11/11/2025
⚠️ WACYI GELIN – CELLULITIS (Caabuqa Maqaarka Hoostiisa)
Cellulitis waa caabuq halis ah oo ku dhaca maqaarka iyo unugyada hoostiisa, badanaa wuxuu ka bilaabmaa meel yar oo dhaawac ah sida gashashada, qaniinyada, ama nabar yar oo aan la nadiifin.
🦠 Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah:
Meel gaduudan oo kulul marka la taabto
Barar iyo xanuun
Maqaarka oo jilicsan ama la dareemo inuu dhumuc yeeshay
Qandho iyo daal guud
🩺 Sababaha keena:
Bakteeriyada Streptococcus ama Staphylococcus aureus
Dhaawacyo furan ama jeexyo
Nadaafad xumo ama dhaawac aan la daaweyn
💊 Daaweynta:
Waxaa lagu daaweeyaa antibiotics uu dhakhtar qoro
Waa muhiim in bukaanku si dhakhso leh u raadsado daryeel caafimaad
Haddii aan la daaweyn, caabuqu wuxuu ku faafi karaa dhiigga ama unugyada kale
🧼 Kahortag:
Dhaawacyada si fiican u nadiifi oo u dabool
Ka fogow isticmaalka qalab wasakh ah
Daryeel nadaafadda gacmaha iyo jirka
Haddii aad qabto sonkorow ama difaac jidhka oo daciif ah, taxaddar dheeraad ah samee
Caafimaadkaaga waa mas’uuliyaddaada — wax yar oo la dayaco wuxuu keeni karaa dhibaato weyn.