Berbera Regional Hospital

Berbera Regional Hospital This page is official page in Berbera Regional Hospital this page is Official for Berbera Regional Hospital

Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa kormeer ku yimi Cusbitaalka Guud ee Berbera.  Intii ay ku guda ji...
11/02/2026

Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa kormeer ku yimi Cusbitaalka Guud ee Berbera.

Intii ay ku guda jireen kormeerka, Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Berbera iyo Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Saaxil ayaa gudida siiyey warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan xaaladaha caafimaad ee cusbitaalka iyo guud ahaan gobolka.

Gudidu waxay si weyn u soo dhaweeyeen hawlkarnimada iyo dadaalka ay masuuliyiintu bulshada ugu adeegayaan, iyagoo ku boorriyay in ay sii xoojiyaan adeegyada caafimaad ee ay bulshada u hayaan.

Ololaha Dhiig-shubista Qaranka oo ka bilaabmay Cusbitaalka Guud ee BerberaMaanta waxa si rasmi ah uga bilaabmay Cusbitaa...
10/02/2026

Ololaha Dhiig-shubista Qaranka oo ka bilaabmay Cusbitaalka Guud ee Berbera

Maanta waxa si rasmi ah uga bilaabmay Cusbitaalka Guud ee Berbera ololaha qaran ee dhiig-shubista.

Furitaanka ololahan waxa ka soo qayb galay Badhasaabka Gobolka Saaxil, Mudane Cabdi-qani Maxamuud Caateeye, Xoghayaha gobolka, Isuduwaha Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Isuduwaha WHC ee Gobolka Saaxil, iyo Agaasimaha iyo Maamulaha Cusbitaalka Guud ee Berbera. Masuuliyiintu waxa ay dhammaan bulshada ku dhiirrigeliyeen in ay dhiig ku tabarrucaan oo ay sadaqadaystaan, si loogu badbaadiyo nafo u baahan.

Dhiig-shubistu waa ficil samafal oo qiimo weyn leh, waana astaan muujinaysa wadajirka, isku-duubnida, iyo naxariista bulshada Somaliland.

Waxaan bulshada oo dhan ku boorrinaynaa:
Fadlan ka qayb qaado ololaha qaran ee dhiig-shubista, oo dhiig ugu deeq naf u baahan.

Dhiig ku deeq oo naf badbaadi!
09/02/2026

Dhiig ku deeq oo naf badbaadi!

22/01/2026

Kalmadda Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Axmed Zaki, iyo hawl wadeenada caafimaadka ee Cusbitaalka Guud ee Berbera oo ku hawlan aadeegyo caafimaad oo ay u fulinayaan ciyaartoyda.

Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Saaxil iyo Maamulka Cusbitaalka Guud ee Berbera, ayaa diyaariyay...
28/12/2025

Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Saaxil iyo Maamulka Cusbitaalka Guud ee Berbera, ayaa diyaariyay hawl-wadeeno caafimaad oo si buuxda uga qayb qaadan doona daryeelka dhaawacyada iyo xaaladaha caafimaad ee soo wajaha Ciyaartooyda, Taageerayaasha iyo Dadwaynaha ka soo qayb galaya daawashada ciyaaraha Championka ee ka dhacaya garoonka Cabdalle Stadium ee magaalada Berbera.

Munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen Admin and Finance-kii h**e ee Cusbitaalka Guud ee Berbera Mursal Axmed Jaamac ...
26/10/2025

Munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen Admin and Finance-kii h**e ee Cusbitaalka Guud ee Berbera Mursal Axmed Jaamac iyo Admin and Finance-ka cusub Cabdi-qani Maxamed Ibrahim ayaa ka qabsoontay xafiiska Agaasimaha Cusbitaalka 25/10/2025.

Wafti Ka Socda Taiwan oo Qiimeyn Ku Sameeyay Qaybta Gargaarka Degdegga ah ee Cusbitaalka Guud ee BerberaBerbera, 26 Sebt...
26/09/2025

Wafti Ka Socda Taiwan oo Qiimeyn Ku Sameeyay Qaybta Gargaarka Degdegga ah ee Cusbitaalka Guud ee Berbera

Berbera, 26 Sebtembar 2025 —
Cusbitaalka Guud ee Berbera ayaa maanta si sharaf leh u martigeliyay wafti heer sare ah oo ka socday dalka Taiwan, kuwaas oo u yimid qiimeyn ku saabsan baahiyaha iyo awoodda qaybta gargaarka degdegga ah ee cusbitaalka.

Waftiga waxaa si diirran u soo dhaweeyay Agaasimaha Cusbitaalka, Dr. Axmed Muse Ibrahim (Xanaf), iyo Maamulaha Cusbitaalka Mr. Mursal Axmed Jaamac.

Booqashadan ayaa qayb ka ah mashruuca Public Health Emergency Response Enhancement, oo ay Taiwan ka taageerto Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. Mashruucan waxa uu diiradda saaraya xoojinta awoodda la tacaalida xaaladaha degdegga ah iyada oo loo marayo tababaro, qalab caafimaad, iyo horumarinta adeegyada degdegga ah.

Agaasime Dr. Xanaf ayaa waftiga siiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee cusbitaalka iyo caqabadaha ka jira qaybta gargaarka degdegga ah. Kadibna, waftigu waxa ay si toos ah u kormeereen qaybaha kala duwan ee cusbitaalka si ay u arkaan xaaladda dhabta ah ee adeegyada caafimaadka.

Madaxa Qaybta Gargaarka Degdegga ah ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Mohamed Weheliye Abdi, ayaa sheegay in Mashruucani qayb ka yahay siyaasada horumarinta Caafimaadka ee lagu horu marinayo adeeg yada degdega ah ee Cusbitaalada dalka oo dhan oo ay hogaaminayaan Wasiirka, Wasiir Ku-xigeenka, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland.

Ugu dambayn, waftiga Taiwanese-ka ah waxa ay Agaasimaha Cusbitaalka gudoonsiiyeen hadyad qiimo badan oo ay ku maamuuseen. Isaga oo ka jawaabaya, Dr. Xanaf waxa uu guddoonsiiyay hadyad dhaqameed Soomaaliyeed oo ka kooban go’shaala iyo koofiyadda cuqaasha, taas oo astaan u ah soo dhaweyn, xushmad, iyo dhaqanka suuban ee bulshada Somaliland.

Is-dhaafsiga hadyadaha waxa uu ku dhacay jawi niyad sami iyo farxad leh, waxaana uu xoojinayaa rajada iskaashi caafimaad oo waara oo mustaqbalka ah.

Allaa Mahad Leh

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo KGHP oo Agab Caafimaad ku Wareejiyay Cusbitaalka Guud ee Berbera.Wasaaradda Horum...
21/07/2025

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo KGHP oo Agab Caafimaad ku Wareejiyay Cusbitaalka Guud ee Berbera.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, oo kaashanaysa King’s Global Health Partnerships (KGHP), ayaa si rasmi ah agab caafimaad ugu wareejisay Cusbitaalka Guud ee Berbera. Agabkan ayaa loogu talogalay xakamaynta caabuqyada faafa ee xarumaha caafimaadka.

Munaasibadda wareejinta ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socotay Cusbitaalka Guud ee Berbera, Wasaaradda Caafimaadka, iyo hay’adaha taageeraya mashruuca. Agabkan caafimaad wuxuu qeyb ka yahay barnaamijka National Quality Improvement Programme (NQIP), oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan MoHD iyo KGHP, oo ay dhaqaala ahaanna ka taageerto hay’adda Qatar Charity.

Ujeeddada mashruucan ayaa ah in kor loo qaado tayada adeegyada caafimaad ee la bixiyo, lana yareeyo halista caabuqyada gudaha cisbitaalka, si loo horumariyo badbaadada bukaanka iyo shaqaalaha caafimaadka.

Berbera Regional Hospital, Staff Training part 2.
23/06/2025

Berbera Regional Hospital, Staff Training part 2.

Berbera - Dhakhaatiir iyo aqoonyahanno ka socda ururka Somali Health Exchange (SHE), oo fadhigoodu yahay dalka Ingiriisk...
23/06/2025

Berbera - Dhakhaatiir iyo aqoonyahanno ka socda ururka Somali Health Exchange (SHE), oo fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska, ayaa maanta tababarro muhiim ah u qabtay shaqaalaha Cusbitaalka Guud ee Berbera. Ujeedada tababarradan waxay ahayd kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka, si loo horumariyo adeegyada caafimaad ee bulshada. Tababarradu waxay diiradda saareen dhowr mowduuc oo muhiim ah, kuwaas oo kala ahaa:
1. Basic life support and han hygene workshop
2. Medicine management workshop
3. Introduction to genetics workshop
4. Musculoskeletal conditions: managing pain and mobility workshop.
5. Surgical skills Course

Tababaradan isugu jira aqoon, xirfad, iyo faham saynis waxay si weyn u kobciyeen kartida shaqaalaha caafimaadka ee Cusbitaalka Guud ee Berbera. Sidoo kale waxay sare u qaadeen wacyiga ku aaddan nadaafadda, badbaadada bukaanka, iyo adeegsiga tignoolajiyadda aqooneed ee cusub.

Ugu danbayn dadaalkan midho-dhalka ah waxa uu caddeyn u yahay sida aqoonyahannada reer Somaliland ee qurbaha ku sugan ay door muuqda ugu yeelan karaan horumarinta nidaamka caafimaadka gudaha, iyaga oo aqoontooda iyo khibradooda dib ugu celinaya bulshadooda.

Allaa Mahad Leh

Berbera - Waxaa cusbitaalka guud ee Berbera la keenay ilmo 8 jir ah oo uu cunaha isu taagay caag yar oo uu si lama filaa...
16/06/2025

Berbera - Waxaa cusbitaalka guud ee Berbera la keenay ilmo 8 jir ah oo uu cunaha isu taagay caag yar oo uu si lama filaan ah u liqay. Nasiib wanaag, Ilaahay mahaddii, ilmaha waa la badbaadiyay, waxaana si guul ah looga saaray caaggii uu liqay.

Waxaan uga mahadcelinaynaa dhakhtarka qalliinka guud ee cusbitaalka Guud ee Berbera (Dr. Xamse Miigane) iyo kooxdiisa, dadaalka, xirfadda, iyo taxadarka ay muujiyeen si ay u xaqiijiyaan badbaadada ilmaha. Waxa ay fuliyeen howlo caafimaad oo muhiim ah, iyaga oo u heellan daryeelka bukaanada. Waa mudan yihiin bogaadin iyo mahadnaq.

Guul iyo horumar ayaan u rajaynaynaa dhammaan shaqaalaha caafimaadka ee ku howlan badbaadada nafta.

Allaa Mahad Leh

Ololaha Dhiig-shubista Qaranka oo ka bilaabmay Cusbitaalka Guud ee Berbera Maanta waxa si rasmi ah uga bilaabmay Cusbita...
15/06/2025

Ololaha Dhiig-shubista Qaranka oo ka bilaabmay Cusbitaalka Guud ee Berbera

Maanta waxa si rasmi ah uga bilaabmay Cusbitaalka Guud ee Berbera, Ololaha Dhiig-shubista Qaranka. Waa dedaal ay bulshadu ku muujinayso naxariis, isgarabsi, iyo badbaadin naf.

Furitaanka ololahan waxa ka soo qayb galay Mayirka Degmada Berbera, Mudane Cabdishakuur Ciddin, Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Hoose ee Berbera, Guddoomiyaha Shirkadda Telesom ee Berbera, Isuduwaha WHC ee Gobolka Saaxil, iyo Agaasimaha iyo Maamulaha Cusbitaalka Guud ee Berbera. Masuuliyiintu wax ay dhammaan bulshada ku dhiirrigeliyeen in ay dhiig shubaan si ay u badbaadiyaan nafo u baahan.

Dhiig-shubistu waa ficil samafal oo qiimo weyn leh waa dareen muujinaya wadajirka iyo isku-duubnida bulshada Somaliland.

Kaalay, ka qaybqaado, ololaha dhiig ku deeq, oo naf badbaadi!

Address

Berbera

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Berbera Regional Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category