23/06/2025
Khataraha isticmaalka khaldan ee kaniiniga “225” (Pregabalin)
“225? Ma dawo mise waa dhib hor leh?”
🎙️ Pregabalin {225}
"Asalaamu calaykum! Dad badan ayaa hadda isticmaalaya kaniiniga loo yaqaan '225' si ay u dareemaan xoog ama firfircooni. Laakiin ma ogtahay in '225' uu yahay daawo la yiraahdo Pregabalin – laguna talagalay xanuunka neerfaha, welwelka, iyo suuxdinta?"
"Markaad si khaldan u isticmaasho:
• Waxaad noqon kartaa ku xiran (addicted)
• Waxaad dareemi kartaa wareer, hurdo badan, ama suuxdin
• Waxay kuu horseedi kartaa hoos u dhaca awoodda galmada iyo niyad jab"**
"225 maaha dawo xoog kugu sii kordhineysa, waa khatar caafimaad haddii aan dhakhtar kuu qorin!"
"Fadlan iska ilaali. Haddii aad leedahay xanuun ama walaac, la tasho dhakhtar."
Gedo Medical Hospital – Wacyigelin caafimaad."