11/11/2025
Waxaan si guul leh u dhammeystirnay dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameeyay qaybta Shaybaarka ee isbitaalka. Qaybtan waxaa lagu qalabeeyay qalab casri ah oo heer caalami ah, oo si buuxda u kordhinaya tayada iyo kalsoonida natiijooyinka baaritaannada.
Ujeeddadeennu waa inaan bulshada siino adeeg shaybaar oo tayo leh oo lagu kalsoonaan karo, si loogu helo natiijooyin sax ah oo dhakhaatiirta ka caawiya go’aan qaadashada caafimaad. Waxaan rajaynaynaa in bulshada ay si weyn uga faa’iidaysato horumarkan, Insha Allah.