Shacab Hospital

Shacab Hospital Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Shacab Hospital, Hospital, Baladweyne, Beledweyne.

Shacab Hospital Casri lehna dhamaan qalabyadii Isbitaal Looga baahnaa waxaana uu qabanayaa dhamaan Adeegyada Caafimaad
Isbitaalka wuxuu ku yaalaa Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

Munaasabada maalinta umulisada awgeed, Shacab Hospital team waxay hambalyo u dirayaan dhamaan umulisooyinka meel walba o...
05/05/2024

Munaasabada maalinta umulisada awgeed, Shacab Hospital team waxay hambalyo u dirayaan dhamaan umulisooyinka meel walba oo ay aduunka ka joogaan.

Beerkaada ilaasho qoyskaagana u ilaali waaye taladeena.Qaadaahada talaalka kahortaga cudurka cagaarshowga kuma eka kaliy...
30/07/2023

Beerkaada ilaasho qoyskaagana u ilaali waaye taladeena.

Qaadaahada talaalka kahortaga cudurka cagaarshowga kuma eka kaliya maalinta loo asteeyay.

Somali Medical Association
28/07/2023

Somali Medical Association

28 July oo loo asteeyay maalinta cagaarshowga ayaa ah Maalin loo asteeyay in la sameeyo wacyigelin ku aadan xakameynta c...
28/07/2023

28 July oo loo asteeyay maalinta cagaarshowga ayaa ah Maalin loo asteeyay in la sameeyo wacyigelin ku aadan xakameynta cudurka cagaarshowga.

Shacab Hospital ayaa qeyb ka ah ka qeybqaadasha howlahaas, iyadoo maalimihi u danbeeyay sameynayay wacyigelin guud, Baaritaan iyo talaal lacag la’aan ah dad gaarsiinayay.

Waxan sidoo kale booqanay qaar kamid ah goobaha ay daganyihin dadka barakacayaasha oo wacyigelin xoogan la siiyay baaritaana loo sameeyay.

Anagoo ka jawaabeyna baahiyaha dadka ku dhaqan Beledwein iyo nawaaxigeeda gaar ahaan dadka masaakiinta waxan ugu bishaar...
22/11/2022

Anagoo ka jawaabeyna baahiyaha dadka ku dhaqan Beledwein iyo nawaaxigeeda gaar ahaan dadka masaakiinta waxan ugu bishaareyneynaa in goor dhaw haduu alle idmo la sameyn doono qaliin indha Fiiqis lacag la’aan ah waxaana iska kaashanaya
Dr. Sumait Hospitals جمعية العون المباشر iyo Shacab Hospital.
Waxan rajeyna inad ka wada fa’ideysan doontaan.

WACYIGALIN BULSHO !!! 1-     Promethazine Oral Solution,2-     Kofexmalin Baby Cough Syrup,3-     Makoff Baby Cough Syru...
08/10/2022

WACYIGALIN BULSHO !!!

1- Promethazine Oral Solution,
2- Kofexmalin Baby Cough Syrup,
3- Makoff Baby Cough Syrup and
4- Magrip N Cold Syrup.

Afartaan daawo waxaa loo isticmaalaa daaweynta Caruurta qaba Qufaca daran, waxaa la xaqiijiyay baaritaan lagu sameeyay in ee ku jiraan labo maado kiimiko ah maadooyinkaas oo kala ah (diethylene glycol and ethylene glycol) kuwaa oo ka badan xaddigii loogu talo galay taas oo keentay halis caafimaad oo qatar ah heer ee sababtay dhimasho, si gaar ah waxaa loogu arkay dalka Gambia 🇬🇲 .

shirkadda Maiden Pharmaceuticals Limited (Haryana, India) ayaa daawooyinka soo saarta,
Ganasatada daawooleyda waxaa muhiim ah in ee isi saaraan xil gooni ah kana taxadaraan ka ganacsi daawooyinkaas sidoo kale hadii ey baqaarada ku hayaan waa in eysan iibin lana xariiraan Wasaaradda Caafimaadka qeybta qaabilsan badqabka Daawada.

Xirfadlayaasha caafimaadka gaar ahaan dhakhaatiirta waxaa ina saaran masuuliyad waa in aan ka wacyigalanaa bulshadeena isticmaalka daawoyinkaan qatarta badan u leh caafimaadka caruurteena sidoo kale waa in aanan qof bukaan ah aanan u qorin dawooyinka kor xusan.


Sharaf ayey inoo ehed in maanta Waziirka Caafimaadka Hirshabelle Dr Zakaria Hurre nagu soo booqdo Shacab Hospital.Booqas...
24/09/2022

Sharaf ayey inoo ehed in maanta Waziirka Caafimaadka Hirshabelle Dr Zakaria Hurre nagu soo booqdo Shacab Hospital.

Booqashada waxa Waziirka ku wehlinayay xildhibaano ka tirsan hirshabelle iyo iskuduwaha Caafimaadka gobalka Ahmed Mohame Khaliif.

Waxay u kuuro galayeen xaalada guud ee isbitaalka ayagoo ugu danbeyn nagu dhiiro geliyay inan sii Laba jibaarno shaqada aan bulshada u heyno.

Farxad weyn iyo guul weyn ayey u tahay dhamaan bulshada Reer Beledwein iyo inta ku hareereysan in maanta la dhagax dhigo...
30/06/2022

Farxad weyn iyo guul weyn ayey u tahay dhamaan bulshada Reer Beledwein iyo inta ku hareereysan in maanta la dhagax dhigo dhul Cusub oo waasac ah kaas oo loo waqfay isbitaalka shacab.

Isbitaalka shacab oo ah isbitaal bulsho kaas oo ay abaabuleen dadka ku dhaqan Magaalada beledwein si uu u daboolo baahiyaha Caafimaad ee deegaanka ka jira.

Hase ahaate waxa muuqatay in cariiri laga dareemayo xarunta uu hada isbitaalka ku shaqeeyo taas oo lagama maarman noqotay in loo helo xarun waasac ah oo baahidaas daboosho.

Ilaah mahadiis maanta ayey suuragashay in la helo dhul uu isbitaalka leeyahay taas oo la rajeynayo in gabi ahaan bulshada Reer beledwein iyo quf walba oo awoodo uu ka qeyb qaadan doono insha allah.

Wabilaahi towfiiq.

Mooski lagu talaalay isbitaalka shacab waa waa kaa mirahiisa la guranayo hada.Shacab hospital dhan walba waa looga fa’id...
30/04/2022

Mooski lagu talaalay isbitaalka shacab waa waa kaa mirahiisa la guranayo hada.

Shacab hospital dhan walba waa looga fa’ideystay.

25ka April oo loo asteeyay maalinta Cudurka Duumada ayaa maanta lagu qabtay isbitaalka shacab ee Magaalada beledwein.Mun...
25/04/2022

25ka April oo loo asteeyay maalinta Cudurka Duumada ayaa maanta lagu qabtay isbitaalka shacab ee Magaalada beledwein.

Munaasabada waxa si wada jir ah ugu qeyb qaatay hay’adaha Hassan Kobac foundation, DirectaAid, HIDIG,Wardi iyo waaaarada Caafimaadka Hirshabelle.

Munaasabada maanta sido kale waxa kaso qeyb galay maamoyin uurey ah kuwaasoo loo sameeyay wacyigelin ku aadan cudurka duumada, dhibaatada iyo sida looga hortago.

Ugu danbeyn maamoyinka uureyda ayaa loo qeybiyay maro kaniico daweysan si ay ugu hoos galaan kaneecada maadama la joogo xiliga Guga kaamecadana ay badato.

Masuuliyiin katirsan wasaarada Caafimaadka Hirshabele oo uu ugu horeeyo agaasimaha guud ee wasaarada Dr. Abaas Abdi moha...
14/04/2022

Masuuliyiin katirsan wasaarada Caafimaadka Hirshabele oo uu ugu horeeyo agaasimaha guud ee wasaarada Dr. Abaas Abdi mohamed, Iskuduwadaha Caafimaadka ee gobalka Hiiran iyo masuuliyin kale oo katirsan waaaarada Caafimaadka ee Hirshabelle ayaa maanta kormeer u yimid isbitaalka shacab iyagoo bogaadiyay adeegyada Caafimaad oo uu isbitaalka umada u hayo.

Isbitaalka shacab ayaa ah isbitaal bulsho waxa uuna kamid yahay isbitaalada bixiyo adeegyo bilaash ah waxaana gacanta ku hayo wasaarada Caafimaadka iyo dadka deegaanka oo ay ugu horeyso hay’Ada Hassan Kobac foundation.

Isbitaalka Shacab oo maanta lasoo gaarsiiyay qaar kamid ah  dadki maanta waxyeelada kasoo gaartay qaraxa ka dhacay Magaa...
19/02/2022

Isbitaalka Shacab oo maanta lasoo gaarsiiyay qaar kamid ah dadki maanta waxyeelada kasoo gaartay qaraxa ka dhacay Magaalada beledwein.

Ilaah mahadiis si fiican ayan ugu adeegnay dhamaan dhaawacyadana wey Caafimaad qabaan mana jirto wax dhimasho ah.

Address

Baladweyne
Beledweyne
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shacab Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Shacab Hospital:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category