22/05/2021
Marka h**e uur qaadista waa arrin awoodda rabbi ku xiran, isagaa waqtiga aad uur qaadaysid iyo sidaa u qaadaysid og.
Waxaa muhiim ah in aad ogaatid dhowrkaan arrimood oo kaa caawin kara fahanka waxyaabaha ku hareeraysan ama saamaynta ku leh uur qaadista iyo waqtiga aad u baahan tahay in aad takhtar raadisid.
1- Marka h**e, waxyaabo badan oo isbadalka jirka uu sameeyaa si uu uur iskugu diyaariyo kuwaasoo ay ka mid tahay hormoonnada ku shaqo leh uurka iyo xaaladda caafimaad iyo midda nafsiyadeed ee aad ku sugan tahay.
2- Midda ku xigta waa in aad lammaanahaaga aad si joogto u kulantaan si ay rajada in aad uur u qaadid u koroto,
Qof safar ku maqan ama muddo gaaban aad isla joogtaan laguma dhisi karo go'aan ah in aadan uur qaadi karin, waxaa laga yaabaa muddadaas aad is arkaysaan in jirkaaga ama xaaladdaada in aysan diyaar u ahayn in aad uur qaaddid.
3- Waqtiga ugu habboon ee uur la qaado waa xilliga ugxanta la soo daayo oo ay diyaar u tahay in la bacrimiyo, inkastoo haweenka ku kala duwanaan karaan.
waxaa maalintaas lagu qiyaasaa in ay ku aadan tahay maalinta 14-aad wareegga caadada, si aad maalinta saxda ah u ogaato waa in marka h**e caadadaada ay tahay mid saxan oo aan khalkhal ku jirin,
Haddii ay caadadaadu saxan tahay waxaad calaamaysataa ama meel ku xarriiqataa maalinta ugu horreyso oo dhiigga ama caadada kugu dhacdo, kadib maalintaa markii laga xisaabiyo kala bartanka ama maalinta ugu dhaxaysa ayaa fursadda ugu fiican jirtaa.
Maalintaas maalmaha ka horreeyo waxaad dareemi kartaa xoogaa qoyaan nadiif ah oo xagge hoose ka yimaado, Labada maalmood ee ka dambaysane waxaa dareemi doontaa xoogaa qandho ama heerkulkaaga inuu sarreeyo.
Haddii aad rabtid in aa sii ogaatid xilliga ugu habboon ee aad uur yeelan kartid, waxaa jiro qalab kaadida lagu baaro oo aad farmashiga ka soo gadan karto oo loo yaqaano "OVulation predictor kit" oo howshiisu tahay in xilliga ugxanta la soo deynayo inuu kuu xisaabiyo iyadoo kaadida laga eegayo hormoonnada heerarkooda.
4- Midda afaraad, waa inaa ku dadaashaa in aad caaafimaadkaaga unaxdaa kana fogaataa daawooyin aanan dhakhtar kuu qorin,
โwaa in aad cunno isu dheellitiran aad cuntaa, waa in aad joojisaa jimicsiga xad dhaafka ah ,
โwaa in aad ka fogaataa wixii balwada ah, haddii aad leedahay sida โขsigaarka, โขjaadka iyo wixii la mid ah.
Haddii aad nafaqo darro ama cunno xumo ku hayso waa in aad takhtarkaaga kala tashataa.
5- Midda shanaad, waxaad takhtarka la xiriirta 2 sano kadib haddii ay da'daadu ka yar tahay 30 sano oo aad adiga iyo xaaskaaga aad caafimaad qabtaan,
si joogtane aad isku aragteen, si loo baaro haddii ay jiraan xanuuno ama cillado kale oo ka hortagi karo uurka.
Haddii aad 35 sano ka wayn tahay takhtarkaaga la xiriir 6bilood ka dib.
saar Page-ka si aad u heshid macluumad caafimaad
dheh oo lawadaag asxaabtada
Allaha idin siiyo ubadka ka dhex guuxaya quluubtiina.
simraan
Https/.wa.me/+252613704508