01/06/2024
Orodyahanka kaliya ee ay Soomaaliya u dirsatay tartan Caalami ah billaddana soo qaatay
Cabdullaahi oo rodayaXIGASHADA SAWIRKA,CABDULLAAHI JAAMAC
Qoraalka sawirka,Cabdullaahi wuxuu ordaa oroddada dhaadheer sida 5000m iyo 1500m
24 Maarso 2024
Bishan Maarso waxaa magaalada Acra ee caasimadda dalka Ghana ka socday tartan caalami ah oo orodka, kaas oo ay kasoo qayb galeen in ka badan 50 dal oo ku yaal qaaradda Afrika.
Dalalka ayaa dirsanayey orodyahannadooda ugu dheereeya iyada oo dalalka Bariga Afrika oo orodka masaafada dheer caan ku ah ay dirsadeen dhowr ciyaartoy midkiiba marka laga reebo Soomaaliya.
Soomaaliya waxaa uga qayb galay Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo h**e ugu guulaystay orodyo isla markaana kaalinta labaad ka galay orodka shanta kun ee mitir oo uu shalay ka qayb galay, isaga oo noqday orodyahanka kaliya ee Soomaaliya uga qayb galay tartanka.
Kaalinta kowaad ee masaafada 5000 waxaa Cabdullahi ka qaatay orodyahanka u dhashay dalka Itoobiya ee Gebrhiwet Berhe, haseyeeshee Cabdullaahi wuxuu dhigay taariikh cusub kadib markii uu Soomaaliya u hantay billaddii ugu horaysay ee heerkan oo kale ah muddo 35 sano ah kadib.
Waa kuma Cabdullaahi Jaamac Maxamed?
Cabdullaahi JaamacXIGASHADA SAWIRKA,CABDULLAAHI JAAMAC
Qoraalka sawirka,Cabdullaahi Jaamac
Cabdullaahi waxa uu dhashay sannadkii 2001-dii, waxa u uku dhashay gobolka Sanaag magaaldiisa Ceerigaabo halkaas oo uu kusoo qaatay waxbarashadiisa dugsiga hoose illaa sare.
Waxa uu BBC u sheegay in uu weligiis jeclaa orodka, wuxuuna tartankiisii ugu h**eeyay ee billad la bixinayo ka qayb galay sannadkii 2014-kii.
“Waxa uu ahaa 2014-kii shan kilo mitir oo markaa guddoomiyihii ciyaaraha ee gobolka Maxamed Siciid saalax oo aan halkan aad uga mahad celinayo uu dhallinyarada gobolka u qabtay, shantaa kunbaan kaalin kasoo galay, maalintii wixii ka dambeeyayna waxaan kabaha u qaatay in aan billad ka keeno Afrika iyo Adduunka” ayuu yiri Cabdullaahi oo ka sheekaynaya tartankiisii ugu h**eeyay ee orodka.
“Orodkayga waxaan ka