27/12/2025
Somaliland meel fog ayey gaadhay.
xaqiiqdii waxa wax lagu farxo ah in headline ka wararka ee journalis ka, websites ka, Twitter ka, Facebook iyo meel walba oo lagu wada xidhiidho waxa lagu hadal hayaa Somaliland.
waa tallaabo muhiim ah in aynu ka gudubnay xaydaanbkii ahaa waan jiraa ee qof ii aqoonsonow iyo ma jirtid oo qof ma tihid, waayo dunidu may arag oo may maqal falanqayn iyo dood ka timaada Somaliland oo ku saabsan masiirkeeda.
maanta, waxa la helay dariiq la mari karo oo siyaasada caalamiga lagu falanqayn karo Somaliland. Tusaale:
maalinimada isniinta waxa kulan lagaga hadlayo arinta Somaliland lagu gorfayn doonaa qaramada midoobay, welina may dhicin in golaha qaramada midoobay kulan aan caadi ahayn iyo mid caadi ahba ku falanqeeyo Somaliland.
sido kale, waxaynu yeelanay saaxib siyaasadeed oo doodeena iyo jiritaankii qof ii aqoonsonow ee somaliya diiday inooga doodi kara golaha, misana inooga dhicin kara aqoonsi wadamo fara badan oo isaga la saaxiib ah.
godka ah in la dhaafo xayndaabka geeska africa oo dunida kale la isu iib geeyo waa god uu la helay degitaankiisa madaxweynaha iyo team kiisu, waanan ku hambalyeynayaa.
gunaanad
waxan leyahay aakhirkii:
"Yaa iloodin kara saw arliga leexo qarin mayso"