17/01/2022
Faa iidada Caafimaad- ka Baamiyaha (okra).
Baamiyaha waxaa ku jiro qaybaha kala duwan ee nafaqada,
Wuxuu qani ku yahay Faytamiinada sida vitamin K, vitamin C, Thiamine(B1), Folate (B9).
Sidoo kale waxaa ku jira macdanta sida:
1= wuxuu xoojiyaa lafaha waxaa ku jira fiitamiin K oo ka qayb qaata samaysanka lafaha isagoo si kiimikaal (chemical) u qaabeeyo ama u aktiif (active) gareeyo booratiinada ka qayb qaata dhisida lafaha sida osteocalcin) ,sida kale waxa ku jira calcium iyo phosphorus.
2=Baamiyaha waxaa uu u wnaagsan yahay araga waxaa ku badan vitamin A.
3=Baamiyuhu waxa uu hor tagaa calool fadhiyo maxaa yeelay waxa ku jira Fiber lagu magacaabo Mucilaginous.
4= wuxuu kor u qaaday difaaca jidhka= wuxuu qani ku yahay Vitamin C oo ka qayb ah waxyaabaha sunta ka saara jidhka.
5= sidoo kale waxa uu yareeyaa kalestrolka ama dufanka dhiiga.
6= Baamiyuhu wuxuu dhawraa caafimaadka haraga (maqaarka)