Abdinasir Hamud Abdilahi

Abdinasir Hamud Abdilahi Nutritionist

25/04/2023

Asbaabaha Ay U Wanaagsan Tahay In La Isku Cuno Timirta Iyo Caanaha!

Faaidada isku cunista timirta iyo caanaha:

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa daahfuray in midhaha timirta ay ku jiraan xaddi aad u badan oo ah Faytamiinno, macdanno iyo sonkoro uu jidhku si joogto ah ugu baahan yahay maalin kasta. Marka uu qofku sooman yahay ama uu ku jiro cunto yarayntana waxa ay jidhka si degdeg ah ugu keenaan faa’iidooyinka aynu soo tirinnay ee uu ka heli lahaa cuntooyinka kala duwan ee uu joojiyey ama yareeyey.

Timirtu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka sida aad u dhaqsaha badan u shiidma, sidaa awgeed faa’iidooyinkeeda iyo raadkeedu ay saacado yar gudahood la falgalaan dhiigga, waxa aanay fududeeyaan shaqada dheefshiidka iyo weliba in uu cuntada si aad u fiican u shiido. Timirta waxaa ku jira khabiirro (Yeast) dabiici ah oo wax weyn ka tara nidaaminta shaqada caloosha gudaheeda ka jirta, isla markaana yaraysa dibbirada mararka qaarkood cuntada kaddib la isku arko.

Haddaba marka timirta o faa’iidooyinkaas leh loo geeyo caanaha oo isku hal waqti la cuno, waxa sii kordhaysa faa’iidooyinkii laga filayey oo ay ka mid yihiin.

• Waxa uu jidhku ka helaa sonkoraha, macdanaha iyo faytamiinnada uu u baahan yahay.

• Waxa uu jidhku ka helaa tamar iyo firfircooni.

• Caanaha iyo Timirta isla falgalkoodu waxa ay dawo ka yihiin cadhada daran iyo dhaqso u cadhoodka, waxa ay sida oo kale ka dawo yihiin xaalado nafsi ah oo qulubka iyo isku buuqu ka mid yihiin.

• Caanaha iyo timirtu waxa ay kordhiyaan xadiidka dhiigga.

• Waxa ay daweeyaan taagdarrada ku dhacda muruqa wadnaha.

• Waxa ay daweeyaan calool istaagga aadka ah, gaar ahaan dumarka uurka leh.

• Waxa ay daweeyaan xasaasiyadda dadku cuntooyinka qaar ku yeeshaan.

• Waxa ay joojiyaan dhiigfuranka iyo dhiig baxa.

• Waxa ay caawiyaan caafimaadka keliyaha, sababtuna waa faytamiinnada ku jira ee A, J, B1, B2 iyo B3.

• Waxa ay yareeyaan khatarta xiiqda iyo cidhiidhka saableyda iyo neefsiga ku dhaca.

• Waxa ay ka takhalusa

29/01/2022
Normal of blood pressure,blood sugar..... etc
18/01/2022

Normal of blood pressure,blood sugar..... etc

Why should I be physically active if I have diabetes?Physical activity is an important part of managing your blood gluco...
06/09/2021

Why should I be physically active if I have diabetes?

Physical activity is an important part of managing your blood glucose level and staying healthy. Being active has many health benefits.

Physical activity

blood glucose levels
blood pressure
blood flow
extra calories so you can keep your weight down if needed
your mood
prevent falls and improve memory in older adults
help you sleep better

Faa’iidada caafimaad-ka    (carrot)Karootada waxa kujiro qaybaha kala duwan ee nafaqada  waxay qani ku tahay oo aad ugu ...
06/09/2021

Faa’iidada caafimaad-ka (carrot)
Karootada waxa kujiro qaybaha kala duwan ee nafaqada waxay qani ku tahay oo aad ugu badan vitamin A

1.Waxay xoojisaa isha : vitamin A kujiro carootada ka wuxu ka hortagaa xanuuno ku dhaco isha sida ragtida habaynkii oo yaraato iyo indho qalayl-ka

2.Waxay ka qayb qaadata jirka: fiitamiinada ku jiro waxay saacidaan samaysanka borotiinada ka qayb qaato korniimada jirka

3.Wuxuu kor uqaadaa caafimaadka jirka : vitamin A kujiro wuxuu joogteeyaa badqabka unugyada loo yaqaan (epithelial cells) ee ku dahaaran xubnaha jirka sida isha caloosha, mindhicirada ,sanbabka ,kaadi haysta ,maaqaarka, iyo kuwo kale
4.waxay u fiicantahay : waxana kujiro maadada fiber-ka oo saacido dheefshiidka caloosha

5.waxay u fiicantahay jirka : fiitamiin A wuxuu dowr muhiim ah ka qaataa shaqada difaaca jirka
6. Waxay u fiicantahay hanaan ka iyo samaysan abuurmayo

7.Wuxu ka hortagaa qallalida iyo engegida iyo .........

W/Q Dr.

Waxay udhalatay" wadanka ruushka(rusia) waa 28 jir awowgeed wuxuu ahaa nin caan ka ah dalka ruushka wuxuuna ahaa saraaki...
06/05/2021

Waxay udhalatay" wadanka ruushka(rusia) waa 28 jir awowgeed wuxuu ahaa nin caan ka ah dalka ruushka wuxuuna ahaa saraakiishii dagaalki 2aad guulaha usoo hooyay dalkaas, sanad walbana waa la xusaa aabaheed.

Iyadu waxay leedahay hanti dhan 23 million dolars ah oo kaash ah iyo 8 shirkadood oo dunida ku kalayaal, guud ahaan hantideedu waxay gaadhaysa 80M sideetan milyan.

Waxay dalxiis utimi africa" horaanti sanadkan 2021 halkani waa kenya ninkan lasawiran waa masay xoolo dhaqato ah, isagu male hanti aan ahayn lo'das.
Way jeclaatay waxayna tiri inamari nin iinoqo adunkana meesha doonto igu qab, sidaad doonto ugu safar adunkan.

Nasiib daro wuu diiday" wuxuuna rumaysan waayay gabadhan siday ujeclaatay iyo waxay karabto isku umadba maaha, wuxuuma ugu jawaabay anigu lo'dan k**a tagayo kumana rabo ee iga tag.

Waxay tiro xitaa lo'da waan kaxay reerkiina xitaa soo kaxayso iyo cidaad rabto ee kale.
Kaliya nin iinoqo aniga iyo hantidan masuul naga noqo adigaana iskaleh hadaan dhinto iyo hadaan nolahayba.

Wuu diiday, waana lakariwaayay gabadhina way sugaysa oo weli maysan tagin, k**ana tagayo ayay tiri.

Xigasho/ Africa is africa
Qore/ Xamse xarago official

13/04/2021

Address

Borama

Telephone

+252634559301

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdinasir Hamud Abdilahi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Abdinasir Hamud Abdilahi:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram