Dr Abdirahmaan Roble

Dr Abdirahmaan Roble Author,Advocate about global health Awareness,Health education,Health worker Doctor,Advocate global health awareness,Author,Health worker, storyteller

Ma taqaannaan ninkan?Maxay tahay aragtidii ugu horreysay ee maskaxdaada ka samaysatay markaad aragtay?Ma u malaysay inuu...
29/12/2025

Ma taqaannaan ninkan?

Maxay tahay aragtidii ugu horreysay ee maskaxdaada ka samaysatay markaad aragtay?
Ma u malaysay inuu yahay qof dhaqaale ahaan liita?

Ninkan muuqaal ahaan is-hoosaysiinaya waa nin Pakistani–Ameerikaan ah oo lagu magacaabo Prof. Xuseen Cabdul-Sattaar.
Waa mid ka mid ah macallimiinta ugu sarreeya cilmiga Pathology (cudurrada) ee Jaamacadda Chicago, sidoo kale waa abuuraha taxanaha muuqaalka ah ee Pathoma, kaas oo ah mid ka mid ah ilaha ugu caansan ee dunida looga barto cilmiga cudurrada.

Intaa waxaa dheer, waa Sheekh caan ah, sidaas darteedna waxaa loo yaqaannaa Sheekh Xuseen Cabdul-Sattaar.
Xaqiiq ahaan, ninkan waa macallin si toos ah ama si dadban u baray tobannaan kun oo arday caafimaad ah oo ku kala nool daafaha caalamka qaarkoodna ay hadda yihiin dhaqaatiirta ugu caansan dunida

Tani waxay ina xusuusinaysaa hadalka Nebiga ﷺ:
“Ilaahay ma eego muuqaalkiinna iyo hantidiinna, balse wuxuu eega qalbiyadiinna iyo camalladiinna.”

Islaamku wuxuu ina barayaa inaanan dadka ku qiimeyn muuqaal ama asal, balse ku qiimeyno cilmiga, akhlaaqda, iyo faa’iidada ay u leeyihiin dadka kale.

WQ: Ahmed Jubba

“Robot-ka Optimus ee shirkadda Tesla Wuxuu noqon doonaa dhaqtar qalliin oo aan caadi ahayn”. Elon Musk.
06/11/2025

“Robot-ka Optimus ee shirkadda Tesla Wuxuu noqon doonaa dhaqtar qalliin oo aan caadi ahayn”. Elon Musk.

Allah u naxariisto Dr Cumar oo aano qabiil loogu dilay magaalada Galkacayo waa wax aad looga xumado in dadki dadka badba...
10/09/2025

Allah u naxariisto Dr Cumar oo aano qabiil loogu dilay magaalada Galkacayo waa wax aad looga xumado in dadki dadka badbaadin laha ayaga la dilo rabi naxariisti jano ha ka waraabiyo 🤲

Qalbiga allah u qaboojiyo Walidiinti ku soo tiir iyo tacab beelay dhaqtarka.

𝟱 𝘁𝗮𝗹𝗼 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗮 𝗰𝗮𝗮𝘄𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗱 𝘀𝗶 𝗳𝗶𝗶𝗰𝗮𝗻 𝘂 𝘀𝗲𝗲𝘅𝗮𝘁𝗼 𝗵𝗮𝗯𝗲𝗲𝗻𝗸𝗶𝗶.🔹 𝗡𝗼𝗾𝗼 𝗺𝗶𝗱 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗼 𝗮𝗵, Habeen kasta isku wakhti seexo, subax ...
18/05/2025

𝟱 𝘁𝗮𝗹𝗼 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗮 𝗰𝗮𝗮𝘄𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗱 𝘀𝗶 𝗳𝗶𝗶𝗰𝗮𝗻 𝘂 𝘀𝗲𝗲𝘅𝗮𝘁𝗼 𝗵𝗮𝗯𝗲𝗲𝗻𝗸𝗶𝗶.

🔹 𝗡𝗼𝗾𝗼 𝗺𝗶𝗱 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗼 𝗮𝗵, Habeen kasta isku wakhti seexo, subax kastana isku wakhti kac, oo ay ku jiraan maalmaha fasaxa ah.

🔹 𝗡𝗼𝗾𝗼 𝗺𝗶𝗱 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗼 𝗮𝗵, ka dhig meesha aad seexato aamusnaan, mugdi, nasasho, iyo heerkul raaxo leh.

🔹 𝐘𝐚𝐫𝐞𝐞 𝐢𝐬𝐭𝐢𝐜𝐦𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚𝐚𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐞𝐥𝐞𝐠𝐭𝐚𝐫𝐨𝐨𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡, sida TV-yada, kombayutarada, iyo talefannada casriga ah, ka hor intaadan seexan.

🔹 𝐊𝐚 𝐟𝐨𝐠𝐨𝐰 𝐜𝐮𝐧𝐭𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐚𝐰𝐞𝐲𝐧, caffeine iyo khamriga ka hor wakhtiga jiifka.

🔹 𝐒𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲 𝐣𝐢𝐦𝐢𝐜𝐬𝐢. Inaad firfircoonaato maalintii waxay kaa caawin kartaa inaad si fudud u seexato habeenkii.

𝐍𝗮𝗹𝗮 𝘄𝗮𝗱𝗮𝗮𝗴 𝐬𝐢𝐝𝐚 𝐚𝐚𝐝 𝐮 𝐦𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐬𝐨 𝐡𝐮𝐫𝐝𝐚𝐝𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐭𝐚 𝐟𝐚𝐚𝐥𝐥𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐡𝐨𝐨𝐬𝐞.

Dr Abdirahmaan Roble

𝗟𝗶𝘅-𝘀𝗵𝗲𝗲𝘆 𝗼𝗼 𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗬𝗮𝗿𝗲𝗲𝘆𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗼 𝗞𝗼𝗹𝗲𝘀𝘁𝗮𝗿𝗼𝗼𝗹𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗱𝗮𝗮𝘄𝗼 𝗹𝗮'𝗮𝗮𝗻*𝐂𝐮𝐧 𝐜𝐮𝐧𝐧𝐚 𝐟𝐚𝐚𝐲𝐛𝐚𝐫-𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐦𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐚 𝐥𝐞𝐡 (𝐄𝐚𝐭 𝐥𝐨𝐭𝐬 𝐨𝐟 𝐬...
14/05/2025

𝗟𝗶𝘅-𝘀𝗵𝗲𝗲𝘆 𝗼𝗼 𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗬𝗮𝗿𝗲𝗲𝘆𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗼 𝗞𝗼𝗹𝗲𝘀𝘁𝗮𝗿𝗼𝗼𝗹𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗱𝗮𝗮𝘄𝗼 𝗹𝗮'𝗮𝗮𝗻

*𝐂𝐮𝐧 𝐜𝐮𝐧𝐧𝐚 𝐟𝐚𝐚𝐲𝐛𝐚𝐫-𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐦𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐚 𝐥𝐞𝐡 (𝐄𝐚𝐭 𝐥𝐨𝐭𝐬 𝐨𝐟 𝐬𝐨𝐥𝐮𝐛𝐥𝐞 𝐟𝐢𝐛𝐞𝐫)

qaadashadaada maalin-laha ah ee cuntooyinka fiber-ka milmi kara leh waxay hoos u dhigi kartaa 𝗸𝗼𝗹𝗲𝘀𝘁𝗮𝗿𝗼𝗼𝗹𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗼𝘀𝗲 (Low cholesterol Lipid).

* Cuntooyinka hodanka ku ah faaybarka-badan ee milmi kara waxaa ka mid ah:

* 𝗕𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵-𝗸𝗮 ( 𝗢𝗮𝘁𝘀)
* 𝗟𝗮𝘄𝘀𝗸𝗮 (𝗻𝘂𝘁𝘀)
* 𝗡𝘂𝘂𝗰 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱𝗮 𝗱𝗶𝗴𝗶𝗿𝘁𝗮 (𝗹𝗲𝗴𝘂𝗺𝗲𝘀)
* 𝗮𝗽𝗽𝗹𝗲𝘀 (𝘁𝘂𝗳𝗮𝗮𝘅)
* 𝗔𝗳𝗼𝗸𝗮𝗮𝗱𝗵𝗮𝗱𝗮 (𝗮𝘃𝗼𝗰𝗮𝗱𝗼𝘀)
* 𝗞𝗮𝗿𝗼𝗼𝘁𝗮𝗱𝗮 (𝗰𝗮𝗿𝗿𝗼𝘁𝘀)
* 𝗕𝗮𝘁𝗮𝗮𝘁𝗶𝗴𝗮/𝗯𝗮𝗿𝗮𝗱𝗵𝗱𝗮-𝗺𝗮𝗰𝗮𝗮𝗻 (𝘀𝘄𝗲𝗲𝘁 𝗽𝗼𝘁𝗮𝘁𝗼𝗲𝘀).

Qaadashada 𝐤𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐩𝐬𝐲𝐥𝐥𝐢𝐮𝐦 ( Psyllium suplements) iyo cunista boorashka quraacda ayaa ah siyaabo sahlan oo lagu kordhin karo xaddiga cuntada faayber-ka milmaya oo aad isticmaali karto maalin kasta. Sidoo kale waxaa qaadn kartaa miraha iyo khudaarta si aad u hesho faaybar-badan.

𝐉𝐢𝐦𝐢𝐜𝐬𝐢 𝐣𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚 𝐚𝐡 (𝐄𝐱𝐞𝐫𝐜𝐢𝐬𝐞 𝐫𝐞𝐠𝐮𝐥𝐚𝐫𝐥𝐲):

Sameeynta jimicsiga si joogto ah Haddii aad buuran tahay (𝐎𝐯𝐞𝐫𝐰𝐞𝐢𝐠𝐡𝐭 ), waa fursad aad ku yareen karto 𝐤𝐨𝐥𝐞𝐬𝐭𝐚𝐫𝐨𝐨𝐥-𝐤𝐚 𝐬𝐚𝐫𝐞 (High cholesterol), laakiin taasi macnaheedu maaha in dadka aan buurnan (Non-overweight)aanay yeelan karin kolestarool sare.

𝐉𝐢𝐦𝐢𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐢𝐝𝐚𝐝𝐚 (Cardiovascular exercise) ayaa kaa caawin kara inaad miisaankaaga ku ilaaliso mid caafimaad leh waxayna sidoo kale kor u qaadi kartaa caafimaadka wadnahaaga. Jimicsigu wuxuu kaa caawinayaa inuu kor u qaado heerarka kolestarool-ka sare (High cholesterol) . kor u-kaaca 𝐤𝐨𝐥𝐞𝐬𝐭𝐚𝐫𝐨𝐨𝐥-𝐤𝐚 𝐬𝐚𝐫𝐞 (High cholesterol) waxay markaa kaa caawinaysaa in uu 𝐤𝗼𝗹𝗲𝘀𝘁𝗮𝗿𝗼𝗼𝗹𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗼𝘀𝗲 (Low cholesterol) saaro jirkaaga/jidhkaaga. Socodka, orodka, wadista baaskiilka, iyo dabaasha waa dhammaan jimicsiyada kaa caawin kara hoos u dhigista kolestaroolka, gaar ahaan haddii aad sameyso 150 daqiiqo toddobaad kasta - tusaale ahaan, 30 daqiiqo maalintii 5 maalmood usbu

𝐤𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐬𝐚𝐥𝐢𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 (𝐓𝐫𝐲 𝐟𝐢𝐬𝐡 𝐨𝐢𝐥 𝐬𝐮𝐩𝐩𝐥𝐞𝐦𝐞𝐧𝐭𝐬)

Isku day kabayaasha saliidda kalluunka In kasta oo ay caadi ahaan ugu fiican tahay inaad ka hesho nafaqooyinka aad uga baahan tahay ilaha cuntada, dadka qaar ayaa laga yaabaa inay ka faa'iidaystaan qaadashada kaabayaasha. Waxyaalaha dheeraadka ah qaarkood ayaa laga yaabaa inay kaa caawiyaan hagaajinta dufankaaga jirka . Saliidda kalluunka waxa ku jira maadada omega-3 fatty acids, taas oo gacan ka geystaan ka geeysan karta hoos u dhigida dufanka loo yaqaan (triglycerides),sidoo kale Qaadashada saliidda kalluunka waxaa laga yaabaa inaanay si toos ah hoos ugu dhigin kolestarool-ka hoose (Low cholesterol), laakiin waxay yeelan kartaa faa'iidooyin kale, sida yaraynta bararka.

Dr Abdirahmaan Roble

𝗠𝘂𝗻𝗮𝗮𝘀𝗮𝗯𝗮𝗱𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗹𝗮𝗺𝗶𝗴𝗮 𝗲𝗲 𝗸𝗮𝗹-𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗱𝘂𝗻𝗶𝗱𝗮   ( #𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗡𝘂𝗿𝘀𝗲𝘀𝗗𝗮𝘆)Sanad waliba maanta oo kale waxaa ...
12/05/2025

𝗠𝘂𝗻𝗮𝗮𝘀𝗮𝗯𝗮𝗱𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗹𝗮𝗺𝗶𝗴𝗮 𝗲𝗲 𝗸𝗮𝗹-𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗱𝘂𝗻𝗶𝗱𝗮 ( #𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗡𝘂𝗿𝘀𝗲𝘀𝗗𝗮𝘆)

Sanad waliba maanta oo kale waxaa dunida looga dabaal-dagaa oo lagu maamuusaa 𝗸𝗮𝗹-𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗱𝘂𝗻𝗶𝗱𝗮 ee ku nool daafaha dunida.

Waxaan halkaan munaasabada maalinta caalmaiga ee kalkaaliyaasha dunida awgeed hambalyo iyo bogaadin uga diraayaa dhamaan kalkaaliyaasha soomaliyeed ee duruufaha adag ee kala duwan ugu adeega bulshada soomaaliyeed, waxaa tihiin hal-boowlaha iyo mashiinka dhaqaajiya adeegyada kala duwan ee caadimaadka,waxaan tihiin tiir adag, waxa tihiin nafhura-yaaal u heelan bad-qabka bulshadu inay garan doonto doorkiina muhiimka ah, markale hamblayo.

Guud ahaan waxaa dunida ka hawl gala 30 milyan oo kalkaaliyayaal ah, kuwaas oo ah wadanaha nidaamyada caafimaadka adduunka oo dhan. Laga soo bilaabo jawaabta degdega ah ilaa daryeelka muddada-dheer, laga bilaabo dhalashada ilaa dhamaadka nolosha, kalkaaliyayaashu waxay joogaan meel kasta oo adeeg caafimaad ka jiro. 𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗮𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮 𝗲𝗲 (𝗪𝗛𝗢) waxay ku boorinaysaa in la taageero lana edejiyayo maal-gashiga kalkaaliyaasha si looga fogaado in yaraadaan ku dhawaad 4 milyan oo kalkaaliye marka la gaaro 2030ka. Sababtoo ah marka kalkaaliyayaasha la taageero, qof kastaa wuu horumaraa.

#𝗛𝗮𝗺𝗯𝗮𝗹𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝘀𝗼𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱
#𝗠𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗹𝗮𝗺𝗶𝗴𝗮 𝗲𝗲 𝗸𝗮𝗹-𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗱𝘂𝗻𝗶𝗱𝗮 #𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗡𝘂𝗿𝘀𝗲𝘀𝗗𝗮𝘆

Dr Abdirahmaan Roble

𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝘂𝗴𝗮 𝗳𝗼𝗴𝗮𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮 𝗞𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝘁𝗮 𝘂𝘂 𝗹𝗲𝗲𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗞𝗼𝗹𝗲𝘀𝘁𝗮𝗿𝗼𝗼𝗹𝗸𝗮 (𝗛𝗼𝘄 𝗧𝗼 𝗔𝘃𝗼𝗶𝗱 𝗥𝗶𝘀𝗸 𝗢𝗳 𝗖𝗵𝗼𝗹𝗲𝘀𝘁𝗲𝗿𝗼𝗹)Dad badan ayaa hoos u dhigi...
10/05/2025

𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝘂𝗴𝗮 𝗳𝗼𝗴𝗮𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮 𝗞𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝘁𝗮 𝘂𝘂 𝗹𝗲𝗲𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗞𝗼𝗹𝗲𝘀𝘁𝗮𝗿𝗼𝗼𝗹𝗸𝗮 (𝗛𝗼𝘄 𝗧𝗼 𝗔𝘃𝗼𝗶𝗱 𝗥𝗶𝘀𝗸 𝗢𝗳 𝗖𝗵𝗼𝗹𝗲𝘀𝘁𝗲𝗿𝗼𝗹)

Dad badan ayaa hoos u dhigi kara heerarka kolestaroolkooda iyagoo bedelaya qaab nololeedkooda, cuntadooda, iyo waxyaaha kale oo ay qaataan (Suplements).

Dhakhaatiirtu waxay ku taliyaan taabooyin dhawr ah inay qadaan dadka qaba kolestaroolka ee daawaynta ka hor intaysan qorin daawada. Maareynta heerarka kolestaroolkaaga waa muhiim, maadaama kolestaroolka sare (High density Lipoprotein ) uu noqon karo arrin halis u ah badqabka wadnaha iyo xididdada waxa uuna sababi karaa wadne qabad (Heart attack) ama istarooga/ faaliga (Stroke).

Dhakhaatiirtu waxay inta badan qoraan daawooyin caawinaayo dadka heerarka kolestaroolkooda aad u sarreeya hoosna u dhiagaya heerkooda. Si kastaba ha ahaatee, haddii kolestaroolkaagu uu yahay mid khafiif ah (mildly cholesterol)ama dhexdhexaad ah (moderately cholesterol ), waxaad awoodi kartaa inaad hoos u dhigto daawo la'aan.

𝐈𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐥𝐚𝐚𝐥𝐢 𝐬𝐮𝐛𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐮𝐟𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐮𝐱𝐚 (𝐀𝐯𝐨𝐢𝐝 𝐭𝐫𝐚𝐧𝐬 𝐚𝐧𝐝 𝐬𝐚𝐭𝐮𝐫𝐚𝐭𝐞𝐝 𝐟𝐚𝐭𝐬)

Cunista cuntooyinka ay ku jiraan dufanka buuxa ama dufanka ka gudbi kara xuduudaha jirka gudihiisa sababtoo waxay kordhin karaan heerka kolestaroolkaaga. Cuntooyinka dufanku ku badan yahay waxaa ka mid ah caanaha ( High milk fat), hilibka, iyo timirta iyo saliidda qumbaha. Waxaad ka heli doontaa dufanka transit ee cuntada degdega ah iyo cuntada la warshadeeyey.

Si kastaba ha noqotee, Ururada dhakhaatiirta Wadnaha Mareykanka (The American Heart Association ) Ururka Caafimaadka Adduunka ( World Health Organization) ee loogu kalsoon badanyahay wuxuu ku talinayaa in la yareeyo qaadashada dufanka buuxa in ka yar 6% ee kalooriyada maalinlaha ah. Dufanka jirka isaga goosha/isga-gudba (trans-fat) ayaa si gaar ah caafimaad darro u ah, maadaama ay kordhiyaan kolestaroolka LDL "xun" iyo Ilaha la aamini karo ayaa hoos u dhigaya "wanaagsan" kolestaroolka HDL. Ururka Caafimaadka Adduunka ee lagu kalsoon yahay ayaa ku talinaya in la xaddido dufanka transit in ka yar 1% cuntadaada.

Dr Abdirahmaan Roble

𝐈𝐍𝐀𝐀𝐋𝐈𝐋𝐀𝐀𝐇𝐈 𝐖𝐀𝐈𝐍𝐀𝐀 𝐈𝐋𝐀𝐘𝐇𝐈 𝐑𝐀𝐀𝐉𝐈𝐂𝐔𝐔𝐍Allaha Unaxariisto 𝐃𝐫. 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐘𝐮𝐬𝐮𝐟 wuxuu ahaa Guddoomiyaha Golaha Mihnadlayaasha Ca...
28/02/2025

𝐈𝐍𝐀𝐀𝐋𝐈𝐋𝐀𝐀𝐇𝐈 𝐖𝐀𝐈𝐍𝐀𝐀 𝐈𝐋𝐀𝐘𝐇𝐈 𝐑𝐀𝐀𝐉𝐈𝐂𝐔𝐔𝐍

Allaha Unaxariisto 𝐃𝐫. 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐘𝐮𝐬𝐮𝐟 wuxuu ahaa Guddoomiyaha Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC), sidoo kalena wuxuu h**e u soo noqday Guddoomiyihii Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed.

𝐃𝐫. 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐘𝐮𝐬𝐮𝐟 wuxuu door muhiim ah ka qaatay horumarinta caafimaadka dalka, isaga oo si hagar la’aan ah ugu soo adeegay bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan Alle uga baryeynaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, ehelkii iyo asxaabtiina uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Saddexdan mataano ah ee idiin muuqda waxa maanta laga soo saaray gabadh uur lahayd (sawirka isla iyada ayaa ila wadaagta...
21/01/2025

Saddexdan mataano ah ee idiin muuqda waxa maanta laga soo saaray gabadh uur lahayd (sawirka isla iyada ayaa ila wadaagtay). In aad yaabban tahay waa macquul oo anigu ba sidaas baa aan u yaabay markii h**e. Xaaladda ay ku abuurmeen oo ah meel makaanka ka baxsan (ectopic pregnancy) h**e waa aan u aqaannay se waxa iga fajiciyay qudhayda waxa uu ahaa qaabsameyskooda (anatomy).

In ilmaha uurka ku jira—gaar ahaan saddexda bilood ee h**e—ay qaab ahaan u eg yihiin noolayaasha kale waa wax caadi ah oo faraca aynu wadaagno ayaa sabab u ah, balse in ay saa'id ugu ekaadaan noole kale sida xaaladdan oo kale waxa u sabab ah; ilmaha oo ku abuurma meel aan munaasib ku ahayn, sida tuunbooyinka ugxanta (follobian tubes). Kuwan sawirka ka muuqda naftarkoodu isla halkaas ayay ku abuurmeen sida aan sawirka raajada ka arkay.

Soomaalidu waxa ay u yaqaannaan xaaladdan "Ummusibyaan" waa magac ay wadaaddadu ka keeneen carabta oo iska khuraafaad ah, waxaana ay ku sheegaan in la ileeyay/cawryay ruuxa marxaladdan la kulma. Sidaas ayaa ay gabadhan lafteedu aammisnayd, aamminsanna tahay.

Waa xaalad dhif iyo naadir ah in saddex mataan ay ku samaysmaan meel ka baxsan makaanka hooyada.

W/Q Dr Mubarek Qowdhan.

Fariin ku socoto dhakhtarada(xarumaha) ilkaha si guud :- xarumaha ilkaha dadka ugu badan ee yimaada waa dad doonaya inay...
14/01/2025

Fariin ku socoto dhakhtarada(xarumaha) ilkaha si guud :-

xarumaha ilkaha dadka ugu badan ee yimaada waa dad doonaya inay noloshooda caafimaad kor u qaadaan iyago raadinaya dhoola cadayn kor u qaadda kalsoonidooda taaso qayb ka ah caafimaadka maskaxda .

hadaba qofkaas caafimaadka qaba ee siyaadada doonaya wuxuu mudan yahay in hadaan wax loo kordhin karin aan looga darin oo dhib loo gaysan caafimaadkiisa jireed.

sidaa si lamid ah dhakhtarku waa inuu aad isaga ilaaliya in qofka uu u adeegayo ee xoogaaga yar siinaya inuu naftiisa iyo tan qoyskiisa ugasoo talaalo xanuunada faafa .

marka si loo wada badbaado waxaan halkaan kusoo gudbinayaa talaabooyin aan u arkay inay muhiim tahay in laga helo xarunta caafimaadka ee adeegga ilkaha bixinaysa :

1: in xaruntu ay leedahay sterilizer ama machine qalabka jeermiska lagaga dilo oo xooggan ( iska ilaali foornada pizzada lagu kululeeyo )
2: in dhakhtarka loo dhamaystiro dharkiisa u goonida ah ee shaqada , koofiyadda iyo gloves ka , afsaaabka iyo muraayadaha indhaha.
marka uu bukaanka u bilaabayo shaqada iyo marka uu dhameeyo waa in dhakhtarku fara dhaqdaa
3: in dhakhtarku helaa kalkaaliso oo uusan faraha ku qaban alaabaha uu bukaanada wadaajinayo sida composite ka bonding ka hadii laga maarmi waayo in uu gacanta ku qabsado waa in alaabtaas lagu duubaa bac la tuuri karo oo loogu talagalay .
3: in biraha aan la wadaajin bukaanada ilaa lasoo sterilize gareeyo ( forceps , mirrors , explorers ) ( soo gado in aad ugu yaraan 20 bukaan ugu shaqayn kartid maalintii)
4: bukaankasta waa in loola dhaqmaa si taxadar leh isago sharaftiisa la dhawrayo
A : history taking ( haduu jiro xanuuno ay tahay in dhakhtarka uu la wadaago sida dhiig kar , sonkor , hiv, hepatits )
B: ka cabir bukaanada waawayn dhiig karka iyo sonkorta una dir dhammaan bukaanada baaritaan guud (screening)
C: qof walba oo kuu yimaada xanuun walba oo uu qabo waxaa waajib kugu ah inaad u adeegtid adoo raacaya medical protocol ka xanuunkaas lagu xalliyo tusaale :- qofka HIV ga qaba u shaqee adoo ogaysiinaya wax walba taxadarna muujinaya , agabka aad ugu shaqaysidna si gooni ah u nadiifi una strelize garee adoo ogaysiinaya kalkaaliyahaaga .

5: in si wadajir ah kor loogu qaadaa wacyiga bulshada , sidoo kalena la helaa dhakhaatiir sax ah oo ilkaha ah , lagana taxadaraa xoogsatada aan caafimaadka guud iyo midka ilkaha waxba ka aqoon .

ku darso waxay kula tahay

Dr Rasheid Caananuug

𝗪𝗮𝘅 𝗸𝗮 𝗼𝗴𝗼𝗼𝘄 𝗙𝗮𝗮𝗶𝗶𝗱𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗮𝘆 𝗔𝗳𝗮𝗸𝗮𝗮𝗱𝗵𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗹𝗲𝗲𝗱𝗮𝗵𝗮𝘆1. Afakaadhaddu waxay si heer sare ah u caawisaa habdhiska dheefshiid...
26/03/2024

𝗪𝗮𝘅 𝗸𝗮 𝗼𝗴𝗼𝗼𝘄 𝗙𝗮𝗮𝗶𝗶𝗱𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗮𝘆 𝗔𝗳𝗮𝗸𝗮𝗮𝗱𝗵𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗹𝗲𝗲𝗱𝗮𝗵𝗮𝘆

1. Afakaadhaddu waxay si heer sare ah u caawisaa habdhiska dheefshiidka ee cuntada. Madaama oo laga helo Miiq (Fiber) iyo macdano kale oo muhiim ah sida Potassium.

2. Afakaadhadu waxay dumarka ka yaraysaa Stress-ka ay dareemaan xilliga ay uurka (Pregnancy) leeyihiin, sida Wallaca (Morning sickness). Sidoo kale waxay hagaajisaa khal-khalka ku dhaca dhiiga caadada ee dumarka (Menstruation).

3. Afakaadhaddu waxay yaraysaa cudurka xiiqda (Asthma), iyada oo furta marinka hawada, sababta oo ah waxa laga helaa maadada “Pinene” oo caawisa habdhiska hawo mareenka.

4. Afakaadhaddu waxay yaraysaa miisaanka jidhka (Weight loss), sida lagu ogaaday daraasad lagu daabacay “The Journal of the American Heart Association”, sannadkii 2022.

5. Afakaadhaddu waxay hoos u dhigtaa heerka cadaadiska dhiigga ee jidha (Blood Pressure), madaama oo laga helo xaddi ah (6%) oo Potassium ah, taas oo meesha ka saarta halista cudurka Dhiig-karka (High Blood Pressure).

6. Afakaadhaddu waxay sare u qadaa awooda shahwadda ee ragga (S***m), taasi oo caawisa awooda taranka ee ragga. Waayo waxa laga helaa Vitamins iyo Macdano kale oo qaali ah, sida: Vitamins C, B12, D, E, Zinc, iyo Folic Acid.

7. Afakaadhaddu waxay ilaalisaa oo caawisaa caafimaadka Wadnaha. Sababta oo ah waxa laga helaa Maadada “Beta-sitosterol”, taasi oo yaraysa halista Cholesterol-ka Wadnaha, sarena u qaada in Wadnuhu si fiican u shaqeeyo.

8. Daraasad lagu sameeyay dalka Mareykanka (USA) waxa lagu ogaaday in Afakaadhaddu ka hortagto noocyo ka mid ah cudurka Cancer-ka, sida Kansarka ku dhaca Ganaca, Hunguriga, Kaadi-heysta iyo Afka.

Sababta oo ah Afakaadhadda waxa ku jira Macdano iyo Acid kala duwan oo ay ka mid yihiin; (Vitamins C, E, K, B6, Beta-carotene, Potassium, Magnesium, Folic Acid iyo Omega-3 fatty acids), kuwaas oo awood u leh inay meesha ka saaraan oo la dagaalamaan unugyadda Cancer-ka sababaya.

9. Afakaadhaddu waxay sare u qaada awooda, quruxdda iyo adkaanta Ilkaha. Madaama oo laga helo xaddi badan oo Potassium iyo Folic Acid ah.

10. Afakaadhaddu waxay caawisaa oo sare u qaadaa awooda Indhaha (Eye Vision), sababta oo ah waxa laga helaa Vitamins A, C, E, iyo B.

11. Afakaadhaddu waxay ka hortagtaa cudurka Lafaha ku dhaca ee (Osteoporosis), madaama oo laga helo Vitamin K, oo sare u qaadaa awooda Lafaha ee jidhka, sidoo kalana fududeeya nuugitaanka Calcium-ta jidhka.

12. Afakaadhadda waxa ku jira Macdanta Folic Acid, taas oo sare u qaada caafimaadka Hooyada uurka leh iyo Ilmaha yare ee Uurjiifka ah (Fetus).

13. Daraasado kala duwan oo lagu sameeyay Dalka Mareykanka sannadihii 2015 iyo 2019, waxay soo bandhigeen in Afakaadhaddu ay sare u qaado caafimaadka Beerka, iyada oo yaraysa cuduradda ku dhaca beerka sida: nonalcoholic fatty liver disease (NAFLD).

14. Afakaadhadda waxa laga helaa (15%) oo dux ah (Fats), taasi oo ah duxda aan khatarta ku keenin jidhka, bal se caawisa inay hoos u dhigto heerka Cholesterol-ka ee jidhka.


Qore: Aadan Xuseen Daa'uud, DVM, MPH.
Xigasho: Healthline Media / PharmEasy.
Dr Abdirahmaan Roble

Address

Dublin

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Abdirahmaan Roble posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Abdirahmaan Roble:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category