Cusbitalka Guud Ee Ceergabo

Cusbitalka Guud Ee Ceergabo Waa Bogga Rasmiga ah Ee Cusbitaalka Guud Ee Ceerigabo.

DAAHFURKA OLOLAHA DHIIG-SHUBIDDA QARANKA EE CUSBITAALKA GUUD EE CEEEIGAABOAgaasimaha Cusbitaalka Guud Ee Ceerigaabo Dr. ...
10/02/2026

DAAHFURKA OLOLAHA DHIIG-SHUBIDDA QARANKA EE CUSBITAALKA GUUD EE CEEEIGAABO
Agaasimaha Cusbitaalka Guud Ee Ceerigaabo Dr. Ibrahim Ahmed Ismail ayaa maanta Cisbitaalka Guud Ee Ceeeigaabo si rasmi ah uga daahfuray Ololaha Dhiig-shubidda Qaranka. Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Sanag Mudane Saalax Yusuf Diiriye iyo Xildhibaan Fuaad Cabdi Weyd oo kaqayb qaatay ololahan ayaa bulshada ugu baaqay in ay kudhiiradaan dhiig bixinta markasta oo loobaahdo.
Ololahani waxa uu ujeedkiisu yahay xoojinta kaydka dhiigga, badbaadinta nolosha bukaannada u baahan, iyo kor u qaadidda wacyiga bulshada ee ku saabsan muhiimadda ku-deeqidda dhiigga.
Ololahani waa fursad qaran oo lagu muujinayo isku duubni, naxariis iyo mas’uuliyad bulsho. Ku-deeqidda dhiiggu waa badbaadin naf, waana tallaabo qiimo weyn u leh dadka u baahan adeegyada degdegga ah ee caafimaad.

Ka qayb qaado, dhiig ku deeq, naf badbaadi.

Xuska Maalinta Dhiig Bixinta Caalamiga ah Ee dhiigga Adduunka iyo Maalmaha Wacyigelinta Dhiig bixiyayaasha."Dhiig Bixi S...
09/02/2026

Xuska Maalinta Dhiig Bixinta Caalamiga ah Ee dhiigga Adduunka iyo Maalmaha Wacyigelinta Dhiig bixiyayaasha.

"Dhiig Bixi Si aad Ubadbaadiso Naf"

Maalmaha ololaha dhiig shubida JSL Feb 10-13 2026.

4 February waa maalinta caalimaga ah ee loo asteeyey Cancerka.Waaxda shaybaadh ka Cusbitalka Guud Ee Cerigaabo waxa diya...
05/02/2026

4 February waa maalinta caalimaga ah ee loo asteeyey Cancerka.

Waaxda shaybaadh ka Cusbitalka Guud Ee Cerigaabo waxa diyaar ku ah baadhitaanada xanuunka Cancerka (Tumor Markers).

Waaxda shaybaadhka ka ee Cusbital ku waxay bixisaa adeeg shaybaadh o balaadhan oo loo adeegsanayo agab casri ah oo lagu ...
20/01/2026

Waaxda shaybaadhka ka ee Cusbital ku waxay bixisaa adeeg shaybaadh o balaadhan oo loo adeegsanayo agab casri ah oo lagu kalsoon yahay jawaabtooda.

Shaybaadhadan hoos ku qorani waa qayb ka mid ah adeegyada baadhitaan ee lagu diyaariyey waaxda shaybaadh ka.

Waxaanu ku balan qaadaynaa adeeg baadhitaan oo La hubiyey Tayadiisa laguna kalsoonyahay maxsuulkeeda.

Accurate,Reliable and Timely Results

HbA1c wuxu diyaar kugu yahay Waaxda shaybaadh ka Erigavo Regional Hospital.Ku hel jawaab lagu kalsoonyahay wakhti kooban...
01/11/2025

HbA1c wuxu diyaar kugu yahay Waaxda shaybaadh ka Erigavo Regional Hospital.

Ku hel jawaab lagu kalsoonyahay wakhti kooban.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa maanta magaalada Ceeri...
25/10/2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa maanta magaalada Ceerigaabo si rasmi ah uga furay mashruuc caafimaad oo bulshada loogu fidinayo adeegyo caafimaad oo bilaash ah. Mashruucan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaraddu ku doonayso in lagu horumariyo adeegyada caafimaadka aasaasiga ah, isla markaana bulshada lagu gaadhsiiyo daryeel caafimaad oo tayo leh.
Maamulka Cusbitaalka Guud Ee Ceerigaabo Oo uu ugu h**eeyo Agaasimaha Cusbitaalka Dr. Ibrahim Ahmed, Maamulaha Cusbitaalka Khadar Abdi Baruud iyo Madaxa Shaqaalaha Faysal Farah Osman Ayaaa Siwadajir ah uga mahadnaqay mashruucan caafimaad ee lagu fidinayo adeegyada caafimaad ee bilaashka ah.
Dhanka kale waxaa Maamulka Cusbitaalku uga mahad naqeen Waaxda Caafimaadka Bulshada ee WHC Oo fulinaysa mashruucan.

Allaa Mahad Leh

Xafiiska Warbaahin
Cusbitaalka G. Ee Ceerigaabo

Madaxa Shaybaadhka Cusbitaalka Guud Ee Ceerigaabo Yasin Ali Shire Ayaa Tababar Uqabtay Shaqaale Kasocday 5 Xaruumood Oo ...
25/10/2025

Madaxa Shaybaadhka Cusbitaalka Guud Ee Ceerigaabo Yasin Ali Shire Ayaa Tababar Uqabtay Shaqaale Kasocday 5 Xaruumood Oo Hooyada iyo Dhalaanka ah (MCH). Tababarkan Ayaa Daba Socday tababar ku saabsan Kormeerka iyo Ka Jawaabista Cudurrada Isku Dhafan (Integrated Disease Surveillance and Response – IDSR), kaas oo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL uqabtay xarumaha caafimaadka ee gobolka Sanaag.
Tababarkan Ayaa Kusaabsanaa Habka loo baadho xanuunka loo yaqaan Leshmania, iyadoo laguna wareejiyay agabkii lagu baadhi lahaa.
Xarumaha ka faa'iidaystay tababarkan iyo agabkan shaybaad waxa kamid ahaa
1. Maydh MCH
2. Gudmo biyo cas MCH
3. Kulmiye (Rural) MCH
4. Raqas MCH
5. Gaacidh MCH.

Allaa Mahad Leh

Xafiiska Warbaahinta
Cusbitaalka G. Ceerigaabo.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland (MoHD) iyo King’s Global Health Partnerships (KGHP) ayaa si wadajir ah ugu...
23/07/2025

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland (MoHD) iyo King’s Global Health Partnerships (KGHP) ayaa si wadajir ah ugu wareejiyay agab caafimaad Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo, kaas oo loogu talo galay xakamaynta caabuqyada faafa ee xarumaha caafimaadka.

Munaasibad lagu wareejinayay agabkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Cusbitaalka Guud Ee Ceerigaabo Dr. Ibrahim Ahmed Ismail.
Agaasimaha Cusbitaalka Ceerigaabo ayaa agabkan uga mahadnaqay Wasiirka WHC Dr. Hussein Bashir, Wasiirku Xigeenka WHC Marwo Samsam Mohamed iyo Agaasimaha Guud Ee WHC Dr. Ahmed Mohamud.

Agabkan caafimaad ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu yaraynayo faafidda caabuqyada gudaha xarumaha caafimaadka, isla markaana kor loogu qaadayo tayada adeegyada caafimaad ee la bixiyo.

Mashruucan waxa uu qayb ka yahay barnaamijka National Quality Improvement Programme (NQIP), kaas oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka (MoHD) iyo KGHP, waxaana taageera dhaqaale ahaan hay’adda Qatar Charity.

Agaasimaha Cusbitaalka Guud Ee Ceerigaabo Dr. Ibrahim Ahmed Ismail Ayaa Hay'adda Caafimaadka Aduunka (WHO) Kala Wareegay...
23/07/2025

Agaasimaha Cusbitaalka Guud Ee Ceerigaabo Dr. Ibrahim Ahmed Ismail Ayaa Hay'adda Caafimaadka Aduunka (WHO) Kala Wareegay Agab Isugujira Daawo iyo Reagent, Kuwaas Oo Lagula Tacaalayo Cudurka Leshmania-yada.

Wakiilka WHO Ee Gobolka Sanaag Mudane Mohamud Ismail Esse (Mr. Xiis) Ayaa Ku Wareejiyay Agabkan Cusbitaalka Guud Ee Ceerigaabo.

Agaasimaha Cusbitaalka Ayaa Ugu Mahadnaqay Wakiilka WHO Agabkan Tilmaamayna In Baahiweyn Looqabay.

Waxaa maanta si rasmi ah magaalada cerigaabo loogu qabtay munaasabad xilalka ay kula wareeggayen agaasimahi  h**e Cusbit...
25/06/2025

Waxaa maanta si rasmi ah magaalada cerigaabo loogu qabtay munaasabad xilalka ay kula wareeggayen agaasimahi h**e Cusbitalka Guud Ee Ceergabo iyo Agaasime cusub ee loo magacaabay hoggaanka cubitaalka ceriggaago Dr ibraahin Axmed

Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa ahayd mid ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan dawladda, madaxda hay’adaha kala duwan, ee gobolka iyo mayir ku xigeenka dagmada cerigaab marti sharaf kale. Xil-wareejintan ayaa ka tarjumaysa hannaanka dimuqraadiga ah iyo nidaamka dawladeed ee Somaliland, oo ku saleysan is-bedel iyo hoggaan la isku wareejiyo si waafaqsan sharciga.

Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Gobolka Sanaag Mudane Nuur Maxamuud Xirsi ayaa saaka kulan la qaatay Masuul...
13/10/2024

Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Gobolka Sanaag Mudane Nuur Maxamuud Xirsi ayaa saaka kulan la qaatay Masuulyiinta Cisbitaalka Degmadda Ceerigaabo,

Kulankaas oo daaranaa is xog waraysi ku saabsan baahiyaha Cisbitaalka iyo u kuurgelidda shaqadda ka socota Cisbitaalka iyo adeegyadda uu u hayo bulshadda, sidoo kale kulankan oo ay goob joog u ahaayeen Agaasimaha Cisbitaalka, Maamuulaha Cisbitaalka & Madaxa Shaqalaha ee Cisbitaalka ayaa warbixino ku siiyey Isuduwaha kuna soo dhaweeyey Cisbitaalka ugana xog waramay adeegyadda iyo shaqadda ka socota Cisbitaalka. Ugu dambayn isuduwuhu wuxuu u dardaarmay in shaqadda iyo adeegyadda ay bulshadda u hayaan ay kor u qaadaan wixii baahiyaad ahna uu kala shaqayn doono.

Address

Shacabka
Erigavo
252

Telephone

+252634200266

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cusbitalka Guud Ee Ceergabo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram