GMC Hospital - Galkacyo Medical Center

GMC Hospital - Galkacyo Medical Center The Galkayo Medical Centre is the first multi-specialty hospital in Galkayo Somalia.

01/12/2025

๐–๐š๐š ๐ฆ๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐‡๐ˆ๐• ๐š๐ง๐ ๐€๐ˆ๐ƒ๐’

๐‡๐ˆ๐• fayras weerara unugyada difaaca jirka qaybta loo yaqano()๐‚๐ƒยฌ-๐Ÿ’ee ku jira nidaamka difaaca jirka
๐€๐ˆ๐ƒ๐’ waa isku tagida koox Cuduro ah oo la arko marka ay Dhibaato soo gaarto difaaca jirka kaas oo uu waxyeeleeyay Firuska HIV.

๐’๐ข๐๐š ๐‹๐š๐ ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐๐จ ๐‚๐š๐š๐›๐ฎ๐ช๐š ๐‡๐ˆ๐•.
Caabuqa ๐‡๐ˆ๐• lagu kala qaadi kartaa marka aad la xiriirto Qof qaba Cudurka ama shay xanbaarsan Xanuunka, waxaana layskugu gudbiyaa.

1.Dhiiga qofka qaba Xanuunka oo u gudba jirkaaga ,ama lagugu shubo Dhiiga qof qaba xanuunka .
2 . Waxaa layskugu gudbiyaa Galmada iyo
Dheecaannada kale ee jirka.
3.Hooyadu waxay ugu gudbinkartaa Ilmaheeda Waqtiga Naas Nuujinta iyo Waqtiga Dhalmada.

4.Isticmaalka Irbadaha , sakiimaha iyo waxyalaaha kale ee Xanbaarsan Firuska .

๐‚๐š๐ฅ๐š๐š๐ฆ๐š๐๐š๐ก๐š ๐‡๐ˆ๐• ๐€๐ˆ๐ƒ๐’
Dad badan ayuusan ka muuqan calaamadaha lagu garto HIV muddo dhawr bilood ilaa sanado ah ka dib markii uu weeraray xanuunku jirkooda.

Kuwa kale waxaa laga yaabaa inay yeeshaan calaamado la mid ah hargabka badanaa 2-6 usbuuc ka dib marka fayraska ay qaadeen.

Calaamadaha caabuqa h**e ee HIV waxaa ka mid ah:
๏ƒ˜ Qandho
๏ƒ˜ Qarqaryo
๏ƒ˜ Kalagoysyada xanuunka
๏ƒ˜ Murqo xanuun
๏ƒ˜ Calool xanuun
๏ƒ˜ Dhididka (gaar ahaan habeenkii)
๏ƒ˜ finan cas
๏ƒ˜ Daciifnimo
๏ƒ˜ Miisaanka aan ula kac ahayn u dhima
๏ƒ˜ Madax xanuunka.

Marxaladda dambe ee infekshinka HIV-ga haddii aan la daweyn, HIV-gu waxa uu daciifiyaa awoodda jirka si uu ula dagaallamo caabuqa , qofku waxa uu noqday mid unugul cudurro halis ah Heerkan infikshinkana waxaa loo yaqaan AIDS.

1:Shuban kaas oo inta badan gaaban ama daba dheeraada
2: Qufac qallalan
3:Dhidid habeenkii
4: Qanjirrada jirka oo barara
5: Daal joogto ah
6: Baro cad oo Carrabka ama Afka kasoo baxa.

๐’๐ข๐๐š ๐ฅ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐จ ๐‚๐š๐š๐›๐ฎ๐ช๐š ๐‡๐ˆ๐•

Kiniinnada HIV ee degdega ah (kahortagga soo-gaadhista ka dib). daawooyinka ka hortaga waxa loo yaqaan (๐ฉ๐จ๐ฌ๐ญ ๐ž๐ฑ๐ฉ๐จ๐ฌ๐ฎ๐ซ๐ž ๐ฉ๐ซ๐จ๐ฉ๐ก๐ฒ๐ฅ๐š๐ฑ๐ข๐ฌ ๐๐ซ๐ฎ๐  ๐๐„๐ ๐๐ซ๐ฎ๐  waxaana la qaataa mudo 4 weeks ah waxay saamayntoodu dhan tahay 90% .

Haddii uu qofku rumaysto in laga helay fayraska 72-kii saacadood ee la soo dhaafay (3 maalmood)
Daawaynta caadiga ah ee HIV waa isku darka dawooyinka loo yaqaan๐€๐๐“๐ˆ๐‘๐„๐“๐‘๐Ž๐•๐ˆ๐‘๐€๐‹ ๐“๐‡๐„๐‘๐€๐๐˜ (๐‘๐‘๐“).
GMC Hospital - Galkacyo Medical Center

27/11/2025

๐ŸŽฅ ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐จ ๐•๐ข๐๐ž๐จ-๐ ๐š!

Ma dareemaysaa xanuun ama dhibaato caafimaad oo u baahan qalliino fudud sida:

* ๐ƒ๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ญ๐ข๐๐๐š
* ๐๐ฎ๐ซ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐ช๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ญ๐ก๐ฒ๐ซ๐จ๐ข๐๐ค๐š
* ๐„๐ž๐ซ๐ง๐š๐๐๐š(๐ก๐ž๐ซ๐ง๐ข๐š)
* ๐๐š๐›๐ฌ๐ข๐ง๐ค๐š(๐€๐ฉ๐ฉ๐ž๐ง๐๐ข๐œ๐ข๐ญ๐ข๐ฌ)
* ๐๐š๐š๐›๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š(๐‡๐ž๐ฆ๐จ๐ซ๐ซ๐ก๐จ๐ข๐๐ฌ)

Ha sugin ilaa xaaladdaadu ka sii darto!
๏ฟฝGMC Hospital - Galkacyo Medical Center waxuu kuu diyaarinayaan program gaar ah oo lagu caawinayo 20 bukaan iyada oo loo sameynaayo qiima-dhimis 80% ah dhamman kharashaadka qalliinka.
Maxaan kuu qabanaynaa?
๏ฟฝโœ… Baaritaan + Qiimeynta dhakhtarka๏ฟฝโœ… Qalliinka oo ammaan ah, oo ay qabtaan dhakhaatiir khibrad leh iyadda oo la isticmaalayo qalabka leysarka.๏ฟฝโœ… Daryeel kadib qalliinka (post-op care)
๏ฟฝโš ๏ธ Tirada dadka fursada la siinayo waa ay koobantahay!

Haddii adiga ama qof kuu dhow u baahan yahay qalliinโ€”fursaddan ha lumin!

๐Ÿ‘‰ Ku biir WhatsApp Group-ka rasmiga ah si aad u hesho faahfaahinta, jadwalka, iyo diiwaangelinta bukaanada.
๏ฟฝ๐Ÿ‘‡ Riix Halkan
https://chat.whatsapp.com/IUrTFcAacYCBOA2KQPhQMH?mode=hqrt2

19/11/2025

Hadal-jeedinta
Dr Abdulkadir M.Jama ayaa ka War bixiyey dhibatada ay leedahay canserka ku dhaca Minka Afkiisa (Cervical Cancer)
Wuxuna bulsha usheegay inay 50% oo free ah ugu sameenayan Adeegyada baritaanka

Dhaqtarku wuxuu kuu diyaariyey adeegyo tayo sare leh, baaritaan dhammeystiran, iyo qorshe daaweyn kuu gaar ah.Noloshaadu...
18/11/2025

Dhaqtarku wuxuu kuu diyaariyey adeegyo tayo sare leh, baaritaan dhammeystiran, iyo qorshe daaweyn kuu gaar ah.

Noloshaadu ha ahaato mid bilaa xanuun ah! Soo booqo maanta oo hel daryeelka lafaha ee ugu kalsoonida badan.

Maanta oo ay taariikhdu ku beegnays  a 17 NOV oo ah maalinta ay haayadda caafimaadka adduunku u aqoonsatay , maalinta ci...
17/11/2025

Maanta oo ay taariikhdu ku beegnays a 17 NOV oo ah maalinta ay haayadda caafimaadka adduunku u aqoonsatay , maalinta ciribtirka kansarka ku dhaca minka afkiisa. Ayaan ku qabanay hoolka Global Science University - GSU kulan wacyi-gelin ah oo ku saabsan sida aan ugu baraarugin lahayn waxkaqabashada, iyo baaritaanka kaankaradda minka afkiisa .

Waxaa nagala soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshadda ay ugu horreyaan dhaqaatiirta , ardayda jamaacddaha, ururada haweenka, bahda caafimaadka .Iyo Aagaaasimaha waasaradda haweenka Puntland.Waxa ay dhaqaatiirtii ka hadashay kulanka hoosta ka xariiqiin in ay aad u hooseyso wacyiga bulshadeenna u qabaan baaritaannadda lugu ogaado kaankarada minka afkiisa xili-h**e. In aan waddanka laga helin talaaalka HPV oo ah mid muhiim u ah ka hortaga kansarkaan. Iyo in uu yaryahay adeegyadda wax looga qabto kansarka minka- afkiisa guud ahaan Soomaaliya.

Cisbitaalka GMC Hospital - Galkacyo Medical Center waxa uu bulshadda Puntland ogeysiinayaa in uu diyaarishay baaritaanka [Papsmear] Oo ah midka ugu h**eeya ee looga hortago kansarkan.



Kansarka ku dhaca minka afkiisa waa midka afraad ee guud ahaan haweenka addunku u dhintaan, iyo kan labaad ee galaafta n...
16/11/2025

Kansarka ku dhaca minka afkiisa waa midka afraad ee guud ahaan haweenka addunku u dhintaan, iyo kan labaad ee galaafta nolosha dumarka Soomaaliyeed.Waxa ugu badan ee keena dhimashadana waa in la ogaado waqti danbe cudurka, yaraanshaha helitaanka baaritaanka ka hortaga kansarka minka ( Papsmear), maqnaanshaha talaalka HPV , wacyi-gelin laโ€™aan.Iyo dhaqanka Soomaalida oo gabadha ka dhigaya mid aan awooddin kala hadlida cidkale xubnaheeda jinsiyadeed.

Qaybo badan oo kamid ah dumarka Soomaalida waligood ma sameyn baaritaanka Papsmearka, kuwa kalana waxa ay calamaaddaha ugu h**eeya ee kansarka minka u qaataa cuduro kale. Taas oo hoos u dhigta waxka qabashada kaankaradda minka afkiisa.

Free Health Talk & 50% offer Cervical Cancer Screening
โœจ Pap Smear for Women (21โ€“65 Years)
โœจ Education on HPV & Prevention
Letโ€™s work together to eliminate cervical cancer in Somalia.

GMC Hospital - Galkacyo Medical Center

.

Kasoo qayb gal wanaagsan waa inoo berri 8:00 AM iyo Hall ka Global Science University - GSU.

Sokorowgu waa cudur aamusnaan ku yimaada, balse si tartiib ah u waxyeelleeya jirka.Calaamadaha ugu badan waxaa ka mid ah...
13/11/2025

Sokorowgu waa cudur aamusnaan ku yimaada, balse si tartiib ah u waxyeelleeya jirka.
Calaamadaha ugu badan waxaa ka mid ah:
:Harraad badan
: Kaadida oo badata
: Daal joogto ah
:Miisaanka oo yaraada
: Aragga oo daciifa

Haddii aad isku aragto calaamado sidan oo kale ah, samee baaritaan dhiig si aad u ogaato xaaladdaada.

โœ… Cun cunto caafimaad leh
โœ… Jimicsi samee maalin kasta
โœ… Iska ilaali cabitaanka sonkorta badan leh
โœ… La tasho dhakhtar haddii laguu sheego sonkorow

Sokorowgu waa la xakameyn karaa haddii goor h**e la ogaado.
Ka warhay, ka hortag, oo caafimaadkaaga ilaali! โค๏ธ

05/11/2025

Ma la nooshahay muddo dheer dhagaxaanta xameetida?.

Mase ogtahay in Dr Sabri Fakhri oo ka howlgala Xarunteena GMC Hospital - Galkacyo Medical Center oo kugu qalayo habka leysarka taas oo aad kaga badbaadi kartid xanuunka iyo dhibaatooyinka ka dhasha dhagaxaanta xameetida.

Bukaan kani waa mid kamid ah tiirarka cisbitaalka ee qaybta hooyadda iyo dhalaankana, waxa ayna dib ugu soo laabatay shaqadeeda kadib qaliin looga saaray xameetida.

Haka cabsan in aad iska saarto xameetida adiga oo helaya Dr Sabri iyo bahdeenna qaliimadda guud.

03/11/2025

Joogto ma uga warhaysaa aragga indhahaaga?
Ha igu oran "Maya"!.

sidee ayaadan ula socon araga indhahaaga, ulana kulmi dhaqtarkeenna indhaha Dr Abdirahman Xawse, adiga oo joogta u isticmalaa shaashadda taleefoonka?.

Kaalay soo booqo xarunteena GMC Branch 2 oo ku taala kasoo horjeedka Masaajidka xaaji Cali Bixii.

Waxaa maanta ku qabanay hoolka jamaacadda Global Science University - GSU kulan ku saabsan wacyi-gelinta Kansarka naasah...
28/10/2025

Waxaa maanta ku qabanay hoolka jamaacadda Global Science University - GSU kulan ku saabsan wacyi-gelinta Kansarka naasaha , kaas oon diirada ku saareynay kor u qaadida aqoonta ay bulshadda u leedahay kaankaradda naasaha, waxa keena sida looga hortaga iyo daaweyntiisa.

Waxaa inta ay munaasabaddu socotay cashar muhiim ah kasoo jeediyay Dr Juweria A.Warsame, iyadda oo si faah-faahsan u sharraxday waxa uu yahay kansarka naaska, iyo Dr Cabdulqadir Maxamuud Jaamac oo la wadaagay bulshadda xogaha iyo xaaladdaha ku saabsan kansarka naasaha ee uu kula kulmay degmadda Galkacyo.

Waxaa kale oo kalmaddo muhiim ah iyo dardaaran ku aadan in haweenku baaraan naasahooda si looga hartago dhimashadda badan ee uu sababo kansarka naasaha usoo jeedisay gudoomiya ururka haweenka Gobolka Mudug Shukri Cabdi Cali. Iyadda oo ballan qaaday in ay bahda caafimaadka gobolka kala shaqeyn doonto wacyi-gelinta ku aadan kansarka naasaha iyo baaritanadda lagu ogaado inta uu san ku faafin jirka.

Waxaan u mahadcelineynaa marti sharaftii kala duwaneyd ee nagala soo qayb gashay oo ay ugu horreyaan shaqaalaha cisbitaalka, bahda jaamacaddaha gobolka Mudug oo ay hoggaamineysay Gudoomiso Maryan Deeq.

Bisha Oktoobar waa bisha wacyigelinta kansarka naasaha โ€” waa waqti aan ku maamuusno kuwa bogsaday, aan garab istaagno kuwa wali la tacaalaya xanuunka, isla markaana aan xusuusanno kuwa naftooda ku waayey cudurkan. ๐Ÿ’–
Kansarka naasuhu qof kasta wuu ku dhici karaa, balse ogaanshaha Xili h**e ayaa badbaadiya nolosha.
Baaritaan joogto ah oo naftaada iyo naaskaaga ah, kormeer caafimaad, iyo raajada mammogram waa furaha lagu ogaado cudurkaan goor h**e.



Address

Gaalkacyo
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when GMC Hospital - Galkacyo Medical Center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to GMC Hospital - Galkacyo Medical Center:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram