Dr.Abdisamed Hashi

Dr.Abdisamed Hashi mahadsanid. Follow our page 👉 Dr Abdisamed Hashi

Follow saar Page keena Dr Abdisamed Hashi, si aad u hesho talooyin caafimaad oo sax ah, wacyigalin caafimaad iyo waxkasta oo kusoo kordha cilmiga caafimaadka iyo ka bulshadaba.

Maqaal Falanqeyn ah: Heshiiska Somaliland & Itoobiya – Fursad Mise Khatar?Sanadihii u dambeeyay, xidhiidhka u dhexeeya S...
01/04/2026

Maqaal Falanqeyn ah: Heshiiska Somaliland & Itoobiya – Fursad Mise Khatar?

Sanadihii u dambeeyay, xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia ayaa galay marxalad cusub oo xasaasi ah, gaar ahaan kadib Memorandum of Understanding (MoU) 2024. Heshiiskan hordhaca ah ayaa la sheegay inuu u gogol xaadhayo in Itoobiya hesho marin badeed, gaar ahaan inta u dhaxaysa Saylac ilaa Lughaya ee gobolka Awdal, iyadoo beddelkeedana ay ballanqaadayso aqoonsi siyaasadeed oo Somaliland hesho.

Arrintani waxay dhalisay su’aalo culus, dood siyaasadeed, iyo dareen bulsho oo kala duwan—gaar ahaan dadka deegaanka Awdal oo si weyn uga horyimid heshiiskan tan iyo markii la shaaciyay.



1. Maxaa ka dhalan kara heshiiskan?

Heshiis noocan oo kale ah wuxuu leeyahay faa’iidooyin iyo khataro is barbar socda:

Faa’iidooyinka suurtagalka ah:
• Somaliland waxay heli kartaa aqoonsi caalami ah haddii Itoobiya dhab ka tahay ballanqaadkeeda.
• Dhaqaale cusub oo ka yimaada kirada dekedaha ama marin-biyoodka.
• Iskaashi amni iyo dhaqaale oo xooggan.

Khataraha muuqda:
• Khilaaf gudaha ah, gaar ahaan gobolka Awdal oo dareemaya in aan lala tashan.
• Xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalata deriska kale ee gobolka.
• Suurtagalnimada in Itoobiya ay si joogto ah u joogto badda, taasoo noqon karta arrin istiraatiiji ah oo khatar leh.



2. Itoobiya ma ka bixi doontaa marka heshiisku dhammaado?

Tani waa su’aasha ugu weyn ee la is weydiinayo.

Taariikh ahaan, dalalka marka ay helaan marin badeed ama saldhig istiraatiiji ah, si fudud ugama baxaan. Itoobiya waa dal aan bad lahayn tan iyo markii ay ka go’day Eritrea sanadkii 1993. Sidaas darteed:
• Baahida ay Itoobiya u qabto baddu waa mid joogto ah.
• Haddii ay hesho marin rasmi ah, waxay u badan tahay inay rabto joogitaan dheer. Suura galna maaha in ay marnaba hada waa marnaba ka baxdo marin biyoodka ay hesho. Soomaliland na waxay ku noqondoontaa " tola ay eey ushaada nin aadka qaadan karto ayaa loo dhiibtaa".

Haddii heshiiska si fiican loo qeexin (duration, exit clauses, sovereignty), waxaa jiri kara halis ah in Itoobiya aysan si fudud uga bixin marka waqtigu dhammaado.



3. Maxaa la gudboon Somaliland?

Somaliland waa inay si xeel dheer u wajahdaa arrintan:
• Sharci adag: Heshiiska waa inuu noqdaa mid si cad u qeexaya muddada, xadka, iyo ka bixitaanka (exit strategy).
• La tashiga shacabka: Gaar ahaan dadka Awdal waa in codkooda la maqlaa.
• Dammaanad caalami ah: Heshiiska waa in lagu lifaaqaa dammaanad ka imanaysa hay’ado ama dalal kale.
• Ilaalinta madaxbannaanida: Waa in aan la lumin gacanta dhulka iyo biyaha.



4. Maxaa la gudboon dadka reer Awdal (Great Awdal)?

Dadka Awdal waxay door muhiim ah ku leeyihiin arrintan:
• Midnimo iyo wacyigelin: Waa inay si mideysan oo nabad ah u muujiyaan aragtidooda.
• Ka qaybgal siyaasadeed: Inay si firfircoon uga dhex muuqdaan go’aan qaadashada.
• Difaac sharci iyo mid bulsho: Inay adeegsadaan waddooyin sharci ah si ay u ilaashadaan xuquuqdooda dhuleed.
• Ka fogaansho rabshad: Si arrintu u noqoto mid la maareyn karo oo caalami ahaan la aqbali karo.



Gunaanad

Heshiiska u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia wuxuu noqon karaa mid taariikhi ah—laakiin sidoo kale halis weyn xambaarsan. Wax kasta waxay ku xirnaan doonaan sida loo maareeyo, loo sharciyeeyo, loona dheellitiro danaha kala duwan.

Aniga fikirkaygu wuxuu yahay in somaliland ay ka naasnaasindoonto heshiiskaas marka ethiopia si rasmi ah uga hawl gasho. Waa in cida ay dhul ahaan khusaysaa si cad ay u diidaan arinkan hada ayuu dhowyahy.

Su’aasha ugu weyn ma aha oo kaliya “maxaa la heli karaa maanta?”, balse waa: “maxaa dhici doona 10–20 sano kadib?”

Dr. Abdisamed Hashi

Waxan arkay xaaladan oo soo badanaysa.⸻🧠 Waa maxay Hypochondriasis? • Waa xaalad uu qofku si xad-dhaaf ah uga walwalo ca...
28/03/2026

Waxan arkay xaaladan oo soo badanaysa.


🧠 Waa maxay Hypochondriasis?
• Waa xaalad uu qofku si xad-dhaaf ah uga walwalo caafimaadkiisa
• Wuxuu u maleeyaa inuu qabo cudur halis ah inkastoo calaamaduhu yar yihiin ama baaritaanadu caadi yihiin
• tusaale hadii uu qofku uu dareemo madax xanuun wuxuu u maleeyaa kansarkii maskaxdu inuu ku dhacay.



🔍 Maxaa keena? (Causes)
• Walwal guud/ general anxiety
• Aqoon caafimaad oo badan (medical students/doctors)
• Internet-ka badan (cyberchondria)
• in uu H**e u soo maray xanuun culus ama qof qoyska ka mid ah oo xanuunsaday.




🛡️ Sidee looga hortagaa? (Prevention)
• is Ka yaree Google-ka & self-diagnosis( inuu qofku isagu baadho xanuunkiisa )
• Samee routine caafimaad leh (hurdo, jimicsi, nasasho)
• Baro stress management (deep breathing, relaxation)
• La hadal dhakhtar hal mar kaas oo aad ku kalsoon tahay halkii aad dad badan ku wareegi lahayd.

Dr Abdisamed Hashi Arafat(Uk)

27/03/2026

Maxaa luray naftaadii .bal maxaa ku soo waday ilayn wad arkaysaaye.

Masuuliyada aad wado iyo sida aad u dhaqmayso iskuma dhigmaan. Hadhow bay iska odhanayaan qadar buu ahaa , maahee waa badheedh haliseed.

23/03/2026

Boorama iyo hada .

Caafimaad ku ciida❤️.
21/03/2026

Caafimaad ku ciida❤️.

Libaaxu wuxuu noolaadaa ila 16 Sano oo keliya .13 Sano ku dhowaad noloshiisa waxa uu ku dhammaystaa Orod, Rafaad,iyo wee...
18/03/2026

Libaaxu wuxuu noolaadaa ila 16 Sano oo keliya .
13 Sano ku dhowaad noloshiisa waxa uu ku dhammaystaa Orod, Rafaad,iyo weerar dhib iyo dhaawacyo ka Soo gaadhaan. Aakhirkana waxa uu dhintaa isaga oo meel waliba damqanayso, cid walbana godob ka galay.

Diinku wuxuu noolaadaa 200 oo Sano.
Noloshiisa waxa uu ku dhammaystaa deggenaan, tartiib, nabad gelyo dhib la'aan,iyo isaga oo aan Cadow samaysan. Aakhirkana waxa uu dhintaa isaga oo aan dhaawac iyo xagtin toona qabin cid uu godob ka galayna aanay jirin.

Somalidu waxa ay u badan yihiin kuwo u nool sida Libaaxa. Wax dil, wax dhac, qaylo iyo buuq samayso, dagaal gal, mucaarad noqo, guurso, fur, haddana guurso oo fur,carruur kala duduwan dhal sida Libaaxa 10 ba meel kaga tag.
Nafta biimee, Doonnidii ay ku naf waayeen ee ay ku dhinteen 200 qof Isla iyadii raac .

Somaliga ugu itaalka yar ama ugu dagaalka yar wuxuu ku dagaalamaa Comment ka . K*k

Dhimashada waxaa ugu badan Dhallinyaro 20-30 . Waxay ku dhammaadaan Tahriib, Dagaal, Maandooriye,Nafaqo darro iyo dayac badan. Adduunyada wuxuu ku Soo dhammaystay 30 Sano oo uu sida Libaaxa u afar-qaaddaynayey oo uu isaga oo xiiqsan habeenkii meel ugu Soo gataati dhacayey.

Dadka Reer Xamarka( cadcadka) oo keliya ayaa u nool sida Diinka . Cadcadku iyaga oo cunaya Bajiye, Saambuus, mashmash , Xalwad iyo Qaxwe ayay Harqaan( Dawaar) ka shaqaystaan tartiibtooda, shidanaaba shidan dabeetana da'doodu waxay gaadhaa 100-120.
Wuxuu dhintaa isaga oo Timo jilicsan oo nuuraya oo aan Dakhar, jabniin iyo dhaawac toona lahayn.

Noloshu waa Allah ka cabsi,wax barasho, aqoon kororsi, degenaan iyo Raaxo.
Ma aha qasab, qarjajac, wax Iska celi,is difaac, wax dil iwm.

Jidka nolosha loo maro waxay ku xidhan tahay hadba sida aad adigu dooratid.
Ma waxaad rabtaa inaad sida Libaax u noolaatid, mise waxaad rabtaa inaad sida Diinka u noolaatid?

Xigasho.

17/03/2026

Multispecialist doctor, ilaahay cilmigiisu badanaa oo hydrocephalus ku ma sidaasuu u fududyahy🤣🤣🤣.

15/03/2026

⚠️ Shilalka Baabuurta oo Ku Soo Badanaya Somaliland

Sanadihii u dambeeyay waxaa si aad ah ugu soo badanaya shilalka gaadiidka ee ka dhaca Somaliland. Shilalkan waxay sababeen dhaawacyo iyo dhimasho badan, sidoo kale waxay saameyn ku yeeshaan qoysas iyo bulshada guud ahaan.

Maxaa Keena Shilalka Baabuurta?

1️⃣ Xawaare sare (Overspeed)
Darawallo badan ayaa ku socda xawaare ka badan kan ammaanka ah.

2️⃣ Isticmaalka taleefanka marka la wado
Telefoonka oo la isticmaalo marka la wado wuxuu mashquuliyaa maskaxda darawalka.

3️⃣ Darawalnimo aan feejignayn
Daalku, hurdo la’aantu, ama feejignaan la’aantu waxay kordhiyaan khatarta shilka.

4️⃣ Baabuur aan dayactir wanaagsan lahayn
Brake xun, taayir duugoobay, ama nalal aan shaqayn waxay sababi karaan shil.

5️⃣ Xeerarka waddooyinka oo aan la raacin
Tusaale ahaan: calaamadaha waddooyinka oo la iska indho tiro.

6️⃣ Darawallo khibrad yar leh
Dad aan tababar fiican qaadan ayaa mararka qaarkood baabuur wado.
7️⃣ waxaa xusid mudan in baabuurta qaadka qaadaa ay si aan caadi ahayn u dhexmaraan suuqyo dadka iyo baabuurtuba aad ugu badanyihiin. Waxaa wada ethiopian aan dan iyo lexejeclo ka la hayn dadka iyo baabuurkaba.



Sidee Looga Hortagi Karaa?

✅ Xawaare xaddidan ku soco
Raac xeerarka waddada.

✅ Ha isticmaalin telefoon markaad baabuur wadid
Haddii wicitaan muhiim ahi jiro, baabuurka jooji.

✅ Hubi baabuurkaaga
Samee dayactir joogto ah si brake, taayir iyo nalal u shaqeeyaan.

✅ Ha wadin baabuur adigoo daalan
Nasasho qaado ka hor safar dheer.

✅ Ixtiraam calaamadaha waddooyinka
Iyo mudnaanta gaadiidka kale.



Gunaanad

Shilalka baabuurta waa musiibo laga hortagi karo haddii qof kasta uu qaato masuuliyaddiisa. Badbaadada waddooyinka waxay ka bilaabataa darawalka laftiisa.

🚗 Noloshaada iyo tan dadka kale waa muhiim — si taxaddar leh u wad baabuurka. Wixii dhintay ale ha unaxariisto wixii dhaawacmayna ale ha u booga dhayo🤲🤲🤲🤲..

Dr Abdisamed Hashi Arafat

Waxaa soo badanaaya cabashada kusaabsan calool taaga caruurta yaryar.Calool-istaagga (constipation) ee ilmaha ka yar 1 s...
14/03/2026

Waxaa soo badanaaya cabashada kusaabsan calool taaga caruurta yaryar.

Calool-istaagga (constipation) ee ilmaha ka yar 1 sano – qaabka loo maareeyo waxaa lagu soo koobi karaa qodobadan muhiimka ah:

1️⃣ Qiimeynta h**e
• Hubi nooca quudinta (naas / formula/caano aan naaska ahayn).
• Eeg saxarada: ma adayg baa , ama ilmuhu ku dhibtoonayo.
• Baadh calool barar /dibiro, matag, ama dhiig saxarada ku jira.

2️⃣ Tallaabooyinka aan dawo ahayn (first line)
• Naas-nuujinta sii wad (breastfeeding ).
• Haddii >6 bilood → biyo yar ama cunto fiber leh (tusaale: khudaar ).
• duugmo caloosha ah(Abdominal massage si tartiib ah)
• Leg cycling exercise (lugaha sida baaskiilka ugu dhaq dhaqaaji yacne sidii ilmuhu inuu baaskiil wado oo kale)
Qaabkan aan daawada ahayni waxay ka caawinaysaa in calooshu dhaqaaqdo ilmaha ama ay jilicdo.

3️⃣ Daawo haddii ay sii socoto
• Lactulose syrup – stool softener
• Dose: inta dhakhtarkaagu kuu qiyaaso.
• Glycerin suppository (re**al, mararka qaarkood).

4️⃣ Ka fogow
• E***a badan(saabuunta xaga danbe)
• Laxatives xoog badan(daawooyin xoog u dhaqaaja caloosha)

Ugu danbay kala tasho dhakhtarka ilmahaaga.

Dr Abdisamed Hashi Arafat.

13/03/2026

Imaam Axmed ibrahim Qaasi(Axmed Guray) iyo boorama

.Baro 15 Kamida Faa’iidooyinka Qur’aanka Kariimka ah.1: Qur'anku Waxa uu kordhiyaa kalsoonida addoonku ku qabo Allihii A...
11/03/2026

.Baro 15 Kamida Faa’iidooyinka Qur’aanka Kariimka ah.

1: Qur'anku Waxa uu kordhiyaa kalsoonida addoonku ku qabo Allihii Abuurtay SWT.

2: Waxa Qur'aanka Laga Helaa raaxo nafsi ah (Deganaansho/Xasilooni).

3: Waxa uu xoojiyaa xiriirka u dhexeeya Adoonka iyo Allihii Abuurtay SWT.

4: Qur'aanku Wuxu Suuliyaa (kexeeyaa) welwelka,Walaaca iyo cidhiidhiga nafsaaniga ah.

5: Wuxu Hagaajiyaa Xiriirka iyo Lamacaamilka ka Dhexeeya Qofka iyo Dadka kale ee ay Nolol Wadaagga Yihiin.

6: Waxa uu door weyn ka qaataa edbinta iyo toosinta nafta (Gude ahana iyo Dibad ahaanba).

7: Waxa uu kordhiyaa kalsoonida qofku ku qabo Naftiisa iyo Rumaynta Qaddarta Alle.

8: Waxa uu qofka ka ilaaliyaa waswaaska iyo farriimaha shaydaanku qalbigiisa u soo diro.

9: Waxa uu qofka akhriya u Markhaati kacaa Maalinka is abaal Marinta (Maalinka Qiyaamaha)

10: Waxa uu Qofka u furaa hadalka (Aftahan)

11: Qur'anka waxa laga helaa taariikho H**e oo Laga Fiidaysan karo Khibrado Nololeed.

12: Qur'aanku wuxu qofka siiyaa dhiirri Gelin iyo go’aan qaadashada wanaagsan ee nolosheena saamaynta ku leh.

13: Waxa uu qofka ka Dhigaa mid Faraxsan (Bashaash)

14: Qur'anku waxa uu Kobciyaa Garaadka Qofka wuxuna ka dhigaa mid xigmad badan oo Hab fudud xal ugu Hela Caqabadaha nololeed ee lasoo Dersa.

15: Ugu Danayn Qur'anku waa Daawo Dabiici ah wuxuna Ka hortagaa Xanuunada ku dhaca Maskaxda (Dhimirka) Waxa Dhowaan Saynisyahanu ogaadeen in Akhrinta Quraanku tahay sababta ugu Badan ee Muslimiintu u Yihiin kuwo deggan oo Maskax Furan.

Gaarsii walaalahaaga Muslimiinta ah) Jazaakallahu Kheyra.

WAA LA II SOO GUDBIYAY
QOFKII QORAALKA ISKA LAHAA ILÀAHAY HA KA ABAALMARIYO

❌iska jooji!!  Dhibaatooyinka laga dhaxlo isticmaalka moobilka ee habeenkii !!1️⃣ Hurdo xumo (insomnia) – Iftiinka buluu...
09/03/2026

❌iska jooji!! Dhibaatooyinka laga dhaxlo isticmaalka moobilka ee habeenkii !!

1️⃣ Hurdo xumo (insomnia) – Iftiinka buluugga ah ee screen-ka wuxuu hoos u dhigaa hormoonka hurdada ee melatonin, taasoo adkeynaysa inaad si fudud u seexato.

2️⃣ Indho daal iyo arag daciif ah – Ku fiirsashada screen muddo dheer habeenkii waxay keeni kartaa indho qalalan, daal iyo madax xanuun.

3️⃣ Maskax daal iyo feejignaan yar maalintii – Hurdo la’aanta ka timaadda isticmaalka telefoonka waxay hoos u dhigtaa xusuusta iyo diiradda maalinta xigta.

4️⃣ Qoorta iyo dhabarka xanuun – Marka qofku sariirta ku jiifo isagoo madaxa hoos u foorarsan (text neck), waxaa iman kara xanuun qoorta iyo dhabarka ah.

5️⃣ Walwal iyo stress kordha – Isticmaalka social media ama wararka habeenkii waxay kordhin karaan walwalka maskaxda, taasoo sii adkaynaysa hurdada.

✅ Talo: Waxaa fiican in telefoonka la joojiyo ugu yaraan 30–60 daqiiqo ka hor hurdada si hurdadu u noqoto mid fiican.

Address

Borama

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.Abdisamed Hashi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category