Yasin carab

Yasin carab health

Dad badan marka ay wax soo iibsadaan, waxa ay fiiriyaan kaliya waqtiga uu dhacayo( Expire date). Tusaale 'Expire date, 2...
01/09/2021

Dad badan marka ay wax soo iibsadaan, waxa ay fiiriyaan kaliya waqtiga uu dhacayo( Expire date). Tusaale 'Expire date, 2024' oo ah sanadka waxaa soo iibsatay uu dhacayo.

Laakiin waxaa jirto taariikh kale oo loogu tala galay isticmaalka waxaas haddii mar la furo, waxa ayna ku qorantahay qaybta hoose ee gasaca ama caagadaha waxaana loo soo gaabiyaa xarafka M, taas oo ka dhigan 'Month' oo ah bisha.

Badanaa waxaad ku arkaysaa waxyaalaha shopping-ka ah ee jirka iyo timaha in la marsado oo lagu qurxiyo loogu talagalay iyo daawooyin-ka qaarkood.

Tusaale;
•Haddii ay ku qorantahay 2M waxa ay la micno tahay, 2 bil kaliya ayaa la isticmaali karaa.

•Haddii ay ku qorantahay 8M, waxa ay la micno tahay 8 bil kaliya ayaa la isticmaali karaa.

•Haddii ay ku qorantahay 9M waxa ay la micno tahay 9 bil ayaa la isticmaali karaa.

•Haddii ay ku qoran tahay 5M, waxa ay la micno tahay 5 bilood ayaa la isticmaali karaa.

Haddii kareen & shaambo ama saliid iwm ah, agtaada ka dhawyahay ka eeg, soo sawir oo qaybta faallooyinka nagula wadaag.

Xigasho somali medicine college.

SANJABIISHU MAXAY DAAWO U TAHAY?Sanjabiilku wuxuu ugu horreeyaa geedo daaweedyada, waxaana lagu isticmaalaa wadamo aad u...
20/05/2021

SANJABIISHU MAXAY DAAWO U TAHAY?

Sanjabiilku wuxuu ugu horreeyaa geedo daaweedyada, waxaana lagu isticmaalaa wadamo aad u badan, waxaana warbixin caafimaadkeed laga dhaxlay hindida iyo shiineeska oo weligood u adeegsan jiray in ay ku daaweeyaan xanuunno aan la soo koobi karin.

Laakiin cilmiga cusub, cilmibaarisyo dhowr ah oo lagu sameeyay ayaa lagu ogaadey Faaiiidooyinkeeda.

● Waxaa la ogaaday in sanjabiilka uu alle ku abuuray 115 walxo oo faa'ido u leh caafimaadka laakiin waxaa ugu muhiimsan wax loo yaqaano "Gingerol"

oo ka faa'ido badan daawooyin kiimiko ah oo hadda jira loona adeegsado xanuuno kala duwan in lagu daaweeyo.

Maadada Gingerol waaa maado sun-saare iyo caabuqdile xoog leh, waana xanuun baab'iye isku jiro!!!.

● Cudurka ugu horreeyo oo sanjabiilka daawo u yahay ama ka hortag loogu adeegsado waa wadna xanuunka iyo wadna howlgabka,

wuxuu sanjabiilka, tuunta iyo basashaba siyaadiyaan qulqulka dhiiga,

waxayna la mid tahay daawada "Asprin-ka" ee la siiyo dadka wadnaha ka xanuunsan,

waxay kaloo awood siiyaa murqaha wadnaha maadaama uu daciifay, waxayna u shaqeysaa sida daawo loo yaqaano "Digoxin" oo wadnaha murqahiisa ka shaqaysiiso,

Waxay kaloo waasicisaa howlbowlayaasha dhiiga qaado, waxayna qabataa daawooyinks wadnaha ee howshaas loo qaato oo loo yaqaano "Vasodilators", sidaas awgeed sanjabiilku wuxuu kulansaday faa'idada daawooyinkii loo wada qaadan jiray howlgabka wadnaha.

● Sanjabiilku wuxuu kaloo alle ku abuuray awood lalabo dajin iyo matag ka hortag, waana sababta loogula taliyo in haweenka ay adeegsadaan ku kotaroolidda wallaca,

maadaama daawooyinka badanaa lalabada iyo mataga loo qaato uurka ay saamayn ku yeelan karaan uurjiifka,

waxaa hooayda lagula taliyaa in ay isticmaasho sanjabiilka, waxaa jiro kaniiniyaal laga sameeyay sanjabiilka oo laga helo wadamada qaar, laakiin waxaad badalkooda isticmaali kartaa in sanjabiilka nooca qoyan aad biyo la dhigto, kadibna biyahaas aad cabto markii lalabo ku qabataba,
sanjabiilka ha ruugin wuxuu kugu kicin karaa gaaska.

● Waxaa kaloo sanjabiilka loo adeegsadaa calool xanuunka, calool majiirka iyo dheefshiid xumada, iyadoo loo cabo sidii cabitaan oo kale, wuxuuna ka hortagaa laguna daweeyaa calool fadhiga,

Dadka ka sheegto dheefshiid xumada, waxaa lagula taliyaa in ay toonta iyo sanjabiilka badsadaan,

● Sanjabiilku wuxuu sare u qaadaa difaaca jirka isagoo firfircooni galiyo unuygyada difaaca jirka ka qayb qaato khaas ahaan kuwa "lymphocytes-ka" loo yaqaano oo howshuudu ka mid tahay la dagaallanka feyrasyada, sidaas darteed hergabka iyo wixii la mid ah, sanjabiilku aad buu wax uga taraa.

● Cilmibaaris lagu sameeyay awoodda antibiotic ahaan ee sanjabiilka waxaa lagu ogaaday inuu ka awood badan yahay daawooyinka ay ka mid yihiin: Ampicillin, Tetracycline iyo Chloramphenicol-ka, waxay dhakhaatiirtu dhahaan, haddii aad qalliin galaysid ama markaa qalliinka ka soo baxdid oo aad ka cabsi qabtid in aad infekshan ka qaadid meesha lagaa qalay, marso saliidda sanjabiilka, waxay ka awood badan tahay qallajiyayaasha la liqo, tani waxaa la mid ah oo badalkeeda isticmaali kartaa saliida dhaga-yaraha,

● Sanjabiilku wuxuu leeyahay awood uu kaga takhallusi karo jeermiska fangaska loo yaqaano oo badanaa keeno caabuqyada maqaarka, waxuu sanjabiilka koobka u qaaday 29 daawo oo la barbardhigay awooda jeermis dilidda fangaska.

● Sanjabiilka qoyan wuxuu bogsiiyaa nabraha caloosha ku samaysma oo gaaska uu keeno, waxaana baaritaan lagu ogaaday arrintaan sanadkii 1980-kii, waliba waxaa waagaas lagu taliyay in lagu badalo daawo loo qaadan jiray laabjeexa oo loo yaqaano "Prevacid"

● Sanjabiilku waa xanuun baab'iye sida dhegayaraha oo kale, wuxuuna ku fiican yahay xanuunada ay neerfaha keenaan.

● Sanjabiilku wuxuu kaloo siyaadiyaa awooda hormoonka insulin-ka waxaana lagula taliyaa dadka qabo sokorowga nooca 2-aad, in ay badsadaan sanjabiilka si shaqada hormoonka naaquska ah u siyaado.l

Sanjabiilku waa geed siyaabo kala duwan loo adeegsan karo, qaab cabitaan, qaab cayriin, qaab saliid, qaab shaah, qaab budo iyo qaabab kalaba, intaba waxaa la ogaaday in watarkiisu uusan isbadalin.

faafi oo gaarsii asxaabtaada fadlan

Somalidoc

SHARE SHARE SHARE

Waxbadan ka ogow■ Piperazine:Magacaga kiimigeed ee loo yaqaano waa (Piprerzine)Dawadaan waxay kutimaadaa kaniini ( Table...
15/04/2021

Waxbadan ka ogow

■ Piperazine:

Magacaga kiimigeed ee loo yaqaano waa (Piprerzine)

Dawadaan waxay kutimaadaa kaniini ( Tablets)

◇ Indication or principle use:
Waxa loo isticmaalo
• Ascaris
• Roundworm
• Enterobosis
• Pinworm
Malariyada waa loo isticmali karaa

◇ How to drug work

Dawadaan waxay suuxisaa goryaanka kadib waxay ka soo saartaa saxarada

◇ Dosage:

Dawada qiyaas ahaan lasiinkaro waa sidaan
caruurt waxaa lasiiyaa 75mg kucali daawada labo isbuuc kadib si loo soo saaro goryaanka

◇ Side effect:

Dhibaato oo ay kaani karto
• Kala gosyada oo xauuna
• Finan maqaarka ah
• cucun

◇ Dietary advice:

cunto ku haboon
Majiro cunto dhib ku ah

◇ Storge:

keedinta daawada 25 oC ilaa 30 oC

◇ Drug intrection:

Dawadaan hala isticmaalin daawada ( phenothiazines)

◇ Food intrection:

Majirto cunto saameyn kuleh daawadaan

◇ Disease intrection:

Majraa cudur lid ku ah haa hadii ad qabto cudurka qalalka waxay kuu kaani kartaa dhibaato (Dr. Shaahid)

Like Sheer

Nitrofurantoin, Waa dawo antibiyootic ah ooa loo isticmaalo  in lagu daaweeyo infekshinka kaadiheysta,Balse waxtar uma l...
14/04/2021

Nitrofurantoin,

Waa dawo antibiyootic ah ooa loo isticmaalo
in lagu daaweeyo infekshinka kaadiheysta,

Balse waxtar uma lahan infekshinka kudhaca kiliyaha

Nirtrofurantion

Dawadaan waxaa inta badan loo isticmalaa
Cudurrada kaadi mareenka ee aan dhib badnayn (UTI)

Nitrofurantion

Waxay siwanagsan wax oga qabataa bacterial
kaladuwan sida.

▪E. coli
▪Staphylococcus aureus
▪ Saprophyticus
▪ Staphylococci
▪Enterococcus
j

Waxyeelooyinka guud

◇ Waxaa ka mid ah
◇lallabbo,
◇Rabitaanka cuntada oo yaraada,
◇Shuban,
◇Madax xanuun.
◇Kabuubyo naadir ah,
◇dhibaatooyinka sambabaha,



Nitrofurantoin waxaa markii ugu h**eysay la soosaray sanadkii1953.

Ramadan kariim all muslim
12/04/2021

Ramadan kariim all muslim

□ Ethambutol (EMB, E) ▪Waa daawo inta badan loo isticmaalo daaweynta qaaxada. (TB)▪Waxaa badanaa la siiyaa iyada oo lagu...
09/04/2021

□ Ethambutol (EMB, E)

▪Waa daawo inta badan loo isticmaalo daaweynta qaaxada. (TB)

▪Waxaa badanaa la siiyaa iyada oo lagu daro dawooyinka kale ee cudurka qaaxada, sida '°

◇ isoniazid,
◇ rifampicin
◇ iyo pyrazinamide.

Waxaa kale oo loo isticmaali karaa in lagu daaweeyo (Mycobacterium avium ) kakan, ama adag. iyo( kansasii Mycobacterium. Waxaana laga qaataa afka.
Waxay inta badan kutimadaa dawadaan kaniini

° 100mg
'° 400mg

□ Qiyaasta (Dose)

qiyaast (15 ilaa 25 mg/ kg/malintii

100mg ama 400mg kaniini ah sii maalintii
ugu yaraan mudo 6 bilood

'□ Dadka waaweyn (Adult)

400mg (1 kaniini oo 400mg ah ) ama 4xabo kuwa 100mg ah)

□ Caruurta (Children)

Sii 15mg kg kiilo wal miisaan ahba.

□ Waxyeelooyinka guud (common Side effact)

Waxaa ka mid ah dhibaatooyinka

▪Aragga, (Problems whit Vision)
▪Xanuunka kalgowsyada, ( Joint pain)
▪Lallabbo, (Nausea)
▪Madax xanuun, (headches)
'▪iyo daal. (Tired)

Waxyeelooyinka kale waxaa ka mid ah

▪Dhibaatooyinka beerka (Liver problems)
▪ fal-celinta xasaasiyadda.( Allergic reaction)
▪Laguma talinayo dadka qaba cudurka loo yaqaan 'optic neuritis', dhibaatooyinka kilyaha ee weyn, ama caruurta ka yar da'da shan sano. inee Isticmaal

□Waqtiga uurka ama naasnuujinta lama helin inuu waxyeelo keeno.

Hay ada Daawada ee magaceeda loo soo gaabiyo (FDA )waxay sare u qaadday walaacyada ku saabsan arrimaha indhaha ee ilmaha haddii loo isticmaalo xilliga uurka.

□ Ethambutol ayaa la rumeysan yahay inuu wax ka qabanayo faragalinta dheef-shiidka kiimikaadka.

□ Ethambutol waxaa la ogaadey 1961.

Sheer gareenta ama Like waa dhiiragalinta beejka.

Leaflet= Warqada daawada◇ Composation:     ◇ Indication (Use):   ◇ Side effect:            ◇ Adverse and effect:  ◇ Warn...
07/04/2021

Leaflet= Warqada daawada

◇ Composation:
◇ Indication (Use):
◇ Side effect:
◇ Adverse and effect:
◇ Warning:
◇ Risk and precaution:
◇ Dose and Admin:
◇ Contra indication:
◇ Manufacture Date:
◇ Expire Date:

□ Composation: Waa kiimikada ay dawada kakooban tahay, Tusaale Amoxicillin waxaa kujira wax loo yaqaano, (magnesium stearare. iyo lactose monohydrate) waxeyna kujiraan Amoxicillin kasta.

□ Indication (Use) Isticmaalka iyo waxtarka daawada, daawo kastaaba waxey leedahay isticmaal iyo waxtar ugooni ah Tusaale, meelo badan ayaa dawada laga isticmaalaa sida Afka. Dabada. Xididka. Dhagaha. iyo meelo kaladuwan oo kale .

□ Side affect: Saameynta daawada ay ku yeelato qofka Tusaale. waxaa dhici karta in daawada qofka ay saameyn ku yeelato sida, in uu kusuuxo ama ku wareero.

□ Adverse and effect: Waa kahortag iyo saameyn Tusaale daawada waa labo nuuc sida daawo laqaato cuntada kadib iyo daawo laqaato cuntada kahor, hadii uu qofka qaato dawo loogu talagalay cunto kadib dawadaas waxay ku yeelan kartaa saameyn balaaran.

□ Warning: Digniin in looga digo qofka waxa yaabaha ka imaan kara daawada sida in uu uurka waxyeeleeyo. iyo hadii uu si qaldan u isticmaalo waxyaabaha kadhalan karo.

□ Risk and precation: Qataraha daawada waxey timaadaa marka si qaldan ama meel qaldan laga isticmaalo daawada, Tusaale. daawo lagu talagalay in laga isticmaalo sinta hadii uu qofka ka isticmaalo xididka waxaa ka imaan kara qatarta ugu weyn ee daawda kadhalata .

□ Dose an admin: Qiyaas iyo maamulid daawo, daawo kastaaba waxay leedahay qiyaas laga qaadan karo qiyaastaas oo ah mida uu dhaqtarka qoray ama midka ( Leflet-ka ku qoran )

□ Contra indication: Lamasiin karo ama lama qaadankaro. Tusaakle lamaqaadan karo dawooyinka . uurka baabiye. kuwa xasaasiyada kiciya iyo kuwa daraagiska ah.

□ Manufacture Date: Xiliga daawada lasoo saaray Tusaale dawo ayaa la soo saray 2019.

□ Expire Date : Xiliga ay daawada ey dhaceeyso Tusaale daawadii lasoosaaray 2019 ayaa waxay dhaceeysaa 2022

TAXANAHA    DAAWADA◇ Co-trimoxzole    (Sulfamethoxazole)Dawadaan waxay kutimadaa▪ Kaniini        Tablets▪ Sharobo      S...
06/04/2021

TAXANAHA DAAWADA

◇ Co-trimoxzole (Sulfamethoxazole)

Dawadaan waxay kutimadaa

▪ Kaniini Tablets
▪ Sharobo Syrup
▪ Bomaato Cream

Dawadaan waa (Antibiotic)

Dhaqaatiirta aduunka waxay is kuraaceen in dawada co-trimoxzole in ey taha dawooyinka ugu waxtarka badan dhanka ladagaalanka (Anti Bactria)

◇ Indication: (isticmaalka)

Dawdaan waa dawada ugu weyn ee lagu daweeyo ama looga hortago xanuunka oof wareenka (Pneumonia) sidookale waxaa looga hortagaa koritaanka Bactariyada

Co-trimoxazole: waxaa loo isticmalaa in lagu daweeyo qaar kamid ah wax yaabaha ay sababto bactrial in fection, sida

¤ Oofwareenka Pneumonia
¤ Bactriyada Dhiciska Toxoplasmosis
¤ Burikiitada Brochitis
¤ Cabuqa tuboyinka infection of tubes
¤ Caabuqa kaadi heysta ( infection of urinry trect)
¤ Dhagaha Ears

◇ Dosege:

Isticmaalka dawadaan waxay ku xirantaha Da,da Misaanka. Iyo xanuunka laga daweynayo Dawadaan waxaa la isticmaalikaraa 2 waqito malinkii ama 4 waqti ayadoo loo egayo cudurka mar waliba lasoco warqada dawada ku dhaxjirta tasoo kutilmaameysa is ticmaalka dawada iyo wax yeeladeeda.

◇ Side effect:

▪Lalabo nausea
▪ Matag vomiting
▪ Cuntada oo ka xiranta loss of appetite
▪ xasaasiya allergic
▪ Shuban dirrhea
▪ Nabro resh

◇Contraindicatio:

Lamasiinkaro dadkabeerka kajiran ama qaba cagaar showga, iyo dadka kiliyaha kajiran
Lamasiin karo hooyada uurka leh bilaha h**e ee uurkeeda ama xiliga ay dareemeyso daciifnimada xaga jirkeeda

sheer gareenta waa dhiira galinta beejka.

Like Share

■  Griseofulvin Dwadaan waxay kutimadaa ▪ kaniini              Tablets▪Sharopo            Syrup▪ bomato            Gream...
03/04/2021

■ Griseofulvin

Dwadaan waxay kutimadaa

▪ kaniini Tablets
▪Sharopo Syrup
▪ bomato Gream
Dawadaan waxaa la hindisay sanadkii 1939

□ Indication or principal uses: isticmaalka

Dawadaan waxaa loo isticmalaa qaar kamid ah fungayga (Ant fungal) sida

¤ cidyaha
¤ Qawadka
¤ canbarta
Iyo infection uu sababo ringworm

□ How to drug work:

Sidee dawadaan ushaqeysaa dawadaan waxay ka hortagtaa jeermiska fungayga

□ Dosege:

Qiyaasta dawadaan laga qaadan karo

Caruurta kaweyn 6 sano 125mg dadka waweyn 500mg labada waqti

□ Side effect:

Dhibaatada ay ladahay dawadaan

¤ xasaasiyad allergic
¤ lalabo nausia
¤ Shuban diarrhea
¤ wareer confusion
¤ cucun itching

□ Food intrection:
Cunto saameen kuleh majiraan

□ Disease intrection:
Cuduro lid ku ah majiraan waxaa lid ku ah xanuunka beerka

Uk:Todobo qof oo qaatay tallaalka COVID19 ee AstraZeneca ayaa geeryooday maanta, kaddib markii uu xinjiroobay dhiiggooda...
03/04/2021

Uk:Todobo qof oo qaatay tallaalka COVID19 ee AstraZeneca ayaa geeryooday maanta, kaddib markii uu xinjiroobay dhiiggooda. -Sida ay sheegtey Hey'adda Dawooyinka UK.

□ Diclofenac:Waa dawo xanuunbaabiye ah ee aan wax maadooriya ah la heyn (Non-steroidal anti infalammatory drug)Dawadaan ...
02/04/2021

□ Diclofenac:

Waa dawo xanuunbaabiye ah ee aan wax maadooriya ah la heyn (Non-steroidal anti infalammatory drug)

Dawadaan waxaa lasoo saaray 1965

Dawadaan waxay kutimadaa.

• Kaniiini Tablets 50mg 100m
• Cirbado Injection 75mg Iv im
• Subosto Suppositories 25mg 100mg
• bomaato Diclo gel 30mg

□ Indication:

Diclofenac waadaawo loo isticmaalo in lagu daweeyo xanuunka (pain and inflammatory diseases) Side

▪ Kala goosyo xanuun: joints pain
▪ Lafo xanuun rheumatiod arthritis
▪ ILko xanuun Dantal pain
▪ Jugta traumatic pain
Iyo xaladaha xanuun ee kadhasha kiliya dhagaxaanta kujira(kidney ston)

□ Comon side effect:

Dhibaatooyinka ugu caansan ay ugeeysato dadka daawada diclofen waxaa kamid ah

¤ Calool xanuun: abdominal pain
¤ Gaaska mindhicirada gastro intestinal
¤ Lalabo nousea
¤ Madax xanuun headche
¤ Barar swellin

□ Serious side effect:

Dhibaatooyinka ugu daran ee geesato daawada diclofen waxaa kamid ah

▪Wadne xanuun: heart diease
▪ Afqalooc strock
▪ Cilad kiliyaha ah kidney problems
▪ gaas calooleed stomach ulceration

□ Contre indication:

Dawadaan lamasiin karo dadka qaba ¤Xasaasiyada.
¤ Sanboirka
¤ Shooga
iyo hooyada uurka leh sadaxda bilood ee ugu h**eeysa uurkeeda lakiin waa lasiin karaa hooyada nuujineyso (breast feeding)

Qofkasta uu soogaaro cashirkaan fadlan

Address

Burco
Burco
252

Telephone

+252634384706

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yasin carab posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram