Aweedinka MCH-Afgooye

Aweedinka MCH-Afgooye Aweedinka MCH is the health service provided to mothers (women in their child bearing age) and child.

13/05/2025
Waxaan ku faraxsanahay inaan bulshada la wadaagno adeegyada caafimaad ee joogtada ah ee aan ka bixino xarunta Aweedinka ...
13/05/2025

Waxaan ku faraxsanahay inaan bulshada la wadaagno adeegyada caafimaad ee joogtada ah ee aan ka bixino xarunta Aweedinka MCH ee Afgooye. Xarunteennu waxay si gaar ah diiradda u saartaa:

Daryeelka hooyada iyo dhallaanka
Tallaalka carruurta
Kormeerka uurleyda
Daaweynta cudurrada guud
Wacyigelinta caafimaadka
Ujeedkeenna waa in aan siino bulshadeenna adeeg caafimaad oo tayo leh, si loo helo bulsho caafimaad qabta.

Aweedinka MCH – Caafimaadka Bulshada Waa Horumarka Dalka!

13/05/2025
Hadafka ugu weyn ee Xarunta Caafimaadka Aweedinka MCH-Afgooye waa bixinta adeegyo caafimaad oo tayo sare leh, kuwaasoo b...
26/12/2024

Hadafka ugu weyn ee Xarunta Caafimaadka Aweedinka MCH-Afgooye waa bixinta adeegyo caafimaad oo tayo sare leh, kuwaasoo bulshada loogu adeego si bilaash ah. Waxaan ku dadaaleynaa inaan si wanaagsan ugu adeegno dadka deegaanka, iyadoo loo marayo wada shaqeyn, daacadnimo, iyo xirfad sare.

Xarunta Caafimaadka Aweedinka MCH-Afgooye waxay muhiimad gaar ah siineysaa caafimaadka bulshada, iyadoo hadafkeedu yahay in adeegyada caafimaad ee muhiimka ah loo fududeeyo dhammaan dadka deegaanka.

Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka Aweedinka-MCH ee Afgooye waxay si joogto ah u taageertaa hooyooyinka iyo ilmaha, iyadoo la...
25/12/2024

Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka Aweedinka-MCH ee Afgooye waxay si joogto ah u taageertaa hooyooyinka iyo ilmaha, iyadoo laga wacyigelinayo hooyooyinka muhiimadda ay ledahay naas-nuujinta.

Naas-nuujintu waa habka ugu fiican ee lagu koriyo caafimaadka ilmaha, waxayna hooyooyinka ka caawisaa inay ilmahooda siiyaan nafaqo iyo difaac dabiici ah.

Naas-nuujinta waa door muhiim ah oo ku saabsan caafimaadka ilmaha iyo hooyada. Wuxuu sidoo kale xoojinayaa xiriirka hooyada iyo ilmaha. Waxaa muhiim ah in hooyo kasta ay hesho taageero iyo wacyigelin si ay u sameyso go'aannada caafimaad ee ugu wanaagsan.

Haddii aad tahay hooyo, ama aad taqaan hooyo, ka faa'iidayso adeegyada xarunta Aweedinka-MCH Afgooye. Waxaan ku dhiirrigelinaynaa inaad naasnuujiso ilmahaaga, si uu u helo nafaqo iyo caafimaad wanaagsan! 🌟

Wafdi ka socdey Wasaaradda Caafimaadka DGKGS ayaa booqasho ku yimid Xarunta Caafimaadka Hooyada iyo Dhaqalaanka Aweedink...
27/09/2024

Wafdi ka socdey Wasaaradda Caafimaadka DGKGS ayaa booqasho ku yimid Xarunta Caafimaadka Hooyada iyo Dhaqalaanka Aweedinka MCH-Afgooye.




26/09/2024

Address

Jid-Cadka
Afgoye
0001

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Aweedinka MCH-Afgooye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share