27/01/2022
Wax ka ogow xoolaha Soomaalidu dhaqato
Ummadda ku hadasha afka Soomaaliga iyo lah-jadaha la xiriira tiradeedu waxay ka
badantahay ilaa X malyuun oo qof waxayna ku baahsantahay dhulka balaadhan ee
Geeska Afrika ee isaga gudba dalka Soomaaliya (iyo maamul gobollada), Waqooyiga
bari ee Kiiniya, Kilinka shanaad ee Ethiopia iyo Jamhuuriyadda Jabuuti. Dhulka
Soomalidu degto wuxuu u badanyahay dhul kulul oo roobku ku yaryahay, sidaas darteed
ayaa habka nolosha inta badan ee dadka Soomaaliyeed wuxuu si toos ah ugu xiran yahay
dhaqasha xoolaha nool sida geela, lo’da, ariga iyo gamaanka.
Xoolaha nool ee Soomaalidu dhaqato tiro sugan lagama hayo waxaase la hubaa
inay 50
malyuun oo neef ka badantahay kuwaas oo leh noocyo badan. Mataal ahaan geela ku
nool Qaaraddan Afrika ilaa boqolkii toddobaatan (70%) waxay ku jirtaa gacan dad
Soomaaliyeed.
Ahmiyadda xooluhu u leeyihiin ummadda Soomaliyeed waa mid aan la soo koobi karin,
waxaana xoolaha loo dhaqdaa oo lagu haystaa manaafacaadsiyo badan oo ay ka mid
yihiin; caano, subag, hilib, maqaar iyo saan, rarasho iyo alaab qaadis, bero falid iyo lacag
cadaan ah markii la gado. Sidoo kale xooluhu waxay leeyihiin ahmiyad weyn oo dhanka
dhaqanka ah waxaana loo isticmaala arrimaha ay ka mid yihiin guurka iyo bixinta magta.
Deegaan-Goboleedka Soomalidu degto (Somali eco-system) wuxuu ku caan baxay
ganacsiga xoolaha nool, waana adduunka meesha ugu badan xoolo nool oo la dhoofiyo.
Maadama xoolaha nooli ahmiyadaas dhaqaale leeyihiin waxaa lagama maarmaan ah in la
daryeelo caafimaadkooda si loo badiyo tirada korna loogu qado tayada wax soo
saarkooda.
Xigasho:VetAid/ CAPE Unit�