31/08/2016
Wadna istaag
Wadnaha oo istaaga waa khatar caafimaad
oo aad u sareysa, waayo waa xubinka
dhexyaalka u ah gaarsiinta jirka ogsijiinta
iyo macdanta kale, dhimasahada ugu badan
ee dunida waxaa sababa xanuunada ka
dhasha wareega dhiiga, wadnaha oo
istaagana waxay keeni kartaa dhimasho
degdeg ah
Maxaa sababa
Wadnuhu waa xubin nool sida xubnaha kale
ee jirka wuxuuna ubaahan yahay dhiig iyo
macdan si uu unoolaado una qabto
shaqadiisa, waxaa dhiiga iyo macdanta siiya
xidido loo yaqaan Koranari hadii mid ama
qaar kamid ah xididadaas ay xinjiri gufayso
waxaa yaraanaya dhiiga gaaraya wadnaha
ama qayb kamid ah wadnaha, taasoo
keenaysa in wadnuhu uusan helin ogsijiin
ku filan si uu shaqo uqabto ama u noolaada,
taasna waxay sababaysaa in shaqada
wadnaha ay laba jibaaranto waliba asagoon
wadnaha haysan shidaal ku filan, shaqada
wadnaha oo sii badata waxay kor
uqaadeysaa baahida uu uqabo ogsijiin iyo
nafaqada ku jirta dhiiga, waana bilowga
dhimashada muraqa wadnaha ama waxa
loo yaqaan wadna istaag.
Astaamaha wadna istaag
Astaamaha qofku uu dareemo waa kuwa
kadhasha dhaawac soo gaara muruqa uu ka
sameysan yahay wadnaha, dhaawacan ayaa
soo jiita in mudo ah, hadii qofku uusan
aqoon buuxda u lahayn astaamaha
wadnaha waxaa laga yaabaa inuu iska sii
wato nolol maalmeedkiisa asagoon raadin
daryeel caafimaad, astaamaha wadna
istaaga waa kuwa si aan joogta ahayn loo
dareemo waxaana kamid ah
Xabad xanuun
Xanuunka gacanta bidix ama garabka
bidix,
Wadna garaac
Neef qaadashada oo aad u yaraata
Qufac
Walwal iyo dhidid kuyimid baqdinta
bukaanka
Lalabo iyo matag.
Sidee looga hortagi karaa
Wadna istaagu waxuu lee yahay ka hortag
wayna adag tahay in la daweeyo mar hadii
uu dhaco sababtoo ah waxaa yar waqtiga
uu wadnaha ku istaago taas oo keeneysa
dhimasho deg deg ah. Waxaa looga
hortagaa qaab aan dawo ahayn waxaana ka
mid ah:
Jimicsi joogta
Xakamaynta ama joojinta sigaarka
Yaraynta ama joojinta dufanka sida
subaga ama cunooyinka uu ku badan
yahay subagu
Inaad badasho qaabka aad u nooshahay
sida cunada qudaarta u badan oo aad
quudato.
Hadii uu dhaco wadne istaag waxaa
dhakhaatiirtu la tacaali karaan saacad ama
labada saac ee ugu h**eeya, hadiise
bukaanku dareemayay calamadahan mudo
kabadan waqtigaas way adag tahay in
lagaaro yoolka badbaadada bukaanka.
Talo:
Dhimashada deg dega ah ee inta badan ku
dhacda bulshada soomaaliyeed waa wadna
istaag, ama xanuunada ku yimaada
daryeelka dhiiga, sidaa darteed waa muhiim
in qofka kasta uu ogaado muhiimada
wadnaha uu ulee yahay nolosha qofka iyo in
qofka kasta uu qaado talaabooyin uu kaga
hortagi karo iney caafimaad daro lasoo
deristo wadnaha, sababtoo ah wadnaha
wuxuu dhintaa marka uu soo gaaro
dhaawac uusan ka kabsan karin, sidaa
darteen waa in qof walba uu dareen gaar
ah u yeeshaa wadnaha uuna siiyaa
daryeelkiisa
Jimicsigu waa dawo aan la yarey san karin,
waxuuna ka hortag u yahay cuduro tira
badan oo kuwa wadnuhu kow ka yihiin,
iskuday inaad samayso jimicsi jadwal leh,
ama ugu yaraan lugee maalintii 30 daqiiqo.