Dr axmed

Dr axmed kusoo dhawaw page-keena aan uga hadalno arimaha caafimaadka

Faaidooyinka qaraha uu leeyahaybyMisbaax•February 22, 2023Qaraha,   waa miro macaan oo nasasho leh oo bixiya faa'iidooyi...
04/03/2023

Faaidooyinka qaraha uu leeyahay
by
Misbaax

February 22, 2023
Qaraha, waa miro macaan oo nasasho leh oo bixiya faa'iidooyin caafimaad oo badan. Qaar ka mid ah faa'iidooyinka qaraha waxaa ka mid ah:

Innovation Digital Internet Information Gadgets Robotics Artificial intelligence Automation Software Hardware Electronics Mobile Cybersecurity Big dat

7 faaido ey leedahay kaarootada
22/02/2023

7 faaido ey leedahay kaarootada

Innovation Digital Internet Information Gadgets Robotics Artificial intelligence Automation Software Hardware Electronics Mobile Cybersecurity Big dat

Faaidooyinka uu leeyahay hilibka maleyga
22/02/2023

Faaidooyinka uu leeyahay hilibka maleyga

Innovation Digital Internet Information Gadgets Robotics Artificial intelligence Automation Software Hardware Electronics Mobile Cybersecurity Big dat

JOOJI ISTICMAALKA SONKORTADhibaatooyinka Jireed iyo Maskaxeed ay leedahay Cunista Sonkorta waxa ka mid ah:1. Daal fara b...
19/12/2022

JOOJI ISTICMAALKA SONKORTA

Dhibaatooyinka Jireed iyo Maskaxeed ay leedahay Cunista Sonkorta waxa ka mid ah:

1. Daal fara badan. Marka ugu horeysa uu qofka cunto, cabitaan ama macmacaan sonkorta ku badan tahay cuno energy-giisa ayaa kor u kacaya balse 30 daqiiqo ka dib marki jirka burburiyo sonkorti wuxuu dareemaa tacbaan, qofki oo jeclaada inuu iska fadhiyo oo waxba qaban

2. Maadada Xisaabta oo uu ku liito iyo guud ahaan Waxbarashada. Sonkorta & macaanka badan waxay qofka ka lumisaa feejignaanta iyo awooda uu diirada iyo xooga ku saaro waxbarashada

3. Miisaanka ayay kordhisaa oo cayil sababtaa maadaama kalooriyada (calories) ku jiraa uu jirku kaydsado. Wax nafaqo ahna ma leh

4. Cuduro iyo xanuuno halis ah oo ay ka mid yihiin cudurka macaanka iyo wadno xanuunka

5. Ilkaha oo suus ku dhasho, dalooshama kadibna dhamaada bakteeriyada sonkorta ee afka ku harta darteed

6. Shaki iyo buufis badan. Qofki oo u qaata in hadal kasta si shaqsi ah in loola jeedo. Warwar, murugo iyo qofki oo nervous iska ah inta badan

7. Caajis iyo wahsi badan ayay keenaan sonkorta iyo macaanka badan – Saynisyahano qaar waxay ku doodaan in xoogaa doqononimo ahna uu qofka ka qaado

8. Xanaaqa ayaa qofka ku bata – si deg-deg ah ayuu uga caroodaa wax kasta, sonkorta iyo macaanka oo jidhka ku badan dartood

9. Maqaarka qofka oo ay saamayn weyn ku yeelato, qofka oo wajiga iyo jidhkiisu yeesho laalaab iyo coodh-coodh, uuna ka muuqdo da’ ka wayn tan uu markaa yahay.

Soomaalidu waa dad aad u isticmaala Sonkorta. Reerka ugu yar 50 kg ayay isticmaalaan bishii. Waana sababta fadhiga noogu badan yahay, wax soo saarkana noogu yar yahay.
Jooji Sonkorta ama iska yaree si tartiib ah. Tijaabi hal Bil waxaad helaysaa energy badan, deganaansho, firfircooni iyo maadada Xisaabta oo aad ku fiicnaato

Caanaha geela iyo faa'idooyinka caafimaad ee lagu arkay._______________________________________________Caanaha geela wax...
18/09/2022

Caanaha geela iyo faa'idooyinka caafimaad ee lagu arkay.
_______________________________________________

Caanaha geela waxaa la isku waafaqsan yahay in ay yihiin caanaha ugu caafimaadka badan dunida markii laga reebo caanaha hooyada, waa caano faa'ido u leh yar iyo wayn, lagana helo nafaqooyin badan oo isugu jira waxyaabaha kala duwan oo jirku bini'aadanka u baahan yahay.

Waxaan halkaan ku soo koobayaa dhowr faa'ido oo cilmibaaris lagu arkay, dad badanne wax iskaga garteen markay ay joogteeyeen cabista caanaha geela.

Cudurka Macaanka:- Nafaqada laga helo caanaha geela waxaa ku jira hormoonka insulin-ta ee kontaroosha sokorta, joogteynta cabista caanaha geela waxay xakameeyaan macaanka, waxaana dhacdo mararka qaar in cirbadda insulin-ta looga maarmo hadduu qofka ka fogaado waxyaabaha macmacaanka.
Difaaca jirka: Caanaha geela waxaa ka buuxa borotiin farabadan, borotiinada qaar waxay jirka u xilsaaran yihiin ka difaacista jeermisyada iyo xanuunada soo booddada ah, sidaa darteed caanaha geela waxay sare u qaadaan difaaca jirka, sidaas awgeed dadka xanuunsan oo la baaninayo waxaa la siiyaa caanaha geela si difaaca jirkooda u wanaagsanaado, isbadal caafimaadne u helaan.

Korriimada iyo Caafimaadka lafaha:- Caanaha geela waxay u fiican yihiin korriimada caruurta iyo tayaynta jirka dadka waawayn, waxaa ku jira walxo adkeeya lafaha iyo murqaha qofka sida kaalsiyamta oo ay ku jirto 3 jibaar inta laga helo caanaha lo'da, waana sababta caanaha geela uu ugu horeeyo cunnooyinka lagu caawiyo qofka jaba si kabniinka u sahlanaado.

Wareegga Dhiigga:- Caanaha geela waxaa ka buuxo maadada birta oo ka hortagto dhii-yarida, waxayna muhiim u yihiin wareegga dhiigga, firfircoonida unugyada dhiigga, sidaas awgeed hooyada umusha ah iyo caruurta nafaqada ku dhacdo waa u muhiim caanaha geela.

Xasaasiyadda:- Caanaha geelaha waxay daawo u yihiin xanuunada ka dhasho xasaasiyadda sida samboorka, neefta, xajiinta maqaarka iyo xasaasiyadda cuntada, caruurta ku xanuunsado caanaha lo'da iyo cunnooyinka qaarkood, waxaa lagu daaweeyaa caanaha geela, waxaa kaloo dhowr diraasad lagu arkay in caanaha geela isbadal fiican looga dareemo dadka lagu arko cilladaha isdifaaca jirka ee loo yaqaano "Autoimmune disorders", waxaa intaa sii dheer in cudur-ka dhakaakuhu "Autism" ay daawo u yihiin, waa cudur aad looga sheegayo caruurta soomaalida ku dhalatay qurbaha.

Caafimaadka Wadnaha:- Caanaha geela wuxuu isu dheellitraa kolestaroolka fiican iyo midka xun, sidaas awgeed wuxuu muhiim u yahay caafimaadka wadnaha, wuxuuna ka hortag u yahay wadna qabadka ka dhasho xannibanka qulqulka dhiigga xididada wadnaha.

Nafaqo:- Caanaha geela wuu ku noolaan karaa qofka, waxay u geli karaan badalka cuntada iyo cabitaanka, wixii nafaqo jirka u baahnaa waa laga helaa oo waad kaga maarmi kartaa cunnooyinka kale haddii aadan haysan, geellayda badanaa inta ay geela la joogaan caanahiisa ayay ku noolyihiin.

Ka hortagga Kansarka:- Caanaha geela waxaa la arkay inay ka hortag u yihiin kansarka ku dhaco uur kujirta sida beerka, xiidmaha iyo malawadka, waana arrin lagu ogaaday cilmibaarisyo kala duwan.

Maadaama caanaha geela aan la karkarin oo toos loo cabo, hal dhib ayaa ka imaan kara oo ah inay wasakh gaarto, taasoo qofka u gudbi karto maadaama aanan la karkarin, wasakhdaas waa mid ka imaan karta qofka lisayo ama mid ka imaan karto xoolaha laftirkooda sida sunta la mariyo oo kale, sidaas awgeed nadaafaddu waa muhiim.
Waaa wax la arko mararka qaar dadka joogteeyo hilibka iyo caanaha geela, subagga iyo hilibka idaha in ay kari wayso sunta dadka lagu suuxiyo taasina waxaa loo saariyaa difaaca ay cunnadaasi uu ka helay jirka, maadaama wax kastoo qalaad oo jirka soo galo ay uga hortagaan, laakiin cabbirka suuxdinta ayaa loo siyaadiyaa dadkaas, sidaas ayaana qalliin loogu sameeyaa.

Maxaad Samaynaysaa Inta Aadan Seexan Kahor?1. Waxaad gacamahaga u taagaysaa xaga Alle adigo uga mahad celinaya nimcada, ...
14/09/2020

Maxaad Samaynaysaa Inta Aadan Seexan Kahor?

1. Waxaad gacamahaga u taagaysaa xaga Alle adigo uga mahad celinaya nimcada, fursada iyo caafimaadka uu ku siiyay iyo sida uu kaaga badbaadiyay musiibada maalinlaha ah ee naf iyo maalba ay ku waayeen boqolaal adiga kula mid ah

2. Waxaad aqrinaysaa 4 makhro oo quraan ah taasoo u dhiganta xizib, aqrinta quraanka waxay kaa ilaalinaysaa sharta habeenada dheelmanaysa

3. Waxaad cadaynaysaa ilkahaaga adiga oo istakiin ama dun ku nadiifinaya dulduleelada ilkaha u dhaxeeya, cadaygaasi wuxuu kaa saacidayaa in ilkahaaga aad wax ku sii ruugto marka aadcwaayeel noqoto, dadka kula mid ahna ay ilkahoodu daataan

4. Waxaad silent saaraysaa telkaaga adigoo ka fogaynaya telkaaga sariirta aad ku seexanayso iyo barkinta, shucaaca telka si aadan dateemayn ayuu aragaaga iyo neerfahaaga u dhaawici karaa

5. Waxad ku qabaysanaysaa biyo qabow iyo kuleel midna aan ahayn hadii aysan suuragal ahayn dhaq gacmahaaga ilaa xusulada sidoo kale dhaq lugaha ilaa jilbaha, xidida dhiigu nasiino ayay helaan marka lugaha iyo gacamaha aad dhaqdo

6. Waxaad aqrisanaysaa ducada hurdada اذكارالنوم adigoo u seexanaya dhanka midig. Sidoo kale waxaad maro ku qarinaysaa cagahaga si kulayl ay u noqdaan, inta cagaha qofka banaan yihiin ama qabow yihiin way adag tahay in qofku hurdo

7. Waxaad cafinaysaa qof kasta oo dambi kaa galay inta aadan seexan sababtoo cafinta calooshada oo nadiif ah waxaa lagu gaaraa daroojin sarsare oo aan laga helin meelaha kale kaliyana Alle ayaa darajooyinkaas bixiya. Sidoo kale in aada seexato adiga oo aan cadaysnayn maskxdaada iyo hurdadadaba way u fiican tahay

Qodobkee Ugu Saamayn Badan

Si Walaalaha Kale U Akhristaan

Address

Gaalkacyo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr axmed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr axmed:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category