Dr Ismail Speciality Hospital

Dr Ismail Speciality Hospital Ku soo dhawoow isbitaalkaaga takhasuska lafaha ee Dr. Ismail.

Waxaad naga helaysaa daryeelka ugu fiican ee dhaawacyada lafaha, cudurada kala-goysyada, iyo qalliinada qurxinta, si aad ugu noolaato nolol farxad leh, hawl maalmeedkaagana u gudato

Jimce wanaagsan! 🌸Ilaahay ha inoo ka dhigo Jimcahan maalin cibaado, caafimaad iyo cafis lagu kasbado🕌🕋 ✨
05/12/2025

Jimce wanaagsan! 🌸
Ilaahay ha inoo ka dhigo Jimcahan maalin cibaado, caafimaad iyo cafis lagu kasbado🕌🕋 ✨

04/12/2025

Waxaa ka bilaabmaya Dr Ismail Speciality Hospital qalliinka ladhabarta cadaadinaysa neerfaha ama xangullaha ee Endoscopic Discectomy. Farsamadan casriga ah ee lagu daaweynayo dhaawacyada dhabarka waxay dhakhtarka u ogolaanaysaa inuu sameeyo qalliinka iyadoo qofka jeex aad u yar lagu samaynayo, dhakhtarkuna isticmaalayo kamarada taasoo bukaanka u saamaxaysa inuu soo kabasho degdeg ah helo.

🔍 Maxaa ka dhigaya qalliinka Endoscopic Discectomy mid casri ah oo ka duwan qalliinadii h**e?
✔️ Dhabarka oo in yar la jeexayo.
✔️ Xanuun yar iyo soo kabasho degdeg ah
✔️ Bukaanka oo isla maalinta qalliinkaba gurigiisa tegi kara.

Khubarada xanuunada iyo dhaawacyada lafdhabarta ee Dr Ismaaciil ka hawl gala waxay diyaar u yihiin inay bukaanka siiyaan baadhitaan iyo qiimayn buuxda oo lagu kalsoonyahay, go’aan sax ah, iyo qorshe daaweyn oo qofka ku haboon iyagoo adeegsanaya farsamooyin iyo qalab casri ah qaybka ka noqdaan hayaanka soo kabashadaada.

📞 Is diiwaan geli maanta oo ka faaidayso fursadan. Ballanta ka qabso: 0637077773

Waaxda qalliinada dhaawacyada lafaha (Trauma Department) waxay si gaar ah u qaabilsan tahay daawaynta dhamaan xanuunada ...
04/12/2025

Waaxda qalliinada dhaawacyada lafaha (Trauma Department) waxay si gaar ah u qaabilsan tahay daawaynta dhamaan xanuunada iyo dhaawacyada lafaha soo gaadha kuwaasoo ka dhasha shilalka, jababka lafaha, dhaawacyada madaxa, iyo dhaawacyada gudaha. Waxaa waaxadan ka hawlgala dhakhaatiir khubaro ah oo diyaar u ah gurmad degdeg ah 24/7 kuwaasoo u hagar baxay inay kuu fidiyaan daryeel caafimaad oo heer caalami ah.
🚑 Hadii aad u baahato gargaar degdeg ah, ama dhaawac kusoo gaadho waxaad 24 saacadood naga soo garaaci kartaa nambarka gaaban ee 3010

🚑 Hadii aad u baahato gargaar degdeg ah, ama dhaawac kusoo gaadho waxaad 24 saacadood naga soo garaaci kartaa nambarka g...
02/12/2025

🚑 Hadii aad u baahato gargaar degdeg ah, ama dhaawac kusoo gaadho waxaad 24 saacadood naga soo garaaci kartaa nambarka gaaban ee 3010

Murqacashadu waa dhaawac ku dhaca seedaha kuwaas oo isku haya kala-goysyada. 1- Kalagoyska oo si xad dhaaf ah u maroorsa...
01/12/2025

Murqacashadu waa dhaawac ku dhaca seedaha kuwaas oo isku haya kala-goysyada.

1- Kalagoyska oo si xad dhaaf ah u maroorsama.
2- Dhicid ama siibasho.
3- Ciyaaraha.

Maxaa la sameeyaa hadii aad murqacato?

1- Nasasho, baraf aad saarto xubinta, iwm.
2- Xubinta oo laga ilaaliyo orodka iyo culayska.
3- Jimicsi (physiotherapy).

🚑 Hadii aad u baahato gargaar degdeg ah, ama dhaawac kusoo gaadho waxaad 24 saacadood naga soo garaaci kartaa nambarka gaaban ee 3010

Kalabaxa suxulku waa xaalad degdeg ah. Sugitaanka inuu iskii u bogsado ama isku dayga inaad adigu isku celiso waxay saba...
30/11/2025

Kalabaxa suxulku waa xaalad degdeg ah. Sugitaanka inuu iskii u bogsado ama isku dayga inaad adigu isku celiso waxay sababi kartaa:

1- Dhaawac neerfaha iyo seedaha ah
2- Xasillooni darro joogto ah
3- Qallafsanaan ama qallooc lafaha gala.
4- Xanuun iyo awood darro.

Inaad si degdeg ah u tagto goob caafimaad waxay suurto gelinaysaa in si dhakhsa ah suxulka la isugu celiyo, looga hortago dhaawacyo dheeraad ah oo nudaha soo gaadha, ama qallooc lafta gala, adiguna aad u heshid soo kabasho degdeg ah.

🚑 Hadii aad u baahato gargaar degdeg ah, ama dhaawac kusoo gaadho waxaad 24 saacadood naga soo garaaci kartaa nambarka gaaban ee 3010

🩺 Joogteynta ballamaha laguu qabtay iyo wargelinta dhakhtarkaaga waa lama huraan si loo ilaaliyo caafimaadkaaga.Baadhita...
29/11/2025

🩺 Joogteynta ballamaha laguu qabtay iyo wargelinta dhakhtarkaaga waa lama huraan si loo ilaaliyo caafimaadkaaga.
Baadhitaannada joogtada ahi waxay saamaxaan in goor h**e la qabto dhibaatooyinka, lalana socdo horumarka dawayntaada si looga hortago wax kasta oo dib u dhigi kara soo kabashadaada. Marka aad si dhamaystiran uga waranto xaaladaada, daawooyinka aad qaadato, ama isbeddellada aad dareento, dhakhtarku wuxuu qaataa go’aanno wanaagsan, adiguna waxaad heshaa natiijo caafimaad oo wanaagsan.

🚑 Hadii aad u baahato gargaar degdeg ah, ama dhaawac kusoo gaadho waxaad 24 saacadood naga soo garaaci kartaa nambarka gaaban ee 3010

Jimce wanaagsan! 🌸Ilaahay ha inoo ka dhigo Jimcahan maalin cibaado, caafimaad iyo cafis lagu kasbado🕌🕋 ✨     ❤️😊🕌🕋
28/11/2025

Jimce wanaagsan! 🌸
Ilaahay ha inoo ka dhigo Jimcahan maalin cibaado, caafimaad iyo cafis lagu kasbado🕌🕋 ✨
❤️😊🕌🕋

Dr Ismail Speciality Hospital waxa kuugu diyaara dhakhaatiir takhasus iyo khibrad dheeraad ah u leh la macaamilka dhamaa...
20/11/2025

Dr Ismail Speciality Hospital waxa kuugu diyaara dhakhaatiir takhasus iyo khibrad dheeraad ah u leh la macaamilka dhamaan xanuunada iyo dhaawacyada kale ee ciyaaraha ka yimaada.

📞 Hadii aad la dhibaataysan tahay dhaawacan ama dhaawacyada kale ee ciyaaraha ka yimaada, ka qabso ballanta: 0637077773

15/11/2025

Dadka macaanka qabaa waxay halis u yihiin:
🩹 Bogsashada nabbarada oo wakhti dheer qaadata
🦴 Daciifnimo lafaha ah iyo dhumucdooda oo yaraata (osteoporosis)
🤕 Xanuunada lafaha iyo kalagoysyada kuwaas oo saameeya dhaqaaqa qofka tayada noloshiisana hoos u dhiga.

Fariinta sanadkan aanu la wadaagaynaa qof kasta oo macaan la nool waa:
✨ ilaali caafimaadkaaga,
🏋️‍♂️ samee jimicsiyada kala duwan ee lafaha lagu xoojiyo,
🥗 cun cunto nafaqo leh oo isu dheellitiran,
🩺 si joogto ah dhakhtarkaaga ugu xidhnow,
🚫 hana dhayalsan xanuun ama barar kaaga yimaada jidhka iyo kalagoysyada.

Address

Https://goo. Gl/maps/YcN4V9tYqUS8P4DV 7
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Ismail Speciality Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Ismail Speciality Hospital:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category

WHO WE ARE

Iyada oo aanu ka jawaabayno baahiyaha baahsan ee dhanka xannuunnada iyo qalliinnada lafaha, waxa aanu muddo ka badan 35 sanno ahayn isbitaalka ugu weyn ee Soomaalilaan iyo Soomaalida kaleba u qaabilsan arrimaha baadhista, dawaynta iyo maaraynta dhaawacyada lafaha ee dadyawgii ku waxyeelloobay kuna dhaawacmay dagaalladii sokeeye. Waxa aanu adeegga ka bixin jirnay isbitaallo kala duwan sida ‘Al-Kawsar’ iyo ‘Gargaar’. Sannadkii tagayna waxa aanu soo kordhinnay isbitaal cusub oo shaqayn doona 24/7 oo gaar u ah dhanka lafaha, kaas oo loogu magac daray aasaasaha “Dr. Ismaaciil”. Iyada oo laga faa’idaysanayo khibraddiisa ka badan 35-ka sanno iyo qalabka farsamada cusub ee casriga ah, ‘Isbitaalka takhasuska ah ee Dr. Ismaaciil’ waxa ay ujeeddadiisu tahay in uu bixiyo adeegga lafaha ee tayadiisu ugu sarrayso iyo daryeelka ugu fiican ee la bixin karo si loo yareeyo baahiyaha caafimaad ee dadku dibadda u aadaan.

Hiigsiga Iyo Hiraalka

“In uu hoggaan u noqdo adeegga caafimaad ee dhaawacyada lafaha oo tayadiisu sarrayso qiimuhuna macquul yahay, oo ku jaan go’an daryeelka iyo ‘danta bukaanka’, iyada oo la adeegsanayo tignoolajiyadii u danbaysay, lana hirgelinayo qawaaniinta cilmiga ku salaysan”.

Qiyamka: