Balaf Yoss

Balaf Yoss kala soco xogo badan oo ku saabsan caafimadka iyo waxayabaha la xariira

Permanently closed.
"Vi**ra (Feego) wuxuu kor uqaada kucitaanka xubinta taranka ragga ee ma dheereeyo waqtiga uu qofku galmada samaynayo( Do...
17/07/2022

"Vi**ra (Feego) wuxuu kor uqaada kucitaanka xubinta taranka ragga ee ma dheereeyo waqtiga uu qofku galmada samaynayo( Doesn't delay the ej*******on)!!!!"
FG: Qormadan waa wacyi galin iyo cilmi kororsi ee Loolama jeedo sexual purpose.....
Xildhibaan katirsan Baarlamnka Puntland ayaa wax kawaydiiyey Wasiirka Caafimaadka Puntland oo horyimid baarlamanka Puntland arimo La xariira dad iska badiyey oo qaarkood dhiig-kar kudhacay qaarna udhintay!! Wasiirku siday Lahayd uguma uusan jawaabin su'aasha Mana jirto Vi**ra inuu Keeno dhiig-kar ee ujeedadii Laga lahaa markii h**e waxay ahayd in Lagu daweeyo dhiig-karka Lkn waxaa Loo isticmaalaa badanaa faaidadan kale ee ah inuu xoojiyo Xubin taranka ragga......Vi**ra waxaa Loo isticmaala xaalad Caafimaad oo kudhacda dadka qaar haba u bataan dadka waa wayn oo Loo yaqaano "Erectile dysfunction or Impotence" asagoo ka cawiya xubinta in ay ka baxdo marxalada daganaanta ama jileeca ( Flaccidity and Detumescence) uuna diyaar unoqdo inuu Galmo sameeyo, xaaladan waxay dhibato ku tahay Xiriirka Lamaanaha iyo Noloshooda gogosha(Sexual Satisfaction), waxa keena Erectile Dysfunction waa mawduuc balaaran oo mar kale aan ka hadli doono Lkn arinka in aan sheego rabo waxaa weeye Vi**ra waxba k**a badalayo waqtiga ay qofka ku qaadanayso in uu biya-baxo(Ejaculation or or**sm), marka qof dhalinyaro ah oo aan erectile dysfunction qabin in uu qaato Vi**ra oo waa wax aan uwanaagsanyn caafimaadkiisa, sida ay sheegeen warbixino kala duwan ninka raga ah in uu Or**sm gaaro waxay ku qaadataa 5-6 daqiiqo marka hddii aad Vi**ra qaadatid
waqtiga kuuma uu dheeraynayo oo k**a uu dhigayo 10 daqiiqo ama 15 daqiiqo..... haddii dag dag ay biyuhu kaaga imaanayan waa xaalad kale oo si kale loo daweeyo waxaana loo yaqaana "Premature Ejaculation"....marka hadii aad 2 daqiiqo kushidaal goosatid Vi**ra waxba kaama tarayo bowe Lol
Sii share gareeya, Mahadsanidiin
Dr abdalla Razzaam

Bismillah,MAXAY YIHIIN KHATARAHA KA IMAAN KARA DAAWOOYINKA LA ISKU CAYILIYODad badan ayaa ka cabanaya dawooyin ay u isti...
19/06/2022

Bismillah,

MAXAY YIHIIN KHATARAHA KA IMAAN KARA DAAWOOYINKA LA ISKU CAYILIYO

Dad badan ayaa ka cabanaya dawooyin ay u isticmaaleen in ay isku cayiliyaan ugu horayn waxaa ka hadlaynaa
1.maxay yihiin dawooyinkaan?
Daawooyinkaan waa guruub dhan oo la isku yiraahdo (corticosteroids) khaas ahaan waxay dadku isticmaalaan daawada (dexamethasone) oo soomaalidu u taqaan (kaniiniga bariiska)

2.maxay dhaqaatiirtu u isticmaalaan daawooyinkaan?
Dadka soomaaliyeed dawooyinkaan waxa ay u isticmaalaan qaab aan loogu tala galin saxna ma ahan in la isku cayilin karo,dhaqaatiirtu waxa ay u isticmaalaan daweenta xanuuno ay ka mid yihiin allergy,joints in pain(kala goosyo xanuunka) I.W.M

3.maxaa laga sameeyaa daawooyinkaan?
Waxaa laga sameeyaa hoormoon si dabiiciya ugu yaala kalyaha kor kooda oo loo yaqaan Cortisol wuxuuna ka qayb qaataa difaaca jirkeena isaga ayaa laga sameeyaa dheecaanada uu soo daayo

4.dhibaato noocee ah ayaa ka dhalan karta
marka la isticmaalo?
Waa halkaan meesha ugu wayn ee aan u socdo
Dhibaatooyinka ka yimaada isticmaalka daawooyinkaa si aad isugu cayiliso waxaa ku jira khatar badan sida
●Indho la,aan
●Caloosha oo ay qofka biyo ka galaan
●Caado wareer gabdhaha ku dhacda
●Sonkorta oo kor u kacda
●Gabdhaha oo gar yeesha sida raga
●Qofka oo barara
●Neef qofka kusoo booda
●wajiga oo sida goobada noqda
●Kalyaha oo qofka fariista
●Lafaha oo jajaba
Intaas kaliya kuma soo koobi karo waxaa jira dhibatooyin kale oo aad u badan,marka bal akhristoow aan ku waydiiyee ma kula saxan tahay inaad isticmaasho dawooyin intaas oo khatara ah ku jiraan

5.sidee isaga joojinaysaa?
Inaad dawanaad iska joojisid waa wax aad u muhiim ah balse qaabka aad y joojinaysida ayaa u baahan inaad ka taxadartid hadii aad haomar iska joojiso waxaad la kulmi kartaa khatar waxaa la rabaa inaad u joojisid si tartiib ah tusaale
Hadii aad isticmaali jirtay 3 xabo maalintii waa in aad isticmaashaa 1xabad ka dib xabad jabkeed kadib aad sidaa isaga joojisid dawada bals halmar waxaa ka imaan kara khatar ka taxadar

6.maxaa isku cayilin kartaa si dabiici ah?

Qofku intii uu isticmaali lahaa dawooyin ay khatar kaaga imaan karto waxaa jira siyaabo kale oo badan oo aad isku cayilin karto
○isticmaal cunooyinka sida ukunta,kalluunka,digirta,baradhada,digaaga
○isticmaal khudaarta cagaaran
○Samee jimicsi badan si murqahaagu u koraan
○Isku day inaad wax badan cuntu tusaale maalintii inaad lix jeer cunto mana ahan inaad cunto cunooyin culus ee waxa aad cunaysaa cunooyin fudud sida Baradho la shiilay,Doorshe lagu sameeyey ukun,boorash la shiiday,caano badan.
○waa muhiim inaad la xiriirto dhaqtar si aad ugula tashatid hadii aad u baahan taahy inaad miisaankaaga kordhiso

Fadlan share dheh nala wadaag asxaabtaada

Mahadsanid

X/Q DR.ZAKARIA ABDI

Howsha dhaqida ama Sifaynta Kelyaha (Dialysis)  kolka qofka lagu samaynayo waxaa la galiyaa laba Tuubo oo mataano ah oo ...
29/05/2022

Howsha dhaqida ama Sifaynta Kelyaha (Dialysis) kolka qofka lagu samaynayo waxaa la galiyaa laba Tuubo oo mataano ah oo mid isku ah ah oo mid waliba howl gaar ah qabanayso, ayadoo la galinayo Xididka Arooraha ah (vein) ee qoorta, laabta ama bowdada midkood iyada oo la isticmaalayo suuxdinta gaarka ah (local anesthesia) inta lagu gudo jiro sifeynta Kilyaha.

Dhiiga ayaa waxa uu ka soo baxayaa jirka isaga oo soo raacaya Tuubada cas, wuxuu dhex maraa aaladda sifeynta, waxa uuna ku soo noqdaa tuubada Buluugga, xaaladaas ayuu qofka ku sugnaanayaan ilaa 4 saacadood isaga oo saaran sariir dusheeda oo waliba bilaa dhaqdhaqaaq ah.

Qofka ayaa loo sameeyaa howsha Sifeynta Kelyaha Todobaadkii Sadex jeer, taasoo noqonaysa Bishiiba 12 Mar, hadii Saacad ahaana loo xisaabiyo waxay noqonaysaa wadarta guud 48 saacadood Bil kasta.

Waxaa intaas ka sii daran waxaa baxaya kharash badan oo Boqolaal Doolar ah Bishii taasoo aysan ka bixi Karin dadka dhaqaalahoodu hooseeya. !

Adiga, aniga iyo guud ahaan dadka caafimaadka qaba ee aan qabin cudurka kidney failure (Kilyaha oo howlgab noqda) ma Qiyaasi kartaa inta jeer ee Kelyahaada ay isa sifeeyaan?

Qiyaasii Lixdan jeer ayay maalintii Kelyahaada si Automatic ah isu meyraan, sida dhaqaaqiirta ay sheegaan. Howshaas ayaa waxay dhacdaa innaga oo aanan dareemin wax dhibaato ah ama xanuun ah oo waliba cidna meel na seexin, Tubooyina nagu xirin, mana jirto kharash nooga baxa howshaas wayn oo la’aanteed qofka uusan noolaan Karin. !!

Waxaan haysanaa Nicmooyin badan oo aan la tirin Karin, lana koobi karin . الحمدلله

وَإِن تَعُدُّوا نِعْمَةَ اللَّهِ لَا تُحْصُوهَا ۗ إِنَّ اللَّهَ لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ (18) سورة النحل

Hussein Sahnuni

Xanuunka isku furanka dumarka xiliga dhalmada oo loo yaqaano (Obstetric Fistula). Waa Xanuun kudhaca Haweenka xiliga Dha...
22/05/2022

Xanuunka isku furanka dumarka xiliga dhalmada oo loo yaqaano (Obstetric Fistula). Waa Xanuun kudhaca Haweenka xiliga Dhalmada ,kaas oo sababa isku furanka xubnaha taranka oo kala xirnaa.

Waxa uu uqayb saamaa qaybo badan waxaan oo ka mid ah :.
1.Isku furanka kaadi heysta iyo Xubinta marinka Taranka(vesico_vaginal Fistula).

2. Isku Furanka ku dhaca xubinta marinka tatanka Iyo Malawadka (Recto_Vaginal Fistula).

3. Isku goa murqaha u dheexeeyaya xubinta taranka iyo daloolka saxarada

2.Waxyaalaha sababa isku furanka.
1.fool dhererka (Prolonged Labour). Qaadashada foosha waqti dheer 2 ilaa 3 bari iyo kabadan waxa ay hooyada ku keentaaxanuunka isku furanka.

Arinkaasna waxa sababa laba mid uun
1:in ilmaha misankiisu kaweyn yahay Hooyada
2.in Hooyada miskeheedu yaryaryihiin iyo tabardaro dhanka foosha oo laxariirta iska so riixida ilamaha

2. Guurka Dagdaga ah(Early Child Marriage).
Gabdhaha ku guursada Da'da udhaxeysa 15_18 waa kuwa ugu badan ee uu ku dhaco Xanuunka isku furanku.
Sababtuna waa miskeheeda oo aan wali hormarin ama koritaan u dhimanyahay

3.Kufsiga(Rape)kufsiga iyo xoogitaankuba waxa ay keenan sku furanka haweenka.

4.Gudniinka fircoonigaa(Female Ge***al Mutilation) wu ka qaybqaataa sababaha.

5.Faqriga ,nafaqo darada ,Aqoon la'aanta iyo yaraanta xarumaha Hooyada iyo Dhalaanka.

Iyaguna si aan toos ahayn ayey saameyn ugu leeyihiin.

Calaamadaha caafimaad daro ee lugu arko haweenka.

1. Saxarada iyo kaadida oo aan laxajin karin wa cabashada ugu weyn ey layinaadan buk**ada qaba isku furanka.

2.cuncun iyo xanuun laga dareemo xubinta Taranka.
Waxana gubaya kaadida mar walba iska socota.

3.caabuq soo noqnoqda oo kudhaca Xubinta Taranka.

4.Nafaqo daro.

4.Dhibaatooyinka ay dhaxlaan haweenka uu sameeyo xanuunku.

1. Niyad jab iyo walwal joogto ah.
2.go'doomim kaga imaata 50% ragga qaba iyo furiin.

3.hawl gab ama shaqo la'aan.

4.Takuurid ay kala kulmoon bulshada Faquuq.

4:Asbaabaha lugu yareyn karo Xanuunka.

1. Yareynta Guurka Dagdag ah.
2. Ciribtirka Gudniinka fircoonigaa.
3.kor _uqaadida Aqoonta Dumarka
4.Diyaarinta Adeega Xarumaha Hooyadiyo Dhalaanka.
5. Helida Umulisooyin leh khibrad caafimaad.
6. Ku wacyi _galinta bulshada

Dhaweynta ,kahortaga iyo Yareynta Xanuunkaan.

Ogow isku furanka dumarka dumarku wu leeyahay qaliin iyo daaweyn .

Galkacyo waxa ku sugan dhaqaatiir fistulada khabiir ku ah ilaa hadana kumanan bukaan ah ku daaweeyey una diyaar ah inay usii shaqeeyaan Haweenka soomaaliyeed ee Xanuunkani saameeyay.

Thanks my senior doctor Dr Abdulkadir M Giama sida aad ugu shaqeyneyso bulshadada uguna heelatantahay ciribtirka isku furanka hooyada.

of Somalia
of Obstetric and gynaecology
Gmc Hospital
Dr kafia ajab👏👏

Lowyo xanuunka ama jilbo xanuunka waxa sababa labo armiood oo kaliya, ama xanuun daran oo hal Mar ku dhaca, ama culays a...
18/05/2022

Lowyo xanuunka ama jilbo xanuunka waxa sababa labo armiood oo kaliya, ama xanuun daran oo hal Mar ku dhaca, ama culays aan haboneyn oo lgu hayay jilibka in muddo ah.

Waxa kaloo jira sababo yar oo ayaguna k**a danbeysta kugu keeni kara xanuuno joogto ah oo jilbaha ama lawyaha kaa asiiba.

injury anterior cruciate ligaments waxa uu ka midyahy miiqada ugu waweyn ee jilibka qeybtan saddexad oo ayana sababta dhawac dhanka jilibka
Wa qeybta ugu badan ee ka timada cabashada waayo qeybtan waxey inta badan halesha dhalinyarada ciyaarta kubada cagta inta badan waxa arkaysa dhalinyro ka eed sheganya jilibka ayadoo ay gabi ahan qaar iska dhafen kubadii.

Waxa kaloo jira qeyb afarad oo ayana halesha dadka aadka uda'ada weyn waana in lawaaya fluids ka qeyb qata inay isku xoq man lafaha iyo carjawda ku jira gudaba jilibka

Mxa lagu xalinkaa dbawacyadan ama dhibatoyinkan faraha badan ee sogara jilibka

Hadaba qodobadan hoos ku xusan waxey ka cawinayan inad mar walba hesho lowyo cafimad qaba.

1: culeyskaaga xadid. 1kg oo culeys kugu kordha wuxu xanuun ku keena lawyahaga. Hadii culeyska lowyahaga saran bato waxa imanaya in si Sahal ah dhawac kugu gaaro.

2:xiro kabo macquul ah. Kabuhu waxey qeyb ka qatan cafimad ka jilbaha. Xiro kabo isku miisaaman.

3: is-kululee. Inta aadan bilaabin wax jimicsi ah, is-kululee islamarkana xoga is kala bixi, kadibna bilow jimicsigaga.

4: Hadii aad xanuun darentid jooji jimicsiga. Hadi aad xanuun ka darentid jilibka jooji jimicsiga oo dhakhtar h**ey uga tag.

5: Haka badnadin jimcsiga: jimicsigaga xad u yeel, isla markana culeys badan hasarin jiliblka.

6: Hadii xanuun ku qabto baraf isticmaal: qabowga IYO kuelylka labadaba aa ufcnyhn xanuun baab'inta lodge.

7: cun cunooyinka kala goysyada: wxa jira cuntooyin dhawr ah oo kala goysyad gaar ahan lawyaha aad ugu wanagsan wxana ma mid ah:- AVACADO, SANJABISHA, TUFAXA, TIMIRTA iyo BABAYGA.

Balaf Yozz

Ma hysa cilada ah madax xanuun?Noocee kugu badan ?Caalmada nooce ah baa dareenta markuu madaxa ku xanuun?Marka laga soo ...
17/05/2022

Ma hysa cilada ah madax xanuun?
Noocee kugu badan ?
Caalmada nooce ah baa dareenta markuu madaxa ku xanuun?

Marka laga soo tago suaalha kor ku xusan Madax xanuunku waa inaad cadaadis ka dareenta madaxa haba kala darnaadee iyadoo cadaadisku ugu badanyhy labada dhinac

Qoraalkan kooban waxaan ku eegaynaa noocyada madax xanuunka asataamihiisa iyo dawayntiisa

NOOCYADA MADAX XANUUNKA
1: madax xanuunka sanqaroorta (sinus headache)
Qandho iyo hawo mareenka oo xirma Ayuu leeyhy noocan

2: Qadaadka iyo dhafoorka (Tension headache)
Noocan wxuu leyhy culays badan oo aad moodid inuu madaxa kaa saran yahy waa nooca aad u daran xanuunkisa waxaa lala xariiriya inay keenan hurdo yarida,walwalka,Buuqa,iyo naxdinta

3)Goon-jab (migraine headache)
Waa nooc aad caan u ah waana nooca ugu daran dhanka xanuunka qofku wxuu dhibsada shaqada iyo jabaqda badan ee kuu dhow
Waxaa kaloo dhoocan u sii dheer in la kala dhaxlo wxuuna soo bilowda caruurnimada wxuuna ku badan yahay dumarka wxuu kaloo leeyhy indhaha oo laga dareema xanuun badan araga oo xumada matag , cuno yaro, iyo xanaaqa oo qofka ku bata
Waxana kiciya waxyabo badan sida cabitanada qaar iyo chocolate iftiinka iwm

4: (cluster headache) waa madax xanuun u dhaca koox koox waana madax xanuun aaad u daran oo ofka uga badan hal dhinac mana ahan madax xanuun soo laab laabta wxuu dhaca sanadkii dhowr mar wxuuma keena indha oo qofka gaduuta iyo sanka oo ay biyo badan ka yimadan

Hadaba waa nooce talada ama dawada afartan nooc ee ugu waawayn madax Xabuunka
1: iyadoo ay hboonthy inaad la xariirta xirfadle caafimada hadana waxa jirta talooyin iska hboon qofku inuu yaqaan sida inad isticmasho dawooyinka madax xanuunka,biyo badan inaa cabto iyo hurdo kugu filan

MAHADSANIDIIN wllyal

Fight for what u want🔥
17/05/2022

Fight for what u want🔥

Address

Galkacyo
Gaalkacyo
5512

Telephone

+252907600693

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Balaf Yoss posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Balaf Yoss:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram