Barashada Caafimadka.

Barashada Caafimadka. soo gudbinta aqoon iyo taloyin caafimaad

01/08/2021
31/07/2021

Ku raaxaysta quranka.

15/07/2021

Qofku marka u shaqeysanayo waa saddex midkood.
1-qof u shaqeysanaya si u noloshisa iyo ta ehelkii u badbadsado.
2-qof u shaqeysanaya in u nolado nolol wacan.
3-qof u shaqeysanaya si uu maal u tabcado.

17/05/2021

Amazing pyramide discoveries found by scientists.

17/05/2021

mind tricks that contribute unhappines to you.

17/05/2021

Tricks that makes your skills easy.

16/05/2021

Top amazing discoveries in Egypt.

04/05/2021
24/04/2021

Sida loo yareyo Qandhada ama xumada

Hadii aad ledahay qandho ama qof aad daryeelayso u leyahay qandho raac talaboyinkan :-

1-Sariirta joog oo naso.
2-jidhkagu wa in u qoyanada,cab biyo,sharaab, ama shaah qabow.
3-waxaad isticmasha dawoyinka loo yaqano counter medicine sida, acetaminophen ama Ibuprofen xadigii loogu talo galay (proper dose) ilmaha markad siinayso wa in aad la tashato dhakhtarka.
4- is qabooji iska saar hadii aad dhar badan xidhantahay ama aad huwantahay hadii aadan dhaxamoneyn.
5- maydho si aad u darentid qabow biyuhu wa in ayna aad u qaboweyn.
Hadii aad ka so fiicnan weydo xaladad ku sugantahay fadlan tag ama la xidhiidh Dhakhtarka.
Lahanshaha xumadda ama qandhada waa jawaabta jirka ee la dagaallanka infekshannada ay sababaan fayrasyada ama bakteeriyada. Qandhooyinku sidoo kale waxay ka imaan karaan qorraxda oo ku gubta gubta ama tallaalo la qaato. Qof kastaa wuu u dareemi kara qandhada da’kasta ha leekade. Dadka difaaca jidhkoodu hooseyo ama xanuunada la nool sida macanka,dhiig karka waa uga nugulyihiin dadka kale xumadda dadka difaaca jidhkoodu caadiga yahay.

Haddii Aad Isku Aragto Calaamadahaan Borotiinka Ayaa Jidhkaaga Ku YarDadka badankoodu waxa ay ogyihiin in barootiintu ay...
11/04/2021

Haddii Aad Isku Aragto Calaamadahaan Borotiinka Ayaa Jidhkaaga Ku Yar
Dadka badankoodu waxa ay ogyihiin in barootiintu ay faa’iido badan u leedahay caafimaadka, laakiin dad badan ayaa aan aad u fahamsanayn sababta faa’iidadaasi. Barootiintu waa curiye muhiim u ah dhismaha unugyada jidhka, waana dhagaxa aasaaska u ah dhismaha timaha, maqaarka, ciddiyaha, muruqyada iyo carjawaha.

Jidhku waxa uu u baahan yahay barootiin si uu u soo saaro dheecaannada iyo hormoonnada, iyo sida oo kale unugyada dareenwadeyaasha. Barootiinta oo jidhka ku yaraataa waxa ay qofka ku keentaa dhibaatooyin waaweyn oo dhinaca caafimaadka ah, waxa aana ka mid ah:


Muruqyada oo dabca

Haddii aanu jidhku helin barootiin ku filan, waxaa dabca muruqyada. Haddii qofku isaga oo aan barootiin ku filan helin, jimicsi sameeyana waxaa dhacda in jidhku uu dib u adeegsado muruqyada si uu uga dhigto shidaal (Barootiin) taasina waxa ay dishaa ama meesha ka saartaa awooddii muruqyada oo dabcan jidhka lagama maarmaan u ah.

Timaha oo khafiif noqda

Haddii aad aragto timahaaga oo aad u khafiif noqday, ciddiyaha oo daciif noqday, ama maqaarka oo ingag badan yeeshay, waxa aad ogaataa in sababtu ay u dhowdahay in jidhku uu tabayo barootiin. Waxa ay khubarada caafimaadka maqaarku caddeeyeen in jidhka oo ay barootiintu ku yaraataa ay keento in uu awoodi kari waayo in uu dib u cusboonaysiiyo unugyadiisa, si ay shaqadoodu si habsami ah ugu qabsadaan.

Milix ama macaan

Barootiintu waxa uu dib dhigaa soo saarista macaanka dhiigga raacaya, sidaa awgeed waxa ay barootiintu caawisaa in in sonkorta dhiiggu ay isu dheellitirnaato. In la raaco nidaam cunto qaadasho oo barootiintu aad ugu yartahay, waxa ay sababtaa in dhaqso uu jidhku sonkor badan ugu sii daayo marinnada dhiigga, taasina waxa ay dad badan ku keentaa in ay jeclaystaan cunista badan ee cuntada milixda ama macaanku ku badan yahay.

Habdhiska difaaca oo taagdarreeya

Sababaha keena xanuunka daciifiya habdhiska difaaca, waxaa ka mid ah barootiinta oo jidhka ku yaraata. Dhammaan ugunyada difaaca ee jidhku waxa ay ka samaysan yihiin barootiin. Haddii uu jidhku waayo barootiin ku filanna, waxaa Meesha ka baxaysa awooddii ay unugyadani u lahaayeen in ay dib isu wanaajiyaan ama in ay tarmaan.

Tashuush maskaxda ku furma

Barootiinta oo jidhka ku yaraataa, waxa ay qofka ka qaaddaa awoodda u fiirsiga iyo feejignaanta ee maskaxda. Dhammaan unugyada dareenwadeyaasha, tusaale ahaan Serotonin iyo Dopamine waxa ay ka samaysan yihiin barootiinno. Haddii Barootiintaasi ay jidhka ku yaraatana waxaa dhacaysa in xaaladda dabeecadeed ee qofku ay xumaato, iyo in uu si muuqda hoos ugu dhaco heerka ama awooddda baraarugsanaanta iyo feejignaanta maskaxda.

Hurdo yaraan

Haddii aad isku aragto hurdo yaraan, inta badan sababtu waxa ay la xidhiidhaa cuntada aad cunto iyo noocyadeeda nafaqo, waxa aanay u badan tahay in dhibtu ay tahay barootiinta oo jidhku uu in ku filan ka waayey. Barootiinta oo jidhka ku yaraataa waxa kale oo ay keentaa Khalkhal ku yimaadda isu dheellitirnaanta hormoonnada, arrintaas ayaana ugu dambaynta keenta in tayada hurdadu ay lunto ama in qofku hurdo uu ka dhergo seexan waayo.

Acsaabta

Haddii uu jidhku barootiin ku filan waayo, waxaa Meesha ka baxaya awooddii uu jidhku u lahaa in uu dib u dhiso hadba nudaha la dhinta ama dhaawac ka soo gaadho hab nololeedka adduun ee daalka iyo dhibta badan. Arrintani waxa ay dad badan ku keentaa in xaaladdooda nafsiga ahi ay fiicnaan weydo iyo in ay diiqad badan dareemaan.

Hilibka xoolaha ayaa ka mid ah meelaha barootiinta ugu tayada badan ee dabiiciga ah laga helo.

Ilaha kale ee borotiinka laga heli karo waxaa ka mid ah:

-Kalluunka

-Digaagga

-Beedka ama ukunta digaagga

-Caanaha xoolaha

-Caano garoorka (yoghurt)

-Caanaha soya-da

-Noocyo digirta ka mid ah sida misirta iyo chickpen
X . Kamaal Marjaan

11/01/2021

TAXANAHA CAAFIMAADKA.

Waa Maxay Faa’iidada Caafimaad ee Laga Helo Mooska?

Moosku wuxuu ka mid yahay khudaarta ugu badan ee dalkeenna laga helo, isla markaana qiimo ahaan ugu jaban, Haddii aad ogaato faa’iidooyinka caafimaad ee mooska, waxaa hubaal ah inay isbeddeli doonto habka aad u aragto, Cunidda moosku waxay kordhisaa tayada faya-qab iyo caafimaad ee aadanaha.

Moosku waxa uu leeyahay tamar (Energy) waxaana laga helaa maaddada Potassium-ka oo faa’iido weyn u leh caafimaadka. Sidoo kale mooska waxaa ku jiro borotiin loo yaqaano “Tryptophan” oo maskaxda firfircooni siiya.

Sidoo kale mooska waxaa laga helaa macdanno kala duwan sida fitamiinnada B6, C, macdanta magnesium, copper, protein iyo dufan.

Mooska waxa uu leeyahay faa’iidooyin aad u tiro badan oo aan halkana lagu soo koobi karin waxaana ka mid ah:

1:Wuxuu isu-miisaamaa dheecanada jidhka “hormones” mooska waxa ku jira xaddi badan oo maaddooyinka Potassium iyo Vitamin B6 ah kuwaas oo sarre u qaada soo saarista xaddiga dheecaan walba ee loo baahanyahay.

2:Dhiig-karka: Mooska waxaa aad ugu badan maadda potassium, waxaana ku yar cusbada. Hay’adda maamusha cuntada iyo daawada ee dalka Mareykanka ayaa u oggolaatay shirkadaha mooska ka shaqeeya inay si rasmi ah u sheegtaan in mooska uu awood u leeyahay inuu yareeyo khatarta dhiig-karka iyo shalalka.

3:Wuxuu yareeyaa Niyad-jabka “Depression”: Moosku wuxuu yareeyaa heerka cadaadiska maskaxda ee ka dhasha wel-welka, walbahaarka iyo caloolyowga.

4:Waxa uu daweeyaa gaaska: moosku waxa uu ka hortagaa gaaska iyo nabarrada ku samaysma caloosha iyo mindhicirrada, Sidoo kale moosku waxa uu daweeyaa gaaska iyo nabarada caloosha.

5:Moosku wuxuu ilaaliya Tayada dhiiga: moosku waxa uu ilaaliyaa tayada iyo caafimaad qabka nudayaasha dhiiga, Cun 2 moos ah subax walba si aad uga badbaado dhiig-la’aanta.

6:Waa u daawo calool istaagga: Maadaama moosku ka mid yahay cunnooyinka ama khudaarta qolofta amaba diirka leh “Fiber” waxa uu daweeyaa calool istaagga, Cun 2xabo oo moos ah maalin walba oo ka takhallus calool istaaga.

7:Waxa laga helaa tamar “Energy”: Mooska waxaa ku jira 3 nooc oo sokor dabiici ah oo kala ah fructose, glucose iyo sucrose kuwaas oo ka caawiya jirku in uu helo tamar ku filan.

8:Wuxuu xoojiyaa lafaha: Moosku waxa uu xoojiyaa lafaha, Moosku wuxuu fududeeyaa nuugista calcium ka oo ah maaddo lafaha u roon. Sidaa darteed waxa uu lafaha ka dhigaa kuwo caafimaad qaba oo xooggan.

9:Wuxuu la dagaallama cudurrada: Moosku waxa uu yareeya sumowga jirka waxaana uu jirka ka nadiifiyaa wasakhda.

10:Wuxuu kordhiyaa xusuusta: cunidda moosku waxay sare u qaaddaa awoodda xusuuseed ee qofka, Xaddi badan oo ah Maadooyinka tryptophan, potassium iyo magnesium ee ku jira moosku waxay sare u qaadaan xusuusta.

11:Waxa uu yareeyaa halista dhiig-karka: Moosku waxa uu yareeyaa halista qofku ku qaadi karo xanuunka dhiig-karka “Dilaaga aamusan”. Maadaama mooska ay ku yartahay maaddada Sodium isla markaana ay ku jirto Potassium badan wuxuu 10% yareeyaa halista dhiig-karka.

12:Wuxuu caawiya Luminta miisaanka dheeriga ah: Moosku waxa uu sahlaa saarista iyo luminta baruurta aan loo baahnayn ee jirku kaydiyo.

Qodobkee Darenkaaga Si Gaar Ah Usoo Jiitay?

X.xudayfi

Hadaad tahay walaal ku cusub boggan, nagula soo biir si aad ula socoto qormooyin xiiso badan.

Address

Hargeisa
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Barashada Caafimadka. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Barashada Caafimadka.:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram