16/02/2026
Habdhiska taranka ee dumarka iyo xanuunnada Xaamilada ku dhaca(Obstetrics).
Casharka 123aad
Dhibiib caabuqa hooyada(Septic shock).
Waa xaalad qatar ah, waxa ay dhacdaa marka caabuq ku faafo jirka kaasoo keenaya cadaadiska dhiigga inuu hoos u dhaco iyo fashillanka xubnaha. Taasoo u baahan daaweyn dagdag ah. Xaaladan waxay ka dhallataa si guud jirka inuu u saameeyo caabuq. Goorta uu ku faafo jirka caabuqan, waxa uu soo deynayaa askar (pro_inflamatiry response) la dagaalama caabuqan.
Waxa dhacaya marka la soo daayo askarta la dagaalameysa caabuqa. In xiddidada ay ballaartaan, haddii ay ballaartaan waxa hoos u dhacaya cadaadiska dhiigga. Waxa kaloo dhacaya inuu hooraha darka jiiro(capillary leak) marka hooraha ka soo dhex baxo xiddidada uu soo galo nudka ku hareereysan, waxa uu keenayaa barar(edama). Waxa xumaanaya hannaankii lagu qaadi lahaa ogsijiinta. Waxa yaraanaya in nuddaha jirka uu helo ogsijiin iyo nafaqo ku filan. Xubanaha ugu muhiimsan waxa soo fuulaya quudxumo baahsan. Waxaa kaloo xumaanaya dheefsashada (metabolic abnormalities) jirka durba waxa u beddelanayaa hanaanka aan ahayn dheefsashada ogsijiinta (anaerobic Metabolism) taasina waxay keeneysaa aysiidha laaktik(Lactic acid) taasoo ka qeyb qaadaneysa fashilanka xubnaha.
Dhibiib caabuqa ee hooyada uurka leh ku dhaca waxa uu ka bilowdaa marka caabuq darran uu soo galo wareegga dhiigga. Caabuqan waxa uu ka iman karaa ilmagaleenka, kaadi haysta, samababada. Bakteeriyada waxay Soo daynaysaa waxyaabo sun ah. Suntaasi waxa si xooggan iga falcelinaya difaaca jirka. Jirka waxa uu Soo daynayaa waxyaabo kiimikaad oo la dagalamaya caabuqa, falcelinta xooggan laga bixiyo caabuqa waxa uu keenayaa waxyeello jirka soo gaadha sida nuddaha jirka iyo xubnaha jirka, maxaa yeelay hafeefkan xiddidada dhiigga waxa uu ku keenayaa in ay ballaartaan. Marka ay xiddidada ballaartaan, waxa hoos u dhacaya cadaadiska dhiigga, isla markaasna, xiddidada dhiigga waxay samaynayaan habid, hooraha waxa uu aadayaa banaanka xiddi