Caafimaadka Indhaha

Caafimaadka Indhaha Boggan waxaad kala socon kartaa casharo iyo talooyin caafimaad oo indhaha ah.

Mucaawiye clinic oo ku yaalla Magaalada Tog-Wajaale waxaa idiin iman doona Dr Caydarus Axmed Xirsi oo ah dhakhtar Indhee...
08/11/2022

Mucaawiye clinic oo ku yaalla Magaalada Tog-Wajaale waxaa idiin iman doona Dr Caydarus Axmed Xirsi oo ah dhakhtar Indheed.
Waxaad ka helaysaan adeeg caafimaad oo dhamays tiran.

08/12/2021

Orbit Eye clinic and optical uugu kaalay adeeg caafimaad oo indhaha ah.
Hargeysa, isgoyska madaxtooyada

08/10/2021

Si aad uula socoto casharo iyo talooyin caafimaad oo khuseeya indhaha fadlan la soco boggan oo like iyo follow ba sii.

Indhuhu waa quruxda Nolosha.

10/09/2021

Jumca wanaagsan.

Su'aalaha jimcaha kusoo qor xagga hoose.

31/07/2020

Ciid wanaagsan baan leenahay Ummadda Soomaaliyeed.
Nabad,Barwaaqo iyo Bashbash ku gaadha ciidkan ciidkiisa IA.

Maanta iyo COVID-19
25/05/2020

Maanta iyo COVID-19

24/05/2020

Warbixin Kooban

3 dii cisho ee u dambeeyey 110 baa la ga baadhay covid-19 oo dhamaantood jooga Hargeysa

Tirada laga helay: 37

Dhimashada Cusub : 3 Qof

Dadka dhintay waxa ku jira 24 jir dhalinyaro ah

Dadka la baadhay ah da'doodu waxay u dhaxaysaa 20 jir -40 jir

Waa maxay Daaf (Conjunctivitis)?Daafku waa caabuq ku dhaca  isha,gaar ahaan qaybta cad xuubka qarada yare ee ku dul yaal...
24/05/2020

Waa maxay Daaf (Conjunctivitis)?

Daafku waa caabuq ku dhaca isha,gaar ahaan qaybta cad xuubka qarada yare ee ku dul yaala.
(Xuubkaasi waa mid ku ku fidsan ilaa xiribaha xagooda hoose).

Maxaa keena Daafka?

Waxaa jira tirooyin keenayaal ah oo sababa Daafka,waxaana ka mid ah;
• Bakteeriya
• Fayras
• Allerji
• Dhaawac isha soo gaadha.

Daafka ay sababto Bakteeriya iyo fayrasku waxaa ay si dhib yar uugu gudbi karaan qof iyagoo qof kale ka imaanaya,laakiin maaha mid caafimaadka wax wayn u dhimaysa hadii sida saxda ah loo daaweeyo.midda carruurta yaryar ku dhacda waa in si dhakhso ah loogu wargaliyaa dhakhtarka.

Waa maxay calaamadaha Daafku?

Calaamaddaha daafku way kala duwanyihiin waxa caabuqa sababay awgeed,waxaa ka mid ah;
• Casaan ka muuqda qaybta cad ee isha.
• Qofka oo ilmo badan isku arka.
• Isha oo ay ka muuqdaan dheecaan huruudda.
• Qofka oo aan si wacan wax u arkin.
• Iftiinka oo dhiba.
• Isha oo uu ka dareemo gubasho.

Hadii aad calaamaddahan isku aragto la xidhiidh dhakhtarka indha si uu u baadho ishaada una daaweeyo,bakteeriyada iyo fayraska keena caabuqan waxay la xidhiidh yeelan karaan xannuunada layskugu gudbiyo Galmada.

Daawaynta Daafka.

Daawaynta Daafku waxa ay ku xidhantahay hadba waxa sababay caabuqa;
Bacteeriya: waxaa lagu daaweeya daawooyinka jeermiska dila ee loo yaqaan antibaayootics iyagoo ah il-dhibceedyo,dhiiqo illeed ama kiniin ahaan.xanuunku waxaa lagaga bogsan karaa muddo 7 cisho ah.
Fayras: caabuqa uu caynkan ah waxaa keena fayrasyada sidoo kale keena Durayga/Hargabka waxaana lagaga bogsoodaa 4 ilaa 7 cisho sida Durayga oo kale.
Fayrasku sidaan wada ogsoonahay malaha daawo,hadii caabuqu uu ku dhammaan waayo muddadaas si degdeg ah uula xidhiidh dhakhtarka indhaha.
Allerji: Waa in laga daaweeyaa xaasaasiyadda si looga taqaluso allerjida isha ku dhacday.
Waxaa dhacda iyadna in mararka qaar ay sababaan Daafka saxar ku dhaca isha,kiimiko gaadha iyo dhaawac soo gaadha isha.

Saxarka iyo kiimikada sababta indhocasaanka waxaa lagula tacaalaa in lagu maydho biyo isla markaa ilaa 4 saac ayay qaadan in ishu ay caadi noqoto.
Dhaawaca si gaar ah ayaa isagana loo dawayn,iyada oo la eegayo qaybaha kale ee u dhaw xuubka.

La wadag walaalkaa



31/03/2020

Alpha Eye care and Optical waa xarun caafimaad oo cusub lagaagana furay magaalada Hargeysa.

Wadada Togdheer,
Sakadda Maka Al-mukarama.

Waa tan farta ay xataa daawooyinka ku qoraan dhakhaatiirta dalkeenu.Ujeedooyin badanbaa sababay in saan loo qoro.
22/03/2020

Waa tan farta ay xataa daawooyinka ku qoraan dhakhaatiirta dalkeenu.
Ujeedooyin badanbaa sababay in saan loo qoro.

15/01/2020

mid ka mid ah cisbitaallada magaalada Hargeysa kuwooda uugu fiican xagga daawaynta Indhaha waa cisbitaalka MANHAL.
https://m.facebook.com/ManhalSpecialityHospital/

Manhal Specialty Hospital is a modern & high-tech medical facility providing exceptional patient care

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Caafimaadka Indhaha posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Caafimaadka Indhaha:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category