King Fahmi Hogad

King Fahmi Hogad Personality

Hypoglycemia◇
04/04/2021

Hypoglycemia◇

06/12/2020
Ilmo yar oo la odhan jiray  , ayaa maalin maalmaha ka mid ah ka Soo rawaxay dugsigii uu dhiganayey, isaga oo gacanta ku ...
29/09/2020

Ilmo yar oo la odhan jiray , ayaa maalin maalmaha ka mid ah ka Soo rawaxay dugsigii uu dhiganayey, isaga oo gacanta ku sita waraaq macalinkiisu ku yidhi “Hooyadaa u gee”. Si warmoogi ah ayuu Hooyadii ugu yidhi “Hooyo, macalinkii wuxu igu yidhi u gee warqadan Hooyadaa, hana akhrisato iyada ayaana kuu sheegi doonta waxa ku qoran” Isla markii ay akhriday wixii ku qornaa warqadda, ayey indhaheedu sida roob mahiigaan ah ilmadu uga hoortay. “Hooyo macaan, ii sheeg maxaa ku qoran waraaqda?” ayuu si aan kala joogsi lahayn ugu celceliyey.
Iyada oo weli indhaheeda ilmadu ka tif leedahay ayey si kalsooni leh ugu tidhi “waxa ku qoran wiilkaagu waa Cabqari Kasmo badan, dugsiganna heerka maskaxdiisu way ka sarraysaa. Haddaba maadaama aanay halkan joogin macalimiin u tababaran inay wax baraan qof isaga oo kale ah, fadlan adigu Guriga wax ugu dhig”

Eddison Hooyadii way dhimatay isna muddo ka dib wuxu noqday mid ka mid ah cabqariyadii ugu kasmada badnaa qarnigiisa, waxaanu hindisay oo uu sameeyey Nalka maanta la sh*to.

Maalin maalmaha ka mida isaga oo baadhaya Shandad hooyadii lahaan jirtay ayuu ka dhex helay warqaddii uu berigaasi macalinkiisu u soo dhiibay. Waabu furay oo akhriyey. Yaab baa kaga soo baxay iyo wax aanu filanayn!!!

Farriinta warqada ku qorani waxay tahay “Wiilkaagu waa “DHAANDHAAN” maskax ahaanna ma dhigan karo dugsigan. Sidaas darteed, Dugsiga waa laga eryey”

Edison waxa uu buuggiisa xasuus-qorka ku xusay: “ Thomas A. Edison waxa uu ahaa ilmo DHAANDHAAN ah oo kasmadiisu dhantaalan tahay, balse Hooyadii ay ka dhigtay CABQARIGII qarniga”

Ha ilaawin in weedh qudha oo dhiirrigelin ahi qof dhan mustaqbalkiisa ay wanaajin karto.

12/09/2020

Injineerka Diyaaradaha Guuleed Airplane
Gacan Qabashuu Rabaah

Address

New Hargaysa
Hargeisa

Telephone

+252634680706

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when King Fahmi Hogad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram