25/05/2024
Erayga raaliyo horta halkee dhaqankeena kasoo gala ? Maxaase raali laga noqonaya?
Soomalida dhexdeeda aadba loo dhiirigeliya in gabadhu ay reerkeeda dhaqaalaysato iyo in ay bulshada u fiicnaatoba .Dhaqan ahaan gabadha Soonaliyeed waa in ay noqoto mid naxariisbadan oo lagu soo hirto.
Gabadha fiican ee qoyskeeda iyo bulshaduba mahadiyeen waxaa layidhaahda waa marwo ama gabadhaasi wa gabadh marwo ah.
Hadaba duulka Carab ismoodka ahi waxa ay inagu soo kordhiyeen eray bahdilaad ah oo layidhaahdo “Raaliyo”
Raaliyo rafaad badan asal ahaan waa dhaqan carbeed manageyaan hablaha Soomaliyeed in loogu yeedho.
Raaliyo malihii waxa weeye in gabadhu u dulqaadato maag, cay, gaajo, bahdilaad iyo waxyeela kasta oo kaga timaada wiilka ay wada joogaan.
Alla xumaan ka sareeye ma jecla in aynu u dulawno aadame akhlaaq xun.
Allaah kalaamkiisa waxka muhiimsan oo wakhti lageliya majira ??