Dr Ismail Speciality Hospital

Dr Ismail Speciality Hospital Ku soo dhawoow isbitaalkaaga takhasuska lafaha ee Dr. Ismail.

Waxaad naga helaysaa daryeelka ugu fiican ee dhaawacyada lafaha, cudurada kala-goysyada, iyo qalliinada qurxinta, si aad ugu noolaato nolol farxad leh, hawl maalmeedkaagana u gudato

🚑 Hadii aad u baahato gargaar degdeg ah, ama dhaawac kusoo gaadho waxaad 24 saacadood naga soo garaaci kartaa nambarka g...
04/04/2026

🚑 Hadii aad u baahato gargaar degdeg ah, ama dhaawac kusoo gaadho waxaad 24 saacadood naga soo garaaci kartaa nambarka gaaban ee 3010. Ballamaha ka qabso 0637077773

Jimce wanaagsan! 🌸Ilaahay ha inoo ka dhigo Jimcahan maalin cibaado, caafimaad iyo cafis lagu kasbado🕌🕋 ✨
03/04/2026

Jimce wanaagsan! 🌸
Ilaahay ha inoo ka dhigo Jimcahan maalin cibaado, caafimaad iyo cafis lagu kasbado🕌🕋 ✨

31/03/2026

Si fudud u imow dhakhtarka Ismail Specialty Hospital oo halka ka hel dhamaan xogta aad u baahan tahay.

🚑 Hadii aad u baahato gargaar degdeg ah, ama dhaawac kusoo gaadho waxaad 24 saacadood naga soo garaaci kartaa nambarka gaaban ee 3010. Ballamaha ka qabso 0637077773

25/03/2026

🦵✨ Qalliinka Beddelka Jilibka

Marka xanuunka jilibku noqdo mid joogto ah, socodka adkeeya, hurdada carqaladeeya, isla markaana kaa hor istaaga nolol maalmeedka, qalliinka beddelista jilibku wuxuu noqon karaa xalka ugu fiican ee dib kuu siinaya dhaqdhaqaaq iyo inaad dib u socoto nolol maalmeedkaagana u qabsatid.

Qalliinkani waxa ujeedkiisu yahay in la yareeyo xanuunka, la soo celiyo shaqada jilibka, laguna caawiyo bukaanka inuu dib ugu laabto nolol firfircoon oo madax-bannaan.

🎥 Daawo fiidiyowgan si aad u aragto sida qalliinka beddelista jilibku u beddeli karo tayada nolosha bukaanka.

La kulan khabiirka dawaynta xanuunada iyo dhaawacyada jilbaha ee ka hawl gala Dr Ismail Specialty Hospital. Ballanta ka qabso 0637077773

22/03/2026

Dillaaca seedda jilibka ee ACL ka waa dhaawac culus oo ku badan ciyaaryahanada. Marka aad dareento xanuun, jilib aan xasilloonayn, laabista jilibka ama leexintiisa oo kugu adag ama jilibka oo si fudud u “kala baxaya”, waxa suurtogal ah inay yihiin calaamado muujinaya in ay seeddu dillaacday.

Muuqaalkan waxa aanu ku falanqaynaynaa dhaawacaas iyo siyaabaha kala duwan ee ay dhakhaatiirtu u baadhaan una daweeyaan.

Waaxda Qalliinka Dhaawacyada Ciyaaraha waxa lagu daweeyaa dhamaan dhaawacyada ciyaaraha ka yimaada anagoo dareemaynaa saamaynta ay ku yeelan karaan dhaawacyadu ciyaartiisa, ujeedkayaguna yahay in ciyaartoydu ku noqdaan heer ciyaareedkoodii ugu sarreeyey. 📞 Ballanta ka qabso: 0637077773

Ciid Mubaarak By Dr Abdirashid Ismail Ali 😍🤲🥳     ❤️
20/03/2026

Ciid Mubaarak By Dr Abdirashid Ismail Ali 😍🤲🥳

❤️

Address

Https://goo. Gl/maps/YcN4V9tYqUS8P4DV 7
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Ismail Speciality Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Ismail Speciality Hospital:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category

WHO WE ARE

Iyada oo aanu ka jawaabayno baahiyaha baahsan ee dhanka xannuunnada iyo qalliinnada lafaha, waxa aanu muddo ka badan 35 sanno ahayn isbitaalka ugu weyn ee Soomaalilaan iyo Soomaalida kaleba u qaabilsan arrimaha baadhista, dawaynta iyo maaraynta dhaawacyada lafaha ee dadyawgii ku waxyeelloobay kuna dhaawacmay dagaalladii sokeeye. Waxa aanu adeegga ka bixin jirnay isbitaallo kala duwan sida ‘Al-Kawsar’ iyo ‘Gargaar’. Sannadkii tagayna waxa aanu soo kordhinnay isbitaal cusub oo shaqayn doona 24/7 oo gaar u ah dhanka lafaha, kaas oo loogu magac daray aasaasaha “Dr. Ismaaciil”. Iyada oo laga faa’idaysanayo khibraddiisa ka badan 35-ka sanno iyo qalabka farsamada cusub ee casriga ah, ‘Isbitaalka takhasuska ah ee Dr. Ismaaciil’ waxa ay ujeeddadiisu tahay in uu bixiyo adeegga lafaha ee tayadiisu ugu sarrayso iyo daryeelka ugu fiican ee la bixin karo si loo yareeyo baahiyaha caafimaad ee dadku dibadda u aadaan.

Hiigsiga Iyo Hiraalka

“In uu hoggaan u noqdo adeegga caafimaad ee dhaawacyada lafaha oo tayadiisu sarrayso qiimuhuna macquul yahay, oo ku jaan go’an daryeelka iyo ‘danta bukaanka’, iyada oo la adeegsanayo tignoolajiyadii u danbaysay, lana hirgelinayo qawaaniinta cilmiga ku salaysan”.

Qiyamka: