02/12/2025
Hingadu waxa ay si lama filaan ah ugu dhacdaa muruqa neefsiga (diaphragm), kaas oo sababa in neeftu si degdeg ah u joojiso, isla markaana laga dareemo ilmaha cod gaar ah oo lagu garto hingada. Carruurta iyo dhallaanku waa kuwa ugu badan ee lagu arko, sababtoo ah nidaamkooda dheefshiidka iyo muruqyada neefsigu wali si buuxda uguma bislaan. Hingadu badanaa waxay kutimaadaa xaalado fudud oo maalinle ah, sida ilmaha oo si dhaqso ah u nuuga caanaha ama wax loo siiyo iyadoo ay calooshiisu buuxsantay. Sidoo kale, reflux-ka caloosha, oo ah marka Asiidha calooshu uu dib ugu noqdo dhuunta, ayaa sidoo kale ka mid ah sababaha ugu badan ee keenaya in muruqa neefsigu si lama filaan ah u kaco.
Inkasta oo hingadu ay u muuqan karto wax laga walaaco, haddana inta badan waa dhaqan jidheed oo caadi ah oo aan halis lahayn. Carruurta badana waxay la kulmaan iyagoo caafimaadkoodu fiican yahay, waana xaalad inta badan si toos ah u istaagta iyadoon wax daawo ah u baahnayn. Ilmuhu inta uu hingoonayo badanaa ma dareemayo xanuun ama raaxo-darro muuqata, waana sababta ay u tahay arrin dad badan ay si fudud uga welwelaan halka run ahaantii aanay dhib badan keenin.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira xaalado gaar ah oo ay habboon tahay in waalidku dhakhtar la tashado. Haddii hingadu ka hor istaagto ilmaha inuu si fiican u nuugo ama u wax ucuni waayo, ama ay ku dhacdo xilliyada hurdooyinka oo ay carqaladeyso nasashadiisa, markaas waxaa wanaagsan in la baadho. Sidoo kale, haddii hingadu socoto saacado badan oo aanay istaagin, ama ay maalin dhan oo xidhiidh ah qabato, ama ay si xad-dhaaf ah u soo noqnoqoto maalmo isku xiga, waxaa fiican in dhakhtar uu eego si loo hubiyo waxa sababay. Xaaladahan waxay mararka qaar astaan u noqon karaan dhibaato kale oo u baahan qiimayn dheeraad ah.
Gebogebadii, hingadu waa dhaqan dabiici ah oo kubadan dhallaanka, waana xaalad iska timaadda oo badanaa aan u baahnayn wax faragelin ah. Waalidku waa muhiim inay fahmaan in hingadu caadi u tahay koritaanka ilmaha, isla markaana ay inta badan si iskeed ah u dhammaato. Laakiin haddii ay soo baxaan calaamado ka baxsan kuwa caadiga ah, waxaa habboon in talo caafimaad la raadsado si loo helo talo ku habboon caafimaadka ilmaha.
Nasrudin Hospital