AbdaLe Official

AbdaLe Official Dhamaan dadka Soomaalida meel kasta ay joogan pagekan waxad ka helaysan, aqoon buuxda oo Caafimaadka

27/09/2024

Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun, Kulu nafsin daa'iqatul mawt Waa Geeri xanuun badan Geerida ku timi Abdiladiif M Yusof alle haku naxaristo abti.

25/05/2023

Dr Mahfud Mydear. Jawaabtii uu ku difaacay eedaynti Cabdi Malik Coldoon u so jeediyay Edna Adan

Wareegto Madaxweyne : 02/09/2021Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Mad...
02/09/2021

Wareegto Madaxweyne : 02/09/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Maxamed Muuse Diiriye,
Wasiirkii H**e ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha,

Ku: Jaamac Maxamuud Cigaal,
Wasiirkii H**e ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta

Ku: Yuusuf Mire Maxamed (Boos),
Wasiirkii H**e ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

Ku: Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed,
Wasiirkii H**e ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

Ku: Axmed Muumin Seed Habane,
Wasiirkii H**e ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha

Ku: Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble,
Wasiir Ku-xigeenkii H**e ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Ku: Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed
Wasiir Ku-xigeenkii H**e ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle,
Wakiilkii H**e ee Somaliland ee Dalka Itoobiya

Ku: Farxaan Aadan Haybe,
Guddoomiyihii H**e ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

Ku: Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi,
Guddoomiyihii H**e ee Baanka Dhexe

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1. Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

2. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

3. Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

5. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

6. Cabdillaahi Faarax Cabdi Muuse Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

7. Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

8. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

9. Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

10. Cabdillaahi Abokor Cismaan Aw Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka & Guriyeynta.

11. Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare Cismaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Wershadaha.

12. Baashe Cawil Cumar Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

13. Liibaan Yuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

14. Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

15. Cabdiraxmaan Cali Cabdi Cali Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.

16. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska.

17. Cabdillaahi Xuseen Maxamed Cilmi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga.

18. Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Gobollada iyo Dawladaha Hoose.

19. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda.

20. Siciid Axmed Jibriil Bahal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

21. Cabdixakiim Siciid Muuse Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

22. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

23. Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya.

24. Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Guddoomiyaha Baanka Dhexe.

25. Khaalid Jaamac Axmed Ducaale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.


ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

22/08/2021

Inta aad nooshahay waxa ugu weyn oo farxad ama murug ku dareensiiya wa sida aad u fikirayso xaaladdeena nololeed waxa abuurey waa sida aan u fikirayno

Galab wanagsan 😍

21/08/2021

"Markay arrimuhu u dhici waayaan sidii la qorsheeyay iska jooji welwelka oo qaado nasasho aan qorsheysnayn si aad naftaada u soo ceshato."

Hayso usbuuc wax soo saar leh 😊

Ilahay baa wayn ☝
21/08/2021

Ilahay baa wayn ☝

16/08/2021

"Hayso bisayl aad mararka qaarkood ku ogaato in aamusnaanta ay ka awood badan tahay haysashada erayga ugu dambeeya."

28/12/2020

Farxaddu waa xaalad maskaxeed. Waa marka loo eego sida aad wax u eegto.

Wehel Ka dhigo AbdaLe official

26/11/2020
✌
12/10/2020

Address

Hargeisa UoH Area
Hargeisa
HEALTHEDUCATION

Telephone

+252634474020

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when AbdaLe Official posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category