Puntland Medical Association

Puntland Medical Association Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Puntland Medical Association, Medical and health, Garoowe.

20/11/2025

TACSI: INAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Alle ha u naxariisto Aabe ๐—”๐—ต๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ (๐—š๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ถ), Ururka PMA wuxuu marxuumka Ilaahay uga baryayaa inuu u naxariisto, qabrigiisana u waasiciyo, u nuuriyo, kana dhigo beer ka mid ah beeraha Jannada.

Sidoo kale, waxaan Eebbe uga rajeeynaynaa ๐——๐—ฟ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ ๐—”๐—ต๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—š๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ถ, qoyskiisa, iyo dhammaan ehellada inuu siiyo samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa ka waraabiyo.

Aamiin.

Garowe, 17 November 2025 โ€” Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA) ayaa ka qayb galay oo kaalin muuqata ka qaatay kulan muhi...
18/11/2025

Garowe, 17 November 2025 โ€” Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA) ayaa ka qayb galay oo kaalin muuqata ka qaatay kulan muhiim ah oo Garoowe ka dhacay, kulankaas oo lagu gorfeeynayey hindise-xeereedyada tayada badeecadaha iyo dhismaha hayโ€™ad tayo-dhowr oo casri ah oo Puntland yeelato. Kulankaan waxaa soo qaban-qaabiyey ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐‡๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐, ๐†๐š๐š๐๐ข๐ข๐๐ค๐š, ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Š๐š๐š๐›๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐š๐ฒ'๐š๐๐๐š ๐๐”๐๐’๐€๐€, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa nidaam mideeya ilaalinta tayada badeecadaha, badbaadada bulshada iyo kor u qaadista adeegyada caafimaadka.

Wafdiga ๐๐Œ๐€ oo uu hoggaaminayey Guddoomiye Ku-xigeenka ururka dhakhaatiirta Puntland Mudane ๐——๐—ฟ ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ ๐—›๐—ฎ๐—ท๐—ถ, ayna ku wehliyeen Guddoomiyaha Zone 1 ee ururka ๐——๐—ฟ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—บ๐—ฎ๐—ป ๐—ซ๐˜‚๐˜‚๐˜…๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ฒ iyo dhakhaatiir kale oo ka mid ah PMA, ayaa soo bandhigay talooyin xirfadeed oo muujinaya fahamka saameynta badeecadaha tayadoodu liidato ku yeeshaan caafimaadka bulshada. Ururku wuxuu adkeeyey muhiimadda ay dhakhaatiirta iyo khubarada caafimaadku ku leeyihiin dhismaha nidaam tayo-dhowr oo hufan.

Kulanka oo ay ka qayb galeen khubaro iyo daneeyeyaasha kala duwan ayaa lagu soo gudbiyey aragtiyo la xiriira kormeerka caafimaadka, ka hortagga badeecadaha halista ah iyo dhisidda xeer ilaalin kara danaha shacabka. Ka-qaybgalka PMA wuxuu mar kale muujiyey doorka ururka ee hoggaaminta arrimaha caafimaadka iyo dhiirrigelinta sharciyada xaqiijiya adeegyo tayo sare leh oo bulshada Puntland u horseeda badbaado iyo caafimaad lagu kalsoonaan karo.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DHAKHAATIIRTA PUNTLAND EE PMA.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Puntland Medical Association
Puntland Parliament
PUNSAA
H.E Said Abdullahi Deni

๐—ž๐—ต๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ ๐—–๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฏ๐˜‚๐—ฟ๐—ด ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—œ๐˜๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ถ๐˜†๐—ฎ.Wasaaradda Caafimaadka Puntland / Wasaaradda Caafimaadka Sooma...
16/11/2025

๐—ž๐—ต๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ ๐—–๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฏ๐˜‚๐—ฟ๐—ด ๐—ฒ๐—ฒ
๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—œ๐˜๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ถ๐˜†๐—ฎ.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland / Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya,

Waxaa Itoobiya laga xaqiijiyey cudurka Marburg virus disease, iyadoo dhowr kiis laga helay koonfurta dalka.

Maadaama aynu nahay dal daris la ah oo leh isu-socod badan, waxaa muhiim ah in aynu si degdeg ah u feejignaanno.

Cudurkani wuxuu leeyahay calaamado daran sida qandho degdeg ah, shuban/matag daran, iyo dhiig-bax sanka afka iyo colaasha , Waxaana lagu kala qaadaa taabashada dhiigga iyo dheecaannada qof xanuunsan ama maydkiisa.

Waxaan si naxariis iyo masuuliyad leh idinka codsanayaa wasaaradaha caafimaadku.
1. In la adkeeyo kormeerka iyo baarista dadka ka imanaya xuduudaha.
2. In dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka la wargeliyo calaamadaha h**e iyo habraacyada karantiilka.
3. In kooxaha gurmadka degdegga ah loo diyaariyo kiisaska laga shakiyo.
4. In bulshada lagu wacyigeliyo ka hortagga iyo soo sheega calaamadaha h**e ee cudurkaan.

โœ…Diyaargarowga h**e waa difaaca ugu wanaagsan ee caafimaadkeenna.

Mahadsanidiin dadaalkiinna joogtada ah ee ilaalinta caafimaadka shacabka.

๐——๐—ฟ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ธ ๐—”๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ป.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Somali Medical Association
Puntland Medical Association
H.E Said Abdullahi Deni
Ministry of Health- Somalia

16/11/2025

๐—ซ๐˜‚๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ
14, ๐—ก๐—ผ๐˜ƒ (๐—ช๐—ผ๐—ฟ๐—น๐—ฑ ๐——๐—ถ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฒ๐˜๐—ฒ๐˜€ ๐——๐—ฎ๐˜†).
Xanuunka macaanku waa xaalad caafimaad oo u baahan feejignaan joogto ah, wacyigelin sax ah, baaritaan h**e iyo in la sameeyo jimicsi joogto ah. Ogaanshaha calaamadaha h**e ee Macaanka, qaadashada talooyinka caafimaad, iyo daryeelka joogtada ahi waxay door muhiim ah ka qaataan yareynta halista caafimaad ee la xiriirta cudurkaan iyo ilaalinta bulshada.

Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Puntland ee Gobollada Mudug iyo Cayn ๐——๐—ฟ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ธ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ถ ๐— ๐—ฎ๐—ท๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ผ, ayaa ka hadlay Munaasabada xuska Maalinta Macaanka Aduunka, sidoo kale Bulshada ku dhiiri-geliyey inay sameeyaan jimicsi joogto ah iyo inay saxaan hab nololeedkooda.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DHAKHAATIIRTA PUNTLAND EE PMA.


Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Puntland Medical Association

๐—š๐—”๐—”๐—Ÿ๐—ž๐—”๐—–๐—ฌ๐—ข: Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA) iyo isbitaalka Modern oo iskaashanaya waxay maanta  magaalada Gaalkacyo k...
14/11/2025

๐—š๐—”๐—”๐—Ÿ๐—ž๐—”๐—–๐—ฌ๐—ข: Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA) iyo isbitaalka Modern oo iskaashanaya waxay maanta magaalada Gaalkacyo ka qabteen olole caafimaad oo ballaaran oo lagu fulinayey baaritaanka cudurka macaanka, wacyigelinta bulshada iyo la-talinta caafimaadka ee la xiriirta cudurkaan. Ujeeddada ololahani waxay ahayd in bulshada la gaarsiiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh, isla markaana lagu xoojiyo wacyiga ku saabsan ka hortagga iyo xakamaynta xanuunka macaanka.

Munaasabadda ololahaan waxaa daah-furay oo ka qayb galay ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—จ๐—ฟ๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—ธ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐˜๐—ฎ ๐—ฃ๐˜‚๐—ป๐˜๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—š๐—ผ๐—ฏ๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐— ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—–๐—ฎ๐˜†๐—ป, ๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ ๐—ซ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฃ๐— ๐—”, ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—”๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—œ๐˜€๐—ฏ๐—ถ๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ผ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฟ๐—ป.

Intii uu ololuhu socday, dadyow badan oo ka mid ah bulshada magaalada Gaalkacyo ayaa ka faaโ€™iideystay adeegyada bilaashka ah ee la bixiyey, kuwaas oo ka koobnaa:

โœ…Baaritaanka heerka sonkorta dhiigga (Blood Glucose Screening).
โœ…La-talinta caafimaad ee dadka qaba ama halista u leh xanuunka macaanka.
โœ…Wacyigelin ku saabsan ka hortagga, maaraynta iyo hab-nololeedka caafimaadka qaba ee cudurkaan loola tacaalayo.

Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka ee PMA iyo Isbitaalka Modern ayaa bulshada siiyey fariimo muhiim ah oo la xiriira daryeelka caafimaadka, muhiimadda baaritaanka joogtada ah, iyo qaadashada hab nololeed caafimaad qaba si loo yareeyo khatarta cudurka macaanka.

๐ŸŽฏUrurka Dhakhaatiirta Puntland (PMA), wuxuu bulshada ugu baaqayaa inay joogteeyaan baaritaanada caafimaad iyo inay saxaan hab nololeedkooda si ay u yareeyaan khatarka xanuunka macaanka.

Ugu danbayn Ururka Dhakhaatiirta Puntland PMA waxa uu u mahadcelinayaa Isbitaalka Modern, oo qayb ka ahaa ololahan Caafimaad.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DHAKHAATIIRTA PUNTLAND EE PMA.


Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Puntland Medical Association

14/11/2025

๐—ซ๐—ฎ๐—ป๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ (๐——๐—ถ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฒ๐˜๐—ฒ๐˜€).
Xanuunka macaanku waa xaalad caafimaad oo u baahan feejignaan joogto ah, wacyigelin, iyo baaritaan h**e. Fahamka calaamadaha, ka hortagga, iyo daryeelka joogtada ah ayaa kaalin weyn ka qaata badbaadada bulshada iyo kor u qaadista caafimaadka guud.

Mowduucaan waxaa inoo soo jeediyey
๐——๐—ฟ ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ ๐—›๐—ฎ๐—ท๐—ถ, si loo yareeyo khatarta iyo halista caafimaad ee xanuunka Macaanka fadlan raac talooyinka dhakhaatiirtu bixinayso, sameeyaanaa Baaritaano h**e oo joogto ah.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DHAKHAATIIRTA PUNTLAND EE PMA.


Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Puntland Medical Association
Somali Medical Association

๐๐จ๐ฌ๐š๐ฌ๐จ: Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA), waxa uu magaalada Bosaso ka qabtay olole caafimaad oo ballaaran oo lagu ful...
14/11/2025

๐๐จ๐ฌ๐š๐ฌ๐จ: Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA), waxa uu magaalada Bosaso ka qabtay olole caafimaad oo ballaaran oo lagu fulinayey baaritaanka cudurka macaanka, wacyigelinta bulshada iyo la-talinta caafimaadka ee la xiriirta cudurkaan. Ujeeddada ololahani waxay ahayd in bulshada la gaarsiiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh, isla markaana lagu xoojiyo wacyiga ku saabsan ka hortagga iyo xakamaynta xanuunka macaanka.

Munaasabadda furitaanka ololaha waxaa si rasmi ah u daah-furay oo ka qayb galay ๐†๐ฎ๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐š๐๐š ๐๐จ๐ฌ๐š๐ฌ๐จ, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ซ ๐…๐š๐ซ๐š๐ก ๐’๐š๐ข๐ oo uga mahadceliyey ururka PMA iyo howl-wadeenada caafimaadka dadaalka ay u hayaan bulshada. Sidoo kale, munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ค๐ก๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐ƒ๐ซ ๐€๐›๐๐ข๐ซ๐ข๐ฌ๐š๐ค ๐€๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐Š๐š๐ฅ๐›๐ฎ๐ง๐ฒ๐š๐ง, oo muujiyey sida ay ururku uga goโ€™an tahay horumarinta caafimaadka bulshada iyo kor u qaadista adeegyada caafimaadka ee heer bulsho.

Intii uu ololuhu socday, boqolaal ka mid ah bulshada magaalada Bosaso ayaa ka faaโ€™iideystay adeegyada bilaashka ah ee la bixiyey, kuwaas oo ka koobnaa:

โœ…Baaritaanka heerka sonkorta dhiigga (Blood Glucose Screening).
โœ…La-talinta caafimaad ee dadka qaba ama halista u leh xanuunka macaanka.
โœ…Wacyigelin ku saabsan ka hortagga, maaraynta iyo hab-nololeedka caafimaadka qaba ee cudurkaan loola tacaalayo.

Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka ee PMA ayaa bulshada siiyey fariimo muhiim ah oo la xiriira daryeelka caafimaadka, muhiimadda baaritaanka joogtada ah, iyo qaadashada hab nololeed caafimaad qaba si loo yareeyo khatarta cudurka macaanka.

๐ŸŽฏUrurka Dhakhaatiirta Puntland (PMA), wuxuu bulshada ugu baaqayaa inay joogteeyaan baaritaanada caafimaad iyo inay saxaan hab nololeedkooda si ay u yareeyaan khatarka xanuunka macaanka.

Ugu danbayn Ururka Dhakhaatiirta Puntland PMA waxa uu u mahadcelinayaa shirkadda isgaaraiinta Golis, oo qayb ka ahayd ololahan Caafimaad.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DHAKHAATIIRTA PUNTLAND EE PMA.


Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Puntland Medical Association

๐—š๐—”๐—”๐—Ÿ๐—ž๐—”๐—–๐—ฌ๐—ข: ๐Ž๐ฅ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐š๐š๐ซ๐ข๐ญ๐š๐š๐ง๐ค๐š, ๐–๐š๐œ๐ฒ๐ข๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‹๐š ๐ญ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฑ๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐œ๐š๐š๐ง๐ค๐š ( ๐’๐จ๐ง๐ค๐จ๐ซ๐จ๐ฐ๐ ๐š ) ๐’๐ข ๐›๐ข๐ฅ๐š๐š๐ฌ๐ก ๐š๐ก!๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ค๐ก๐š...
13/11/2025

๐—š๐—”๐—”๐—Ÿ๐—ž๐—”๐—–๐—ฌ๐—ข: ๐Ž๐ฅ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐š๐š๐ซ๐ข๐ญ๐š๐š๐ง๐ค๐š, ๐–๐š๐œ๐ฒ๐ข๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‹๐š ๐ญ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฑ๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐œ๐š๐š๐ง๐ค๐š ( ๐’๐จ๐ง๐ค๐จ๐ซ๐จ๐ฐ๐ ๐š ) ๐’๐ข ๐›๐ข๐ฅ๐š๐š๐ฌ๐ก ๐š๐ก!

๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ค๐ก๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ (๐๐Œ๐€) Isaga oo kaashanaya ๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐Œ๐จ๐๐ž๐ซ๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐จ๐๐ž๐ซ๐ง ๐Œ๐ž๐๐ข๐œ๐š๐ฅ ๐…๐จ๐ฎ๐ง๐๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง (๐Œ๐Œ๐…) wuxuu magaalada ๐†๐š๐š๐ฅ๐ค๐š๐œ๐ฒ๐จ ku qabanayaa barnaamij caafimaad oo lagu ogaanayo cudurka macaanka (diabetes) iyo wacyigelin ku saabsan caafimaadka bulshada ee la xiriirta xanuunka sonkorowga.

๐Ÿ“… Maalinta: 14 November 2025 ๐‰๐ฎ๐ฆ๐œ๐ž
๐Ÿ“ Goobta: Isbitaalka Modern
๐Ÿ•— Waqtiga: 8:00 subaxnimo โ€“ 11:00am Barqanimo iyo 4:00pm ilaa 5:30pm Galabnimo.

๐ŸŽฏMuhiimadda:
โœ…Baaritaan bilaash ah.
โœ…Talo caafimaad iyo wacyigelin ku saabsan xanuunka sonkorta.
โœ…Ogaanshaha h**e waa tallaabada ugu horreysa ee badbaadada caafimaadka.

๐Š๐š ๐…๐š๐š๐ข๐ข๐๐ž๐ฒ๐ฌ๐ข ๐–๐š๐œ๐š๐ง.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DHAKHAATIIRTA PUNTLAND EE PMA.

.

๐—๐”๐’๐Š๐€ ๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐๐“๐€ ๐‚๐€๐€๐‹๐€๐Œ๐ˆ๐†๐€ ๐€๐‡ ๐„๐„ ๐Œ๐€๐‚๐€๐€๐๐Š๐€ ( ๐–๐Ž๐‘๐‹๐ƒ ๐ƒ๐ˆ๐€๐๐„๐“๐„๐’ ๐ƒ๐€๐˜ ).๐Ÿ“… November 14Ururka Dhakhaatiirta Puntland (๐๐Œ๐€) waxa uu ...
13/11/2025

๐—๐”๐’๐Š๐€ ๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐๐“๐€ ๐‚๐€๐€๐‹๐€๐Œ๐ˆ๐†๐€ ๐€๐‡ ๐„๐„ ๐Œ๐€๐‚๐€๐€๐๐Š๐€ ( ๐–๐Ž๐‘๐‹๐ƒ ๐ƒ๐ˆ๐€๐๐„๐“๐„๐’ ๐ƒ๐€๐˜ ).

๐Ÿ“… November 14

Ururka Dhakhaatiirta Puntland (๐๐Œ๐€) waxa uu bulshada reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa xuska Maalinta Caalamiga ah ee Macaanka (Sonkorowga) oo sannad kasta la xuso 14-ka November. Maalintan caalamiga ah ayaa lagu xoojiyaa wacyigelinta ku saabsan cudurka macaanka, saamayntiisa, iyo muhiimadda ogaanshaha h**e si looga hortago dhibaatooyinka caafimaad ee uu keeno.

Cudurka macaanku waa mid si xawli ah ugu sii kordhaya bulshada, wuxuuna khatar ku yahay caafimaadka dadka waaweyn iyo carruurta labadaba. Sidaa awgeed, Ururka Dhakhaatiirta Puntland (๐๐Œ๐€) wuxuu bulshada ugu baaqayaa inay qaataan hab nololeed caafimaad leh, oo ay ka mid yihiin:

โœ…Cunista cunto isku dheelitiran oo aan sonkor badan lahayn,
โœ…Sameynta jimicsi joogto ah,
โœ…Ka fogaanshaha sigaarka iyo cabitaannada sonkorta badan,
โœ…Iyo in la sameeyo baaritaanno caafimaad oo joogto ah, gaar ahaan baaritaanka heerka sonkorta dhiigga.

๐ŸŽฏUrurka Dhakhaatiirta Puntland wuxuu ku dhiirrigelinayaa dhammaan xarumaha caafimaadka, hayโ€™adaha caafimaadka, iyo bulshada rayidka ah inay iska kaashadaan ๐–๐š๐œ๐ฒ๐ข๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Ž๐ ๐š๐š๐ง๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ž ee cudurka ๐Œ๐š๐œ๐š๐š๐ง๐ค๐š, si loo yareeyo halista iyo dhibaatooyinka uu sababo cudurkani.

Sidoo kale, ๐๐Œ๐€ waxa uu qabanayaa olole caafimaad oo ka kooban ๐–๐š๐œ๐ฒ๐ข๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง, ๐๐š๐š๐ซ๐ข๐ญ๐š๐š๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐‹๐š ๐ญ๐š๐ฅ๐ข๐ง bilaash ah oo lagu qaban doono magaalooyinka waaweyn ee ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐, si bulshada loogu fududeeyo helitaanka adeeg caafimaad oo degdeg ah, isla markaana kor loogu qaado fahamka iyo muhiimadda ay leedahay ka hortagga iyo xakamaynta cudurka macaanka.

๐Ÿ“Magaalooyinka lagu qabanayo ololahan Caafimaad.
๐๐จ๐จ๐ฌ๐š๐š๐ฌ๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐š๐ฅ๐ค๐š๐œ๐ฒ๐จ.

Ugu dambeyn, Ururka Dhakhaatiirta Puntland (๐๐Œ๐€) wuxuu mar kale bulshada xasuusinayaa in: ๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐œ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ฅ๐š ๐ฑ๐š๐ค๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ง ๐ค๐š๐ซ๐จ ๐›๐š๐ฅ๐ฌ๐ž ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก ๐ข๐ง ๐ฅ๐š ๐จ๐ ๐š๐š๐๐จ ๐ฐ๐š๐ช๐ญ๐ข๐ ๐ข๐ข๐ฌ๐š.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DHAKHAATIIRTA PUNTLAND EE PMA.

๐—•๐—ข๐—ข๐—ฆ๐—”๐—”๐—ฆ๐—ข: ๐Ž๐ฅ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐š๐š๐ซ๐ข๐ญ๐š๐š๐ง๐ค๐š, ๐–๐š๐œ๐ฒ๐ข๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‹๐š ๐ญ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฑ๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐œ๐š๐š๐ง๐ค๐š ( ๐’๐จ๐ง๐ค๐จ๐ซ๐จ๐ฐ๐ ๐š ) ๐’๐ข ๐›๐ข๐ฅ๐š๐š๐ฌ๐ก ๐š๐ก!Ururka Dhakhaa...
12/11/2025

๐—•๐—ข๐—ข๐—ฆ๐—”๐—”๐—ฆ๐—ข: ๐Ž๐ฅ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐š๐š๐ซ๐ข๐ญ๐š๐š๐ง๐ค๐š, ๐–๐š๐œ๐ฒ๐ข๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‹๐š ๐ญ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฑ๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐œ๐š๐š๐ง๐ค๐š ( ๐’๐จ๐ง๐ค๐จ๐ซ๐จ๐ฐ๐ ๐š ) ๐’๐ข ๐›๐ข๐ฅ๐š๐š๐ฌ๐ก ๐š๐ก!

Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA) wuxuu magaalada Boosaaso ku qabanayaa barnaamij caafimaad oo lagu ogaanayo cudurka macaanka (diabetes) iyo wacyigelin ku saabsan caafimaadka bulshada ee la xiriirta xanuunka sonkorowga.

๐Ÿ“… Maalinta: 13 November 2025 Khamiis
๐Ÿ“ Goobaha: Agagaarka Hoteelka Juba & Suuqa Caanaha Bosaso
๐Ÿ•— Waqtiga: 8:00 subaxnimo โ€“ 1:00 duhurnimo

๐ŸŽฏMuhiimadda:
โœ…Baaritaan bilaash ah.
โœ…Talo caafimaad iyo wacyigelin ku saabsan xanuunka sonkorta.
โœ…Ogaanshaha h**e waa tallaabada ugu horreysa ee badbaadada caafimaadka.

๐Š๐š ๐…๐š๐š๐ข๐ข๐๐ž๐ฒ๐ฌ๐ข ๐–๐š๐œ๐š๐ง.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DHAKHAATIIRTA PUNTLAND EE PMA.

.

12/11/2025

URURKA DHAKHAATIIRTA PUNTLAND (PMA)

BAARITAAN BILAASH AH OO MACAANKA (DIABETES)

Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA) waxa uu ku qabanayaa Magaalada Bosaso olole caafimaad oo lagu ogaanayo cudurka macaanka (diabetes) iyo wacyigelin ku saabsan caafimaadka bulshada.

๐Ÿ“… Maalinta: beri subax 13 November 2025
๐Ÿ“ Goobaha: Agagaarka Hoteelka Juba & Suuqa Caanaha BOSASO
๐Ÿ•— Waqtiga: 8:00 subaxnimo โ€“ 1:00 duhurnimo

Waxaa la samaynayaa baaritaan bilaash ah oo sonkorta dhiigga, talo caafimaad, iyo wacyigelin ku saabsan cunto iyo jimicsi.

Ogow heerka sonkortaada โ€” Ogaanshaha h**e waa badbaado!โ€

01/11/2025

๐—ช๐—ฎ๐—ฐ๐˜†๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป ๐—ž๐˜‚ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—™๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ซ๐—ฎ๐—ป๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฎ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ (๐—œ๐—ก๐—™๐—Ÿ๐—จ๐—˜๐—ก๐—ญ๐—”).

Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA) wuxuu bulshada ku wargelinayaa in maalmihii u dambeeyay la arkayay koror ku yimid kiisaska xanuunka hargabka daran ee (Influenza), oo ah cudur si fudud ugu fidaya bulshada, gaar ahaan xilliyada isbeddelka cimiladu dhacdo.

Xanuunkan wuxuu saameeyaa neef-mareenka, waxaana calaamadiisa ka mid ah:

โ–ช๏ธQandho iyo jir-xanuun guud.
โ–ช๏ธQufac iyo hindhiso badan.
โ–ช๏ธMadax-xanuun, daal iyo sanka oo dareeraya.

๐Ÿ“Ururka PMA wuxuu bulshada ugu baaqayaa inay qaataan tallaabooyin taxaddar leh si loo yareeyo faafitaanka cudurka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
โœ… Gacmo-dhaqasho joogto ah.
โœ… Ka fogaanshaha meelaha ciriiriga ah ama jaamka ah
โœ… Xirashada face-mask haddii la dareemo calaamadaha Hargabka.
โœ… Raadsashada daryeel caafimaad haddii calaamadaha ay sii daraan.

Mowduucaan waxaa si qoto dheer uga hadlay ๐——๐—ฟ ๐—•๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐˜‚๐—ฑ ๐—ก๐˜‚๐˜‚๐—ฟ oo ka mid ah dhakhaatiirta PMA.

๐ŸŽฏSi loo yareeyo khatarta Hargabkaan fadlan raac talooyinka dhakhaatiirtu bixinayso.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DHAKHAATIIRTA PUNTLAND EE PMA.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Puntland Medical Association

Address

Garoowe
4747

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Medical Association posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram