Dr casaaf

Dr casaaf Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr casaaf, Medical and health, Burco.

02/12/2025

من لزم الصلاة على النبي كُفي همّه
‏ وغُفر ذنبه، اللهم صلِّ وسلم عليه

30/11/2025

Qur'aanka

29/11/2025

sh mustafe

25/05/2024

Waayihii h**e, si ay lammaanaha is qabaa Soomaalida dhexdeeda uga noqdaan kuwo lagu daydo (role model), waxaa khasab ahaan jirtay in ay noqdaan lammaane ah siyaasiyiin, aqoonyahanno, ganacsato, wadaaddo, u dhaq-dhaqaaqayaal bulsho, ama kuwo kal adag oo nolosha samir iyo dedaal kaga gudba.

Hadda laakiin, lammaanuhu si ay u noqdaan kuwo lagu daydo, oo dad malaayiin ahi taageeraan, waxaa muhiim ah keliya in ay yihiin labo doqon, oo si anshax xumo leh meediyaha (media) ugu baahiya muuqaallo muujinaya qooq, diin la’aan, xishood xumo, iyo niiko bes.

Taasi waxa ay ka dhigan tahay in ay dadku berigii h**e inta badan ka fekeri jireen aakhiro, nolol, hormar iyo mustaqbal, halka ay hadda ka fekeraan gogol iyo raaxo bes!

Iyada: Xbbi, you're not emotionally available. Waxaan dareemayaa in ay jiraan wax kale oo ka weyn xiriirkeenna oo aad ku...
19/06/2023

Iyada: Xbbi, you're not emotionally available. Waxaan dareemayaa in ay jiraan wax kale oo ka weyn xiriirkeenna oo aad ku mashquulsan tahay, anna uma dulqaadan karo arrintaas. Waxaan rabaa in aad ogaado sida aad agteyda ku dareentay. Xiisaha aad quruxdeyda u qabtid. Nooca labbis ee aan xiranahay sida uu kuu qanciyay. Sidoo kale, waxaan doonayaa in aan marar badan afkaaga ka maqlo ammaanteyda, oo waxaan u dhimanayaa in aan helo daacadnimadaada iyo qalbigaaga. Aad ayaa ay runtii ii dhaawacaysaa in aan mar walba ka welwelo in aad i jeceshahay iyo in kale.

Isaga; Marwo, in aan agtaada joogo ayaa jawaab u ah su'aalaha aad isweydiinaysid oo dhan. Run ahaantii anigu shaqo k**a dhigan karo shucuurtaada, jirkaaga, iyo dharkaaga, oo mar walba validation kulama daba taagnaan karo, gabar aan adiga aheynna qalbigeyga iyo maskaxdeyda midna kuma jirto. Shaydaanka iska naar marka, oo caadi iska dhig. Hana illaawin in aad birri aaddid dhakhtar dawooyin kaa siiya gaaskii aad beryahan la liidatay.

Iyada: Haye bbe. Waan ku jeclahay.

Isaga: Ok.

In qofku seexdo isaga oo qaawan waxa ay leedahay dheef tirabbeel ah rag iyo dumar. Waxa ay yareysa walaaca iyo walbahaar...
01/01/2023

In qofku seexdo isaga oo qaawan waxa ay leedahay dheef tirabbeel ah rag iyo dumar. Waxa ay yareysa walaaca iyo walbahaarka. Waxa ay kor u qaada kalsoonida. Waxa ay horumarisa caafimaadka xubinta taranka dheddiga. Waxa ay ka hortagta miisaanka oo kordha. Sidoo kale waxay xoojisa dhalmada ragga (male fertility).

17/12/2022

Ciyaalweero waa awood jirta sida muuqata. Waxay ka dhasheen shaqo la'aan iyo nidaam xumo. Siyaabo kala duwan ayaa se loo maarayn karaa. Waxaa se habboon tallaabo kasta oo ku saabsan in aad looga baaraandago. Ama ay Dawladdu isticmaasho 'hal dhagax labo shimbir ku dil' oo ah; intay burburin lahayd Awoodda Ciyaalweero inay jihayso oo ka faa'iidaysato. Tusaale, si taxaddar iyo xilkasnimo leh intay u shaqaalaysiiso, deedna u adeegsato ugaarsiga kuwa qaraxyada iyo dilalka Magaalada ka fuliya.

30/11/2022

Kute; Naag ila mida weligaa helimaysid.
Walaal qaali adigaan ku haysan lahaa.

Dayib.

Qiyaastii waa ay hurudaa. Maya ee sariirtay dul daadsan tahay. Dhar aan baati iyo bijaamo u kala garanwaayay ayay xiran ...
18/11/2022

Qiyaastii waa ay hurudaa. Maya ee sariirtay dul daadsan tahay. Dhar aan baati iyo bijaamo u kala garanwaayay ayay xiran tahay. Beerka ayay u jiiftaa oo maradaa bawdada sii maraysa. Maradeeda oo kaliya ma aha, ee go'-sariireedkeedii dhammaa ayay bar kamida soo jiidatay, oo inta ay soo cantoobsatay ayay bartamaha naasaha ku camcamisay.

Garanmaayo ujeedka ay ka lahayd. Se marka aad indho haad ama drone kor kaga soo eegto, waxaa kuu muuqanaysa; Gashaanti dhabbacan oo bawdyo iyo kubab qaaqaawan, oo bartamaha sariirta si habqana u kala taalla. Waxaa kale oo kuu muuqanaya wax aad badhyo iyo buuro u kala garanwaayayso oo jirka intiisa kale ka sarreeyo.

Waxaa kale oo aad arki kartaa wax godan oo aad moodo tog ama doox, se markaad indhaha ku sii baniinisid ayaad ku baraarugaysaa in dooxaasi uu yahay dhabarkeeda. Bawdyaheeda qaawan ee cadcadi iyo xaada kubabkeeda, waxa ay bartamaha qolka mugdiga ahi kaaga muuqanayaan, sidii oo ay yihiin shumacyo yaryar oo iftiimaya.

Xogtan iyo xuuraansigan yari, waxaa ila wadaagay Dayaxa oo caawa dusha Aqalkeeda soo maray.

Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in 70% habluhu marka ay ku jiraan da'da dhawr iyo toban jirka ay rabaan dareen dh...
14/11/2022

Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in 70% habluhu marka ay ku jiraan da'da dhawr iyo toban jirka ay rabaan dareen dheeraad ah oo ay ka helaan ragga, halka gabadhu marka ay naag weyn noqoto ay muhiimadeeda koowaad tahay in la ixtiraamo. Waa qish weyn.

Marka uu qof ku leeyahay waan ku jeclahay (I love u) macnaha saxda ah waa naftayda ayaan jeclahay, sidaa awgeed in aan k...
08/11/2022

Marka uu qof ku leeyahay waan ku jeclahay (I love u) macnaha saxda ah waa naftayda ayaan jeclahay, sidaa awgeed in aan ku cunaan rabaa, si aan naftayda u qanciyo oo kuu siiyo adiga. Sidoo kale, marka lammaane is qaba, leeyihiin "waan kuu xiisay (I miss u) macnaha dahan ee qof walba ula jeeddo waa, "Waxa aan jeclaan lahaa inaan mar kale galmo kula sameeyo, sida ugu dhakhsaha badan!"

Waa marka runta qayaxan la sheego, se sidaa cidna uma hadli karto oo qof kasta waa uu kugu xanaaqayaa, waana kaa cararayaa, se ereyada uun baa kala duwan!

Hablaha mid baan leeyahay. Beri ayaa gabadh qurux badan ay ku daashay nolosheeda guurka, waxayna damacday inay disho nin...
06/11/2022

Hablaha mid baan leeyahay. Beri ayaa gabadh qurux badan ay ku daashay nolosheeda guurka, waxayna damacday inay disho ninkeeda.

Subax aroortii ayay u soo carartay hooyadeed, waxayna ku tidhi "hooyo ninkeyga waan ka daalay, lama sii noolaan karo, mana sii wadi karo in aan dhegaysto hadalladiisa aan waxba ka jirin, waxa aan rabaa inaan dilo, laakiin waxa aan ka baqayaa sharciga dalka, fadlan iga caawi hooyo?"

Hooyadii ayaa ugu jawaabtay "Haa gabadhayda, waan ku caawin karaa, laakiin, hawl yar ayaa ku lifaaqan shaqda!"

Gabadhii ayaa weydiisay "waa maxay hawshu? diyaar ayaan u ahay in aan qabto hawl kasta oo iiga xidhan dilka ninkayga!"

Waayahay, ayay tidhi hooyadii:

1. Waa in aad marka h**e ula dhaqanto si nabad ah, si aan ninna kuugu tuhmin markuu dhinto.

2. Waa in aad isu qurxiso si aad ugu ekaato qof dhallinyaro ah oo soo jiidasho leh.

3. Waa in aad si wanaagsan u daryeeshaa oo aad u noqotaa mid aad u wanaagsan oo u mahadnaqda isaga.

4. Waa in aad samir badan tahay, xaasidnimo yar tahay, dhegaysiga badi, oo ixtiraam iyo adeecid badan la imow.

6. Codkaaga kor ha u qaadin ee ku dhiirrigeli nabadda iyo jacaylka si aan waligaa laguugu tuhmin dilka ninkaga.

Ma samayn kartaa waxaas oo dhan?" Hooyadii ayaa weydiisay. "Haa waan awooddaa." ayay ugu jawaabtay gabadhiina. "Waayahay, ayay tidhi hooyadiina. Qaado budadan oo mar walba ugu dar cuntada, si tartiib tartiib ah ayay u dili doontaa!"

30 maalmood ka dib ayay islaantii u soo noqotay hooyadeed oo ku tidhi. "Hooyo, ma doonayo in aan dilo ninkeyga. Ma garanayo, se hadda aad baan u jeclahay isaga sababtoo ah gabi ahaanba wuu isbeddelay, hadda waa nin aad u macaan, oo gabi ahaanba ka duwan ninkii h**e. Maxaan ku sameeyaa suntan aan mar walba cunnada ugu daro? Fadlan i caawi hooyo!"

Hooyadii waxay ugu jawaabtay;

"Ha welwelin gabadhaydii. Waxa aan ku siiyay maalinkii dhawayd waxa uu ahaa Tumeric Powder. Waxba ma dilo. Xaqiiqdii, adiga ayaa ahaa sunta si tartiib tartiib ah u dili jirtay ninkeeda.

Hooyo, raggu run ahaantii shar ma aha, laakiin habka aynu ula xidhiidhno iyaga ayaa go'aamiya jawaabahooda iyo dareenkooda ku aadan annaga. Haddii aad u muujiso ixtiraam, jacayl, daryeel iyo daacadnimo wuxuu kuu noqon doonaa ninka aad rabto!"

FG: Waa dhif iyo naadir soddoh xigmaddan oo kale siisa gabadheeda, oo badanka waa cagsiga, se hablow xigmaddan cibraa idiin ku sugan. Sideedana si walba oo ninku u qallafsan yahay, ama sagagar duli ah u yahay, haddana dhagax ma aha; waa noole isna isbeddeli kara, la na beddeli karo. Marar badan se, suntu waa ADIGA, ee ma aha ninka.

Address

Burco

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr casaaf posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr casaaf:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram