06/04/2026
Alxamdulillah 🤍🏆
Xalay waxaan ku guuleystay Best Somali Dentist Award oo ay bixiyeen East Africa Somali Awards.
Guushan ma ahan mid aniga keliya ii gaar ah—waa guul aan wada gaarnay dhammaan bukaannadayda, asxaabtayda, qoyskeyga, iyo qof kasta oo i garab istaagay safarkan. Taageeradiina iyo kalsoonidiina ayaa sabab u ah inaan maanta heerkan gaaro. 🙏
Waxaan ballan qaadayaa inaan sii wadi doono bixinta adeeg caafimaad oo heer sare ah, isla markaana aan kor u qaado tayada iyo horumarka caafimadka ilkaha.
Mahadsanidiin dhammaantiin ❤️✨