Dr samira jama

Dr samira jama Dagalkan waxaan ugu tala galay wacyigelinta caafimaadka Bulshada, iyo inaan uga hadlo kor u qaadida

final precentation of DTTP program Wolaita S**o University๐Ÿคš๐Ÿ˜
02/01/2024

final precentation of DTTP program Wolaita S**o University๐Ÿคš๐Ÿ˜

16/11/2023

Wax ka ogow xanuunada khatartaa Ee lugu kala qaado dhunkashada ๐Ÿ’‹

10/11/2023

UUR MALEEDAHAY AMA ILMA MA DHASHAY ?
waa oraah ay somalidu ku wareeriso lamaanaha guurka cusub, suaashan waxay phsycologically ahaan u dhawacaysaa quluubta reerka cusub hadii aysan wali wax isu dhalin

06/11/2023

Dhalma laโ€™aanta ragga iyo dumarka wey ka timadaa lakiinse dumarka maxaa loogu eedeyaa ?

hadii aad ka mid tahay hablaha barta kuliyada umulisanimada dhawaana ka qalin badalanaya takhasus noocee ah jclaan lahyd...
28/10/2023

hadii aad ka mid tahay hablaha barta kuliyada umulisanimada dhawaana ka qalin badalanaya takhasus noocee ah jclaan lahyd inaad sameyso waa noo muhiim fikirkaagu

๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐—ž๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ด๐—ด๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ข๐—ผ ๐—ฆ๐—ถ ๐——๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐—จ ๐—ค๐˜‚๐—น๐—พ๐˜‚๐—น๐—ฎ (๐— ๐—ฒ๐—ป๐—ผ๐—ฟ๐—ฟ๐—ต๐—ฎ๐—ด๐—ถ๐—ฎ)? Kadib xiliga qaangaarka gabar walba waxaa ay lakulantaa...
30/09/2023

๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐—ž๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ด๐—ด๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ข๐—ผ ๐—ฆ๐—ถ ๐——๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐—จ ๐—ค๐˜‚๐—น๐—พ๐˜‚๐—น๐—ฎ (๐— ๐—ฒ๐—ป๐—ผ๐—ฟ๐—ฟ๐—ต๐—ฎ๐—ด๐—ถ๐—ฎ)?

Kadib xiliga qaangaarka gabar walba waxaa ay lakulantaa dhiiga caadada celcelis ahaan 21-35 beri-ba mar, waana xaalad caadi ah. Habab badan ayay soo martaa caadadu waxaana ka mid ah in maskaxda laga soo daayo hormoono si ay umaamulaan hormoono kale oo laga soo daayo ovary-ga minka ee haweenka.

Ugxamaha lagasoo daayo ovary-ga hadii ay waayaan shahwada ragga mudo 24saac kusiman waxaa baaโ€™baya ugxanta taasoo keenta in minkii loo diyaariyey bacrimintu ay ku dhacdo hungo uuna joojiyo nafaqadii uu ku wada darbiga minka taaso keenta in dhiig iyo xinjiro ay isku aragto gabadhu 3-7 beri. Dhiigaas waxaa lagu qiyaasaa 35mililitir.

Menorrhagia waa markii uu dhiigu caadadu aad uga sareeyo cadadkiisa caadiga ah, waxaana laga dareemi karaa tampon-ka ay gabadhu xirantahay, taaso keeni karta inay iska badasho saacadii ama labadii saacadood hal tampon.

Sidoo kale waxaa macquul ah in habeenkii ay kakacdo hurdada iskana badasho tampon, in xinjiro badani la socdaan dhiiga, iyo in dhiiga caadadu uu qaato watqi kabadan intii horey loogu yaqiiney.

Badnaanta dhiigani waxay keenaysaa calaamado cusub oo gabadha kusoo baxa sida daal, dhiigyari (anemia), nafaqo daro, neefsashado oo yaraata, walwal kuyimaada xiliyada caadada iyo in ay saamayn ku yeelato shaqadeeda maalinlaha ah.

๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐—ป ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐˜‚ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜๐—ผ?

isu dheelitirnaanta hormoonada kala duwan ee ku shaqada leh inay ugxanta u diyaariyaan bacrimin ayaa la ogaaday inay tahay sababta ugu weyn ee ku lug leh marxaladan, gabdhaha daโ€™da yar iyo dumarka caadagowska ku dhaw ayaa ugu badan isu dheelitirnaan laโ€™aanta hormoonada ee keenta menorrhagia.

Burooyinka aan kaankarada ahayn ee kasoo baxa minka, uurka aan ku talaalmin gudaha minka, infekshinka ku dhaca minka, kaankarada ku dhacda minka, iyo dawooyinka qaarkood ayaa iguna ah sababo kale oo marxaladaan ku imaan karto.

๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ ๐—น๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐—ฎ๐˜„๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ?

maahan wax adag in la daweeyo marxaladaan, daaweyntiisuna waxay ku xirantahay hadba waxa sababa oo meesha laga saaro, tusaale hadii ay sababtu tahay buro kasoo baxday minka waxaa lagu daweynkaraa qaab qaliin ah, hadii ay tahay infekshin waxaa lagu daweyn karaa qaab daawo ah, waxaana lagama maarmaan ah inaad booqato dhakhtar hadaad isku aragto calamadaha menorrhagia

๐—ง๐—ฎ๐—น๐—ผ

marxaladaan waxay keeni kartaa dhiigyari, waxaa muhiim ah inaad is nafaqayso. Ceeb maahan inaad waxii dhib ah aad la qaysabto dhakhtarka, walwalka iyo baqdinta badani waxay keenaan xanuuno kale ee haka xishoon inaad la wadaagto dhakhtarka waxii cilada oo jira.

Akhriste ugu yaraan hadaad akhrisatay qormdan caafimaad fadlan saar si ay walaalaha kale ee boggan ku xiran usii gaarto, haddi aad sii garaysid-na kaba sii fiican oo walaalaha iyo saaxiibadaada ayaa waxaad faa'iiday lasii wadaagtay, anigana dhiirigelin bay ii tahay mahadsanidiin

Daryeel Magazine

Maanta ayaanu soo gaba gabeyneyn sanadkii ugu hereeyey ee master of Reproductive health sanad kale oo cusub ayaan bilaab...
05/09/2023

Maanta ayaanu soo gaba gabeyneyn sanadkii ugu hereeyey ee master of Reproductive health

sanad kale oo cusub ayaan bilaabi doonaa insha allah๐Ÿ˜˜๐Ÿคš

meccaโค๏ธ
09/05/2023

meccaโค๏ธ

Maanta Macalin Kobac wuxu inala wadaagay Mama Maandeeq oo iyada oo la badbaadin karayey geeryootay xilligii ummusha kadd...
13/03/2023

Maanta Macalin Kobac wuxu inala wadaagay Mama Maandeeq oo iyada oo la badbaadin karayey geeryootay xilligii ummusha kaddib markii ninkeedii diiday qalliinka. Laakiin maanta oo keli ah maaha ee mar kasta waxaynu aragnaa Hooyo u geeryoota ummul-raac ama ummul aroor inta la tuugayo saxeexa ninkeeda ama qof ehelkeeda ah. Sidee qof dhan noloshiisa loogu ogolaan karaa qof kale. Mar aan arrinkan soo jeediyey in wax laga qabto dad baa igula dooday haddii dhakhaatiirta loo madaxbanneeyo goโ€™aankooda way ka ganacsanayaan oo qof walba way qalayaan si ay lacag uga sameeyaan. Si taas lafteeda looga hortago waxa loo baahan yahay Xeer badbaadiya hooyada iyo ilmaha oo laba dhakhtar iyo ka badan ay qaadan karaan goโ€™aanka badbaadada ummusha haddii ninkeedu diido. Ilaahay ha u naxariisto Mama Maandeeq.

xigasho

Paranoid personality disorder (PPD): waa xanuun-maskaxeed leh in dadka laga aamin-baxo ama aad looga shakiyo iyadoo aan ...
10/03/2023

Paranoid personality disorder (PPD): waa xanuun-maskaxeed leh in dadka laga aamin-baxo ama aad looga shakiyo iyadoo aan jirin sabab cad oo shakigaa keenaysa!

Xanuunkan dadka qabaa, inta badan waxa ay ku jiraan foojignaan xad-dhaaf ah iyadoon balaayaba jirin.

Xanuunkan dadka qabaa, waxa ay aaminsan yihiin in dadku bahdilayaan,yasayaan,Khiyaamaynayaan, waxyeelaynayaan ama ay khatar ku yihiin!

Calaamadaha lagu garto xanuunkan:

* Aamin-daro wayn iyo shaki laga qabo dadka kale iyo ujeedooyinka u qarsoon
* In la aamino in dadka kale wax ku yeelayaan ama ku khiyaamaynayaan adigoon sabab iyo cadayn midna hayn
* In shaki wayn laga qabo daacadnimada iyo inta la aamini karo dadka, bilaa sabab iyo bilaa cadayn
* In aad ka walaacdo in arimahaaga hoose aad u sheegato dadka kuu dhow, adigoo si bilaa sabab ah uga cabsanaya in sirtaad u sheegatay ay dib kuugu adeegsadaan,
* In aad faalo caadi ah ama xaalad aan sinaba khatar u ahayn aad u aragto in lagu caayayo ama weerar lagugu yahay
* Dareen cadho iyo cadaawad leh oo aad kaga jawaabto dhaliil fudud oo laguusoo jeediyay
* In aad cuqdad u hayso dadka oo aad wax ka tirsanayso

Xanuunkani laba sababood ayuu ku yimaadaa oo kala ah
1. Deegaankaad kusoo kortay xaaladihii ka jiray iyo dhibaatooyin aad usoo joogtay
2. In waalidkaa qabay oo hidde-siduhu kuusoo gudboyay.

Marka koowaad, Haddaad calaamadahan isku aragtay u tag dhakhtar. Marka labaad miyaad umalaynaysaa in xanuunkani inagu badan yahay?

06/03/2023

Uur ma ledahay ama ma rajenaysaa in aad yeelato raac talooyinkan

1:Hadii aad isku aragtid walac ama lalabo isticmaal lin dhanaan,liintu waa ka hortage mataga iyo lalabada

2: Hadii aad isku aragtid daal cun cuntooyinka nafaqadda leh sida hilibka ,qudaarta,qamadida iyo soorta waxaad ka helaysaa awood.

3:hadii ay hurdo la,aan ku haysa ha isku isticmaalin daawoyinka hurdada adiga oo aan la tashanin dhaqtarkadda ama kalkaalisada,iskuday in aad xili fiicana seexato.

4:hadii aad isku aragtid stress ama isku buuqid isla markiiba la xariir dhaqtarkada ama saxiibadaah lana wadaag dhibta ku haysato,wada sheegaysiga waxaa ku yaarada streeska (cilmi baaris)

5: hadii aad isku aragtid dhabar xanuun ka fagoow waxkasta oo ku keeni kara dhabar xanuunka sida waxyabaha culus.

6: Ha isticmaalin dawooyinka la isku cadeeyo sida dorna,beta iyo five start waxay qatar galin karaan naftada iyo mida cuniga

7-Inta aad uur ledahay ha isku badsan maleyga,maleygu qarkoodna wuxuu dhawac gaarsiin karaa ilamaha uurka ku jira

8-cab caanaha ,caanuhu wuxuu dhisaa lafa jirka

W/Q Dr Cadceed

halkani waa jaamacada hawassa shucuubta koonfureed ee dalka ethopia
14/01/2023

halkani waa jaamacada hawassa shucuubta koonfureed ee dalka ethopia

Address

Garowe

Telephone

+252906741456

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr samira jama posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr samira jama:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram