11/06/2024
Qaybtii 2aad
Jabka suxulka korkiisa ee Caruurta:
Khatarta iyo saameynta kabid dhaqameedka ee jabkan:
1. Dadka ka shaqeeya kabid lafaha dhaqameed ma lahan khibrad ku saabsan qulqulka dhiigga, shaqada neerfaha mana haystaan qalab si ay si sax oogu arkaan lafta jaban sida raajito(xray) oo kale ama qalab casri ah oo ay ku hagaajiyaan lafta jaban, taasoo keenta in uu ilmaha uu halis u galo dhaawac yar oo daaweyntiisa laga yaabo in ay sahlantahay, mararka qaar dhaawacaas oo ilmaha noolashiisa oodhan aan ka hadheynin.
2. Xanuun badan oo ilamaha uu dareemo marka ay jiidjiidayaan maxaayeeley ma siinayaan xanuun baabi’iye ama suuxdin ama kabuubiso midnaba.
3. gacanta oo ay ku xidhaan maryo iyo geedo oo ku dhuujiyaan taas oo keenta barar badan oo kala xidha qululka dhiiga ama dila neerfaha mararka qaarna keena in ay ilamaha gacantaas ka dhimato(gangrene)
4. Daawaynta saxda ee ilnmaha oo Dib U Dhacday:
Raadinta sanca dhaqameedka lafaha waxay keeni kartaa dib u dhac ku yimaada helitaanka daryeel caafimaad oo habboon, kordhinta suurtagalnimada dhibaatooyinka muddada dheer, sida gacanta ilmaha oo dhimata.
5. Khatarta caabuqa ama infectionka oo korodha:
Waxyaabaha aan nadiifta ahayn iyo la'aanta tababar caafimaadee sanca dhaqameedka lafaha waxay kordhin karaan khatarta caabuqa ee meesha jaban, oo sii adkeynaysa soo kabashada iyo wax kaqabashda danbe.
Maxaad Samayn Kartaa:
Si degdeg ah u raadso Dhakhtar tashsus ah:
1. Hadii ilmaha gacantiisa la xidhxidhey isku day in aad ka furto ama ka dabciso waxa ku xdihan
2. Kor u qaad gacanta oo marwalba haka sareyso jidhkiisa kale taas waxaa ay yareyneysaa bararka, isticmaal baraf oo meesha saar si bararka u yaraado
3. Haddii ilmahaagu la kulmo jabkan noocan ah, ka raadso caawimo caafimaad goob aad ka heli karto dhakhtar takhasus lafaha ah isla markiiba.
Weydii Su'aalo:
Ha ka waaban inaad na waydiiso su'aalo ku saabsan qaababka daawaynta iyo la tacaalida jajabka guud ahaan iyo jabka ciyaalka gaar ahaan.
Fahanka ama garashada khtarta ayaa kaa caawin kara inaad samayso go'aamo sax ah oo ku saabsan daryeelka ilmahaaga.
Faafi Wacyigelinta:
La wadaag macluumaadkan waalidiinta kale, daryeelayaasha ama dadka masuulka ka ah ubadka , iyo xubnaha bulshada si kor loogu qaado wacyiga ku saabsan muhiimada ay leedahay daawaynta saxda ah ee jabka caruurta.
Xusuusnow, faragelinta h**e iyo daryeelka caafimaad ee habboon ayaa lagama maarmaan u ah hubinta natiijooyinka ugu wanaagsan ee suurtogalka ah ee carruurta leh jabka (humerus supracondylar).
Aynu ka wada shaqayno si aynu u ilaalino badqabka iyo caafimaadka Ubadkeena.
Dr Mahamed Areis
Assistant Professor of Orthopedic and Trauma surgery
Jijiga University.