30/01/2026
Alxamdulillaah 🤲
Maanta waa maalin farxad iyo mahadnaq gaar ah leh. Hooyo xaaladdeedu aad u cuslayd, muddo dheer lagula tacaalayay Adal International Hospital, balse Alle idankiis iyo dadaalka joogtada ah ee shaqaalaha caafimaadka kadib, waxay maanta ka baxday isbitaalka iyadoo si buuxda u soo raysay, caafimaad qabta, kuna hoyatay gurigeedii.
Bukaanka oo la timid Oof Wareen daran ( severe pneumonia) iyo Caabuq Baahsan oo gacanta bidix ah ( diffuse cellulitis) due to suspected insect bite.
Farxadda iyo raynraynta maanta ka muuqata wejiyada bukaanka, ehelkeeda, iyo shaqaalaha isbitaalka waa mid aan erayo lagu koobi karin. Shaqaalaha Adal International Hospital waxay muujiyeen naxariis, dulqaad, iyo xirfad sare, iyagoo xitaa u sameeyay munaasabad yar oo ay farxadda kula wadaagayaan bukaanka soo bogsatay.
Sheekadani waa xusuus muujinaysa in rajadu mar walba nooshahay, in cudur kastaa leeyahay dawo Alle agtiisa taal, iyo in dadaal iyo isgarab istaag ay keeni karaan guul iyo bogsiin.
Waxaan Alle uga mahadcelinaynaa caafimaadka hooyada, waxaanan u rajaynaynaa cimri dheer iyo caafimaad waara. Sidoo kale waxaan mahad gaar ah u jeedinaynaa dhammaan shaqaalaha caafimaadka ee dadaalka mugga leh muujiyay.
Alxamdulillaah mar labaad 🤍
.