03/04/2026
Dhambaal Mahadcelin ah oo ku saabsan Tababarka Mental Wellness for Doctors (Work life balance and stress management)
Ku: Maamulka Jaamacadda Hanuun University
Ujeeddo: Mahadcelin ku saabsan tababarka “Mental Wellness for Doctors”
Anigoo ku hadlaya magaca Ururka Dhakhaatiirta Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS), waxaan si weyn idin kugu mahadcelinayaa dadaalka aad geliseen qabashada tababarka qiimaha badan leh ee “Mental Wellness for Doctors” oo socday muddo afar (4) isbuuc ah, waxaana ka faa'idaystay in ka badan 40 Dhakhtar.
Tababarkan wuxuu si weyn uga qayb qaatay kor u qaadidda wacyiga iyo fahamka dhakhaatiirta ee ku saabsan caafimaadka maskaxda, gaar ahaan iyadoo la tixgelinayo culaysyada iyo caqabadaha ay la kulmaan howl-wadeennada caafimaadka. Waxa uu sidoo kale xoojiyay xirfadaha la xiriira maaraynta walbahaarka, ilaalinta fayo-qabka maskaxeed, iyo hagaajinta tayada adeegyada ay bixiyaan dhakhaatiirtu.
Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan howlwadeena Jaamacadda Hanuun gaar ahaan ugu Prof oo waqtigiisa inoo huray. Tani waa tallaabo dhiirigelin mudan oo ka tarjumaysa sida ay uga go’an tahay horumarinta awoodda xirfadeed ee shaqaalaha caafimaadka.
Ugu dambayn, waxaan rajaynaynaa in iskaashigan wanaagsan uu sii socdo, isla markaana aan mustaqbalka ka wada shaqayn doonno barnaamijyo kale oo wax ku ool ah oo dan u ah bulshada iyo nidaamka caafimaadka.
Mahadsanidiin mar kale dadaalkiinna qiimaha leh.
Ixtiraam iyo qadarin,
Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS) Dr Abdikani Ali Yare