafimaadka iyo horumarinta adeegyada caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka.
Aan sii wadno dadaalka si hooyo walba u hesho daryeel badbaado leh insha Allah.

Maanta waxaan si guul leh u qabannay shirkii toddobaadlaha ahaa ee SBFR ka kaas oo  Lagaga Xaajooday   Wixii Caqabad ee ...
22/01/2026

Maanta waxaan si guul leh u qabannay shirkii toddobaadlaha ahaa ee SBFR ka kaas oo Lagaga Xaajooday Wixii Caqabad ee jirtay iyo Qaab kii loo sixi lahaa iyadoo kor loo qaadayo tayeynta adeeg-bixinta isbitaalka Guud ee Karamardha.
Shirkan Waxaa ka soo qayb galay maamulka isbitaalka ee kala duwan kuwaas oo ku kala qaatay tallaabooyin & qorshe yaal cusub oo looga gol leeyahay xoojinta & hormarinta adeegyada bulshada loo hayo.

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Karamara General Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Karamara General Hospital:

Share

Category