08/02/2026
🔥 Maareynta Xummadda (Qandhada) – Fever Management
Xummadu ma aha cudur lakiin waa calaamad muujinaysa in jidhku la dagaallamayo infection. Haddaba si aad u maarayso xummada raac tilmaamahan soo socda:
✅ RAAC TALLAABOOYINKA:
✔️ Qaado nasasho kugu filan
✔️ Cab biyo badan kana ilaali jidhkaaga ama ilmahaaga fuuq baxa (Dehydration) adiga oo qaadanaya ama ilmahaaga siinaya ORS, Sharaab sida Liin Macaanta, Maraq IWM.
✔️ Isticmaal Panda ( ) si loo dejiyo xummadda (qandhada)
✔️ Raac qiyaasta saxda ah ee loo isticmaalo noocyada kala duwan ee Panda Tablet, Effervercent, Syrup, Panda Extra adiga oo u eegaya qiyaasta saxda ah (da’da & miisaanka)
✔️ Jidhka ku masax biyo diirran haddii xummaddu kugu badato
✔️ Ku dedaal inaad hawo fiican hesho
✅ Sida loo qaato Paracetamol (Panda) Carruurta iyo dadka waaweyn ba (Dosage):
✔️ Carruurta 1bil jirta ama ka weyn waxa la siiyaa 15mg/kg 3 ilaa jeer maalintii, ugu badnaan 60mg/kg ayaa maalintii la siin karaa.
✔️ Dadka waaweyn waxa la siin karaa 1g 3 ilaa 4 waqti ugu badnaan waxaad qaadan kartaa 4g maalintii.
🚫 KA FOGOOW WAXYAABAHAN:
❌ Isticmaal antibiyootiga (Antibiotics) adoon dhakhtar la tashan
❌ Isku darka dawooyinka xummadda ee kala duwan
❌ Ha qaadan, carruurtana ha siin wax ka badan qiyaasta la oggol yahay
⚠️ GOORMAAD DHAAKHTAR U BAABAN TAHAY:
🔸 Haddii xummaddu ku hayso muddo ka badan 3 maalmood
🔸 Haddii ay xummaddu gaadho 39°C ama ka badan marka la cabbiro
🔸 Haddii ay la socoto matag, suuxdin, finan, ama qoorta oo adkaata
🔸 Carruurta yaryar, waayeel, iyo haween uur leh waxay u baahan yihiin taxadar dheeraad ah mar kasta
💊 Daawada koowaad ee WHO ku talisaa waqtiyada xummadu jirto waa PARACETAMOL ( PANDA), Sidoo kale waxa la qaadan karaa Ibuprofen ( )
📍 Mubaarak Pharma Co waxaad ka helaysaa dhammaan noocyada Joswe Panda Tablet,Panda Extra, Panda Effervercent, Panda Syrup oo ah noocyada ugu Tayada wanaagsan Paracetamol
📞 Nagala soo xidhiidh 0634182001/523044/711101