07/10/2025
Walaashey Ama Walaalkey Ma Ogtahay in ay Waajib kugu Tahay Haddii Lagu Weeydiiyo Todobadan Su`aalood inaad Kaga Jawaabi Karto Si Cilmiyeeysan.?
Hadaba Waa Kuwee Su`aalaha Todobada ah Ee La Sheegayo.?
Q: 1 " Su`aasha Kowaad : Waa Maxay Acraaf.?
Ans: 1: Acraaf Waa Goob U dhaxeeyso Naarta iyo Janada Waxaa Lagu magacaabaa " Al-Acraaf"
Waa darbi Aad U Weeyn joog dheer leh
Asxaabta dushiisa Saaran ay Ka daawanayaan Ehlu-janaha iyo Nimcooyiinka ay dhax dabaalanayaan iyo Kuwa Ehlu-Naarka iyo Cuquubada Haysata
Jamaacadaas Ugu dambeeyn Rabbigood ayaa U Ogolaanayo in ay jannada Ku galaan Naxariistiisa
Culumada islaamka Waa ay isku khilaafeen Qoloda Meesha saaran yeey yihiin Lkn Sida Raajaxa ah Waa Qoom isla ekaadeen Xumaantoodii iyo Samantoodii .
Q: 2 " Su`aasha Labaad: Halkee Kaa jirtaa jannada.?
Ans: 2" Jannadu Waxeey Ku taallaa Todoba Samo Ka kore Marka Uu Allah Duubayo Samooyiinka iyo dhulalka todobada ah Sida Warqado camal Jannada ayada Waa Hareysaa
Ma Ku jirto Waxa La laabayo Mana dhamaaneyso mana Zuuleyso Saqafkeeda Korane Waa Carshiga Raxmaanka jalla wacala
Q: 3" Su`aasha Sadaxaad: Halkee Naarta Kaa Jirtaa.?
Ans: 3" Naartu Waxeey Ku taalla goob Ka hooseyso todobada Dhul Waxaa Lagu Magacaabaa goobtaas ، سجين"Sijiin
Allah Waxaa Uu Nooga Waramay in Uu abuuray todobo samo iyo todobo dhulal Oo la mid ah
{ اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ وَمِنَ الْأَرْضِ مِثْلَهُنَّ }:
Sijiin " : Waa Meesha dhulalka Ugu hooseyso ayeey Ka sii hooseysaa.
Xadiithkan ayaa Daliil U ah Oo Laga Wariyay Ibnu Mascuud Allah Ka ralli Noqdo
عن ابن مسعود قال : " الْجَنَّةُ فِي السَّمَاء
السَّابِعَةِ الْعُلْيَا، وَالنَّارُ فِي الْأَرْضِ السَّابِعَةِ السُّفْلَى"
"Ka dib Waxaa Uu aqriyay Aayadaan
" إِنَّ كِتَابَ الْأَبْرَارِ لَفِي عِلِّيِّينَ) المطففين" ، إِنَّ كِتَابَ الْفُجَّارِ لَفِي سِجِّينٍ" المطففين"
Q: 4 " Su'aasha Afaraad: Qiyaasta Halka Maalin Ee Qiyaame immisa ayeey La Egtahay.?
Ans: 4" Qiyaasta Halkii Maalin Ee Qiyaamaha Waxeey la egtahay 50.000 Sanad