18/08/2025
Maamulka Isbitaalka Gal-Nugaal waxa uu si cad u beeninayaa wararka been abuurka ah ee lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo lagu sheegay, in shaqalaha Isbitaalka laga celiyay inay soo galaan gudaha xarunta, in Qaybo muhiim ah oo shaqaalaha isbitaalku ay ka howl-geli jireen la xiray oo shaqadu istaagtay, iyo in Agaasime ku-xigeenka Isbitaalka laga hor istaagay xafiiskiisa."Wararkan waa been abuur iyo marin-habaabin bulshada lagu qaldayo laguna rabo in magaca iyo maqaamka Isbitaalka Gal-Nugaal lagu suurad xumeeyo, Isbitaalku hadda waxa uu si buuxda ugu adeegaa bulshada, dhammaan shaqaalihiisuna waxay ku guda jiraan hawlahooda maalinlaha ah" Isbitaalka Gal-Nugaal tan iyo markii la furay, waxa uu bulshada u qabtay adeegyo caafimaad oo muhiim ah, oo ay kamid yihiin:Qaybta Hooyada iyo Dhallaanka โ daryeelka haweenka iyo carruurta.Qaybta gargaarka Deg-degga eeโ bukaanada xaaladaha halista ah.Qaybta cudurrada faafa iyo kuwa aan faafin โ sida duumada, jadeecada, iyo cudurrada kale ee bulshada dhibaato ku haya.Qalliinnada fudud iyo adeegyada shaybaarka oo dhamaantood ah bilaash.Isbitaalka waxa uu noqday xarunta caafimaad ee ugu weyn gobolka Nugaal iyo deegaanada ku hareeraysan, iyadoo kumannaan qof sannad kasta adeeg ka helaan.