23/10/2022
Caweys wangsan asxabta, caawa waxan ka hadli dona placenta previa.
■Waa maxay placenta previa?
Placenta previa waa marka ay mandheertu ku samaysanto afka makaanka/ilmo galeenka taas oo awdaysa/daboolaysa qayb amaba dhamaan marinkuu ilmuhu soo mari lahaa ,badanaa mandheerta ilmaha ay u soo marto nafaqada iyo oxygene tuba waxay ku taal gidaarka sare ee dhinaceed ee ilmo galeenka mararka qaar se ayay dhacdaa inay ku samysanto xaga hoose taas oo hadhaw ilmuhu marka uu gaadho xiliguu dhalan lahaa dhibaato ku keenta sababtana inay haweenaydu sidii caadiga ahayd u dhali waydo qaliinka CS"cesarean section " in loo sameeyo noqonaysa waa haday gabiga afka makaanka daboosho.
■Maxaa keena P.P.
Waxa keena oo ay ku badan tahay ,dumarka mar ay ku timi mar labaadna way ku iman kartaa,haweenay oo qaada uur ka badan hal,sida mataanaha ,dumarka dhalmada badan iyo dumarka da'da danbe caruur ku dhala .
■Calaamaddaha lagu garto waxa ka mid ah :
Calaamaddaha lagu garto inay makaanka awday mandheeri waxa weeye dhiig ay haweenayda uurka leh isku aragto bilaha ugu danbeeya ee uurka,dhiiggaas oo AANAY DAREEMIN WAX XANUUN AH ,makaankuna aanu majiirin/urur iyo kala bax makaanku sameeyo oo xanuun wata,dhiiggaas oo iman kara xili ay iska nasanaysay,xili ay hawl haysay amaba dhaawac soo gaadhay kale amaba iyadoo baadhitaan xubinta taranka ah ku jirtay.
■Waxa loo kala qaybiyaa saddex qaybood:
1)Total,complete ama central previa:Waa markay mandheertu ku dul samaysanto qoorta makaanka ee uu ilmuhu soo mari lahaa si dhamaystiran ,waana ta ugu daran oo dhiig baxa keenta .
2)Partial previa:Waa markay mandheertu xidho qayb ka mid ah marinka ilmuhu mari lahaa ama afka makaanka.
3)Marginal ama low-lying previa: Waa markay mandheertu meel hoose oo afka makaanka u dhaw ku taalo .
■Sidee loola tacaalaa ?
Hadday baadhitaan ka bacdi la ogaado sababta dhiiga bilaa xanuunka ah keentay tahay placenta previa,waxa loo sameeyaa .
1)Qaliin"CS" degdeg ah waa haddii ilmaha ama hooyadu halis ku jirto.
2)Haddii aanu midkoodna xalaadadoodu halis ku jirin mudo ayaa lagu baxnaaniyaa dhakhtarka dhiiga ka baxayna waxa loo sameeyaa nafaqayn/dhiig soo celin waxaana la sugaa inta ilmuhu ka waynaanayo waa hadii ay arintani dhacday ilaa todobaadkii 30naad ee uurka.
3)Haddii makaanku furan yahay wax ka badan 2cm waxa loo sameeyaa "va**nal delivary"=waxa laysku dayaa inay si dabeeci ah u dhali karto ilmaha.
4)Haddii ilmaha uu gaadho 36 week lana ogaado inay hooyada xaaladeedu degantahay iyo ilmaha inuu shaqada sanbabkiisu qaangaadhay waxa loo sameeya qaliin "CS" qorshaysan oo xiliga la qalayo ayaa loosii diyaariyaa.
Dr. Filsan