22/04/2026
Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA) wuxuu si adag u cambaaraynayaa afduubka foosha xun ee loo geystay ๐๐ซ ๐
๐๐ซ๐๐ก ๐๐๐๐ข ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐, oo ka tirsan bahda caafimaadka kana shaqeeya Isbitaalka Guud ee ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ค๐ ๐๐ฎ๐๐ฎ๐ .
๐๐ซ ๐
๐๐ซ๐๐ก waa shaqaale caafimaad oo muddo dheer si hufan ugu adeegayay bulshada, isagoo door muuqda ka qaatay badbaadinta nolosha dadka. Afduubkiisa waxa uu yahay fal ka baxsan baniโaadannimada, isla markaana si cad uga hor imanaya qiyamka iyo anshaxa bulshada.
Ururka Dhakhaatiirta Puntland wuxuu Alle uga baryayaa in Farah si nabad ah ugu soo laabto qoyskiisa, asxaabtiisa, iyo bulshada uu u adeegayay.
Sidoo kale, waxaan ugu baaqaynaa dowladda iyo hayโadaha amniga inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo wax ku ool ah si loo badbaadiyo Farah, loona joojiyo falalka noocan oo kale ah ee halista ku ah badqabka bahda caafimaadka.
๐๐๐
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐
๐๐๐
๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐.