Dr. Nuuradiin Dr.Garaad

Dr. Nuuradiin Dr.Garaad MBCHB| Mmed | Peads specialist, (Stell, SA)
Dakhtarka carruurta iyo dhalaanka

Daa’if Pediatrics Clinic, koonaha Bari ee City Center|📞521559 |

13/11/2025

Labadii usbuuc ee h**e waxaad soo daawateen caqabadaha uu leeyahay daawashada mobile ka ama aaladaha kale iyo dhibaatooyibka cuntada moorsan ay ku leedahay carruurta. Usbuucan waxaynu eegi doonaa faa’idooyinka naasnuujinta.

Waxyaabaha Ilaahaay SWT mooyaane aan Ibna-Adaan samayn karayn waxa ka mid ah caanaha naaska hooyada, si kasta oo caano loo sameeyo marnaba uma dhawaan karaan caanaha naaska hooyada.

Markaad u sii fiirsato, caanaha u h**eeya ee hooyada ka imaada waxa la idhaahdaa danbar “Cololstrum”, caanahaasi waa ilaa 5-7ml waa wax aad u yar se waxay ku filan yihiin muddo 24 saac ah, caanaha macmacalkaa ee intaa ku filan waa kuwee?

Halkan ka daawo faa’idooyinka naasnuujinta.

12/11/2025

Waalidka uunbaa garan kara hawsha ay carruurtu u baahan yihiin. Waa shaqo aan nasasho lahayn “Fulltime job” mar waa macalin, mar waa arday, mar waa askari ay xaaladuhu badbadalaan.

They are the unsung heroes, It’s a full-time job with no breaks, their love never runs out ❤️.

Waalidaka carruurtoodu calool-istaag ka cabanayaan waa in ay fahmaan in xalka ugu muhiimsan uu ku jiro cunto iyo in la c...
12/11/2025

Waalidaka carruurtoodu calool-istaag ka cabanayaan waa in ay fahmaan in xalka ugu muhiimsan uu ku jiro cunto iyo in la cabsiiyo biyo ku fila, taasaana ka muhiimsan dawada!

Ilmaha si joogto ah u sii biyo badan, khudrad cagaaran sida babayga weliba ha u shiidin ee u jarjar sidaasay jecelyihiine, muus aan aad u bislayn, iyo tufaaxuba way jilicyaan caloosha ilmaha

Hadaad roodhi siinayso u doon ta "Brown" ta ah ee lagu iibiyo supermarket yada, digirtu way kaa caawinaysaa inay calooshu si wanaagsan u shaqayso markaa ugu roonoow.

Ka fogow cuntooyinka dufanka badan leh, roodhida cad, buskudka iyo cuntooyinka moorsan oo dhan maadaama ay keenayaan ama sii badinayaan calool istaaga!

Waxaan fahmi waayay mooshaalida suuqa lagu sameeyo ee carruurta la siiyo marka ababka uu ku jiro ee ay ku jirto baastada iyo buskud Abuwaladka? Ismaan lahayn sidaasaa loo sameeyaa, haday se sidaa tahay maaha cunto wanaagsan oo caruurta lagu ababiyo.

11/11/2025

Hooyooyinka caanaha daasadaha siiya carruurtooda waa inay aad ugu fiirsadaan sida biyaha faxa iyo caanaha la iskugu qasayo. Caano walba waxay leeyihiin si sax oo loo qaso tusaale ahaan qaabka loo qaso caanaha Similac way ka duwan yihiin marka la barbar dhigo SMA. Waxa iyaduna muhiim ah inaan caanuhu oolin 2 saac wax ka badan kadib markaad qasto hadii kale way xumaanayaan, laguna dadaalo nadaafada gacmaha iyo musaasada dhamaanteed

Marka laga yimaado firfircoonida iyo faraxsanaanta uu ka qaado ilmuhu markuu hurdo wanaagsan seexdo, waxyaabaha kale ee ...
11/11/2025

Marka laga yimaado firfircoonida iyo faraxsanaanta uu ka qaado ilmuhu markuu hurdo wanaagsan seexdo, waxyaabaha kale ee hurdada wanaagsan laga faa’ido waxa ka mid ah in la soo daayo xiligan hormoon la idhaahdo “Growth Hormone” oo qaabilsan koritaanka ilmaha. Waxa laga sii daaya qanjidh la idhaahdo “Pituitary gland” waxaana si wanaagsan loo sii daayaa xiliga uu ku jiro ilmuhu hurdada “dhagi da ah”

Hormoon kani wuxuu ka caawiyaa ilmaha waxyaabaha ay ka mid ka yihiin:

- Koritaanka lafaha iyo murqaha
- Samaynta unguyo cusub
- Dib u hagaajinta iyo daryeelida unugyada dhaawacu soo gaadheen
- Horumarinta maskaxda iyo difaaca jidhka

Markuu hadana ilmuhu heli waayo hurdo ku filan, sida kuwa aadka u daawada shaashadaha moobile ka iyo TVga, waxa yaraada in hormoonkan la soo daayo waxaanay sababi kartaa waxyaabaha ka mid ka ah

- Koriinka oo gaabis gala
- Daal joogto ah
- Difaaca jidhka oo yaraada
- Xanaaq, feejignaan yaraan iyo xitaa inaanu ku wanaagsanaan dugsiga iyo wax barashada

Celcelis ahaan hurdada carruurtu u baahantay waxa lagu qiyaasaa:
0–1 sano: 14–17 saacadood
1–3 sano: 12–14 saacadood
4–6 sano: 10–12 saacadood
7–12 sano: 9–11 saacadood
Dhalinyada: 8–10 saacadood

Weli ma is waydiisay ama ma dareentay boorsada ilmaha yar iskuulka ama dugsiga uu qaataa inay culustay oo aad marmar is ...
10/11/2025

Weli ma is waydiisay ama ma dareentay boorsada ilmaha yar iskuulka ama dugsiga uu qaataa inay culustay oo aad marmar is tidhaahdid ba malaa qof wayn bay ku culustay?

Marar badan waxa kuu imanaya ilmo ka cabanaya dhabar xanuun, qoor xanuun ama madax xanuunba. Markaad waraysto qaar badan waad dareemaysaa inay wax culus qaadeen, maadaama aanay guriga dhexdiisa hawl ka qaban waad dareemaysaa ina waxa kaliya ee ay qaadaan tahay boorsada ay dugsiga la tagaan.

Markay sidaa ugu cuslaadaan waxa macquula carruurtu inay bilaabaan inay iskuulka u arkaan culays halkii uu ka ahaan lahaa meel ay wax ku bartaan, taas oo keenta walbahaar maskaxeed oo ay kaba warwaraan tagidiisa.

waxyaabaha la samayn karo waxa ka mid ah si taa loo yareeyo.
1. In si wanaagsan loo qorsheeyo intuu maalintaa u baahan yahay si aanu wax kasta u wada qaadan
2. In la yareeyo cutubyada buugta si aanay u cuslaan
3. Dugisiyada wadamada qaar waxay leeyihiin meelo khaanado ah oo carruurtu ku ridato buugtooda, oo ay kaga tagaan dugsiga si aanay una sii qaadin una soo qaadin oo aanay culays dheeraada ku keenin. Waa mid ay samayn karaan dugsiyadu

Si fudud marka loo dhigo waa in miisaanka boorsada ilmahu aanu ka badnaan 10% miisaankiisa guud. Tusaale ahaan, haddii ilmuhu miisaankiisu yahay 30 kg, boorsadiisu waa in aanay ka badnayn 3 kg. Ka waran hadii 5kg ama 8kg boorso loo dhiibo ilmo miisaankiisu yahay 15kg!!!

Kobaca maskaxda ee ilmahu wuxuu si degdeg ah u dhacaa ilaa da’da 6 san ee u horaysa noloshiisa, xilligaas maskaxdu waxay...
09/11/2025

Kobaca maskaxda ee ilmahu wuxuu si degdeg ah u dhacaa ilaa da’da 6 san ee u horaysa noloshiisa, xilligaas maskaxdu waxay u qoyantahay sida dhoobada oo kale, wax kasta oo ilmaha la baraana way ku dhagayaan si wanaagsan. Unugyada neerfaha ayaa xoogaysta muddadan kaasoo u saamaxa in ilmaha yari wax cusub barto kolba. Neerfayaasha si joogto ah loo isticmaalo way xoogaystaan, halka kuwa aan la isticmaalin ay lumiyaan shaqadooda ama ay gaabis galaan!

Inta lagu jiro marxaladdan ama da'dan, ilmaha waa inuu barto xirfado kala duwan sida:

1. Horumarinta dareenka (sensory development),
2. Xakamaynta murqaha yaryar,
3. Miisaamidda iyo dheellitirka
4. Barashada luqadda iyo isgaadhsiinta,
5.Dabeecadaha bulshada iyo la qabsiga asxaabta ama carruurta ay isku da'da yihiin

Waxyaabahan oo dhan waxay dhisaan asaaska inuu wax barto ilmaha yari . ha ahaato mid rasmi ah ama mid aan rasmi ahayn.

Halkaa markay marayso, waa lama huraan in xiligan markuu ilmahu marayo looga faa'ideeyo noloshiisa si buuxda, lana siiyo jawiga ugu habboon ee uu waxna ku baran karo kuna kori karo.

Berigii h**e, qoysasku way wada daganayeen ama way isku xidhnayeen sidaa si leeg bulshadu way is dhex gali jirtay, ilmuhu wuxuu heli jiray waayo-aragnimo kala duwan oo dhiirrigelinaya kobcinta maskaxda iyo la dhaqanka bulshada. Laakiin maanta, iyadoo la arkayo isbeddelka nolosha casriga ah iyo qoysaska oo gooni u nool, carruurtu waxay waayaan fursado badan oo ay ka heli lahayeen barasho iyo isdhexgal dabiici ah.

Waxaan ku talin lahaa, waxaa habboon in ilmaha laga bilaabo da’da 3 sano la geeyo meelaha carruurta la iskugu keeno sida "KG" ga meel ay ku helaan barasho aan rasmi ahayn iyo isdhexgalka bulshada oo uu la kulmo caruur da'diisa ah, si maskaxdoodu si caafimaad leh u kobocdo. Waa muhiim meelahaas in kharashkoodu uu noqdo mid la awoodi karo si cid kasta u gaysan karto. Muhiimadu inuu wax barto maaha, se waa inuu dadka dhex galo ilmuhu

08/11/2025

Sanadkan 2025 ee sii dhamaanaya, bukaannada ugu badan ee aan dhigay cusbitaalka waxay ahaayeen kuwa qaba cudurrada faafa sida oofwareenka, shuban iyo matag, iyo caabuqyada kala duwan ee dhiiga (Sepsis).

Kiisaskaasi waxay aad u badnaayeen afartii bilood ee u h**eeyay sannadka (January ilaa April), xilliyada qabow caruurrtu way u nugulyihiin xanuunada ku dhaca dhuumaha hawo mareenka iyo sanbabada sida oofwareenka oo kale.

Dhinaca kale, bilaha dambe ee sanadka, marka kulaylka la galo waxaa yaraaday cudurrada infekshannada, waxaana kor u kacay kiisaska aan faafin sida xiiqda, macaanka ama suuxitaankaba

Carruurta la dhigay ee lahaa caabuqyadaa oofta ama calool xanuunku ku dhawaad waxay ahayeen 47.4% sanadkan, taasoo muujinaysa in cudurrada faafa ay weli yihiin sababta ugu badan ee loo keenayay carruurta dakhtarka, waxa kale oo sannadkan inagu badnaa jadeecada oo waxa dilaacday "Jadeeco". Waxaynu markaa u baahanahay in la sii xoojiyo tallaabooyinka ka hortagga sida tallaalka, iyo wacyigelinta bulshada si loo yareeyo cudurradaas soo noqnoqda ee la xidhiidha nadaafadda iyo difaaca jidhka ee carruurta.

Dhinaca xiisaha lihi waxa weeyaan, waxaa jiray 38 kiis oo iyagu is fasaxay xitaa markuu dhakhtarku ku idhi jooga, waalidka bukaanadaa, laba bukaan oo kaliya ayay ku kaliftay xaalad dhaqaale 36 ka kale lamay xidhiidhin wax dhaqaale ku saabsan! “discharged against medical advice” (DAMA) iyo 15 kiis oo absconded ah (ka baxsaday isbitaalka).

Labadan kooxood waxay ahayeen 27.3% guud ahaan bukaannada sanadkan, ama ha baxsadeen ama ha ka baxaan dakhtarka iyadoon la fasixin . Tan laftigeedu waxa laga baran karaa in loo baahan yahay in qorshe laga yeesho oo la isku dayo in lagu qanciyo waalidka iyo masuuliyiinta bukaanka si loo yareeyo ilmihii oo aan bogsan in lagala baxo dakhtarka. Waalidiintu laftigoodu waa inay masuuliyad dheeraada iska saaraan ilmahooda oo ay ogaadaan in ay khatar galinayaan caafimaadka ilmahooda waxaanay keeni kartaa xanuunkii oo ku soo noqda ama kaba sii daraba!

Xog uruurin ku kooban halkan “Page ka” ayaan waydiiday waalidiinta iyo dadka kalaba sababta ugu wayn ee ay u malaynayaan...
08/11/2025

Xog uruurin ku kooban halkan “Page ka” ayaan waydiiday waalidiinta iyo dadka kalaba sababta ugu wayn ee ay u malaynayaan in waalidku ama qofka ilmaha ka masuulka ahi aanu u tallaalin ilmahiisa.

Wadarta guud ee codaysay waxay ahaayeen 596 qof, waxaana natiijadu muujinaysaa in sababta ugu weyn ee waalidiintu uga baqaan tallaalka ay tahay warwarka ay ka qabaan badqabka tallaalka, waalidiintaasi waxay ahayeen 64% (384 qof). Sababta labaad ee ku soo xigatay waxay ahyd wararka ay maqlaan baraha bulshada oo ah 15% (90 qof), kuwaasi waxay noqon karaan tusaale ahaan in uu tallaalku keeno awtiisam waloow aanay sal iyo raad lahayn. Ka saddexaad wuxuu ahaa waxyeellooyinka dadban (side effects) sida xummad ama lugtoo bararta ilmaha iyana waxa doortay 14% (84 qof). Ugu dambayn, 6% (38 qof) ayaa aaminsan in jidhku iskii iskaga difaaci karo cudurrada (natural immunity) oo odhanaya “anagaba waalidiintaydii lama tallaalin” oo iloowsan waalidiintood inaanay helin fursadan ay iyagu maanta haystaan.

Dad badan oo kale markay faalooyinka dhiibanayaan waxay sheegayaan qodobo macquula oo run ah sida:

- Inaan shaqaalaha caafimaadku markay ilmaha mudayaan aanay siin xog rasmi ah oo ay mudaan uun
- In shaqaalaha laftigoodu aany carbisanayn oo ay u baahan yihiin tababar dheeraada

Arrimahani waa kuwo dhab ah oo Wasaarada Caafimaadka hor yaala, waxaana muhiima intuu tallaalku maqan yahay ee aan “kaambayn” tallal socon in la sii wado wacyi galinta, waxa daruuri ah in la dhiso kalsoonida ay bulshada iyo waalidku ku qabaan shaqaalaha caafimaadka lana siiyo wacyi galin joogto ah, ilaa taa la helo kuma qasbi kartid waalidka inuu tallaalo ilmahiisa, hadii kale waxay maqalayaan khuraafaadka kale ee laga faafiyay tallaalka ee aan waxba ka jirin!

05/11/2025

Cuntada moorsan way macaantay waa dhab se waa bilaa nafaqo. Waxa ka mid ah jibista, cabitaanada sonkorta leh, beergar ka, biisaha iwm.

Carruurta iyo qofka waynba wuxuu u baahan yahay cunto nadiif ah, nafaqo leh oo badanka guriga lagu kariyay si maskaxda ilmaha yar iyo jidhkuba u koraan.

Daawo muuqaalkan hoose si aad warbixin dheeraada uga sii hesho.

05/11/2025

Maaddaama qoraalkaygii shalay ee ku saabsanaa xafaayadaha ay dad qaar si khaldan u fasirteen sidii xayeysiin iyadooy ahayd talo caafimaad iyo waayo-aragnimo shaqsi si waalidiintu u helaan faham cilmiyeed oo ay ku doortaan waxa ugu wanaagsan ee ilmahooda.

Sidaa darteed, maanta waxaan doonayaa inaan si guud aan waalidiinta ugala taliyo intii aan ka aqaano arrimaha caanaha iyo nooca u wanaagsan ilmahooda ee ay siinayaan. Tusaale ahaan keebaan ku haboon da'dooda iyo caafimaadkoodaba?

Maadaama aynaan halkan ku soo qori karayn oo buuq badan ka dhalanayo cidii u baahan farrin way ii soo diri kartaa, intaan ka gaadhana waan uga jawaabi 24 saac ee soo socda Idam Alle.

Ujeedadu waa in la helo in la helo waalid wax fahansan iyo ilmo caafimaad qaba.

Address

Hargeisa

Telephone

+252634426081

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Nuuradiin Dr.Garaad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr. Nuuradiin Dr.Garaad:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram